Jidka Barakaysan

Labo cisho ka dib markii Dawladda Federaalka ee madaxweyne Farmaajo hogaamiye ay ku kabeen Miisaaniyadda maleeshiyaadka SNM lacag gaaraysa 11 milyan oo doolar, ayaa maanta maamulka Puntland bilaabay wejigii labaad ee Daamur saarida jidka Barakaysan ee Ceel Daah ilaa Ceerigaabo

Jidka Barakaysan iyo Laami saarida

Wejigii labaad ee jidka Ceel Daahir iyo Laami saarida oo la bilaabay

Ma ‘suuliyiin ka mid ah Gudiga iyo Hawlwadeenada Mahruuca Wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo, ayaa maanta ku wargeliyey Bulsha weynta iyo Gaadiidka isticmaala Wadada Ceeldaahir- Ceerigaabo, in dib loo bilaabayo wejigii labaad ee Wadada oo ah Laami saarida, sidaas daraadeed 10KM oo ka mid ah Wadada la xiray, Gaadiidkana loo diyaariyey Wadada Kale oo ay maraan oo kala leexanaysa isla Ceeldaahir.

Farmaajo iyo Warbaahinta

Warbaahinta adduunka, gaar ahaana wadamadda horey u maray ama meelaha ay ka jirto isla xisaabtanka , warbaahintu waa codka shacabka , saxaafaduna waa qayb ka mid ah in wax badan oo Shacabka ka qarsoonaa ay banaanka soo dhigaan

Dhiibitaankii Qalbi dhagax oo ay kamid tahay cidda dhiibtay  , sababta dawladda ku kallifay ineey dhiibto, iyo arrimo kalle oo badan; 

Riditaankii Ra’iisal Wasaare Kheeyre iyo sababta uu u riday, baarlamaanka qaabkii ay u mareen riditaankiisa  

Shirkii Jabuuti ee u dhaxeeyey Farmaajo iyo gooni goosatada Hargeeysa oo dabcan ay aheed in su’aalo badan in laga weeydiiyo oo ay ka mid yihiin Soomaaliland cidda uu Farmaajo u yaqaan, sababta uu dadka Sool iyo Sanaag uu uga tagay maadaama masiirkoodii meesha looga hadlayey, go’itaanka cidda dooneeysa iyo cidda aan dooneeyn iyo su’aalo kalle oo badan; 

Doorashooyinka dalka ka dhici doona, Farmaajo wuxuu sheegay in doorash qof iyo cod ah uu qabanayo, marka in wax laga weeydiiyo afarta billood ee u harsan sida uu doorasho qof iyo cod ah uu ku qaban karo iyo wixii uu ku mashquulsanaa sannadihii ina dhaafay oo dhan, iyo ku darsiga aadka loo hadal hayo ee uu doonayo waxa uu ku muteeystay in loogu darro labbo sanno; 

Joogitaanka ciidanka AMISOM iyo meeshii ay ku danbeesay dhisitaanka ciidanka qaran, iyo arrimo kalle oo badan oo aan halkan lagu soo koobi karin. 

Balse hadii qofka inta uu wax qaribo ama marka ay wax dhacaan dhuumanaya, aysanmarna dhaceen in saxaafadda uu horyimaado ayaa ah arrin aad u xun. Sababtaas darteed, Soomaaliya waxeey u baahan tahay madaxweeyne dadka la hadli kara, saxaafaddana ay su’aalo weeydiin karaan oo kartideeda leh. Muuqaalada hoose waa madax kalla duwan oo su’aalo ay warbaahintu weeydiineeyso. 

.

LA TALIYAHA MADXWEYNAHA

Cali Daacuun ma siiyey taladdii uu u baahnaa madaxweyne Farmaajo, haddii uu kala joogo siyaasiyiintii Daarood?

Madaxweyne Farmaajo, sanad markuu xilka hayeyey ayaa waxa xafiiskiisa ugu tegay, si ay talo iyo waayo aragnimo siyaasadeed iyo mid tol ugu biiriyaan , gudoomiyihii hore ee maxkamada sare Maxamuud Geele, gudoomiyihii hore e qaxootiga Soomaaliya Tarax,, Wasiir Qoonjeex iyo dhowr siyaasi oo kale oo ka soo jeeda beesha Daarood. Markii ay talo tii ugu wanaagsanayd siiyeen ayaa madaxweyne Farmaajo ugu jawaabay ” ANIGA WADANI AYAAN AHA, qabiil ma aqaan.

