Faahfaahinta duqaymihii u dambeeyey ee Maraykanku ka gaystay buuraha Calmiskaad
yada oo weli uu socdo dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee Puntland ka waddo buuraha calmiskaad ee bariga Puntland ayaa waxaa sidoo kale kordhay duqaymaha dalalka shisheeye ay ka gaysanayaan halkaasi.
Duqaymihii u dambeeyay ayaa khasaaro badan gaarsiiyay sida ay Puntland sheegtay kooxda daacish.
Wasiirka Warfaafinta Puntland Caydiid Dirir ayaa u xaqiijiyay BBC duqaymaha, waxaana uu sheegay maalin iyo habeenba in la beegsado kooxdaasi.
”Maalmihii u dambeeyay iyo habeenadiiba duqaymo ayaa socday cirka ah oo lagu hayay argagxisada caalamiga ee buuraha calmiskaad meelaha ay kaga dhuumanayeen oo ay kaga sii harsan tahay meesha la yiraahdo Miiraale, inta badan habeenkii baa la duqayn jiray, maalmihii u dambeeyayse habeen iyo maalin ayaa la duqaynayay khasaaro badan ayaa gaaray” ayuu yiri wasiir Caydiid.
Wasiirka ayaa intaa ku daray in aysan daacish ka harin tiro ciidamadooda hor istaagi kara.
”Xoogaa yar oo baxsad ah oo godad ku dhuumaalaysanaya oo ciidamadu maalinba maalinta ka dambaysa ay masaafo maalin socod ah ay u sii jirsanayaan baa ka hadhay oo dhinac walba lagaga hareeraysan yahay oo meel ay u baxsadaan aysan jirin. Waxaan rajaynaynaa nimankaasi wakhtigoodii iska soo dhamaaday, duqayntuna dhibaato ayay u gaysatay” ayuu yiri.
Caydiid ayaa sidoo kale tilmaamay meelihii ay adkayd ciidamadu inay lug ku galaan ay fududeeyeen duqaymaha diyaaradaha, uuna si fiican u socdo iskaashiga dagaalka.
Dhanka ciidamadooda ayuu sheegay wasiirku inay weli sii socdaan oo ay sii marayaan togag iyo buuro, ayna u harsan tahay masaafo aad u yar.
Kooxda Daacish ayuu sheegay godad horay dabiici u ahaa ay dhismayaal ku kordhiyeen, halkaasi oo ay gabaad ka dhigtaan, haatana uu sheegay inay dabargo’ ku sii dhow yihiin.
Caydiid ayaa intaasi ku daray inay guul ka joogaan dagaalka,lagagana awood roonaaday argagixisada kusoo duushay bariga Afrika, Puntland iyo buuraha calmiskaad, sida uu hadalka u dhigay.
Ciidamadooda ayuu sheegay inay jabiyeen, haatana ay ku harsan yihiin xubno yar oo baxsad ah. Waxaa kaloo uu sheegay in meelo kala duwan maydadkooda laga helay.
”dagaalkaas waxaa ka muuqda in lagu guulaystay in yaroo daba iska raacin ah oo kali ah ay ka hadhay” ayuu yiri wasiir caydiid.
Kharaaha Puntland ka soo gaaray dagaalkii ay daacish la galeen ayuu sheegay ”dagaal haddii uu yimaado khasaare wuu imaanayaa, askariga inuu dhinto iyo inuu wax dilo labadaba wuu ku talagalayaa qorshihiisa ayay kamid tahay uu khatar galayo, inuu cadow iska celiyo uu ka guulaysanayo uu ku talagalayo, wixii dhimasho yimaada waa shuhado, wey ku talagaleen waa shahiideen. Iyaga oo sooman bay caddow nafta iyo maalka banaystay dhiigooda banaystay oo diintooda fasahaadinaya bay la dagaalamayaan. Dhimasho waa imaanaysaa waa loo dulqaadanayaa”
Maraykanka oo sheegay in dawladda federalka ay ka codsatay duqaymaha
Maraykanka ayaa kordhiyay duqaymaha ay ka gaysanayaan buuraha Calmiskaad ee bariga Puntland, waxaana qoraalo ay soo dhigeen bartooda Internet-ka 31-dii Maarso iyo 1-dii Abriil ay ku xuseen howlgalo duqaymo ah oo ay la beegsadeen ISIS-ta Soomaaliya.
