Dhibka Lagu Hayo Muslimiinta

Dalka Hindiya waxaa ka socda dhibaato lagu hayo dadka Muslimiinta ah. Muslimiinta dalka Hindiya ayaa lagu qiyaasaa 300 oo milyan, balse waa dad aan midnimo laheyn. Tan iyo markii uu xukunka qabsaday xisbiga Hinduuga, waxaa sare u kacay dhibka lagu hayo dadka Muslimiinta ah. Waxaa lagu heeystaa wixii ay cunnayeen, dharkii ay xiranayeen, meelihii ay ku cibbaadeeysanayeen, waxaa dab la qabadsiinayaa guryahooda, ganacsiyadooda, waxaana Hinduuga ay ku boorinayaan in la kufsado gabdhaha Muslimka ah.

Mar haddii dawladii ay raali katahay in dad shacab ah la waxyeeleeyo, yaa u maqan dadkaas? Dawladdaha Muslimiinta ayaa ah kuwo isha ka daawanaya dhibka lagu hayo dadka Muslimiinta ee ku nool dalka Hindiya, mana jiro ficil wadajir ah oo looga soo horjeedo dhibka lagu hayo dadkaas. Qaramada Midoobay waa mid meesha canbaareeyn uun la joogta oo aan heeyn ficil intaas dhaafsiisan.

Muslimiinta waxaa lagu dhibaateeyaa dalalka Shiinaha, Mayanmar iyo Hindiya. Hadda ha hor Madaxweeynaha Fransiiska Macron wuxuu yiri, “Maanta adduunka oo dhan diinta Islaamka waa mid jahwareer wajaheeysa.”

Ciidamada Israel oo 152 qof ku dhaawacay Masjidka Al-Aqsa

Ugu yaraan 152 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dhaawacay iska horimaad maanta ayaga iyo ciidamada booliska Israel ku dhex-maray gudaha Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa ee magaalada Qudus.

Inta badan dhaawacyada Falastiiniyiinta ayaa waxaa sababay rasaasta caagga ah, bambooyinka qiica kaliya sii daaya, iyo garaacis ay sameeyeen booliska, sida ay sheegta hay’adda Bisha Cas ee Falastiin.

Ciidamada Ammaanka Israel ayaa heegan culus ku jiray tan iyo markii weeraro dhowr ah oo dhimasho leh ay Israel ka dhaceen labadii toddobaad ee tegay.

War-saxaafadeed ay soo saareen ayay ciidamada Israel ku sheegeen in boqolaal qof oo Falastiiniyiin ah ay dhagxaan iyo baaruud kusoo weerareen ciidamada oo ku sugnaa meel u dhow halka lagu cibaadeysto ee Darbiga Galbeed kadib salaaddii subax ee Jimcaha.

Waxay intaas ku dareen in kadib ciidamada ay galeen dhismaha Al-Aqsa “si ay u kala eryaan dibna ugu celiyaan shacabka, si dadka kale ee cibaadeysanayey ay si nabdoon uga baxaan.”

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in saddex askari ay ku dhaawacmeen iska horimaadka.

Boolisku waxay xireen boqolaal Falastiiniyiin ah, waxaa sidaas tweet ku sheegay afhayeen u hadlay ra’iisul wasaaraha Israel Naftali Bennett.

“Waxaan ka shaqeyneynaa inaan xasilloonida kusoo celino Xaramka Shariifka ah iyo guud ahaan Israel. Waxaa intaas dheer, waxaan isku diyaarineynaaa xaalad kasta, ciidamada amniguna diyaar ayey u yihiin shaqo kasta,” ayuu yiri Bennet.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Falastiin oo ka hadashay rabshadaha Al-Aqsa ayaa sheegtay “in Israel ay si buuxa oo toos ah mas’uul uga tahay dambiga dhacay iyo cawaaqibkiisa.”

“Faro-gelin caalami oo deg deg ayaa loo baahan yahay si loo joojiyo gardarrada Israel ee ka dhanka ah Masjidka Al-Aqsa iyo in xaaladda ay farah ka baxdo,” waxaa sidaas yiri Nabil Abu Rudeineh, oo ah afhayeenka madaxweynaha Falastiiniyiinta Mahmoud Abbas, oo dowladdiisa ay maamusho aagga Israel ay haysato ee Daanta Galbeed.

Xamas oo iyana maamusha Marinka Gaza ayaa sheegtay in Israel “ay xambaareyso mas’uuliyadda iyo cawaaqibka.”

REUTERS

XIL. XIDDIG IYO BAANDHAYNTA TURUBKA SIYAASADDA:

XIL. XIDDIG IYO BAANDHAYNTA TURUBKA SIYAASADDA: BY: Abdi Faarax Juxa

Shaxda Soomaalidu 20-kii sano ee u damaysay waxay ahayd ” caado ku dhisan tunweyni siyaasadeed” ee marna maahayn qaanuuni lama taabtaan ah, waana markii 3-aad oo laysku dayo in la baandheeyo.

Haddaba, marka maanta la eego heerkulka siyaasadda, damaca kala gedisan iyo is-diidooyinka ka dhex jira xoogagga siyaasadda Soomaaliya iyo weliba kooxaha “ilaalinta caado-siyaasadeedka iyo kuwa baandhaynta turubkaba”, waxaa Xil. Abdirashiid Xiddig u muuqata inuu haysto fursad fiican oo ah 50/50 plus, taas oo ah waxa siyaasi kasta oo leh damac rational ahi samayn lahaa.

