Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaan uga digaynaa hirgelinta qorshaha la xiriira in dal shisheeye ay ku wareejiyaan maamulka hawada Soomaaliyeed, taas oo ah tallaabo dhaawacaysa qarannimada iyo madaxbannaanida Soomaaliyeed.

Faahfaahinta dekedda ay Djibouti u soo bandhigtay Ethiopia

Faahfaahinta dekedda ay Djibouti u soo bandhigtay Ethiopia

Dawladda Jubuuti oo isku dayaysa inay qaboojiso xiisadda u dhexeysa Soomaaliya iyo Ethiopia oo maalmahan sii xumaanayey ayaa u soo bandhigtay Ra’iisal wasaare Aby Ahmed qaab cusub oo ay ku heli karaan galaangalka badeed ee ay Addis Ababa ay doonayso inay ku gaadho badda.

Djibuuti ayaa sheegtay inay Ethiopia siinayso dekadda Tojora oo ay si buuxda oo 100% ah u maamulato, waxna kala soo dagto iyadoo ka faa’iidaysanaysa waddada cusub ee dhowaan ay dhiseen taasoo isku xiraysa xuduudda ay wadaagaan Addis Ababa iyo Djibouti.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Djibuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa hadalkan ka sheegay waraysi uu siiyay barnaamijka BBC Focus on Africa.

Djibuuti ayaa sidoo kale sheegtay in go’aankan ay u qaadatay si xal loogu helo xiisadda ka dhalatay heshiiskii is-afgaradka badeed ee ay Ethiopia la gaartay Somaliland, taasoo cirka isku sii shareertay kadib markii dhinacyadu ay ku kala kaceen wadahadalkii ugu dambeeyay ee ay ku yeesheen Turkiga iyo tallaabooyinkii xigay ee ay qaadeen.

Haddaba Xildhibaan Cabdoow Ciise Bullaale oo ka tirsan golaha baarlamaanka ee Djibouti oo khadka telefonka ugu warramay Falastiin Axmed Iimaan ayaa faahfaahiyey go’aanka Djibouti, sababta ay u qaateen iyo inta ay la’egtahay Rajada ay ka qabaan in Ethiopia ay aqbasho soo jeedintooda.

Nin 38 sano maraykanka ugu xirnaa dambi uusan gaysan oo ugu dambayntii xabsiga ku geeriyooday

Nin 38 sano maraykanka ugu xirnaa dambi uusan gaysan oo ugu dambayntii xabsiga ku geeriyooday

Ma lihi wax dambi ah”. Krishna Maharaj oo Ingiriis ah ayaa hadalkaas u sheegay maxkamadda, warbaahinta iyo qareenadiisa. Wuxuu u xirnaa 38 sano dambi uusan galin.

Muddadaas oo dhan waxa uu ku jiray xabsiga gobolka Florida ee dalka Maraykanka, ka dib markii lagu helay in uu laba nin ku dilay Miami sannadkii 1986-kii.

Inkasta oo garsooruhu uu ogolaaday in aanu geysan dambiyo ay galeen xubno ka tirsan kooxda Medellín ee uu hoggaamiyo Pablo Escobar, haddana Maharaj ma helin xorriyaddiisa.

5-tii Agoosto, isagoo 85 jir ah, Maharaj wuxuu ku dhintay isbitaalka xabsiga halkaas oo la dhigay.

“Markii ay igu xukumeen dil, taasi waxay ahayd xukunkeygii ugu horeeyay, waxaan ku dhacay sagxadda maxkamada. Waan rumaysan kari waayay in la igu xukumay dambi aanan garanayn, oo aanan waligay geysan,” ayuu yidhi Maharaj Wareysi uu siiyey BBC 2019.

Qareenka Maharaj, Clive Stafford Smith, ayaa u suurtagashay in uu xukunka dilka ah u bedelo xabsi daa’im, ka dibna waxa uu ku guulaystay in maxkamaddu xukmiso in Maharaj aanu mas’uul ka ahayn dhimashada lagu xukumay.

Laakinse way u suurto gali weyday inuu xabsiga ka saaro.

Krishna Maharaj
Qoraalka sawirka,Krishna Maharaj

Maxkamaddu waxay sheegtay in la hayo caddaymo ku filan oo muujinaya in Maharaj aanu wax dambi ah lahayn, balse kuma filna in la sii daayo,” ayuu Stafford u sheegay wargeyska The Guardian ee ka soo baxa Britain.

Haatan xaaska Maharaj, Miss Marita iyo Stafford ayaa isku diyaarinaya in maydkiisa loo qaado waddankii uu asal ahaan ka soo jeedo.

Oktoobar 16, 1986, muwaadin Jamaican Derrick Moo Young iyo wiilkiisa Duane ayaa meydkooda laga helay qol ku yaal DuPont Plaza Hotel ee Miami.

Dhammaan meydadka waxaa ka muuqday dhaawacyo rasaas ah. Baaritaan ayaa bilowday taasoo keentay in dacwad lagu soo oogo Kris Maharaj.

Maharaj, oo Ingiriis ah, asalkiisuna Hindi yahay, oo ah milyaneer ka shaqaysta ganacsiga soo dejinta muuska, ayaa muran ganacsi dhex maray Moo Young.

Sida laga soo xigtay warbixinnada bilayska, Maharaj wuxuu qorsheeyay inuu kula kulmo Moo Young mid ka mid ah qolalka hoteelka. Sida laga soo xigtay mid ka mid ah goobjoogayaasha, markii ay qolka ku jireen, Maharaj ayaa toogtay Moo Young iyo wiilkiisa.

Sababta ayaa lagu tuhmayaa in ay tahay muran ka dhashay lacag uu Moo Young si been abuur ah uga qaatay qaar ka mid ah qaraabada Maharaj ee jasiirada Trinidad, Maharajna uu doonayay in uu soo celiyo.