Howlgalada ayay sheegeen in uu ahaa codsi ka yimid dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana kii 1-dii Abriil, 2025 uu ka dhacay koonfur-bari magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka bari.
Qiimaynta bilowga ayaa AFRICOM ku sheegtay dhowr kamid ah ciidamada daacish lagu dilay howlgalkaasi, iyada oo aan wax khasaara ah soo gaarin dadka rayidka oo aysan jirin sida ay sheegeen wax dhaawac ah ama dhimasho ah.
AFRICOM ayaa intaasi ku dartay inay iyaga oo wada socda Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamadeeda ayaa sii wadayaan inay talaabo qaadaan oo ay burburiyaan awoodda ay ku qorshayn karaan ama ay ku fulin karaan weeraro khatar ku noqon kara gudaha Maraykanka, ciidamadeena iyo dadkeena rayidka ee dibadda jira
Dhankeeda Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa duqaymaha u dambeeyay ku sheegtay inay iska kaashadeen taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM).
Maxay tahay fadeexadda “Qatargate” ee loo xirxiray raggii la shaqaynayey Netanyahu
Garsoorka Maxkamad ku taala Israa’iil ayaa saddex maalmood ku kordhisay sii xirnaanshaha labo ka mid ah la taliyayaasha ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Natenyahu, kuwaasi oo sugaya baaritaano dheeri ah oo booliska iyo kuwa laanta amniga ee loo yaqaan Shin Bet ay ku sameynayaan, iyaga oo loo haysto kiis ay warbaahintu ugu yeerto ‘fadeexadda Qadar ”Qatargate”.
Baaritaanada ayaa billowday laba bilood ka hor, waxaana horumarka kiiskan laga sameeyay uu yahay warqadda soo qabashada ee lagu soo xirayo labadan la taliye. Waxaana lagu tilmaamay horumar la taaban karo oo qeexaya jiritaanka caddayn la taaban karo oo ku aadan ku lug lahaanshaha kiiska.
Labada nin ee looga shakisan yahay in kiiskan lala xiriirinayo ayaa kala ah Yonatan Urich iyo Eli Feldstein, oo labaduba gacanyare u ahaa Netanyahu.
Sida laga soo xigtay Hay’adda Warbaahinta Dadweynaha ee Israa’iil, Netanyahu ma aha mid looga shakisan yahay kiiska.
Baaritaanka fadeexadda “Qatargate” ayaa lagu bartilmaameedsanayaa xubno ka tirsan dowladda oo looga shakisan yahay inay dhaqaale ka helaan Qadar si ay gacan uga geystaan kor u qaadista sumcadda dalkaasi, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.
Netanyahu oo loo haysto eedo musuqmaasuq oo kale ayaa diiday eedeymaha la xiriira kaaliyaashiisa iyo Qadar, wuxuuna ku tilmaamay been abuur ah iyo olole siyaasadeed oo isaga ka dhan ah.
Sarkaal ka tirsan dowlada Qadar ayaa beeniyay eedeymahaasi, wuxuuna ku tilmaamay inay qeyb ka yihiin “olole sumcad dil ah” oo ka dhan ah dalkiisa, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.
Netanyahu ayaa si dhakhso ah uga tagay maxkamadayn musuqmaasuq Isniintii si uu u markhaanti furo baaritaano kale oo gooni ah oo la xiriira suurtagalnimada xiriirka u dhaxeeya kaaliyayaashiisa iyo Qadar, sida ay tabisay warbaahinta dadweynaha Israa’iil.
”Baaritaano daba socda oo ay sameysay laanta qaran ee baaritaanada caalamiga, laba tuhmane ayaa la xiray maanta si su’aalo loo weydiiyo,” sida ay ku sheegeen booliska Israa’iil qoraal ay soo saareen Insniintii.
