26th July 2024  admin  Category :

Ra’isul Wasaare Rooble oo amar culus dul dhigey golahiisa wasiirada

Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku amray Golaha Wasiiradda ee Xil-gaarsiinta in Ra’iisul Wasaaraha go’aan kasta oo ay gaarayaan ama qoraal kasta oo ay soo saarayaan ay kala tashadaan ra’iisul wasaaraha.

Qoraal loo diray Golaha Wasiirada xilalka sii haya ayaa sidoo kale lagu amray in qoraal walba oo ay saarayaan nuqul kamid ah u gudbiyaan xafiiska ra’iisul wasaaraha ama sii hayaha ku xigeenka ra’iisul wasaaraha la tashi kadib.

Qoraalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa sidoo kale lagu xusay in aan la aqbali doonin tallaabo walba oo ka horimaaneysa tilmaamaha kor ku xusan ee ah amarka la faray Golaha Wasiirada Xil-gaarsiinta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*