Marka ay siyaasiyiinra Daarood u tagayeen iyo intii ka danbaysaba, madaxweyne Farmaajo waxa talo siinayey Cali Xaaji Maxamed Xaaji Axmed “Sheikh Leben” oo Soomaalidu u taqaan Cali Daacuun, Soomaalida inteeda badanina ay ku bartay “hadalkii caan baxay ee ahaa haddii aan Xildhibaan laysiin wa is dilayaa shirkii Kenya, intii ka danbaysana gacan yare u ahaa Shariif Xasan, Sheekh Shariif, iyo qaar ka mid ah dagaal oogayaashii Muqdisho iyo Siyaasyiin SNM ah,

Cali Daacuun, markii uu noqday la taliyaha madaxweyne Farmaajo, waxa aad isugu soo dhoweeyey labadooda arin ay wadaagaan oo inta badan ay isku dayeen inay guul ka wada gaaraan, taas oo ah cuqdad ay ka qabaan beel ka mid ah beelaha Somaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland.

Cali Daacuun, oo ahayd inuu qaato ma’suuliyada ah in uu beel dhan kala joogo madaxweyne Farmaajo oo talo tii ugu fiicnayd siiyo, ayaa sida la sheegaylagu maal geliyey dhowr saac oo LIVE ah suduu xumaanta iyo aflagaadada beelaha iyo Isimada Puntland uga shaqayn lahaa

Ugu danbayntii waqtiga yar ee u haray Dawladda Soomaaliya waxaan rajeenaynaa in Cali Daacuun xil iska saaro sidii uu talo fiican u siin lahaa madaxweynaha oo uu uga nasan lahaa cuqdad beeleedka kuwa tamarta waayey u adeegsanayaan

ALLSANAAG.COM

Deni oo caawa kulan la qaatay Ururada Bulshada,

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa kulan la qaatay Ururada Bulshada, Madaxda Ururada Siyaasadda, Aqoonyahanada iyo Waxgaradka Puntland.

Madaxweynaha ayaa Bulshada uga warbixiyey xaaladda guud ee Puntland, shaqooyinka dowliga ah ee laqabtay sida tayeynta Ciidamada, horumarinta hanaanka maaliyadda iyo hirgelinta Nidaamka Xisbiyada badan oo meel wanaagsan maraya .

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa la wadaagay aqoonyahanada, siyaasiyiinta iyo Ururada Bulshada, Shirkii Dowladdu ka qeybgashay ee Dhuusamareeb kaasi oo looga hadlay arrimaha Doorashada Soomaaliya iyo sida Puntland u wajahday. Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale bulshada usoo gudbiyey shaqadii wanaagsaneyd ee laga soo qabtay Gobolka Mudug iyo safarkii uu ku tegay dalka Jabuuti.

Madaxweynaha ayaa dhegaystay fekradaha iyo talo soojeedinta xubnaha kulanka ka qeybgalay, dhammaantoodna waxay ka mahadceliyeen kulanka, iyagoo muujiyay sida ay Dowladda ugu garabtaaganyihiin marwalba arrimaha gudaha ee Puntland iyo doorka Puntland ee arrimaha Soomaaliya.

Madaxda Ururada Siyaasada Puntland oo kulanka ka hadlay, waxay Madaxweynaha uga mahadceliyeen ka dhabeynta nidaamka Dimuqraadiyadda Puntland, oo caawa ay afkaartooda iyo talooyinkooda kusoo gudbinayaan iyaga oo metelaya Ururada Siyaasadeed ee Puntland .