MAXAA KALOO JIRA?Waxaa kale oo Baandhaynta turubka siyaasadda dhiirrigelinaya fashilka iyo fadhiidka aragtida siyaasadda Soomaalida oo gashay iska daba-wareeg dheer, keenayna quus iyo niyad-jab weyn. Baandhaynta Xil. Abdirashiid Xiddigna waxay keli ah oo dad badan uga dhignaan kartaa “Bal dhab-shablena ku day” oo dhardhaarrada kala wareeji, lagaba yaabee inay shaqaysee.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka cusub oo beeniyay in uu xiriir la leeyahay Al-shabaab

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka cusub oo beeniyay in uu xiriir la leeyahay Al-shabaab 

Dr. Cali Xaaji Aadan Abuubakar, oo ka mid ah xildhibaannadii Golaha Shacabka ee shalay xilka loo dhaariyay ayaa muddo kooban kadib markii lagu doortay magaalada Baladweyne la faafiyay muuqaal laga duubay isaga oo ku sugan deegaanka Ceelcali ee gobolka Hiiraan halkaas oo ay Alshabaab ka taliyaan.

Hadal uu goob musaanasabad ahayd ka jeediyay ayuu ugu mahad naqay Alshabaab, isaga oo adegsaday ereyga “WILAAYADA ISLAAMIGA AH” iyada oo arrintaas ayay dad badan ka fal-celiyeen kuwaas oo xildhibaanka ku eedeeyay in uu xiriir dhow la leeyahay Alshabaab.

AXMED MADOOBE OO SOO DHAWEEYAY GO’OONKA GUDDIGA DOORASHOOYINKA EE DEEGAAN DOORASHADA LABAAD EE JUBALAND

Kismaayo, 14, April, 2022-Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa soo dhaweeyay go’aanka guddiga doorashooyinka heer Federaalka ee lagu dardar galinayo doorashooyinka deegaan doorashada labaad ee Jubaland.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in uu mar kale ku celinayo inaan kuraasta taala gobolka Gedo laga reebaynin doorashooyinka guud ee dalka isla markana ay lagama maarmaan tahay qabashada kuraasta gobolkaas taala si dadka deegaanka ay u helaan matalaad dhab ah.

Waxaa kale oo Madaxweynahu sheegay in mar walba ay muhiim tahay in gobolkaas ay kasoo baxaan Xildhibaano ku yimid rabitaanka bulshada deegaanka isla markana aan meel kale oo gobolka ahayn aan loo rari Karin doorashada taasna ay qasabtay in laga wareejiyo Garbahaareey maadama ayna jirin kalsooni iyo xasilooni halkaas doorasho lagaga qaban karo iyo hay’ado amni oo damaanad qaadi kara Nabadgalyada dadweynaha iyo ergooyinka halkaas tagi lahaa.

Madaxweynaha ayaa ku booriyay guddiyada doorashooyinka ee kala duwan inay sida ugu dhakhsiyaha badan kusoo gaba gabeeyaan doorashooyinka xildhibaanada ee deegaan doorashada labaad ee Jubaland si looga faa’iidaysto wakhtiga oo dib u dhac kale aanu u iman.

Gaba gabadii Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dadweynaha ku nool Magaalada Ceelwaaq inay kala shaqeeyaan Hay’adaha amniga Nabadgalyada deegaanka iyo soo dhawaynta martida iyo ergooyinka ka qeyb qaadanaya doorashooyinkan.

Maalinta Sabtida ayuu furmyaa Fadhiga ugu horeeya ee Golaha

Guddoomiyaha ku meel gaarka ah ee golaha shacabka Soomaliya oo iclaamiyay wakhtiga uu furmayo Fadhiga ugu horeeya ee Golaha

Guddoomiyaha Kumeel-gaadhka ah ee Golaha Shacabka JFS waxaa loo doortay Xil.Cabdisalaan Xaaji Dhabancad oo laga soo doortay koonfurta Gaalkacayo. Guddoomiyaha Kumeel-gaadhka ah ee Aqalka-sarena waxaa loo doortay Sen.Maxamed Cali Gaagaab oo laga soo doortay woqooyiga Gaalkacayo.

Madaxda Hey’adaha Duulista Rayidka ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya shir muhiim ah yeeshay

Madaxda Hey’adaha Duulista Rayidka ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya shir muhiim ah yeeshay

Wasiirka Gaadiidka iyo Dulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta shir gusdoomiyay Shir ay Muqdisho ku yeesheen  Maareeyayaasha Hay’adaha Duulista Rayidka ah ee Itoobiya iyo Soomaaliya.

Shirkaan waxaa ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Cali Gacal Gaabow, Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Soomaaliya Axmed Macalin Xasan, Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Itoobiya Getachow Mengiste iyo saraakiil kale oo ka socday labada dawladood

Shirkaan ayaa intii uu socday lagu lafa guray Iskaashi iyo khibrad is dhaafsi dhexmara labada Hey’adood, iyadoo lagu balamay in la yeesho shirar kale oo arrimahaan lagu xoojinayo.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Soomaaliya Axmed Macalin ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin xariirka Hay’adda Duulista Rayidka ah ay la yeelanayso dalalka Gobolka.

Dhankiisa Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Itoobiya Getachow ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay shirkaan, waxanaa uu intaas raaciyay in Iskaashiga labada Hey’adood uu wax badan ka bedalayo khibradahooda shaqo iyo adeegyada ay siiyaan labada shacab.

Ugu Dambayn Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa soo dhaweeyay Iskaashiga Hey’adaha Duulista Rayidka ah, waxaana uu sheegay in heshiisyo sidii loo gaari lahaa uu shirkaan gogol xaar u yahay.