Qareenka Maharaj, Clive Stafford Smith
Qoraalka sawirka,Qareenka Maharaj, Clive Stafford Smith

Maharaj ayaa la xiray, isagoo lagu eedeeyay inuu dilay labo qof, wax ka yar hal sano kaddib, waxaa lagu xukumay dil toogasho ah.

“Ma joogin hoteelka, lix qofna waxay yiraahdeen maalintaas waxaan joogay meel 30 kiiloomitir u jirta hoteelka. Ma rumaysan karin inay igu xukumayaan,” Maharaj ayaa sidaa u sheegay BBC 2019-kii.

Muddo lix sano ah, inkasta oo maxbuusku isku dayey inuu caddeeyo inuusan wax dambi ah lahayn oo uu ka fogaado ciqaabta dilka, ma jiraan wax isbeddel ah. 1993, Stafford, oo ah qareen xuquuqul insaanka, ayaa go’aansaday inuu kiiska galo.

Yaa ku lug lahaa

Waxa ugu horeeyay ee uu Stafford sameeyay waxa ay ahayd in uu racfaan ka qaato in xukunka dilka ah loogu badalo xabsi daa’in, kaas oo uu ku guulaystay 2002. Kadib waxa uu xooga saaray in uu cadeeyo in Maharaj aanu wax dambi ah galin.

Dembigu wuxuu dhacay 1980-meeyadii, markii ka ganacsiga maandooriyaha uu ku baahay Miami; gaar ahaan dagaalka qarsoodiga ah ee u dhexeeya shirkadaha Colombia iyo kuwa ka ganacsada daroogada Cuba dhexdooda.

Stafford waxa uu helay caddaymo muujinaya in Moo Young uu ku lug lahaa ka ganacsiga maandooriyaha dilkiisana lagu eedeeyay in ay fuliyeen xubno ka tirsan kooxda Medellín.

Asal ahaan, dilka waxaa amray Pablo Escobar, waxaana fuliyey taageerayaashiisa.

“Waxaan u safray Medellín si aan u helo xubno hore oo burcad ah oo weli nool, si aan ugu markhaati furo kiiska, waxayna sheegeen in Maharaj uusan wax lug ah ku lahayn dambiga,” Stafford ayaa u sheegay BBC.

Muddo dhowr sano ah, qareenku wuxuu raadinayay qaab uu ugu furo kiis cusub Maharaj, isagoo isticmaalaya dhammaan cadeymihii la aruuriyay ee muujinayay inay jiraan dad kale oo danaynayey dilka Moo Young iyo gaar ahaan lix markhaati oo xaqiijiyay inuu aad uga fogaa goobta uu dilku ka dhacay.

Laakin codsi kasta oo naxariis ama isku day ah in rafcaan laga qaato, ayaa la diiday.

“Dawladda federaalka oo aan doonayn in ay dhegaysato caddaynta iyo guul-darraysiga in la sii daayo qof aan waxba galabsan waa wax laga xumaado” ayuu Stafford u sheegay BBC.

John Jairo Velásquez oo loo yaqaano Popeye
Qoraalka sawirka,John Jairo Velásquez oo loo yaqaano Popeye

Caddaymo markhaati

Bishii Nofeembar 2017, sarkaal hore oo ka tirsan hay’adda al dagaallanka Maandooriyaha (DEA), ayaa u sheegay maxkamadda in dadka lala xiriirinayo Pablo Escobar ay ku sugnaayeen mid ka mid ah qolalka DuPont Plaza Hotel maalintii uu dilka dhacay.

Sida ku cad hadalka sarkaalkaas hore, Escobar wuxuu amar ku bixiyay Moo Young in la dilo sababtoo ah wuxuu haystay lacag uu ururkiisu lahaa, wuxuuna sii mariyey hanaan khiyaano leh oo uu lacagtaas ku xalaaleystay.

Waxa uu sheegay in xogtan uu ka helay Jhon Jairo Velásquez, oo loo yaqaan Popeye, kaas oo la sii daayay Agoosto 2014 ka dib markii uu 23 sano ku jiray xabsiga.

Popeye wuxuu ahaa mid ka mid ah ku-xigeennada ugu sarreeya ee Escobar, sida laga soo xigtay markhaatiga sarkaalkii hore, ujeeddada ayaa ahayd in la hagaajiyo akhlaaqdiisa oo uu shaaca ka qaado in Maharaj si khalad ah loo xiray.

Cadeymaha cusub, oo ka xoog badan tii uu horey u helay 2019 ka dib 33 sano oo dambiga la galay, qareenkiisa ayaa u dagaalamay in kiiska Maharaj dib loo eego, si loo caddeeyo inuusan wax dambi ah laheyn oo uu ku laabto gurigiisa.

Isla sanadkaas, Garsoore ka tirsan Maxkamadda Racfaanka ee Mareykanka, ayaa tilmaamay in ay jiraan waxyaabo caddeynaya in Maharaj uusan dambi lahayn.

Si kastaba ha ahaatee, markii kiisku uu u gudbay Maxkamadda Racfaanka ee Federaalka, waxay go’aamisay in go’aanka garsoorka uusan ku filneyn inuu sii daayo Maharaj.

Xaaskiisa Marita Maharaj, oo aan joojin inay ninkeeda booqato muddo 38 sano ah, ayaa u guurtay England dhowr sano ka hor iyadoo ku fekeraysay in ninkeeda loo wareejin doono xabsi British ah.

Laakiin 5-tii Agoosto, mushkilado caafimaad darro oo is biirsaday ka dib ayuu Maharaj ku geeriyooday isbitaalkii xabsiga ee la dhigay.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa dhowr jeer ku celceliyey in dowladdiisu xoogga saarayso isku filnaanshaha cunnada ee gudaha dalka lana xoojinayo wax soo saarka beeralayda dalka sida horraan uu ka sheegay baarlamaanka dalkiisa.

Itoobiya ayaa ka mid ah dalalka Bariga Afrika ku yaalla ee leh dhul beereed baaxad leh.

