Ma Guuleeysan Doonaa Hadafka Ra’iisalwasaaraha iyo Guddoomiyaha Damacdooda?

Guddiga Doorashooyinka ayaa noqday mid fullinaya danno siyaasadeeysan kadib markii ay liiska ka reebbeen shaqsiyaad afar qof ah, balse ujeedka ugu weeyn ee loo socda ayaa ah sidii Fahad Yaasiin loola hari lahaa. Qof kasta waxa uu ka dharagsanyahay in doorashada dalka ka socota dhamaanteed ay aheeyd mid aan xallaal aheen oo musuqmaasuq aad u xun uu hareeyey.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Federaalka iyo shakhsiyaadka dabbada ka riixaya sida ra’iisalwasaaraha ayaa u muuqda kuwo abuuraya khilaaf hor leh, balse waxaa hubaal ah in guddiga doorashooyinka iyo siyaasiyiinta dabbada ka riixaya aysan ku guulleeysan doonin isku daygooda ah ineey ka reebaan afartaa qof ee laga soo kala doortay Koonfur Galbeed iyo Hirshabeele.

Guddoomiya doorashooyinka ayaa ah shakhsi lumiyey kalsoonida lagu qabi karo dhexdhexaadnimadiisa maadaama uu fullinayo danaha shakhsiyaad kale. Xaqiiqda ayaa ah in guddoomiyaha oo ka soo jeeda Puntland uusan waxba ka qaban doorashadii ugu xumeeyd ee ka dhacday magaalada Boosaaso ee labba saacadood gudahooda lagu soo doortay 16 xildhibaan.

Guddoomiyaha iyo ra’iisalwasaaraha waxeey isku arkaan shakhsiyaad waqtiga yar ee noo muuqda kuwo guulleeystay maadaama liiska ay soo qorteen ay ka reebbeen Fahad Yaasiin. Si kasta ha ahaato, maanta waxaa qaatay shahaadooyinkii shakhsiyaad ka tirsan dhinaca mucaaradka. Hadaba maamulada Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed oo ka hor yimid liiska uu soo qortay guddoomiyaha ayaa sheegay ineey u gudbinayaan liiska musharaxiintooda xoghayayaasha labbada aqal taas oo ka dhigan in guddoomiyaha iyo guddigiisaba laga leexanayo.

Taas waxeey ka dhigan tahay in marka mucaaradka ay soo wada qaataan shahaadooyinka, in xubnaha ka socda maamulada Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed aysan tegi doonin meesha lagu qaadanayo shahaadooyinka. Dabcan halkaas waxa ku istaagi doona socodkii doorashada tan iyo inta lagu soo darayo liiska xubnaha laga reebay ee Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed.

Hadaba madaxda Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed iyo guddiyadooda doorashooyinka, ayaa shakhsiyaadka liiska laga reebay u arka ineey sifo sharci ah ku yimaadeen oo xaggooda aan wax dhib ah ka jirin. Midaas waxeey albaabada ka soo xireeysaa ra’iisalwasaaraha iyo guddoomiyaha oo aan heeysan wax sharci ah oo ay shakhsiyaadkaas uga reebbaan liiska.

Hadii muranka iyo is jiidjiidadka uu sii socdana, waxaa soo faragelin doona beesha lixaad oo iyadu ah midda kalla hagta marka khillaaf la isku mari waayo. Beesha caalamka waxeey iyagu taagan yihiin doorashada madaxweeynaha hala qabto, balse shakhsi meel ka arkay shakhsi kale ayaa ah mid aan micno u sammeeneeyn iyaga, waxeeyna u arkaa doorashada lagu soo xullayo baarlamaanka ay tahay mid aan doorasho lagu sheegi karo sidaa darteedna madaxweeyne uun la soo doorto.

Waxeey u muuqataa in guddoomiyaha doorashooyinka iyo ra’iisal wasaarahaba ay liiska ku soo dari doonaan aakhirka shakhsiyaadkii ay ka reebeen, mana noqon doonaan kuwo ku guulleeysta ineey liiska ka reebaan afartaa qof ee la beegsaday.

Go’aanada guddoomiye Muuse Geelle oo su’aalo la iska weeydiiyay

Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer Federaal ee Soomaaliya ayaa xalay fiidkii shaaciyay liiska xildhibaannada illaa hadda ku soo baxay doorashada labada aqal ee Soomaaliya.

Muuse Geelle Yuusuf, ayaa sheegay in xildhibaannada natiijooyinkooda la shaaciyay ay shahaadada xildhibaannimada qaadan karaan laga billaabo maalinta berita ah.