Baaritaanadii dhowaa ee ay sameeyeen shirkadda warbaahinta dadweynaha Israa’iil iyo wargayska Haarertz ayaa tilmaamaya tuhumo la xiriira kaaliyayaasha ay iskudaba rideen caawimaad ama ka qayb qaateen olole kor loogu qaadayo muuqaalka dibadda ee Qadar. Waxaana kaaliyayaashu ay diideen inay wax khalad ah ay sameeyeen.
Baaritaanada ka dhanka ah Urich iyo Feldstein waxaa ku jira laaluush, xiriir ay la sameeyeen hay’ad dibadeed, Aaminaadii lagu qabay oo buriyeen, lacag dhaqis, dambiyada canshuuraha.
Qodobka 114 ee xeerka ciqaabta dambiyada Israa’iil ayaa dhigaya ”Xiriir lala sameeyo hay’ad dibadeed” ha ahaato mid toos ah iyo mid aan toos ahayn, xataa haddii aysan u keenay amaanka qaranka dhibaato rasmi ah, waxaa ku filan in la caddeeyo in tuhmanuhu uu ogaa, ama ay ahayd inuu ogaado, in dhinaca kale uu u shaqeynayo hay’ad shisheeye oo cadaw ah ama mid leh dano siyaasadeed ama amni oo ka hor imaanaya danaha Israa’iil.
Ciqaabtu waxa ay noqon kartaa ilaa 15 sano oo xarig ah, waxaana laga yaabaa in ay gaarto xabsi daa’in ,gaar ahaan hadii uu xiriirku la xiriiro ujeedada ah in la basaaso ama la faafiyo xog xasaasi ah.
Sharciga ka hortagga lacagta la dhaqay ee Israa’iil ee (2000) wuxa uu kusoo rogayaa xayiraad adag dhaqdhaqaaqa lacagaha sharci darrada ah. Ka qaadashada lacag hay’ad ajnabi ah, gaar ahaan haddii aan lagu wargelin hay’adaha ay khusayso, waxaa loo arkaa xad gudub halis ah oo damaanad qaadaya in lagu soo oogo dambi.
Haddii la caddeeyo in lacagaha la wareejiyay loogu talagalay inay saameyn ku yeeshaan go’aannada dowladda, arrintu waxay yeelanaysaa waji kale oo siyaasadeed iyo mid amni ah.
Asbuucii hore, booliiska ayaa xiray Feldstein Urich si su’aalo loo weydiiyo, ka dib markii la sii daayay cajalado cod ah oo ganacsadaha Israa’iil ee Gil Berger uu qirtay inuu lacag ka xawilay koox u ololaysa Qadar isaga oo u diray Feldstein, sida uu sheegay wargayska Haaretz.
Booliska ayaa tuhunsan in Feldstein uu lacag ka helay ganacsade Maraykan ah Jay Footlick oo u diiwaan gashan u ololeeyaha Qatar, taas oo lagu beddelanayo soo daabicidda fariimaha wanaagsan ee Qadar ku saabsan, isaga oo ka shaqeynayay warbaahinta ku wareegsan Netanyahu, sida uu sheegay Yedioth Ahronoth.
Sida laga soo xigtay Haaretz, qareenada Feldstein, waxa ay qireen in macmiilkooda uu lacag ka helay Berger, laakiin waxa ay sheegeen in lacagaha la bixiyay ay ahaayeen “adeeyada istaraatiijiga ah iyo isgaarsiinta ee uu Feldstein siiyay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, ma ahan mid u socotay Qadar.”
Qodobbada 284 ilaa 290 ee Xeerka Ciqaabta ayaa ka hadlaya arrimaha musuqmaasuqa siyaasadda iyo maamulka. In laaluush laga qaato xisbi shisheeye oo lagu beddelanayo adeeg siyaasadeed ama dawladeed waxa loo arkaa dembi aad u culus, oo lagu mutaysan karo 5 ilaa 10 sano oo xarig ah.
Jebinta aaminaadda oo ay ku jirto in qofka booskiisa looga faa’iideysto dano gaar ah, waa dembi lagu ciqaabi karo xarig ilaa saddex sano ah.
Kiiskan, Feldstein ayaa lagu tuhunsan yahay inuu lacag ka helay xarun Qadari ah si uu ugu beddelo adeegyada ku xiran xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. wareejinta lacagahan waxay sidoo kale muujin kartaa shakiga lacagta la dhaqay.
