Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Hambalyeyay Guddiga Doorashooyinka FEIT Oo Shaaciyay Natiijada Doorashada BFDS

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maaxmed Xuseen Rooble ayaa u hambalyeyay Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT oo shaaciyay natiijada doorashada mudaneyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad ee JFS ee lagu soo doortay deegaan doorashooyinka kala duwan ee dalka si waafaqsan habraacyadii doorashada ee lagu heshiiyay.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sidoo kale ku bogaadinayaa Dowlad-goboleedyada, Guddiyada doorashooyinka heer Dowlad goboleed ee SEIT iyo Guddiga xallinta khilaafaadka shaqadii adkeyd ee ay soo qabteen, waxa uuna rajeynayaa in ay doorashada xildhibaannada dhiman ee wadartoodu tahay 30 Golaha Shacabka ah loo soo dhammeystiro sida ugu dhaqsiyaha badan.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu hambalyo iyo duco u dirayaa xildhibaannada cusub ee la shaaciyay isagoo u rajeynaya in Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda loo igmaday ee samata bixinta dalka.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT ku adkeynayaa in ay ku taagnaadaan hirgalinta jadwalka dhaarinta xildhibaannada ee ku eg 14-ka April, si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah, waxa uuna ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed iyo cid kasta oo ay khuseyso in ay guddiga ku gacan siiyaan gudashada waajibkooda.

Guddiga FEIT oo ku dhawaaqay natiijada doorashada Labada Aqal

Guddiga FEIT oo ku dhawaaqay natiijada doorashada Labada Aqal

Guddiga FEIT oo ku dhawaaqay natiijada doorashada Labada Aqal

15 mins ka hor

 Share Facebook Twitter Pinterest WhatsAppBy:Mohamed M Hassan

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa caawa ku dhawaaqay natiijada doorashada Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddiga ayaa caawa si rasmi ah u soo saaray natiijada doorashada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

R/W Rooble “Cadaaladda ayaa la horgayn doonaa kuwii ka dambeeyay dilka Aamina iyo Ikraan”

R/W Rooble “Cadaaladda ayaa la horgayn doonaa kuwii ka dambeeyay dilka Aamina iyo Ikraan”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay kulan loogu duceynayay Allaha u naxariistee xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi iyo muwaadiniintii kale ee ku geeriyooday qaraxyadii dhawaan lagula beegsaday magaaalada Baladweyne.

Ra’iisul Wasaaraha Dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ballan qaaday in aanu ka hari doonin caddaalad u raadinta Ikraan Tahaliil iyo Allah u naxariistee xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo uu sheegay in uu aamisan yahay in ay isku gacan ku bexeen, isagoo dhanka kalena sheegay in ay ka go’an tahay in doorashad lagu soo afmeero xilligii uu u qabtay guddiga FEIT.

Kulanka ducada ah ayaa waxaa kale oo ka qeyb galay Madaxweyneyaal hore, masuuliyiin kala duwan, Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka dalka, culimaa’udiin, Ehelada Marxuum Aamina iyo dadweyne aad u fara badan, kuwaasi oo.qiray sida ay ugu ololeyneysay dhanka Cadaaladda.

MADAXWEYNE SICIID DENI OO ISKU SHAANDHAYN KU SAMEEYAY GOLIHIISA WASIIRADA

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad faqradiisa 5aad.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dhammaystirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.

Markuu garawsaday: Shaqada baaxadda weyn leh ee shacabka Puntland ka sugayo xukuumadda.

Marku la tashaday: Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Puntland

Wuxuu Xeeriyey:

Magacaabidda iyo isku bedelka xubnaha Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo ka kooban, Wasiiro, Wasiir kuxigeeno iyo Wasiiru Dowlayaal, waxayna kala yihiin:-

B. Isku bedel Wasiiro:

1. Waxaa Cabdiraxmaan Caydiid Ibraahim loo bedelaya Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyaradda & Ciyaaraha.