Muuse ayaa intaasi ku daray in 4 kursi la hakiyay shaacinta natiijadooda, kuwaas oo uu sheegay inay wax ka khaldanaayeen habraacyadii loo maray. Waxaana ay xubnahaasi kala yihiin:

1- Fahad Yasiin Xaaji Daahir – HirShabelle – Rer Aw Xasan

2- Maxamed Cali Xasan – Koonfur Galbeed – Eelay

3- Sareedo Maxamed Cabdalla – Koonfur Galbeed – Hadamo

4- Isaaq Cali Subag – Koonfur Galbeed – Jiroon

Gudoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay in maalmaha soo socda la soo dhammeystiri doono doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka.

Muuse Geelle Yuusuf oo BBC-da wareysi siiyay ayaa sheegay in liiskan uusan ahayn liiskii kama dambeysta ahaa, dibna loo shaacin doono marka 30-ka dhiman la soo dhameystiro.

”Liiskan waa liiskii lagu bilaabi shahaadooyinka wuxuuna noqonaya liiska koobaad ee galaya barlamaanka labada aqal.”

Guddoomiyaha oo ay BBC-da weydiisay sababta ay xilligaan ugu soo beegeen shaacinta liiska iyadoo weli ay dhiman yihiin doorashayoonkii ka dhici lahaa, Baledweyne iyo Garbohaarrey ayaa waxa uu ku jawaabay: ”In dastuurka qodobka 89 uu ogolaanayo in haddii uu kooramka buuxsamo liisaska la gudbin karo shahaadooyinka la siin karo lana xareyn karo xildhibaanada la doortay, haddii la dhameyn waayana xitaa afhayeenka la dooran karo.”

Maxaa ka jira in guddoomiye Muuse Geelle ay xaafiisyo kale cadaadis ku saareen in Kursiga Fahad Yaasiin liiska ka reebo?

Fahad Yaasiin
Qoraalka sawirka,Fahad Yaasiin

Guddoomiyaha oo sidoo kale ka jawaabaya Su’aashaasi oo ay BBC-da weydiisay ayaa sheegay in sababta Kursiga Fahad Yaasiin looga reebay Liiska xildhibaanada la shaaciyay ay tahay in inay wax ka khaldanaayeen habraacyadii loo maray.

”Aniga nin oday baan ahay cidna cadaadis ima saari karto, wixii doorashadaas lagu sixi karana waa lagu saxayaa marka hadaladaasi ku tiri kuteenka ah inaad i weydiiso xaq uma lahayn.”

Sababta ay horay ugu sixi waayeen intii ay doorashada socotay maxay tahay?

Guddoomiyaha ayaa sheegay in haddii hadda la soco iyo horay loo sixi lahaaba ay isku mid tahay oo ay guddiga u taallo hawshaas.

Dhanka kale liiska uu gudoomiyaha shaaciyay waxaa gaashaanka u daruuray xubin isla guddigiisa ka tirsan oo ku doodaya in si ulakac ah uu gudoomiyuhu uga reebay xubno lagu soo doortay si waafaqsan habraacyadii doorashada.

Yuusuf Maxamed-khayr Cabdinuur oo ka mid ah xubnaha guddiga federaalka ku matala dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in xubnahaasi uu reebay gudoomiyaha uu siyaasad ahaan u beegsanayo, taas oo uu tilmaamay in aanan la aqbali karayn.

Waxaana uu carrabka ku adkeeyay in aanay jirin cid badeli karta liiska xildhibaannada lagu soo doortay maamul goboleedkiisa.

Yuusuf Maxamed-khayr oo isna BBC-da wareysi gaar ah siiyay ayaa sidoo kale sheegay in guudiga dhan uusan ku heshiin in la shaaciyo liiska.

”Galabtii baan inaago guddiga ah meel isugu nimmaanay waxaana la isku soo sheeg qaaday inay caawa ku beegantahay maalintii ay ballan qaadeen in wax la gudbiyo qaabkii wax loo gudbinayay baa la is war-warsaday ka dibna meshii wax go’aan ah laguma gaarin, waana kala tagnay, hadana waxaan ka war helnay guddoomiyaha oo shir jeraa’id qabtay oo liiska siideynaya, markaasi ka dib ayaa waxaan go’aansanay in waxaasi aan ka daba tagno oo umadda Soomaaliyeed aan la khaldin oo sida saxda aan sheegno, waana sheegnay,” ayuu yiri Yuusuf Maxamed-khayr.

Waxa uu sheegay in arrintan siyaasad salka ku heysa oo la doonayo in guddiga lagu kala jabiyo.

”Guudoomiyaha waxa uu dhabarka ku wataa xafiiskii maamulka ee guudiga FEITE. Waxaa la rabaa in si wada ogol ah ay guddiga wax u sameeyaan sidii la arki jiray ee ahayd in guddiga uu cod ku kala baxa laakiin nin iska wareegaya uma maleyn maayo i go’aankiisa uu taaba galayo.”