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa u mahadceliyay dhammaan xubnaha kulanka kasoo qeybgalay, si gaar ah wuxuu Madaxweynuhu bogaadiyey doorka Ururada Bulshada Rayidka ah ku leeyihiin Dowladdnimada, iyo sida ay marwalbo uga qeyb qaataan marxalad kasta oo markaasi la marayo Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Ka maqnaanshada Puntland iyo Jubbaland Shirka Dhusamareb-3 waxay aheyd lagama maarmaan

Ka maqnaanshada Puntland iyo Jubbaland Shirka Dhusamareb-3 waxay aheyd lagama maarmaan

Waxaan qabaa in Mabaadi’ida wada xaajoodka siyaasadda ( principles of political negotiations), ilaalinta dastuurka qaranka, kan dowlad gobleedka, iyo nidaamka dowladnimada ay ku khasbeen Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland inaysan ka qaybgelin shirka dhusamareb-3. Sababaha ka maqnaanshahooda waxaa lagu faahfaahiyay warsaxafadeedyo labada dowlad goboleed soo kala sareen. Gaar ahaan, Jubbaland waxay ka cabaneysay tacadiyo iyo dhibaatooyin Madaxweyne Farmaajo loo tirinayo ee loo geystay Shirkii dhusamareb-2 kaddib.
Maqnaanshaha labada DG wax xiriir ah lama laheyn is af-garanshawaa iyo xin kala dhexeeyay DG Galmudug.
Sida ku qoran qodobka 1aad ee warmurtiyeedkii shirkii dhusamareb-1, 5ta DG waxay ku heshiiyeen inay xoojiyaan iskaashiga dhexdooda ee xagga siyaasadda, amniga, iyo dhaqaalaha.

Mabaadi’ida ka qaybgalka wada xaajoodyada waxaa ka mid ah: ku kalsoonaanta daacadnimada, ixtiraamka heshiisyada, sharciga, iyo dhaqanka wanaagsan ee dowladnimo ee ka qayb galayaasha iyo u hoggaansanaanta xeerka wada xaajoodka ( procedures of the meeting/negotiation process) iyo buuxinta shuruudaha ka soo qayb galayaasha (conditions for participants/participation).

Jubbaland iyo Puntland waxay dadweynaha Soomaaliyeed la wadaageen sababa ka hagashadooda iyo inay diyaar u yihiin ka qaybgalka shirka dhusamareb-3. Madaxweyne Farmajo waxaa waajib ku ahaa inuu jawaabtiisa la wadaago dadweynaha Soomaaliyeed si loo gaaro xal deg deg. Ma jirto sababo macquul ah oo taagereysa in haddii Puntland iyo Jubbaland tegi lahaayeen Shirka dhusamareb-3, kana soo jeedin laheyn sababaha gadoodkooda ay heli lahaayeen garaabid ama jawaab. Sida darted, talo fiican ma ahaneyd haddana ma ahan inay ka qayb galaan Shirkaas.

Ugu yaaran 10 sababood dartood, Puntland iyo Jubbaland kama soo qayb geli karin shirka dhusamareb-3:

1. Madaxweyne Farmajo oo caan ku noqday ku xadgudubka dastuurka iyo sharciga, ballan baxyo joogto ah, iyo dagaal joogtada ah ee uu ku hayo DG Puntland iyo Jubbaland.
.
2. Madaxweyne Farmajo oo siyaasad ka dhigtay in sarkaal iyo ma xishoode kasta ee ka soo horjeeda Puntland iyo Jubbaland uu ka mid noqdo guulwadayaasha Madaxtooyda JFS ama xil loogu magacaabo DF hab khilaafsan sharciga shaqaalaha dowladda.

3. Tagoorka Aqalka Sare Barlamaanka Federaalka oo taageray wada hadalka Dowladda Federaalka iyo DG, taaso ah ku tumusho dastuurka iyo sharciyadda dowladdda Federaalka, iyo la dagaalanka nidaamka federaalka ee Dowladda Goboleedyada ku dhisan yihiin. Madaxweyne Farmajo wuxuu fikrad qalad ah ka qabaa nidaamka federaalka iyo doorashada federaalka.

