25th October 2024  admin  Category :

Maamulka Beelaha  Isaaq ku midaysan yihiin ee Somaliland , Isimadooda iyo shacabkooda midna kama hadlin wixii ka dhacay xadka u dhaxeeya gobolada Bari iyo Sanaag,  oo ummad Muslimiin ah oo suxuuranaysay  lagu xasuuqay. Waxayna u muuqataa in taageersan yihiin kooxda aan magacyadooda iyo muuqaalkooda la garanayn ee weerarkan gaystay.

Maamulka Beelaha  Puntland ay  wada samaysteen , dawladoodu waa ka hadashay wixii halkaas  dhacay, xildhibaanada Fedraalka ee dawladda Soomaaliya ee degaanadaas  ka soo jeedaa iyaguna  waa ka  hadleen.

Shacabkii Puntland  ilaa maalintii xasuuqu ka dhacay  buuraha CALMADOW  safaf dhaadheer ayeey  ugu jiraan sidii ay dhiigooda   ugu deeqi lahaayeen Askarta iyo shacabka ku soo dhaawacmay weerarkas oo  Cisbitaalada yaala.  In badan oo ka mid ah bulshada Puntland iyaguna  labadii maalmood ee ina soo dhaafay waxay samaysteen Kijooyin waaweyn oo ay cunto ugu karinayaan dhaawaca

Halka bulshada Puntland intooda  badani ayna aqoon magacyada muuqaalka ,  iyo wejiyada dadkii weerarka soo qaaday, in badan oo ka mid ah Saraakiisha Beesha Isaaq iyagu waa  kuwo  og magacyada, muuqaalka iyo beelaha ay ka soo jeedaan  dadkii  werarkan soo qaaday. Sababtoo ah iyaga ayaa soo tababaray.

Hoos ka daawo shacabkii reer Puntland ee Camo, Ceeldaahir iyo jiingadda oo safaf ugu jira inay dhiig bixiyaan

Image may contain: one or more people, people standing and outdoor

Image may contain: 1 person, sitting

Hoos ka akhriso qoraal ay soo msaaren beesha Isaaq oo haba yaraatee aan  lagu xusin tacsina loogu dirin bulshadii ay sheegan jireen ee Buurta Calmadow

Sawirka Sheriff Youssef.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*