Deegaannada ismaamullada Itoobiya ee hadda xoogga saaraya soo saarista noocyo kala duwan oo cunooyin ah oo dabooli kara baahida cunnada dalkaas waxaa ka mid ah Dowlad-deegaanka Soomaalida.

Sida uu BBC-da u sheegay Cabdiqaadir Iimaan Maxamuud oo ah madaxa xafiiska beeraha ee Dowlad-deeganka Soomalida, waxay qorshynayaan soo saairsta bariis kaafin kara baahida deegaanka iyo Itoobi

Hindisahan wax-soo-saar oo dhanka bariiska ah ayuu Xafiiska beeraha ee degaanku sheegay inay filayaan inay wax-ka-beddesho cunta yarida sarena loogu qaadayo yoolka ay dowlad deegaanku ku hiigsanayso isku-filnaansho cunto.

“Mashruucan waa qayb ka mid ah barnaamijka dib u casriyeyna ama xoojinta wax soo saarka oo qorshihiisu yahay 10 sano,” ayuu yiri Cabdiqaadir Iimaan.

Bariiska ayaa ka mid ah cunnooyinka rasmiga ah ee ay Soomaalidu isticmaasho balse inta badan dalalka ku yaalla qaaradda ugu yimaada dibadda.

Madaxa xafiiska Beeradah Cabdiqaadir Iimaan Maxamuud, wuxuu BBC-da u sheegay in mashruucan looga goleeyahay in lagu dhimo ku-tiirsanaanta badeecadaha cunada ee dibadda laga keeno.

Xafiiska Beeraha ee dowlad deegaanka Soomaalida

Deegaanada laga beeray bariiska

DDS

Mashruucan ayaa wejigiisa koobaad laga sameynayaa dhul gaaraya ilaa 3,000 hektar basle bilowgii ayuu mashruucu la kulmay caqabado ka dhashay fatahaado ka dhacay deegaanka sida uu BBC-da u sheegay Cabdiqaadri Iimaan madaxa y xafiiska beeraha ee dowlada deegaanka Soomaalida.

Wuxuu sheegay in caqabado ay dhaliyen fatahaado ka dhacay deegaanka owgeed ay u suura gashay in la beero dhul dhan ilaa 600 hektar.

Cabdiqaadir, wuxuu sheegay in habkan wax soo saarka bariiska loo adeegsanayo qalabyo casri ah oo ay ka mid yihiin cagaf cagafyo, abuur tayo leh iyo waraab xoog leh.

“Mashruucan in la beero oo si fiican loo beero oo shacabku beeraan oo dhul badan laga beero sanadkan ayuu bilaabay bishii may ayaan bilownay” ayuu yiri Cabdiqaadir.

Dowlad deegaanka Soomalida Itoobiya

Xafiiska beeraha ee dowlad deegaanka ayaa sheegay in sheegay in labo xilli oo kala ah Dhammaadka bisha Abril iyo bilowga bishada Oktoobar ay yihiin xilliyada ugu haboob ee beerashada bariiska dowlad deegaanka.

Degmooyinka Qalaafe, Godey, Caddeley iyo Beer-caano oo ka tirsan gobolka Shabeelle iyo degmada Hadha-gale oo ka tirsan gobolka Siti ay yihiin deegaanada ku yaalla dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ee laga beeray bariiska.

Halka bariiska ugu badan laga beeray waa degmada Beer-caano sida uu BBC-da u sheegay Cabdiqaadir Muumin.

Qaybtii ugu horreysay ee goynta bariiska ayaa bilaabatay toddobaadkii hore iyadoo wali ay socot deeganadaas ka socoto goynta bariiska.

Noocyada bariiska laga beeray Dowlad-deegaanka

dowlada deegaanka

Madaxa xafiiska beeradaha dowlad deegaanka Cabdiqaadir Iimaan ayaa BBC-da u sheegay inay ogaadeen in deegaano badan oo dhulkaasi ah uu yahay meelo ku haboob in bariiska laga beero.

Machadka cilbi barista beeraha iyo xoolaha ee deegaanka Soomaalida ayuu Cabdiqaadir sheegay in daraasaadyo uu sameeyey lana tijaabiyey laguna guulaystay noocyada bariiska ee ka ka bixi kara deegaanka.

“Sagaal nooc oo bariis ka mid kuwaas oo la hubiyey inay deeganaka ka bixi karaan si fiican ugu bixi karaan, waxayna u diwaan gashan yihiin deegaanka Soomaalida oo layiraaho waa bariiskii Soomaalida loo yaqaan oo ka mida 35 nooc oo bariisa oo dalka ka jira” ayuu BBC-da u sheegay Cabdiqaadir Iimaan.

Xafiisku wuxuu intaa ku daray in qorshahooda mudda fog ay tahay kordhiyaan dhulka laga beerayo barista oo la gaarsiiyo ilaa 20 kun oo hektor.

Isagoo ka jawaabayey sida ay isugu maareynayaan beeraha iyo deegaanka oo caan ku ahaa xoolaha dhaqatada ayuu sheegay “ in cimilada is beddeshay waxay keenaysaa in beertii noqoto mid calafkiina cunatadii kale ee la quunadayeyna beerta marka qorshaha dowladu waxaa weeye in wax soosaarka xoolaha la hormariyo kan beraha la hormariyo labada la isku wado”

Wuxuu intaa ku daray in muddo kooban deegaanka marka ugu horreysa soo saro waxaa isagu u baahan yahay shacabka ku dhaqani ka dibna soo saaro wax soo saar la dhoofin karayo.

Maxaa ka dhacay Ceerigaabo

Maalmihii ugu danbeeyey magaalaada Ceerigaabo,ee gobolka Sanaag waxa la socday dilal ku salaysan aano qabiil oo siyaayiinta qaarkood ay hadda u arkaan fursado siyaasadeed oo ay kaga faaiidaysan karaan sheegashada Ceerigaabo in beel ahaan gaar u leeyihiin. si fikraddas guracana ugu hirgasho waa inay hurinaya colaad iyaga oo ka dhigsya mid u dhaxaysa Beelo.