”Guddoomiyaha haddii uu wax saxaayo, waxay ahyd inuu saxo Puntland oo ka soo jeedo oo isagoo joogo laba saacadood lagu qabtay doorasho 16 kursi ah oo ay 100 qof u codeeyeen kulligood marka haddii khalad la qabanayo taas baa la qaban lahaa.”

Guddoomiyaha guddiga ayaa waxaa loo doortay Muuse Geelle Yuusuf (Faroole), kaddib markii dhowaan xilka laga qaaday guddoomiyihii guddigaas Maxamad Xasan Cirro.

BBC Somali

Guddiga doorashada FEIT oo bilaabay bixinta shahaadada xildhibaannimo

Guddiga doorashada heer Federal ee FEIT ayaa Sabtida maanta ah bilaabay bixinta shahaada xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya, waxaana xildhibaankii ugu horreeyay ee qaata shahaada uu noqday Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug), sida uu goor dhaweyd shaaciyay guddigu.

Guddiga doorashada ayaa shalay ku dhaaway liiska xildhibaannada Baarlamaanka Federalka Soomaaliya, iyaga oo xildhibaannada ugu baaqay inay qaatay shahaada, si loo dhammeystiro jadwalka doorashada.

Ra’isul Wasaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay shaacinta liiska xildhibaannada, isaga oo guddiga doorashada heer Federal ‘ku adkeynayay in ay ku taagnaadaan hirgalinta jadwalka dhaarinta xildhibaannada ee ku eg 14-ka April, si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah’, sida uu ku yiri war qoraal ah oo uu saaray.

Kuraasta ilaa 30 xildhibaan ayaa weli ka dhimman dhammeystir Golaha Shacabka, kuwaas oo ay ku jiraan kuraasta deegaan doorashadu tahay Garabahaarey oo weli muran xooggani ka taagan yahay.

Image
Image
Image

Dab Xooggan oo ka Kacay Suuqa Waaheen ee Badhtamaha Hargeisa

Wararka ka imanaya magaalada Hargeisa ayaa sheegaya in dab xooggani uu caawa fiidkii ka kacay, suuqa weyn ee ku yaalla bartmaha magaalada Hargeisa., iyada oo ciidamada dabdamiska iyo Dawladda Hoose ee magaalada ay ku guda jiraan gurmad lagu deminayo dabka.

Duqa Caasimadda Hargeisa Cabdikariin Axmed Mooge oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in dabkani uu burburiyey hanti aad u badan, hase ahaatee aanay illaa haatan jirin wax khasaare nafeed ah oo uu geystay. Wuxuuna baaq u diray maayarada magaalooyinka kale ee Somaliland inay gurmad u soo diraan.

Suuqa bacadlaha ah ee Waaheen ayaa ayaa ku yaalla badhtamaha magaalada Hargeisa, waana suuqa ugu weyn, wuxuuna hoy u yahay kumanaan ganacsato ah oo isugu jira kuwa yaryar iyo kuwa dhexeba.

Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka ah ayaa goobta booqday.

Saraakiisha Dabdamiska iyo Dawladda Hoose ee Hargeisa ayaa sheegaya in illaa haatan lala tacaalayo dabka,.

Tacsi: Garaad Cismaan Maxamuud Mashqare

Bahda Allsanaag, waxay taci tiiraanyo leh u dirayaan umadda Soomaaliyeed, Beesha Dhulbahante , Qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Allah ha u naxariisto Garaad Cismaan Maxamuud Mashqare oo ka mid ahaa Isimada beesha Dhulbahante oo goor dhaweyd ku geeriyoodey wadanka TURKIGA.  

Waxaan Allah uga baryeynaa inuu naxariistii Jano ka waraabiyo Marxuumka, Eheladdi iyo Qaraabadii uu ka tegayna Samir iy Iimaan  uuka siiyo Aamiin Aamiin.

ALLSANAAG.COM

Ramadaan 2022

Berito oo sabti ah waa maalintii ugu horaysay bisha Ramadan; sidaa waxa ku dhawaaqday maxkamadda sare ee Sacuudiga

Caalamku Islaamku maalinta sabtida waxay noqonaysaa maalintii ugu horaysay ee busha Ramadaan ka dib markii la arkay bisha oo dhalatay , maxkanmadda sare ee Sacuudiga ayaa sidaaky dhawaaqday maantoo jimce ah.

Bulshada Soomaaliyeed iyo guud ahaan Muslimiinta ku xiran ALLSANA]AG waxaan leenahay Ramadaan kariim.

Isku aadka Koobka adduunka oo lasoo saaray.