2. Waxaa Cabdullaahi Cabdi Xirsi loo bedelaya Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka

3. Waxaa Axmed Shire Siciid loo bedelaya Wasiirka Wasaaradda Beeraha

Magacaabid:

1. Waxaa Jamaal Carab Yuusuf loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga.

3. Waxaa Dr. Caarshe Maxamed Siciid Aw-muuse loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta & Biyaha.

4. Waxaa Maxamed Cabdullaahi Axmed (Libaaxe) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha

4. Waxaa Cabdalle Cali Maxamed (Xashaawe) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga.

T) Wasiir Kuxigeeno :

Bedel

1. Waxaa Faa’iso Cali Ismaciil loo bedelaya Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Beeraha

Magacaabid :

1. Waxaa Laylo Cabdi Cali loo magacaabay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka

2. Waxaa Aamino Maxamed Cabdullaahi loo magacaabay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Haweenka

3. Waxaa Cali Cumar Caarshe loo magacaabay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda

4. Waxaa Mukhtaar Cabdisalaan Suleymaan loo magacaabay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada

5. Waxaa Qaasim Maxamed Yuusuf loo magacaabay Wasiirka Kuxigeenka Wasaaradda Dekeddaha

6. Waxaa Cabduqaadir Maxamed Suleymaan loo magacaabay Wasiirk Kuxigeenka Wasaaradda Tamarta

J) Wasiiru Dowlayaal :

1. Waxaa Shaakir Maxamed Guuleed loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorshaynta

2. Waxaa Axmed Maxamuud Maxamed (Barile) loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha

3. Waxaa Nuur Sheikh Daahir Sheikh Nuur loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Beeraha

4. Waxaa Axmed Ibraamin Cawaale loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

5. Waxaa Cabdinaasir Aadan Gows loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda

6. Waxaa Mustafe Cabdifitaax Maxamed loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.

7. Waxaa Cabdiqani Maxamed Cabdi Ciise loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Ganacsiga

8. Waxaa Yuusuf Axmed Maxamuud (Barre Faatax) loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta, Macdanta & Biyaha

9. Waxaa Maxamuud Ismaaciil Jaamac (Ciyoon) loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyaynta.

Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

Sheekh Aadan Madoobe “waxaan u sharaxnahay guddoomiyaha baarlamaanka 11-aad”

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe oo dhowaan loosoo doortay xildhibaan golaha shacabka ayaa shaaciyay in uu u taaganyahay qabashada xilka guddoomiyaha baarlamaanka 11-aad.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in uu leeyahay khibrad iyo waayo-aragnimo la xiriirta shaqadan, islamarkaasna uu doonayo in uu soo celiyo heybaddii aqalka, waa sida uu u sheegay warbaahinta gudaha.

Mar wax laga weeydiiyay in uu ka tirsanyahay mid ka mid ah xisbiyada aan rasmiga ahayn ee Soomaaliya ayuu sheegay in uu ka tirsanaa xisbi, balse marka uu guddoonka qabto uu raacayo sida uu sharciga qabo oo ah in xisbi kasta iska casilo, noqdana qof dhexdhexaad ah, isaga oo soo xigtay qodobka 65-aad.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay Xoghayeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa qaabilay xog-hayeyaasha Guud ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee BJFS Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux iyo Cali Maxamed Jaamac oo ay kala qaateen warbixin ku saabsan u diyaar garowga dhaarinta xildhibaannada Labada Aqal, si waafaqsan jadwalkii uu soo saaray Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT.

Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka, ayaa mareysa heer gebogebo ah, waxaana lagu wadaa in dhawaan ay mudaneyaasha labada aqal soo wada gaaraan Muqdisho, si loo siiyo shahaaddooyinka rasmiga ah, loona dhaariyo, ka dibna loo doorto guddoonnada labada aqal.

Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa 14-ka April u asteeyay in lagu soo gebogebeeyo doorashada labada aqal iyo guddoonkooda, si loogu gudbo doorashada madaxweynaha dalka.