4. Safaaradaha Mareykanka, Suuqa Reer Yurub, iyo Ingiriiska oo muddo 3 sano iyo bar ah taagersan, raalli ka ah amar ku taagleynta, ku xadgudubka dastuurka, iyo mu’aamaraadka Madaxweyne Farmajo horseedka ka ahaa. Madaxweyne Farmajo wuxuu Beesha Caalamka uga mahadceliyaa kaalinta muuqata ee ay uga jirta dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya, isla markaana wuxuu diida in beesha caalamka fududeyso xallinta khilaafaadka curyaamiyay dib u dhiska dowladnimada Soomaaliyeed. Beesha Caalamka waxay la taagersan tahay hagardaamada Madaxweyne Farmajo, taaso dhaxalsiisay ummadda Soomaaliyeed nabadgelyo xumo, burbur dhaqaale, iyo qalalaase siyaasadeed oo isu beddeli kara dagaal sokeeye.

5. Khudbaddii Xiritaanka shirkii duusamareb-2 oo ku diiday go’ammadii shirkii dhusamareb-1 iyo 2, taaso ku noqotay weji gabax iyo bahdil Madaxweynayaasha DG iyo RW Kheyre oo si foolxul xilka looga qaaday.

6. Xil ka qaadista RW Kheyre oo taageray doorasho heshiis lagu yahay halka, kana soo horjeestay kordhiska muddo xileedka BF iyo Madaxeweynaha. Madaxweyne Farmajo wuxuu ku dheganaa doorashada hal qof iyo hal cod oo uusan wax diyaar garow ah u sameyn.

7. Warqaddii Siihayaha RWK Mahdi ku amray Guddiga Farsamada Shirka dhusamareb inuu yimaado Muqdisho halka heshiisku ahaa inuu ku shaqeeyo dhusamareb ka hor 15 Agoosto 2020. Tallaabadaas waxay aheyd afduub shirka dhusamareb-3 oo ahaa shir laba geesood ah ee u dhexeeya dowladda Federaalka iyo DG.

8. Khudbaddii Madaxweyne Farmajo ka jeediyay Golaha Shacbiga kuna sheegay in dhaqangalka heshiis kasta ee ka soo baxa shirka dhusamareb-3 ay ku xiran tahay oggolanshooda, taaso meesha ka saartay ahmiyadda shirka dhusamareb-3 madaama BF uu leeyahay go’aanka kama dambeysta ah.

9. Ku daridda Shirka dhusamareb-3 Guddoomiyaha Gobolka Benadir oo ah sarkaal Madaxweynaha JFS magacaabo, taaso khilaafsan shuruudaha ka soo qaybgalka shirka dhusamareb-1, 2, iyo 3

10. Madaxweyne Farmajo oo dagaal ahaan u diiday inuu ka jawaabo, ka hadlo, dadweynaha la wadaago mowqifkiisa la xiriira qodobbada ku qornaa warsaxaafadeedyada Puntland iyo Jubbaland oo lahaa mudnaan weyn. Ma jirin sabab Madaxweynaha Galmudug Qorqor ula xiriiro Madaxweynaha Puntland iyo Jubbaland si ay uga soo qaybgalaan shirka, madaama Madaxweyne Farmaajo joogay dhusamareb, kana ahaa shir guddoomiye shirka dhusamareb-3. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ma qaadicin ka soo qaybgalka shirka. Waxay codsadeen in loo caddeeyo isbeddelka xeerka shirka dhusamareb-3, lagana qanciyo arrimo dastuurka farayo oo ah in shirka uu ka soo qaybgalo RW haysta kalsoonida Barlamaanka Federaalka, kana mas’uul ah xukuumadda (executive branch of federal government). Dhinaca kale, Safaaradda Mareykanka waxay ka gaabsatay in Madaxweyne Farmajo ku cadaadiso inuu ka jawaabo qodobbada Puntland/Jubbaland soo bandhigeen halka ay DG-yada ku cadaadineysay inay ka qayb galaan shirka afduuban, taaso ah gardarro garbo loo yeelay.

Sidaa darted, sax ma ahan in lagu celceliyo inay wanaagsaneyd in Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ka qayb galaan shirka dhusamareb-3, kaddib markii Madaxweyne Farmajo afduubay shirka, isla markaana diiday inuu ka jawaabo, ka hadlo dhawrkii qodob ee labada DG dadweynaha la wadaageen dadweynaha. Waxay aheyd taloxumo in Madaxweyne Saciid Deni iyo Madaxweyne Axmed Madoobe yimaadaan dhusamareb,,ka sheegaan cabashadooda, dheg jalaq loo siin, kaddibna caroodan oo ka baxaan shirka.