Allah ha u naxariistee Ayuub Ibraahim Maxamed Xasan (Gacma yare) ayaa noqday qofkii ugu horeeyey ee ka soo jeeda beesha Warsangeli oo ku geeriyooday colaadda loo soo xawilay goibolka si degaanka iyo dadka ku nool loo khal khal geliyo.

Wiilkan waxa dilay maleeshiyaadka SNM, oo labada nin ee madaxda ka ah Booliiska iyo ciidankuba ee ugu magcaabsn gobolka Sanaag ay kà soo wada jeedaan Beesha Warsangeli.

Wiilka dhintay ayaa waxa dhalay , Allah samir iyo iimaan ha ka siiyee Gacma yare oo Duqa msgaalada Yube ⁰ee gobolka Sanaag, ugu magcaabsn maamulka Hargysa.

Maanta sidoo kale Shacab ka barakacay colaadda loo soo xawilay degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ayaa Jidgooyo loogu dhigtay degaanka Xagal oo Bari xigta magaalada Ceerigaabo.

1: Gaadhiga waxa ku dhimatay alla haw naxaristo ayaan Cawil Dhoobay, oo Habaryoonisa Muuse ismaciil
2: Waxa ku dhaawacmay laba nin oo Naalaye Axmeda. Dhulbahante eebe caafimad taama ha siiyo.

3: Gabadh Warsangeliya baa iyana dhaawaca eebe weyne caafimaad taama ha siiyo.

4: Waxa ku dhaawacantay gabadh yaroo 11 sano jira oo Habarjeclo ah eeb weyne caafimaad taama ha siiyo

Ugu danbayntii maanta reer Ceerigaabo waa ku wada wada dhanayaan. Wda barkacaya mana yaqaaniin cidda dhibta ugaysanaysa sidaas awgeed kuwiina aaminsan in colaad a huriyo degaan lagu sheegan karo Caasimadeema ayaa tusaale ugu filan. Oo Unugu leh meel gasrsiin wayday.

Alĺsanaag.com

a

Puntland oo qabatay Xubno loo malaynayo inay Daacish/Al-Shabaab yihiin iyo hub aan hore loo aqoon

Puntland oo qabatay Xubno loo malaynayo inay Daacish/Al-Shabaab yihiin iyo hub aan hore loo aqoon

Maamul goboleedka Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigeen xubno ay ku tilmaameen inay ka tirsan yihiin Al Shabaab ama Daacish, iyo hub Soomaaliya ku cusub oo la sheegay inay wadeen.

Xubnaha la sheegay ayaa ah ilaa todoba xubnood oo ciidamada amaanku sheegeen inay gacanta ku hayaan.

“Dadkan laga shakisan yahay ayaa la soo qabtay, ka dib markii la helay xog ciidan oo ah inay hub sidaan” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan madaxda ciidamada amaanka ee Puntland oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo.

Xubnaha ayaa la sheegay in qaarkood lagu qabtay dayaaradaha bilaa duuliyaha ah, gaar ahaan nooca is qarxiya ee loo yaqaanno Kamikaze.

Xayeysiin

Dayaaradahaas bilaa duuliyaha ah oo Yemen aad looga isticmaalo ayaa la aaminsan yahay in Puntland ay ka soo galeen dhanka magaalada Boosaaso, waxaana xilliga la qabanayey loo sii waday magaalada Gaalkacayo

Sarkaalkaas ka tirsan madaxda ciidanka Puntland wuxuu intaa ku daray in dayaaradaha iyo dhowr qof oo siday lagu qabtay inta u dhaxaysa Garowe iyo Gaalkacyo.

“Markii aan dabagal ku samaynay ka dib waxaan gacanta ku soo dhignay tiro kale oo ah dad looga shakisan yahay inay fal dambiyeedka ku lug lahaayeen” ayuu yiri sarkaalka.

Dayaaradaha bilaa duuliyaha ah oo tiradooda lagu sheegay 5 dayaaradood waxaa hadda gacanta ku haya ciidanka amniga ee Puntland, waxayna sheegeen in sidoo kale ay gacanta ku hayaan 7da qof ee la tuhunsan yahay, kuwaasoo baaritaan lagu wado.

Sarkaalka ka tirsan madaxda ciidanka Puntland faahfaahin kama uusan bixin baaritaanka.

Haddaba maxaan ka naqaan daroonka is qarxiya ee loo yaqaanno Kamikaze.

Kamikaze Drone

Dayaaradaha noocan ah waa kuwo ku cusub goobaha dagaallada, waxaana hadda aad u isticmaala Ruushka iyo Ukraine, iyo Xuutiyiinta Yemen, inkastoo ay jiraan dalal iyo kooxo haysta, waxaana dalalka haysta ama samaysta ka mid ah Israa’iil, Maraykanka, Kuuriyada koofureed, Turkiga, shiinaha iyo Iiraan.

Waa dayaarado xajmi ahaan yar, xawaarahoodu gaabiyo, joogga ay ku duulaanna uu yahay mid aan la arki karin, masaafo ahaanna duuli kara maylal badan, waxayna sidaan qaraxyo. Waxay awood u leeyihiin inay ka dhuuntaan Radarka.

Waxay dul heehaabaan bartilmaameedka, marka la cayimo bartilmaameedkana way ku dhacaan, ayadoo qaraxyadana ay burburiyaan bartilmaameedka. Waxaa kale oo loo yaqaan “Daroonta is burburisa”.

Waxaa inta badan loo isticmaalaa in ay ka talaabaan safka hore ee dagaalka oo ay cadawga gadaal ka maraan, ayna halkaa ka faltamaan, sidoo kale waxaa loo adeegsadaa in lagu weeraro gaadiidka iyo barta taliska ciidanka.

Tusaale ahaan Ruushka wuxuu adeegsadaa daroonta Iran ay samayso ee Shahed-136, taasoo baalasheedu gaaraan 2.5 mitir. Noocan waxaa qaban kara Radarka.