Nofembar-tii la soo dhaafay, Haaretz ayaa soo warisay in Urich iyo Srulik Einhorn, oo hore uga tirsanaan jiray kooxdii warbaahinta Netanyahu, ay sameeyeen olole xiriirka dadweynaha si ay u wanaajiyaan sumcadda Qadar ka hor martigelintii Koobka Adduunka ee 2022.
Shirkadooda Perception ayaa lagu eedeeyay inay la kaashatay shirkad kale oo Israa’iil ah si ay Qadar ugu muujiso inay tahay xoogga nabadda iyo xasilloonida. Orik iyo Perception labaduba eedeymaha waa ay diideen.
Sida ku cad qodobbada 117 iyo 118 ee xeerka ciqaabta, waxaa ka reebban qof kasta, gaar ahaan kuwa xil qaran haya, in ay faafiyaan xogta sirta ah ee ay helaan inta ay ku guda jiraan shaqadooda. Sharcigu ayaan doonayn waxyeelo dhab ah oo dhanka amniga ah, taas beddelkeeda waxaa ku filan in ay jirto suurtagalnimada in xogtaas looga faa’ideysto sifo dhaawaceysa dowladnimada.
Kiiska Urich ayaa looga shakisan yahay in uu xogta u gudbiyay koox Mareykan ah oo u ololeysa Qadar, taas oo ka dhigan xadgudub toos ah oo lagu sameeyay sharcigan. Haddii la caddeeyo, ciqaabtu waxa ay gaari kartaa 10 sano, waxaana lagu kordhin karaa ilaa 15 sano haddii ay jirto ujeedo cad oo lagu waxyeeleynayo amniga qaranka.
Madaxii shaqaalaha Netanyahu ayaa loo baarayaa eedeymaha la xiriira wax ka beddelka xogta la xiriirta weerarkii 7-dii Oktoobar.
Sixir Siyaasadeed?
Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in wariye u shaqeynayay wargeys caan ah loo yeeray si su’aalo loo weydiiyo.
Netanyahu ayaa isniintii tilmaamay in uu ka marag furay kiiska, isaga oo ku qeexay baaritaannada kuwo siyaasadeysan, wuxaana uu cambaareeyay xarigga labo ka mid ah kaaliyayaashiisa.
Muuqaal uu soo saaray Netanyahu ayuu ku sheegay “Isla markii la i waydiiyey in aan marqaati furo, waxa aan sheegay in aan diyaar u ahay oo aan doonayo in aan si degdeg ah u marag furo”.
Waxa uu intaa ku daray, “Waan fahmay in baaritaanku uu ahaa mid siyaasadeed, laakin ma aanan ogeyn ilaa heerka ay gaarsiisan tahay, in ay afduub ahaan u haysteen Yonatan Urich iyo Eli Feldsteinโฆ Ma jiro wax kiis ah, gabi ahaanba waxba ma jiraan, waa iska sixir siyaasadeed, wax kale ma ah”.
Wasiirkii hore ee cadaalada Israa’iill Shimon Sheetrit ayaa sheegay in baaritaanada socda aysan ahayn oo kaliya “ugaarsiga saaxiriinta siyaasadeed”, sida dadka qaar ay sheegeen, balse ay salka ku hayaan “caddeeymo adag” oo tilmaamaya xiriirka shaki ee ka dhexeeya la-taliyayaasha Netanyahu iyo Qadar.
Shetrit waxa uu intaa ku daray isaga oo la hadlayay BBC in xiriiradan uu ku jiro “in la bixiyo lacago aad u badan oo lasii marsiinayo dhex dhexaadiyayaal iyo saamayntooduna sii gaariaysa dalalka kale, taas oo keentay in su’aalo la iska weydiiyo saamaynta xiriirkan uu ku yeelan karo ammaanka Israa’iill.”
Waxa uu tilmaamay in “baaritaannada ay si dadban ula xiriiraan la-taliyayaasha Netanyahu, iyada oo aysan jirin wax caddaynaya oo ku lug lahaanshaha gaarka ah ee ra’iisul wasaaraha,” waxaana uu carrabka ku adkeeyay in ay jiraan shakiyo xooggan oo ku aadan hab dhaqanka lataliyayaashiisa.