Senegal, Morocco, Ghana, Cameroon iyo Tunisia ayaa Afrika ka soo baxay

Qaxootiga Afrikaanka ah oo u arka eex jinsiyadeed soo dhaweynta Maraykanku uu sameynayo qaxootiga Ukraine

Wilfred Tebah kama cabanayo in Maraykanku uu si degdeg u qaadayo dadka Ukraine ee ka baxsanaya duullaanka Ruushku ku hayo dalkooda, laakiin 27-jirkan, oo ka soo qaxay Cameroon, wuxuu la yaaban yahay waxa dhici lahaa haddii malaayiinta kasoo qaxaysa bariga Yurub ay noq lahaayeen midab kale.


Iyada oo Maraykanku isu diyaarinayo inuu soo dhaweeyo tobannaan kun oo uu dhashay Ukraine oo kasoo cararaya dagaalka, ayuu hadana sii wadaa inuu masaafuriyo tiro badan oo qaxooti Afrikaan ah iyo waddamada Kariibiyaanka ah oo dib loogu celinayo dalal aan xasilloonayn oo ay rabshado ka jiraan, kuwaas oo ay la kulmayaan kufsi, jirdil, xarig aan loo meel dayin iyo xadgudubyo kale.

“Ma daneeyaan nin madow,” ayuu yiri, Tebah oo deggan Columbus, Ohio, isaga oo ula jeeday siyaasiyiinta Mareykanka. “Farqiga u dhexeeya labada ummadood ayaa runtii ah mid cad. Way garanayaan waxa ka dhacay meelaha aan ka imaanay, waxayse go’aansadeen inay indhahooda iyo dhegahooda ka xirtaan.” ayuu sii raaciyay.

Walaaca Tebah ayaa la xiriira dib u celinta degdegta ah ee qaxootiga Haiti ee kasoo gudbaya xadka iyaga oo aan helin fursad ay magangelyo ku weydiistaan, iyada oo qaxootiga Afrikaanka iyo kuwa Bariga Dhexe dhabarka la xijiyay marka loo bar-bar dhigo sida reer Galbeedku ay si xamaasad leh u qaabileen dadka soo barakacay ee Ukraine.

Bishii Maarso, markii Madaxweyne Joe Biden uu ku dhawaaqay in Mareykanku uu soo dhaweynayo 100,000 oo qaxooti Urkaine ah, lana siinayo deggenaashaaha ku-meel gaarka ah ee loo yaqaan TPS 30,000 oo kale oo horeyba ugu sugnaa Mareykanka iyo sidoo kale joojinta masaafurinta qaxootiga Ukraine, ayaa laba xildhibaan oo ka tirsan xisbiga dimuqraadi ay ugu baaqeen maamulka Biden inuu tixgalin bini’aadantinimo oo taas la mid ah uu siiyo qaxootiga Haiti.

Ayanna Pressley oo gobolka Massachusetts laga soo doorto iyo Mondaire Jones oo Congress-ka ku metesha gobolka New York ayaa warqad u qoray maamulka madaxweyne Biden, iyaga oo xusay in inka badan 20,000 oo ah qaxooti u dhashay Haiti la tarxiilay xilli ay xasillooni darrida dalkaas ay sii socotay kadib dilkii madaxweynahooda iyo dhulgariirkii xoogganaa ee dhawaan ka dhacay.Wasaaradda Amniga Mareykanka, oo kormeerta barnaanijka TPS iyo barnaamijyada kale ee bani’aadamnimada, ayaa diiday inay ka jawaabto cabashooyinka cunsuriyadda ee ku saabsan siyaasadda socdaalka Mareykanka. Waxay sidoo kale diiday inay sheegto inay sharciga TPS u ballan qaadeyso qaxootiga Cameroon ama muwaadiniinta kale ee Afrikaanka ah, iyada oo bayaan qoraal ah ku sheegtay oo kaliya inay “sii wadi doonto la socodka xaaladaha dalal kala duwan.”

Waaxda Amnigu waxay xustay, si kastaba ha ahaatee, inay dhawaan u soo saartay sharciga TPS qaxootiga Haiti, Somalia, Sudan iyo South Sudan iyo dhammaan wadamada Afrika ama Kariibiyaanka – iyo sidoo kale inka badan 75,000 oo Afghaanistan ah oo ku nool Maraykanka kadib markii Taaliban ay la wareegeen waddanka ku yaal bartamaha Asia.

Wadamada kale ee ku jira sharciga TPS waxaa ka mid ah Burma, Honduras, Nepal, Nicaragua, Syria, Venezuela iyo Yemen, iyo inta badan ku dhawaad 320,000 oo muhaajiriin ah oo oo heysta sharcigan, kasoo oo kasoo jeedaan El Salvador.

VOA