Dagaalka Ukraine ka hor ayey Iran siisay Ruushka tiro aan badnayn. Midowga Yurub iyo Maraykanka ayaa ku eedeeyey Iiraan inay si joogto ah u siiso dayaaradahaas Ruushka.

Markii ugu horreysay ee Ruushku uu isticmaalo Shahed-136 wuxuu u isticmaalay inuu ku weeraro bartilmaameedyo militari oo ku yaalla gobolka Kharkiv ee dhinaca bari bishii Siteembat 2022.

Maraykanka ayaa isna Ukraine siiyey daroonnada loo yaqaanno Switchblade Kamikaze Drone, laakinse wax badan lagama oga sida baahsan ee loo isticmaalay.

Inkastoo qiimahoodu uu kala duwan yahay, haddana waxay wax badan ka raqiisan yihiin daroonnada gantaallada qaada. Tusaale ahaan Switchblade waxay u dhaxaysaa $60,000 – $80,000, halka Shahed-136 lagu qiyaaso $48,000.

Sannad ka dib waa sidee Goojacadde iyo xaaladda Laascaanood

Sannad ka dib waa sidee Goojacadde iyo xaaladda Laascaanood

Ml Muddo sanad ah ayaa kasoo wareegtay markii ciidamada Khatumo ay la wareegeen saldhiggii Milateri ee Goojacadde ee ay fadhiyeen Ciidamada Somaliland, maalintaas oo ku beegneyd 25 August 2023 . Haddaba waxa aynu qoramadeena ku eegi doonnaa Sanad kadib maxaa iska bedelay Goojacadde iyo guud ahaan Magaalada Laas caanood.

Laga soo bilaabo 25kii August 2023 markaas oo ciidamada Somaliland lagala wareegay saldhigga Goojacadde iyo gacan ku haynta magaalada Laascaanood waqtigaasoo la sheegay in magaalada inta badan 75% ay soo gaareen khasaare kaga yimid dagaalka iyadoo dadka shacabka ahina ay ka qaxeen magaalada , hasa yeeshe markii Khatumo ay la wareegtay maamulka Saldhigga Goojacadde iyo magaalada Laascaanood, waxaa isbeddel uu ku yimid guud ahaan magaalada.

https://www.facebook.com/share/v/Y7neefc5xGjs6htn/?mibextid=G4Q45F

Feysal Jaamac Aadan oo ah Weriye deggan magalaada Laascaanod oo goob joog u ahaa tan iyo markii ay dagaalladu ka dhacayeen Laascaanood ayaa BBCda u sheegay in isbedellada ku yimid magaalada dagaallada ka dib ay ka mid yihiin in dadkii ka qaxay ay dib ugu soo laabteen iyagoo dib u dhisay guryahoodii uu soo gaaray burburka.

Waxaa sidoo kale ku soo biiray dad ka yimid qurbaha waxaana magaalada ka billowday dhismayaal sida hoteello aan markii hore ka jirin , waxa sidoo kale yimid ganacsato ka kala yimid qurbaha iyo dhinaca Puntland kuwaas oo sameeyay maalgashi “Xaaladda Magaaladu waxa ay u egtahay mid si buuxda uga soo kabatay muddadii sideedda bilood ahayd ee dagaalku uu ka socday Laascaanood iyo nawaaxigeeda”ayuu yiri Feysal

Laascaanood

Markii ay Khaatumo la wareegtay magaalada Laascaanood waxa ay sheegeen in ay hoostagayaan dowladda Federaalka ah oo ay yihiin maamul madaxbanaan oo aan hoos tagin Somaliland iyo Puntland midna, taas oo ay dowladda Soomaaliya soo dhaweysay , gaar ahaanna Wasaaradda Arimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya , haddaba maxaa iska beddelay dhanka adeegyada bulshada muddadii sanadka ahayd ee Khaatumo ay maamulka haysay .

Khaatuma waxa ay dooneeysaa in loo aqoonsado Maamul Goboleed madaxbanaan oo ka mid ah maamullada ka jira Soomaaliya si ay si buuxda ugu helaan adeegyada ay dowladda federaalka bixiso, hase yeeshee taasi ma aanay suurta gelin.

“ Ilaa iyo hadda adeegyada dowladda ee Wasaaradda Waxbarashada dowladda Federaalka ah ayaa si buuxda looga helay imtixaanaadkii iyo macallimiintii “ ayuu yiri weriye Feysal Jamac oo intaas ku daray in kasta oo Khatumo iyo Wasaaradda Arimaha Gudaha Federaalka ay leeyihiin xiriir wanaagsan, haddana ma jiraan wax muuqda oo maamulku ay sheegeen inay soo gaareen Laascaanood.

Dhibaatooyinka ugu badan ee hadda ka jira deegaanka waxa ka mid ah shaqo la’aan baahsan sida deegaannada kale, maadaama aysan jirin mushaarooyin toos ah oo ay bixiyaan maamulku “Markaa waxa laga dareemayaa in dad badani ay haysato dhaqaale xumo baahsan” ayuu yiri Feysal Jaamac .

Markii Khaatumo ay maamulka la wareegeen maxaa iska beddelay siyaasaddii Puntland ee gobolka Sool

Khilaafka siyaasadeed ee gobolka Sool uma dhaxeeyo Somaliland iyo Khaatumo oo kaliya ee Puntland ayaa iyaduna sheegata gobolka Sool in uu ka kamid yahay deegaankeeda, taas oo dastuurkeedana ku qoran, sidoo kale waxa jira xildhibaanno kasoo jeeda deegaan ahaan gobolka Sool oo ka mid ah Baarlamaanka Puntland iyadoo xitaa madaxweyne ku xigeenka Puntland uu ka soo jeedo deegaankaas.