Yossi Kuperwasser oo ah madaxii hore ee waaxda cilmi baarista sirdoonka militariga ayaa ku tilmaamay xaalada hadda mid aan caddayn, isaga oo sheegay in baaritaanka lagu sameeyay la-taliyeyaasha Netanyahu uu gaaray heer uu soo saaro amarro lagu soo xirayo shaqsiyaadka ku dhow dhow Ra’iisul Wasaaraha, laakiin weli lama xaqiijin ku lug lahaanshaha tooska ah ee Qadar.
Waxa uu BBC-da u sheegay in jiritaanka xiriirka Qadar uusan ahayn caddeeymuhu kuwa dhamaystiran oo ay tahay in la sugo cadeymo dheeraad ah ka hor inta aan gunaanad la gaarin.
Feldstein ayaa la xiray dhamaadkii sanadkii hore, waa la sii daayay, waxaana laga dhigay xabsi guri isaga oo lagu eedeeyay inuu faafiyay dukumeenti sir ah oo la xiriira wada xaajood lagu sii deynayo la haystayaasha Qaza, si looga weeciyo warbaahinta inay dhaleeceeyaan ra’iisul wasaaraha Israa’iil.
Qadar xiriir diblumaasiyadeed lama laha Israa’iil, Israa’iil-na uma aragto dowladdaasi Khaliijka dal cadaw ah, inkasta oo ay martigeliso madaxda Xamaas, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.
Qadar iyo Masar ayaa ka ciyaarayay door dhexdhexaadin ah gaaritaanka heshiis u dhaxeeya Israa’iill iyo Xamaas si loo gaaro xabbad-joojin dagaalka ka socda marinka Qaza tan iyo Oktoobar 7, 2023.
Fadeexadda “Qatargate” sidoo kale waa magaca loo bixiyay baaritaan garsoor oo dhowr xubnood oo ka tirsan baarlamaanka Yurub lagu eedeeyay inay heleen laaluush si kor loogu qaado danaha Qadar iyo Morocco. Labada dal way beeniyeen eedeymahaas.
Muuqaal uu soo dhigay bartiisa Instagram-ka ayuu Netanyahu ku sheegay in kaaliyayaashiisa la haysto ay yihiin maxbuusiin, kaddib markii la xiray, isaga oo dhanka kale ku tilmaamay baaritaanka mid siyaasadeed oo aan caddeyn loo hayn. Hadalkiisa ayaa dhaleecayn kulul uga yimid qoysaska la haystayaasha ee lagu haysto Qaza.
Xarigan ayaa sare u qaadaya xiisadaha siyaasadeed ee ka jira Israa’iil, iyada oo dowladdu ay isku dayayso inay shaqada ka cayriso madaxa adeegga amniga gudaha ee Shin Bet iyo xeer ilaaliyaha guud, iyada oo la ballaarinayo awoodaha ee maamulka siyaasadda ee xaalka magacaabista garsoorayaasha.
Arrintan ayaa dibad baxyo ka dhalisay Israa’iil, waxayna ku soo beegantay iyada oo ay milatarigu dib u bilaabeen duqeymaha ay ka wadaan marinka Qaza.
Xisbiga Netanyahu ee Likud ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in xarigga adag ee Yonatan Urich uu ka dhigan yahay sharci cusub oo ololaha siyaasada oo u jeedkuna yahay ololo siyaasadeed oo lagu doonayo in xilka looga tuuro ra’iisul wasaaraha garabka midig loogana hortago in shaqada laga eryo madaxa hay’adda amniga gudaha ee fashilmay.
Laba asbuuc ka hor, dowlada Israa’iil ayaa si wadajir ah u meel marisay soo jeedinta Natanyahu ee in la cayriyo madaxa Shin Bet, Ronen Bar, halka maxkamada sare ay laashay cayrintiisa.
Dacwad oogaha dowlada Gali Baharay-Miara oo wajahaya cayrin taasi lamid ah ayaa sheegay xukunka bilowga ee maxkamada uu ka hor tagay magacaabida madax cusub oo ay yeelato Shin Bet.