Xildhibaan: “Ma ahan in la tarxiilo Soomaalida Canada, waa arrin khaldan”

Xildhibaan Feysal Xasan oo ka tirsan baarlamaanka Ontario

Xildhibaan Feysal Xasan oo ka tirsan baarlamaanka Ontario

Xildhibaan: “Ma ahan in la tarxiilo Soomaalida Canada, waa arrin khaldan”

Iyadoo dhowaan dowladda Canada ay sheegtay inay dalkeeda ay ka musaafurinayso dad Soomaali ah oo lagu eedeeyay inay ka been sheegeen aqoonsiyadooda ayaa xildhibaan Faysal Xasan oo ka tirsan xildhibaanada xisbiga mucaaradka ah ee NDP ,wuxuu ku tilmaamay tallaabada dowladdu ay ku tarxiilayso dadkaas mid aan sax ahayn oo midab takoor ah.

Tirada dadkan oo lagu sheegay ku dhawaad shan boqol ayaa dhibaatada haysta waxaa uu xildhibaanku ku eedeyay dadka dadka tahriibaya oo iyagu siyaabo khaldan ugu sameeyo marka hore dukumiintiyo aan ka turjumen halka saxda ah ee ay ka soo jeedaan, Waxaa uuna sheegay in isaga iyo xildhibaano kale ay arrintaan kala hadlayaan dowladda.

“Arrin khaldan weeye, ma ahan in la celiyo, dad inaga mid ah weeye, waddanka dad buu u baahan yahay, welina dalkeeda wuxuu leeyahay waxaan u baahanahay dad da’da yar, aqoonta fiican leh, dadka waa dad yar oo aqoon fiican, xilliggii safmarka waxay ahaayeen dadkii qabanayay shaqadii loo baahnaa marka dadku ay aqaladooda joogeen” ayuu yiri Xildhibaan Feysal.

“Haddii aysan sheeganin dokumentiyadii ay dalka ku yimaadeen, waxa ay yihiin oo la xaqiijiyay iyaguna caddeeyeen, Soomaalida wakiilkoodana uu caddeeyay safaaradooda in dadkan ay yihiin dad Soomaali ah”

Dowladda Canada waxay ku dooday in dadkan lasoo tarxiilayo ay ka been sheegeen sharciyadooda kadib markii baaritaan qoto dheer lagu sameeyay.

Xildhibaanka ayaa ku eedeeyay mukhalasiinta inay sal u yihiin dhibaatada dadka heysta maadama markii hore oo ay dadkan dalka soo galeen ay u sameeyeen dokumentiyo aan sax oo aan caddeyneynin halka ay kasoo jeedaan.

“Dadkan waa dad Soomaali ah, oo Soomaaliya cabsi fara badan uga soo qaxay, haddii mukhalasiinta ay ka qariyeen ayna cabsi geliyeen in aysan sheeganin dokumentiyadii ay waddanka ku yimaadeen , dokumentiyada dadka soo xambaaraya ay ka iibiyeen dadkan ama dalkeeda ay ku keenayaan ma aha kuwa sax ah iyaguna waxay sheegteen inay Soomaali yihiin, Soomaalinimadoodana wey caddahay , waana la xaqiijin kara, waana la arkaa” ayuu yiri xildhibaan Feysal Xasan oo ka tirsan baarlamaanka Ontario.

Xildhibaan Feysal ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda Canada in dadkan xaaladdooda ay dib u eegis ku sameyso maadama ay yihiin dadka kasoo cararay dhibaatooyin kala duwan.

“Dowladda waxaa looga baahan yahay in caddaalad ay sameyso in xaq darro aysan sameynin , dadka waxay kasoo cararayaan cabsi oo kasoo haajirayo Soomaaliya, waxay kasoo carareen dhibaatooyin fara badan, dadkaas qaxootig ee soo cararayo waa in lasoo dhaweeyaa, waan in aan la takoorin, anagaa u baahan, waa in mar labaad ay dowladda dib u eegto”

.

Maxaa sababay in Canada ay dalkeeda ka tarxiisho dad Soomaali ah?

Waxaa soo badanayaa tirada Soomalida dowladda Canada sheegtay inay dalkeeda ka masaafurinayso sababo la xiriira xagga sharciga.

Qaar ka mid ah Somalidaas oo lagu eedeeyay inay qariyeen aqoonsiga Kenya oo ay haysteen waxaana hadda dowladdu sheegtay inay celinayso halka kuwa kale go,aan sugayaal yihiin.