Ummadda Soomaaliyeed waxay haysataa heshiiskii ka soo baxay dhusamareb-3 oo markhaati u ah in Madaxweyne farmajo rabo doorasho uu asagu maamulo kor iyo hos. Ummadda Soomaliyeed waxay kaloo dhegeysatay khudbaddii Madaxweyne Farmajo ka jeediyay xafladdii xiritaanka Shirka dhusamareb-3 oo daboolka ka qaaday xeeladaha boobka doorashada 2020/2021. Waxaa la sugaya tallaabooyinka Madaxweyne Farmajo qaado si doorashada 2020/2021 waqtigeeda ugu dhacdo. Puntland iyo Jubbaland waxaa la gudboon inay sugaan inta laga dhisayo Xukuumadda cusub.

Dr. Maxamud M Culusow

SHIRARKII DHUUSA MAREEB

WARAYSI/ AQOONYAHAN FAYSAL CABDI ROOBLE.GEEDI SOCODKA DOWLAD DHISKA SOMALIYA, SHIRARKII DHUUSA MAREEB IYO ARIMA BADAN–

Waraysigan uu siiyey Aqoonyahan Faysal Cabdi Rooble Goalah1960 iyoWebsaydhada ay  wadashaqeeyaan wuxuu kaga hadlay :geedi socodka dhismaha Dowladnimada Somaliyeed,taasoo heerar kala duwan soo martay iyo halkey maanta joogto.  Sidoo kale wuxuu ku dheeraaday  Shirarkii  kala dambeeyey ee ka dhacay magaalada Dhuusamreeb , guushii laga filaayey shirkaasi oo ku  dambeetey in Puntland iyo Jubaland ay ka qayb geliwaayaan iyo sababaha keenay  kala qaybsanaantaas.    sidoo kale wuxuu kaga hadlay wax ka qabasha la aanta dowlada ee arimihii muhiimka ahaa ee Somaaliyi ka sugeysey dowlada Farmaajo.

Farmaajo oo ka tirsanaa xisbiga republicanka

Madaxweyne Farmaajo oo la soo ogaaday inuu Xisbiga republicanka ee magaalada Buffalo ka tirsanaa oo u codayn jiray, qaaraankana la bixin jiray Waa xisbiga Donald Trump. Donald Trump oo Farmaajo ka wada tirsan yihiin Xisbiga republicanka, ayaa July 2019 isaga oo Soomaalida la hadlaya qoralkan soo dhigay Why don’t they go back and help fix the totally broken and crime-infested places from which they came. Then come back and show us how it is done

August 2016, isaga oo mar kale Trump oo ay Xisbi ahaayeen Fatmaajo markuu Maraykan joogay wuxuu yidhi August 2016  “We’ve just seen many, many crimes getting worse all the time, and as Maine knows — a major destination for Somali refugees — right, am I right?” 

“A one-time Republican runs Somalia. The current President Mohamed Abdullahi Mohamed, popularly known as “Farmajo”, who was a registered Republican in Buffalo US.”

Farmajo oo Republican ah oo la mab’da ah Trump ma u nesteexayn karaa Soomaali?

https://www.bbc.com/news/world-africa-53268582?SThisFB&fbclid=IwAR27bqkYaXYTmmF-5MKZVL1Aab2Z1x7g1FNuPuo7fTAIA5X1B_IvJTue9NE

Jubbaland iyo Puntland laguma casumin shirkii Sama reeb

Tuhunkii ahaa in Bulshada Puntland iyo Jubbaland laga maarmi karo ayaa waxa banaanka keenay Aqoonyahan Faysal Rooble, oo sheegay in madaxda maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland aan lagu casumin shirkii Dhuusamareeb. Feysal Rooble “Madaxweyne Farmajo Talefonka Ayuu Kula Hadlay Axmad Madoobe lkn Marnaba Casuumad Rasmi ah Looma Dirin Madaxda Puntland iyo Jubbaland.