Inta badan dadka shacabka ah waxa ay rabaan in ay ka madaxbanaanaadaan Maamul Goboleed kale laakin waxaa jira arrimo dhanka siyaasadda ah iyadoo wax badan ay iskaga xiran yihiin sida dhinac ciidamada, kaabayaal dhaqaale oo maamulku uu ka helo dhanka Puntland ayaa jira. “ Kumaan qof oo dad ah ayaa ka shaqeeya Boosaaso iyo Garowe iyo Puntland oo dhan oo deegaankan ka soo jeeda ilaa Madaxweyne ku xigeen , Agaasimayaal iyo shaqaale” ayuu yir Feysal Jaamac oo ah weriye degan Laascaanood. Isagoo intaas ku daray in ay muddo dheer qaadanayso sidii arrimahaas loo kala guri lahaa .

Colaadii ma dhamaatay mise weli way jirtaa

Weli waxaa is horfadhiya ciidamada labada dhinac ee Somaliland iyo Khaatumo , kuwaas oo kala jooga masaafo isu muuqata, deegaanka Oog, inkasta oo muddo sannad ah aanu wax dagaal weyn ahi ka dhicin halkaas haddana weli waxaa jira xiisad colaadeed.

Muuse Biixi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday Madaxbanaanideeda ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo dhawaan gaaray Degmada Oog ee Gobolka Sool, halkaas oo fadhiisin u ahayd Ciidanka Somaliland tan iyo 25-kii Bishii August ee 2023-kii, dagaalkii u dambeeyey ee ka dhaca Laascaanood.

Madaxweyne Biixi iyo Wafdi uu hoggaaminayey, oo khudbad ugu jeedinayey Ciidanka Somaliland ee fariisimada ku leh Caynaba iyo Oog, ayaa sheegay in Ciidanku door muhiim ah ugu jiraan ilaalinta nabadgelyada iyo jiritaanka Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland, waxaa kale oo uu sheegay in aanu dagaalku dhamaan ilaa guusha la gaaro, sida uu hadalka u dhigay “Dagaalku ma dhamaado ilaa guusha la gaaro, wax yar oo maalin ku gaar ah iyo goob yar oo wax ka dhacaan ma aha in la yiraa waxbaa dhacay. Kuwa kalaa dhici doona, dagaallo kala ayaad geli doontaan ilaa la gaaro oo la helo Somaliland oo dhan, taas ayeynu wadaynaa” ayuu yiri Madaxweyne Biixi oo la hadlayey Ciidanka Somaliland ee Aagga Oog.

Firdhiye

Khudbaddaas ayaa dhanka Khaatumo looga fasirtay in Somalland ay duullaan kusoo tahay Khatumo.

Hoggaamiyaha Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw-cali “Firdhiye” oo maantay booqday furimaha hore ee ciidamadiisa ayaa khudbad u jeediyay “Annagu duullaan ma nihin haddiisee nalagu soo duulo waa aynu iska difaaci doonnaa” ayuu intaasi ku daray Firdhiye.

Maxaabiistii la kala qabsaday oo aan weli la is dhaafsan

Weli waxa jira maxaabiis ay kala qabsadeen laba dhinac oo aan weli la is dhaafsan marka laga reebo laba maxbuus oo dhaawac ahaa oo dhanka Khaatumo wax looga qaban waayey, kuwaas oo lagu wareejiyay hay’adda Laanqeyrat Cas ee ICRC, maxaabiista intii kale waxa ay weli ku jiraan jeelasha labada dhinac halkaas oo ay kaga warqabaan hay’adda Laanqeeyrta Cas ee ICRC.

Cabdiraxmaan Cabdirisaaq

Cabdiraxmaan Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Bulshada Rayidka ah ee Puntland ayaan weeydiinay sanad kadib Colaadii Goojacadde iyo Laascaanood xagee baa loo socdaa, xalkuse muxuu yahay, wuxuuna kaga jawaabay: “ Waxa aan is leeyahay hal sano kadib nabadgelyada, walaaltinimada iyo xasilloonida in ay tahay mid aan laga fursaneynin oo lama huraanna ay tahay oo ay mandiqadaasina ay u baahan tahay deganaansho, iskaashi qof walbana uu masiirkiisa uu madaxbanaanaado” Isgaoo intaasi kudaray “Khaatumo masiir iyo go’aan ay hadda qaateen baa jira oo ay mudan yihiin in lagu ixtiraamo, waan rajeynayaa in Somaliland masuuliyiinteedu ay ku fekaraan oo go’aanka ay qaadanayaan uu noqdo in mandiqadaasi ay hal sano kadib ay noqoto meel amni ah oo noloshii iyo isku socodkii iyo iskaashigii uu dib u bilowdo”.

Mar uu ka jawaabayey erayada colaadda keeni kara ee ay labada dhinac ay warbaahinta isku marinayaan, ma kuu muuqataa in mar kale ay keeni karto in uu dagaal dhaco ayuu kaga jawaabay : “Runtii waxa aan is leeyahay hal sano kadib in xalku uusan ku imaaneynin colaad ama dagaal meeshaasi ka dhaca, marka ma filayo in gobolkaasi ay colaad kale ka dhacdo , mar kastana baaqyada nabadda iyo xaslioonida iyo walaaltinimada ayaa haboon in codkaasi uu noqdo ayaan rabnaa kan nabadda lagusoo dabaalayo” ayuu yiri.

Si kasatba ha ahaatee inkasta oo aanay wax dagaallo ahi ka dhicin aaggaas haddana sanad ka dib weli ma jiraan wax waanwaan ah ama wadahadal ah oo colaadaasi lagu soo afjarayo

Waxa ka ogoow safarka barashada af Soomaaliga ee raggaan carbeed

Waxa ka ogoow safarka barashada af Soomaaliga ee raggaan carbeed

Soomaaliya oo ah dal ka soo kababaya ayaa ka mida dalalka haddana marti galiyey qaxooti badan oo dalalkoodu xilligan ay colaaddo ka taagan yihiin kuwaas oo naf biday inay magaalooyinka Soomaaliya ka helaan nolol dhaanta tii dalalkooda oo dagaalo ka soo cayriyeen kuwa kalana waxay u yimaadeeen si ay ugu shaqaystaan oo waa xirfadlayaal kala duwan.