Xaaladda muhaajiriin Soomaali ku jirto oo laga soo tarxiilay Maraykanka, kuna go’doonsan dal ku yaalla bartamaha Ameerika
Waxaa ay ahayd muddo bil ka badan tan iyo intii tobanaan soo galooti isugu jira Aasiyaan iyo Afrikaan ah lagu xiray Hotel lagu raaxaysto oo ku yaala magaalada Panama, iyaga oo caawimaad ka dalbanaya daaqadaha.
Waxaa laga soo masaafuriyay Maraykanka, waxaana hadda ay ku xaniban yihiin dalka koonfur u xiga bartamaha Maraykanka, iyada oo aysan haysan meel ay uga baxaan.
Waxaa ay isugu jiraan rag, haween iyo carruur ka kala yimid dalalka Iiraan,Afgaanistaan,Nepal,Pakistan, Soomaaliya, Ereteriya, Cameron, Shiinaha, Ruushka, sida laga soo xigtay dhaqdhaqaaq diimeed Fe Y ee Alegria.
Ururka waxaa ay hadda martigaliyaan 51 qof oo soo galaati ku sugan caasimada.
Sida laga soo xigtay dowlada Panama tiro 192 ilaa 299 oo aan diiwaan gashanayn ayaa laga soo masaafuriyay Maraykanka, waxaana si isxilqaan ah ay ku ogolaadeen inay ku laabtaan dalalkii ay asal ahaan ka soo jeedeen.
Kuwa sii joogay ayaa loo ogolaaday si kumeel gaar ah inay u helaan ogolaansho bini’aadanimo oo 30 maalmood ah, iyada oo wakhtiga lagu kordhin karo ilaa 60 maalin, wixii wakhtigaasi ka dambeeya waa laga masaafurinayaa Panama.
BBC-da ayaa la hadashay saddex kamid ah dadka la soo masaafuriyay oo kala ah labo u dhashay Iiraan iyo mid kale oo ka soo jeeda dalka Afgaanistaan.
Dhamaan saddexdu waxaa ay ogolaadeen inay ku laabtaan dalalkii ay ka yimaadeen, iyada oo aysan jirin fursad kale oo u furan sida ay sheegeen.
”Sanadkii 2022, waxaan go’aansaday in aan diintayda bedelo oo aan kirishtaan noqdo. Iiraan, ciqaabtu waa dil,” Artemis Ghasemzadeh u sheegay BBC.
Dowlada Panama ayaa sheegtay soo galootiga aan ku laaban Karin dalkooda, waxaa ay leeyihiin fursada dal saddexaad oo doonaya inay qaataan.
Kuwa la hadlay BBC, ayaa si kastaba ha ahaatee sheegay in aysan haysan meel ay ku laabtaan.
Soo galootiga ku sugan hoteelka Decapolis oo doonaya inay qabtaan dareenka dadka ayaa waxaa ay haystaan calaamad ay ku qoran tahay ”kuma badbaadi karno dalkeena”
Sidee ku soo gaareen Panama
Artemis waxaa ay ka soo qaxday Iiraan, ka dib markii dowlada ay ogaatay sida ay sheegtay kaniisad Kirishtaan oo qarsoodi ah, iyada oo xirtay labo ka mid ah saaxiibadeed.
Waxaa ay u sheegtay BBC tan iyo intii la dilay Mahsa Amini oo ah haweeneey dhalinyaro ah oo reer Iiraan ah oo la xiray laguna garaacay sababta ay si caadi ah ugu xiran weyday xijaab, waxaa ay ku wajahday xijaabkeeda dhibaatooyin badan, sida ay sheegtay Artemis.
Artemis ayaa soo gaaritaankeeda Maraykanka ka hor, waxa ay u duushay Imaaraatka carabta, ka dib Koonfur Kuuriya, iyada oo ugu dambeyn timid Mexico.
Waxa ay si sharci darro ah iyada oo uu la socdo walaakeed ka soo gudubtay xuduudka Maraykanka iyo Mexico, iyada oo u jeedkeedu uu ahaa in ay magangalyo codsato.
Waxaa ciidamada ilaalada xuduudka ay ku xireen San Diego oo ka tirsan California.
