26th April 2024  admin  Category :

Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer Federaal ee Soomaaliya ayaa xalay fiidkii shaaciyay liiska xildhibaannada illaa hadda ku soo baxay doorashada labada aqal ee Soomaaliya.

Muuse Geelle Yuusuf, ayaa sheegay in xildhibaannada natiijooyinkooda la shaaciyay ay shahaadada xildhibaannimada qaadan karaan laga billaabo maalinta berita ah.

Muuse ayaa intaasi ku daray in 4 kursi la hakiyay shaacinta natiijadooda, kuwaas oo uu sheegay inay wax ka khaldanaayeen habraacyadii loo maray. Waxaana ay xubnahaasi kala yihiin:

1- Fahad Yasiin Xaaji Daahir – HirShabelle – Rer Aw Xasan

2- Maxamed Cali Xasan – Koonfur Galbeed – Eelay

3- Sareedo Maxamed Cabdalla – Koonfur Galbeed – Hadamo

4- Isaaq Cali Subag – Koonfur Galbeed – Jiroon

Gudoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay in maalmaha soo socda la soo dhammeystiri doono doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka.

Muuse Geelle Yuusuf oo BBC-da wareysi siiyay ayaa sheegay in liiskan uusan ahayn liiskii kama dambeysta ahaa, dibna loo shaacin doono marka 30-ka dhiman la soo dhameystiro.

”Liiskan waa liiskii lagu bilaabi shahaadooyinka wuxuuna noqonaya liiska koobaad ee galaya barlamaanka labada aqal.”

Guddoomiyaha oo ay BBC-da weydiisay sababta ay xilligaan ugu soo beegeen shaacinta liiska iyadoo weli ay dhiman yihiin doorashayoonkii ka dhici lahaa, Baledweyne iyo Garbohaarrey ayaa waxa uu ku jawaabay: ”In dastuurka qodobka 89 uu ogolaanayo in haddii uu kooramka buuxsamo liisaska la gudbin karo shahaadooyinka la siin karo lana xareyn karo xildhibaanada la doortay, haddii la dhameyn waayana xitaa afhayeenka la dooran karo.”

Maxaa ka jira in guddoomiye Muuse Geelle ay xaafiisyo kale cadaadis ku saareen in Kursiga Fahad Yaasiin liiska ka reebo?

Fahad Yaasiin
Qoraalka sawirka,Fahad Yaasiin

Guddoomiyaha oo sidoo kale ka jawaabaya Su’aashaasi oo ay BBC-da weydiisay ayaa sheegay in sababta Kursiga Fahad Yaasiin looga reebay Liiska xildhibaanada la shaaciyay ay tahay in inay wax ka khaldanaayeen habraacyadii loo maray.

”Aniga nin oday baan ahay cidna cadaadis ima saari karto, wixii doorashadaas lagu sixi karana waa lagu saxayaa marka hadaladaasi ku tiri kuteenka ah inaad i weydiiso xaq uma lahayn.”

Sababta ay horay ugu sixi waayeen intii ay doorashada socotay maxay tahay?

Guddoomiyaha ayaa sheegay in haddii hadda la soco iyo horay loo sixi lahaaba ay isku mid tahay oo ay guddiga u taallo hawshaas.

Dhanka kale liiska uu gudoomiyaha shaaciyay waxaa gaashaanka u daruuray xubin isla guddigiisa ka tirsan oo ku doodaya in si ulakac ah uu gudoomiyuhu uga reebay xubno lagu soo doortay si waafaqsan habraacyadii doorashada.

Yuusuf Maxamed-khayr Cabdinuur oo ka mid ah xubnaha guddiga federaalka ku matala dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in xubnahaasi uu reebay gudoomiyaha uu siyaasad ahaan u beegsanayo, taas oo uu tilmaamay in aanan la aqbali karayn.

Waxaana uu carrabka ku adkeeyay in aanay jirin cid badeli karta liiska xildhibaannada lagu soo doortay maamul goboleedkiisa.

Yuusuf Maxamed-khayr oo isna BBC-da wareysi gaar ah siiyay ayaa sidoo kale sheegay in guudiga dhan uusan ku heshiin in la shaaciyo liiska.

”Galabtii baan inaago guddiga ah meel isugu nimmaanay waxaana la isku soo sheeg qaaday inay caawa ku beegantahay maalintii ay ballan qaadeen in wax la gudbiyo qaabkii wax loo gudbinayay baa la is war-warsaday ka dibna meshii wax go’aan ah laguma gaarin, waana kala tagnay, hadana waxaan ka war helnay guddoomiyaha oo shir jeraa’id qabtay oo liiska siideynaya, markaasi ka dib ayaa waxaan go’aansanay in waxaasi aan ka daba tagno oo umadda Soomaaliyeed aan la khaldin oo sida saxda aan sheegno, waana sheegnay,” ayuu yiri Yuusuf Maxamed-khayr.

Waxa uu sheegay in arrintan siyaasad salka ku heysa oo la doonayo in guddiga lagu kala jabiyo.

”Guudoomiyaha waxa uu dhabarka ku wataa xafiiskii maamulka ee guudiga FEITE. Waxaa la rabaa in si wada ogol ah ay guddiga wax u sameeyaan sidii la arki jiray ee ahayd in guddiga uu cod ku kala baxa laakiin nin iska wareegaya uma maleyn maayo i go’aankiisa uu taaba galayo.”

”Guddoomiyaha haddii uu wax saxaayo, waxay ahyd inuu saxo Puntland oo ka soo jeedo oo isagoo joogo laba saacadood lagu qabtay doorasho 16 kursi ah oo ay 100 qof u codeeyeen kulligood marka haddii khalad la qabanayo taas baa la qaban lahaa.”

Guddoomiyaha guddiga ayaa waxaa loo doortay Muuse Geelle Yuusuf (Faroole), kaddib markii dhowaan xilka laga qaaday guddoomiyihii guddigaas Maxamad Xasan Cirro.

BBC Somali

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*