Ajaaniibta ugu badan ee Soomaaliya u yimaada shaqooyin waa kuwo leh xirfadaha caafimaad, macallinimo iyo xirfado kale.

Dadkaas waxay la kulmaan caqabado ay ka mid yihiin Isfahan darro bulshada ay ku dhex nool yihiin maadaama aysan garanayn luuqada Soomaaliga.

Dadkaas waxaa ka mida Prof. Cabdiwahaab Dayib Bashiir oo ka soo jeeda dalka Sudaan kaas ah macalin wax ka dhiga Jaamacad ku taalla magaalada Muqdisho.

Isagoo la hadlay BBC-da Cabdiwahaab wuxuu sheegay inuu Soomaaliya u yimid si uu macallin uga noqda jaamacadaha dalka uuna isku dayeyo inuu si fiican u barto luuqada Soomaaliya.

Wuu ku hadli karaa luuqada Soomaaliga si kooban laakiin wuxuu BBC-da u sheegay in uu fahmayo hadalka dadka basle ay ku adag tahay jawaab celinta.

“Waxaa igu adag hadalka laakiin waan fahmaa laakiin insha alah tartiib tartiib waa sii wadayaa barashadayda luuqada Soomaaliga iyo is dhexgalka bulshada Soomaalida ah ee an la noolahay” ayuu isagoo jajabinaya Af-soomaliga yiri Prof Cabdiwahaab.

ajaaniib
Qoraalka sawirka,Prof Cabdiwahaab Dayib Bashiir oo danaynaya inuu barto luuqada Soomaaliga

Cabdiwahaab, wuxuu hadda ku nool yahay Soomaaliya hal sano iyo bar basle kuma cusba wuxuu BBC-da u sheegay inuu cilmi baaris u yimi Soomaaliya sanado hore.

Prof.Cabdiwahaab wuxuu sidoo kale barre sare ka ahaa jaamacada IUA ee dalka Sudan ka hor colaadda dalkaasi, haddana wuxuu jaamacada City ee Muqdisho ka dhigaa maamada cilmiga siyaasadda.

“Wax yar saaxiib barashada waa laba bil, wada sheekaysi waa caadi bajaajta hotelka iyo maqaaxiyaha waa caadi” ayuu BBC-da u sheegay Cabdixakiim oo ah arday Yemani ah oo wax ka barta jaamacad ku taalla magaalada Muqdisho.

Cabdixakiin, waxaa ehelkiisu ku noolyihiin Yemen, wuxuu BBC-da u sheegay in sababta uu u yimi Soomaalia ay ahayd inuu wax ka barto iyo inuu ka shaqaysto.

Cabdulxakiim Jamaal Maanic, waxaa intii BBC-da la hadlayey ku badnaa erayadiisa..Haa saaxiib.. isagoo xusay inuu ku jiro barashada luuqada Soomaaliga.

Cabdiwahaab iyo Cabdixakiim labadu waxay dhawaan shahaado ka qaateen Machadka Sodma ee Muqdisho oo muddo saddex bilooda ay ka baranayeen luuqada Soomaaliga.

“Soomaaligaygu waa jajab sidaa Xamar Jajab” ayaa ka mid ahaa hadal uu xaflada ka yiri Cabdiwahaab Dayib oo ka soo jeeda dalka Sudan.

Yemeni
Qoraalka sawirka,Cabdulxakiim Jamaal Maanic, arday reer Yemen ah oo barashada afka Sooomaaliga ku jira

Maxamed Cismaan Ibraahim, waa macallinka muddo sadexd bilood ah u dhigayey luuqada Soomaaliga ajaaniibtan ku sugan Muqdisho.

Ardayda ugu baday ee dhiganyey ayuu sheegay inay ka soo jeedaan jaaliyadaha Sudan iyo Yemen ee ku sugan Muqdisho gaar kuwa ka shaqeeya dalka iyo kuwa jaamacadaha dhigta.

Maxamed Cismaan, wuxuu BBC-da u sheegay inay caqabadu ahaayeen “Runtii kala duwanaanshaha labada luuqadood ayaana sal u ahayd, maadaama dadkan aysan u dhalan luuqada ee ay inta badan ku hadlayaan luuqada Carabiga, markaa waxaa dhib ka imaanayaa xarfaha DH iyo G oo ay afkooda ku jiran ee ku jira afka-Soomaaliga ah ayaa ugu badnayd” ayuu yiri Macallin Maxamed.

Qaar ka mid ah ayuu sheegay inay si bowsi ah ku barteen luuqada laakiin si wanaagsan aanay u istimaali karin luuqada oo qaarkoodna ay muddo dheer joogeen dalka.

Wuxuu intaa ku daray in bilowgii ay labaataneeyo arday oo ajnabi ah ku bilaabeen balse duruufo jiray owgeed qaarkooda waqti u waayeen basle aakhirkii lix ruux ayaa dhammaystay muddo saddex bilood ah.

Maamulaha Machadka ay ajaaniibtan wax ka dhiganayeen Cabdiraxmaan Yuusuf Xasan ayaa BBC-da u sheegay in u jeeda ugu weyn ay ahayd in dadkan loo sahlo sidii dadka ay ula qabsan lahaayeen.

“Waxaan is leeyahay in haddii Soomaalidu wadamo kale shalay tagi jireen oo luuqadahooda barnayaan in maanta luuqadooda la barto oo dad kale oo wadamo kale yimi ay bartaan waxaan dareemaynaa meesha dalkeenu marayo macno weyn ayey nooga dhigan tahay” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Wuxuu intaa ku daray inay jiraan baahiyo soo kordhaya oo ay qaban dadka ajaanibta ah ee ku sugan Muqdisho inay bartaan luuqada Soomaaliya.

Sida ay sheegtay haya’adda barakacayaasha iyo qaxootiga Soomaaliya kumannaan qaxooti ajaabiin ah ayaa ku sugan Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka kuwaas oo ka kala yimid dalalka Sudan, Syria iyo Yemen.