Maalmo ka dib, iyada iyo soo galooti kale oo badan ayaa loo sheegay in loo beddelayo Texas, waxaase ugu dambayn laga dajiyay magaalada Panama.
Panama ayaa qaadatay ilaa 299 soo galooti ah sida Artemis, taasi oo qayb ka ahayd heshiis ay la galeen maamulka Trump.
BBC ayaa la xiriirtay labadaba dowladaha Maraykanka iyo Panama, si ay u hesho faahfaahin la xiriirta heshiiska, laakiin ma aysan helin jawaab.
Soo galootiga ayaa marka hore lagu hayay hoteel lagu raaxaysto Decapolis muddo asbuuc ah.
Wasiirka amniga Panama ayaa sheegay wakhtigaas in aysan xirnayn, laakiin ay si kumeel gaar ah u hayaan si loo ilaaliyo, iyada oo sida oo kale ay kormeerayeen hay’adaha QM.
Waxaa laga hortagay inay la xiriiraan caalamka intiisa kale iyo sidoo kale in ay heli karaan xiriirka qareemo.
”Dadkani waxa ay ahaayeen dhibanayaal aan helin fursad lagu marsiiyo nidaam, waxaana si dhakhso ah loogu qaaday Panama, iyada oo aysan jirin macquul ahaanshaha ay ku codsan karaan magangalyo, helitaan la’aan qareen iyo in aysan wax xiriiro ah sameyn asbuucyo.” ayay tiri Jaunita Goebertus oo ah agaasimaha hay’adda xuquuqda aadanaha (HRW).
Todobaad ka dib, dowlada Panama ayaa ku dhawaaqday 171 qof oo la soo masaafuriyay ay si isxilqaan ah u ogolaadeen inay ku laaabtaan dalalkooda, maraykankuna uu bixinayo dhaqaalaha ku baxaya.
Kuwa aan ogolaan in ay laabtaan ayaa loo beddelayaa xerada San Vincente ee gobolka Darien, taasi oo si kumeel gaar ah u ahayd hoyga soo galootiga isku dayaya in ay gaaraan Maraykanka.
Xerada ayaa ku taala meel Afar saac looga yimaado caasimada Panama, geeskana u xigta kaymo.
Dhamaan saddexda qof ee ogolaaday wareysiga BBC ayaa sheegay xaalada xerada Darien ay ahayd mid daran oo aan lahayn cunto ku filan.
”Waxaan qabaa sonkor, Imana aysan siin dawadeyda. Sonkorta dhiigayga aad ayay u kacsanayd, mana jirin cid i caawisa. Waxaa ay iila dhaqmeen sidii xayawaanka iyo qof dilaa ah” ayuu yiri Arsalan oo sidoo kale ah Iiraani.
”Cuntada ay na siiyeen uma muuqan sidii cunto oo kale. Xerooyinka waa ay qurmuunaayeen, waxaana meel kasta yaalay jeermis” ayuu ku daray. “Si guud, noolama dhaqmin sidii bini’aadamka”.
Waxaa uu intaas ku daray ilaalo ay si joogta ah u daba socotay, xataa ilaa musqusha.
Sida laga soo xigtay dowlada Panama, IOM iyo UNHCR, oo labaduba ah hay’ado qaramada midoobay ayaa maamula daryeelka xarunta ee soo galootiga.
Afhayeenka IOM ayaa u sheegay BBC 20-kii Febraayo aysan hay’addu wax joogitaana halkaasi ku lahayn.
Artemis ayaa u sheegtay BBC in hay’adaha QM aysan imaan San Vicente ilaa maalmo ka dib.
Agaasimaha HRW ee Maraykanka ayaa sheegay in soo galootiga lagu hayay xaalado isku filnaansho la’aan ah, iyaga oo aan ka warqabin halka ay ku wajahan yihiin si u helaan xuquudooda aasaasiga ah.
Soo galootiga ayaa ku jiray xero muddo laba asbuuc ah markii dowladda Panama ay ku dhawaaqday qorshe si joogta ah loogu sii daynayo inay muddo 30 maalmood ah ku sugnaadaan dalka.