Qaar kamid ah dadkii ay go’aamisay dowladda Canada in dalka dib looga celiyo ayaa haatan sugayaa go’aanka kama dambeysta ah, waxay dowladda tallabaadaas uga laabtay markii Soomaalida ay sameeyeen isu soo baxyo ay uga soo horjeedaan in dadkaas aan lagu celin Soomaaliya.

Laga bilaabo sanadkii 2015 waxaa soo badanayay tirada Soomaalida ah ee laga musaafurinayo Canada, tirada Soomaalida laga soo tarxiilayo Canada ayaa sanadkii 2020 gaartay 61, halka sanadkan ay gaari karto 77 qof.

Haddaba maxaa keenay in Soomaali badan laga soo tarxiilo Canada? Maxamed Doolli oo ah garyaqaan Soomaaliyeed oo in ka badan 25 sano ka hawl galayay magaalada toronto ee gobalka Ontario ayaa BBC u sheegay in qofka Soomaaliga ah ee lagu helo baasaboorka dal kale oo nabad ah isla markaana ku anddoocanayo in Soomaaliya uu ka yimid uu wajahi karo musaafurin maadama la xaqiijiyay in sharci dal kale oo aan Soomaaliya aheyn uu kusoo galay Canada.

“Xaaladaha nagu soo kordhay ee ku saabsan qaxootiga Soomaalida ah ee loo diiday sharciga ama laga ceshtay, waxyaabo badan ayaa keeni kara, waxaa dhici karta in qofka uu baasaboor Kenya kusoo galay uuna sheegtay in uu yahay qaxooti Somaaliyeed , dad baa sidaas sharciga ku qaatay kadib baaritaan dheer lagu soo ogaaday in qofkaas uu heystay sharciga Kenya .. qofka qaxootinimada uu sheegayo mid sax ah ma yahay mar haddii uu raadka been soo galo wax kasta been ayay noqonayaan..marka lasoo ogaado sharciga ayaa lagala noqdaa, been baa noo sheegtay baa lagu yiraahdaa” ayuu yiri Maxamed Doolli.

Guddiga Xalinta Khilaafadka Oo 25 Kursi Oo Uu Khilaaf Ka Jiro U Gudbinaya Golaha Wadatashiga Qaran

Guddiga Xalinta Khilaafadka Oo 25 Kursi Oo Uu Khilaaf Ka Jiro U Gudbinaya Golaha Wadatashiga Qaran

Qoraal uu soo saaray guddigan ayaa waxa ay ku soo bandhigeen cabashooyinka rasmiga ee ay go’aanka ka gaareen, Dacwadaha dib ay ula noqdeen Soo Dacwoodayaashu, cabashooyinka aan saxsanayn iyo 25 dacwo iyo wixii ku soo kordha kuwaasoo loo gudbinayo Gollaha Wadatashiga Qaranka marka ay soo idlaadan kuraasta Doorashooyinkoodu dhiman yihiin.

Kuraasta 25ka ah ee ay shaaciyeen guddiga xalinta khilaafaadka ayaa waxaa ay ku sheegeen inay yihiin kuwo aan buuxin shuruudihii habracyada doorashooyinka.

Hase yeeshee guddigu ayaan soo bandhigin 25ka kursi ee ay u gudbinayaan Golaha wasatashiga Qaran ayna soo bandhigi doonaan tirsiga kuraasta marka ay soo dhamaystirmaan kuraasta golaha shacabka ee aan weli la dooran.

Sidoo kale guddiga ayaa waxa ay ku tilmaameen 25ka kursi ee ay u gudbinayaan golaha wadatashiga qaran inay yihiin kuwo xuquuq badan lagu tuntay sida da’ada,kuraas dumar oo aan la buuxin,ishoristaag siyaasadeysan oo lagu sameeyay muwaadiniinta qaarkood sida ka horistaagid inuu u safro deegaan doorasho iyo kuraas laga wareejiyay jufadii lahayd.

Qoraalka ay soo saareen guddiga ayaa u qornaa sidan:-

No photo description available.
No photo description available.