Diyaarinta munaasabadda dhaarinta xildhibaanada labada Aqal oo socota

Guddiga doorashooyinka heer Federaal ee FEIT ayaa guda-galay u diyaar garowga munaasabadda dhaarinta xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka 11-aad.

Guddiga aya

a maanta sii xoojiyey fariintiisa ah in Khamiista soo socota ee 14-ka April 2022 ay teendhada Afisyooni ka dhici doonto dhaarinta xildhibaanada.

Xildhibaanada ayaa lagu war geliyey in Khamiista todobaadkaan 10:00 AM barqanimo ay hoolka Afisyooni soo xaadiraan, xilli ay shahaadooyinka qaateen in ka badan 200 oo xildhibaan.

Maanta oo ugu dambeysay laba xildhibaan oo kala ah guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Xildhibaan Cabdiladiif Sanyare iyo Xildhibaan Faadumo Ismaaciil ayaa qaatay shahaadooyinka xubinimada.

Biixi oo Beer uuna lahayn doonaya

Faatima Jaamac Ducaale ayaa ku eedaysay Hogaamiyaha SNM Muuse Biixi inuu Ka haysto Beer uu wax ku lahaa AUN Korneel C/rixmaan Maxamuud Cali Bayr oo ay u dhaxday, waxa kale oo ay ka jawaabtay sheekada dibiga oo uu Muuse Biixi hore ugu waramay mar lagu ganaaxay. Waa qayb ka mid ah hadal dheer oo ay ka jeedisay Xarunta HADAF ee magaalada Badhan. 

Xuska Maalinta Ciidanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo ku aaddan sannad guurada 62-aad ee aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed u diray qeybaha ciidammada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb galay Munaasabadda Xuska 62 guurada ka soo wareegtay aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo lagu qabtay saaka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaa la aasaasay sanadkii 12-kii April 1960-kii, xilligaas oo ay Soomaaliya qaadatay xornimadeeda.Ciidanka ayaa soo maray marxalado kala duwan, iyadoo mar lagu magacaabi jiray Libaaxyada Afrika.

Ciidamada oo ka kooban ciidanka dhulka, cirka iyo badda, ayaa waxaa lagu aasaasay tiro kooban.

Guddiga Doorashooyinka oo fariin u diray xildhibaanada BFS.

Guddiga Doorashooyinka oo fariin u diray xildhibaanada BFS.

Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ayaa xildhibaanada Shahaadada qaatay usoo diray fariin ku aadan xiliga Dhaarinta xildhibaanada cusub ee Baarlamaaka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Guddiga ayaa markale  Shaaciyey in Maalinta Khamiista ah ee 14 bishaan ay noqon doonto maalinta dhaarinta Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Guddiga ayaa xildhibaanada ka codsaday in ay waqtiga ilaaliyaan isla , ayagoo ka codsaday Xildhibaanada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya in ay hoolka yimaadaan 10:00 Subaxnimo.

Doontii Cali Ducaale Cawar

Doon uu lahaa ganacsade reer Maakhir oo ku degtay Yaman

Cali Ducaale Maxamed oo ah nin caan ku ah ku shaqaynta doonayahay ayaa sheegay inuu doontii ugu horeysay Dekeda Berbera kusoo xidhay sanadkii 1991-kii Doontii ugu horeysay ayaa wuxu sheegay inay ka dagatay Sanadkii 1999-kii, halka tii ku xigtayna ay ka dagtay 2009-kii, Halka tii Sadexaadna ka dagtay 2011- doontii afraad ayaa 2016kii kaga gubatay doonta udambasay ayaa noqonaysa tan caawa 12.04.2022-ka kaga Gubata Dalka Yemen gaar ahaan biyaha Bada Cadan.

Banaan bax ka socda Pakistan

Kumaakun reer Pakistan ah ayaa caawa isugu soo baxay magaalooyinka waawayn ee dalkaas iyagoo taageero aan inaba caadi ahayn u muujiyay RW imran Khan.

Image

Dowlad Deegaanka oo diiday go’aan quseeya dhar xirashada dumarka Soomaalida

Dowlad Deegaanka oo diiday go’aan quseeya dhar xirashada dumarka Soomaalida

Xukuumada ayaa ka hadashay warqadii aan baahinay ee kasoo baxday wakaaallada korontada ee Jigjiga. Warqaddan wakaaladda kasoo baxday ayaa lagu sheegay in dumarka ka shaqaynaya xafiiska ay soo xidhaan saraawiil, oo aysan soo xiran dharka dhaqanka Soomaalida.

Wasiirka warfaafinta,Abdukadir Rashid oo warqadaas ka hadlayay ayaa yidhi:

“Warqadaas kasoo baxday xafiiska korontada ee laanta jigjiga waa warqad gaf ku ah dhaqanka, diinta iyo xuquuqda dadka soomaalida ah ujeedo siyaasadeedna laga leeyahay!Maanta ma ahan xilligi la is huwanaan jiray ee waa xilli uu dalka oo dhan ka jiro isbedel loo simanyahay:

“Marnaba gor-gortan kama galayno gafkan talaabada ku haboona waan kaqaadaynaa!” ; ayuu yidhi Abdiqadir Rashid.

Waxaan sugaynaa tallaabada ku haboon ee xukuumadu ka qaado shirkadda korontada oo hadal hayn iyo caro badan ka dhex dhalisay dadka.

Warbaahin wada Dumar ah

Maanta oo bishu tahay, April 11, 2022, Muqdisho waxa looga dhawaaqay warbaahin ay dumar madax ka yihiin shaqaaluhuna wada dumar yihiin. Kooxdan magacoodu waa ” Bilan”. Warbaahintoodu waxay isugu jirtaa Idaacad, Talafishan iyo Onlilne

Bilan’ sida ay sheegeen waxay siin doontaa haweenka meel ammaan ah oo ay ku shaqeeyaan iyo awood ay ku dooran karaan waxay soo tebiyaan iyo sida ay u tebiyaan, iyadoo kooxdu ay dabooli doonto warar adag iyo sheekooyin qotodheer, oo diiradda saaraya arrimaha muhiimka u ah dumarka.
“Iyada oo leh aragtideeda gaarka ah iyo galaangal u helidda nolosha haweenka iyo ra’yiga, ‘Bilan’ waxa ay hiigsaneysaa in ay abuurto hannaan cusub oo aan ku koobneyn oo kaliya haweenka saxafiyiinta ah, laakiin sidoo kale ay ka faa’iidaysanayaan saxafiyiinta Soomaaliyeed, bidhaaminta sheekooyinka – laga soo bilaabo rabshadaha qoyska ilaa ka hadalka sinnaan la’aanta – oo muddo dheer la iska indho-tirayey.
Iyadoo ay taageerto hay’adda UNDP” ayey sii raaciyeen warbaahinta Billan

May be an image of 1 person and text