Wakhti yar ka dib markii la sii daayay Artemis ayaa u sheegay BBC dadka la soo masaafuriyay inay walaacsan yihiin, maxaa yeelay ma ogayn waxa ku dhici doona iyaga.
Xaaladooda ayaa sii adkaatay, xaqiiqdiina ma heli karaan wax lacag ah, ma haystaan cid ay wacaan, kumana hadli karaan afka Spanish-ka
Markii ay la hadlayeen BBC waxaa ay ku sugnaayeen Hoteel ku yaala magaalada Panama.
”Ma garanayno cidda naga bixisay. Waxa ay noo sheegeen in ay hoteelkan caawa ku signaanayno. Beri ma naqaano halka aynu ku wajahanahay,” ayuu yiri Hoh.
”Waxaynu helnay in looga tagay xarun basaska oo ku taala magaalada Panama, iyaga oo qaar badan aysan haysan meel ay joogaan,” ayuu Goebertus u sheegay BBC.
Madaxweynaha Panama Jose Raul Mulino ayaa si bilow ah u ogolaaday Maraykanka uu Panama ka ka dhigto ”buundo” dal la geeyo kuwa la soo masaafuriyo, ma aha dal martigaliyo.
Hadda qorshayaasha waa is bedeleen, waana maamulka Panama kuwa kontaroolaya waxa xiga ee dhacaya.
Goebertus ayaa sheegaya in dowlada Panama ay masuul ka tahay waddan saddexaad oo halkaasi loo diro,
BBC qaybteeda Mundo ayaa la xiriirtay wasiirka amaanka iyo laanta adeega socdaalka si ay u weydiiso waxa cadaadiska ah ee la qaaday si loo difaaco soo galootiga, laakiin ma aysan helin wax jawaab ah.
Seexashada meesha lagu jimicsado
Tan iyo intii loo soo celiyay magaalada Panama, dadka la soo masaafuriyay ayaa caawimaad ka helayay kaniisad kaatoolig ah.
Intooda ugu badan ayaa ku nool goobta jimicsiga Fe Y alegria oo ay masuul ka yihiin ururka kaatooliga, kuwa kale ayaa ku sugan guryaha daryeelka.
Elias Cornejo oo kaaliye ka ah maamulka soo galootiga Fe y Alegria ayaa sheegay 51 qof 16 kamid ah ay yihiin rag, halka 35 ay yihiin haween, kuwaasi oo weli la jooga. Qaar kalana waxaa looga tagay inay si iskood ah u noolaadaan.
Qaar ayaa go’aansaday inay qaxooti ka raadsadaan Panama, inta soo hartay ayaa weli go’aansanaya waxa xiga ee ay sameyn lahaayeen.
Cornejo ayaa sheegay hal qoys oo Afrikaan oo ka tagay iyaga u sheegeen in ay isku dayayaan inay ku laabtaan Maraykanka.
Ma cadda waxa ku dhici doona soo galootiga marka ay dhamaato 30-ka maalmood ee loo ogolaaday , ma joogayaan mise waxa ay u baahan yihiin inay ku darsadaan ogolaanshiyaha joogitaankooda.
Sidoo kale ma cadda haddii soo galooti cusub oo laga soo saaray Maraykanka ay imaan doonaan dalka.
Laba boqol oo soo galooti ayaa laga soo masaafuriyay Maraykanka iyaga oo la geeyay Costa Rica oo xad la wadaagta Panama, bishii Febraayo. Intooda ugu badan ayaa ku sugan xaalad hubanti la’aan oo la mid ah kuwa kale.
Hal bil iyo bar ka dib oo ay ku sugan yihiin Panama, ayaa Artemis, Arsalan iyo Hoh waxay weydiisashadooda tahay hal arrin oo ah ”Xoriyad iyo meel caadi ah oo ay ku noolaadaan, intaasi ayaa nagu filan anaga”.
Argagixisaddii SNM, ee dhibta ku haysay shacabka aan hubaysnayn ee Sool iyo Sanaag, markii danbena u gudbay buuraha Cal miskaad iyo koonfurta Soomaaliya ayaa hadda heshiis la galay Talibaan si caalamka intiisa kale u argagax geliyaan