Nuxurka khudbaddi ay xalay Kamala Harris ku soo xirtay Shirweynaha Xisbiga Dimoqraadiga

Nuxurka khudbaddi ay xalay Kamala Harris ku soo xirtay Shirweynaha Xisbiga Dimoqraadiga

Madaxaweyne ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris ayaa xalay ku boorrisay shacabka Mareykanka in ay iska diidaan kala qeybsanaan siyaasadeed, taasi baddalkeedana ugu yeertay wax ay ku tilmaantay “dariiq cusub oo horay u socod ah,”.

Harris oo xiritaanka Shirweynaha Xisbiga Dimoqraadiga Mareykanka ka jeedisay khudbad socotay 40 daqiiqo, ayaa ka hadashay qodobo u badnaa arrimaha gudaha, iyo sidoo kale siyaasadda dibadda.

Marka laga hadlayo nuxurka arrimaha gudaha, waxay ku doodday taariikhdeeda shakhsiyadeed, tacliinteeda iyo xirfaddeedii dacwad-oogista ay ka dhigeyso qof awood u leh in uu difaaco danaha shacabka MAreykanka, gaar ahaan in ay ka ilaaliso madaxweynihi hore Donald Trump oo ay ku sifeysay in uu kaliyah maskaxda ku hayo danihiisa gaarka ah.

“Qarankeenna doorashadan wuxuu heystaa fursad qaali ah siu u uga gudbo tagtadi qaraareyd, bahdilaaddii iyo dagaalladi kala qeybsanaanta ee aanu kasoo gudubnay. Waxaan heysannaa fursad aan horay ugu dhaqaaqi karno iyada oo aanan la fiirineyn xisbi, laakin si wadajir Mareykannimo ah” ayay tiri Harris.

Harris oo ah 59 jir, ayaa u muuqatay mid xoogga ku saartay khudbaddeedii xalay soo jiidashada taageerayaasha Jamhuuriga ee aanan jecleyn Trump iyo muwaadiniinta kale ee aanan go’aansan cidda ay doora doonaan. Waxay ballan qaaday in ay noqon doonto madaxweyne u khidmeyn doono dhammaan shacabka Mareykanka.


“Waan ogahay in ay jiraan dad araktiyo siyaasadeed oo kala duwan leh oo na daawanaya caawa. Waxaan rabaa inaad ogaataan inaan ballan qaadayo inaan noqon doono madaxweynaha dhammaan shacabka Mareykanka.Waxaan ballan qaadayaa inaan madaxweyne u noqodo dhammaan dadka Mareykanka si aan kor ugu qaado mabaad’da dastuurka, qiyamka aasaasiga ah, laga soo billaabo ku dhaqanka sharciga, doorasho caddaalad ah ilaa in talada lagu wareejiyo si nabad ah.”

Mar ay ka hadleysay dhaqaalaha waddanka iyo qorshayaasheeda canshuur dhimista ayaa carrabka ku adkeysay in ay canshuurta ka dhimi doonto qoysaska dabaqadda dhexe ee Mareykanka. Waxay sheegtay in canshuur dhimisteedaasi dabaqadda dhexe ay ka faa’iidi doonaan in ka badan 100 milyan oo Mareykanka.

Waxay faah-faahiyay qorshaheeda ku aaddan xuquuqda dumarka ee ilama-iska soo rididda, sharciyada xuquuqda codeynta, xoojinta iyo sahlista guryeynta Mareykanka, yareynta sicirka cuntada iyo in ay canshuurta ku kordhin doonto 21% ilaa 28% shirkadaha waaweyn.

Inta aysan khudbaddeeda billaaban, kumannaan ka mid ah dadka taageersan Falastiin ayaa mar kale ku bannaan baxay bannaanka garoonka uu ka socday shirweynaha isla markaana ka khudbeysay Harris. Dadkaan ayaa ka cabanaya taageerada dowladda Mareykanka ee dagaalka ay Isra’il ka waddo Gaza.

Mowduucaan ayaa ka mid ah kuwa ugu badan ee ay ku kala qeybsanyihiin taageerayaasha dimoqraadiga, lagana cabsi qabo inuu dhaawaco ololahooda doorashada sannadkaan.
Harris ayaase arrinta Gaza iyo la heystayaasha Isra’iiliyiinta ee Gaza kaga hadahsay khudabadeedii xalay, iyada oo ku baaqday in la gaaray xilligi la deyn lahaa la heysatayaasha lana dhameyn lahaa masiibada ka taagan Gaza.

“Hadda waa waqtigii la keeni lahaa heshiiska xabbad joojinta iyo kan sii deynta la heystayaasha. Aan idiin caddeeyo middaan. Mar walba waxaan u taagnaan doonaa inaan difaaco xaqa ay Isra’il u leedahay in ay is difaacdo mar walbana waxaan xaqiijin doonaa awoodda ay Isra’il u leedahay in ay is difaaco, balse waxa ka dhacay Gaza 10 ki bil ee lasoo dhaafay waa wax aad u xun, Dad badan oo aanan waxba galabsan ayaa la laayay, dad gaajeysan oo quus ah ayaa marba dhinac u qaxa iyaga oo ammaan raadinaya. Baaxadda dhibaatada waa mid naxdin leh,” ayay tiri Harris.

Mar ay ka hadlaysay arrimaha dibadda, waxay Harris carrabka ku adkeysay in ay difaaci doonto danaha Mareykanka ee ka dhanka ah Iran, isla markaana ay u babac dhigi doonto diktaatoorrada iyo kali-latisyaasha.
Waxay sheegtay in ay garab istaagi doonto Ukraine iyo xulufada Mareykanka ee NATO.

Harris ooh adda ah 59 jir ayaa doorashada soo socta ee madaxtinimada Mareykanka foodda ku dari doonta, murashaxa xisbiga Jamhuuriga, madaxweynihi 45-aad ee Mareykanka Donald Trump oo 78 jir ah.