Deni oo Garowe lagu soo dhoweeyey

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan, Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa ka qeyb galay soo dhaweynta Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane, Saciid Cabdullahi Denni oo safar shaqo ugu maqnaa dalka dibaddiisa.

Guddoonka Golaha Wakiillada DPL ayaa waxaa soo dhaweynta ku wehlinayey Madaxweyne ku xigeenka DPL Mudane Axmed Cilmi Cusmaan Karaash, xubno ka mid ah Goleyaasha Dawladda, Maamulka Gobolka, Kan degmada Garoowe, Saraakiil Ciidan iyo dadweyne.

May be an image of 3 people, people standing and outdoors
May be an image of 6 people, people standing and suit
May be an image of 10 people, people standing and outdoors
May be an image of 1 person, standing and sky
May be an image of 7 people, people standing and outdoors
May be an image of 11 people, people standing, military uniform and outdoors
May be an image of 3 people, people standing and outdoors
May be an image of 11 people, people standing and outdoors
May be an image of 3 people, people sitting, people standing and outdoors
May be an image of 5 people, people standing and suit
May be an image of 4 people, people standing and outdoors

Guddiga FEIT oo Kismaayo tagay, kuna wajahan Ceelwaaq

Guddiga FEIT oo Kismaayo tagay, kuna wajahan Ceelwaaq

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal Muuse Geelle Yuusuf ayaa gaaray magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Ahmed Mohamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer federaal Muuse Geelle Yuusuf, oo ay wehelinayaan gudiyada kala duwan ee doorashooyinka.

Kulanka ayaa la sheegay in looga hadlayay qabsoomida doorashada deegaan doorashada labaad ee Jubaland ee Magaalada ceelwaaq iyo sidii loo dardar galin lahaa iyadoo Madaxweynahu uu balan qaaday in Jubaland ay diyaar la tahay wixii tageero ah oo ay guddiyadu uga baahan yihiin.

Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo loo doortay guddoomiyaha guddiga doorashada guddoonka golaha shacabka

Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo loo doortay guddoomiyaha guddiga doorashada guddoonka golaha shacabka

Xubnaha Guddiga qaban qaabada doorashada guddoonka golaha shacabka Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo kulankoodii ugu horeeyay maanta yeeshay ayaa doortay guddoomiye iyo xoghayaha guddiga.

Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa loo doortay guddoomiyaha guddiga qaban qaabada doorashada guddoonka golaha shacabka halka xildhibaan Maxamed Abuukar Cabdi loo doortay Xoghayaha guddiga.

https://pbs.twimg.com/media/FPUqgh3WUAAJ4Hk?format=jpg&name=large

Guddigan ayaa looga fadhiyaa in ay dedejiyaan habraaca doorashada guddoonka golaha shacabka, xaqiijiyaana howlaha hor-tebinta u leh doorashada.

SHAATI KAA WAYN AYAA TOLATAY

Abiib, wuxuu ka mid yahay kuwa ugu qaylada badan maamulka Isaaqland, oo aan ka soo jeedin beelaha Isaaq. Abiibm wuxuu ka soo jeeda beesha Samaroon, oo qayladdii waxay uga dhamaatay sidii aqoonsi uga heli lahaa beesha Isaaq ayaa maanta mar uu tegay mid ka mid ah xadiisyada SNM ayaa lau yidhi Shaati kaa weyn ayaad Tolatay oo laga wado ma Isaaq ayaad is mooday!!!!

Saadaasha Hawada

Waaxda la socodka Isbedelka cimillada iyo saadaasha ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimillada Dowladda Puntland ayaa sheegtay maalmaha soo socda in Roobabka Mahiigaan ah haddii Rabi idmo ay ka curran doonaan Deegaano kuyaala Gobolada Mudug,Sool,Cayn iyo degmooyinka (Garoowe, Burtinle,Dhahar,iyo Ceergaabo, Hay’adda ayaa dhigaal qoraaleedka warbixinteedu u qornaa sidatan hoos ka muuqata.

Iyada oo weli abaar daran ka jirto guud ahaan deegaanada Puntland, haddana rajada curashada Gu’ga ee satimaankaan ayaa ah mid sarraysa.Gobolada Mudug, Sool, Cayn, iyo degmooyinka (Garoowe, Burtinle, Dhahar, iyo Ceergaabo) ayaa la filayaa in roobabka Gu’ga ka curtaan maalmaha 18-22 ee bisha Abriil, Xaddiga roobabka la filayo ayaa celcelis ahaan u dhaxeeya (30-40 mm).

Degmada Jariiban iyo dhulka dhoodida ah ee Sool iyo Nugaal ayaa laga filayaa xaddi roobaad gaari kara (50-70 mm).Deegaanada aan curasha roobku ka muuqan satimaankaan oo ay ilaa hadda abaar aad u daran ka jirto waxaa kamid ah inta badan gobolada (Bari,karkaar, Gardafuu, iyo dhammaan degmooyinka dhaca Xeebaha Puntland).

FG: Dhammaan Bulshada reer Puntland gaar ahaan xoolo-dhaqatada, beeralayda iyo gaadiidleyda ku dhaqan deegaanada saadaasha xaddiga roobabku sarreeyo waa inay taxadar dheeriya muujiyaan kana fogaadan meelaha Biyo-mareenka ah iyo Togaga.Sadaashan roobka waa ay isbadeli kartaa xilli kasta, Xarunta macluumaadka khayraadka Biyaha iyo Dhulka ee Dawladda Puntland waxa ay sidhow ula soconaysaa markasta isbad-badalka cimilada ee xilli roobaadka.

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Guddoomiyeyaasha Kumeel Gaarka ah ee Labada Aqal

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Guddoomiyeyaasha Kumeel Gaarka ah ee Labada Aqal

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan kula qaatay Madaxtooyada Qaranka Guddoomiyeyaasha kumeel gaarka ah ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdisalaan Xaaji Axmed (Dhabancad) iyo Golaha Aqalka Sare Senator Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) ayaa ugu hambalyeeyay masuuliyadda qaran ee loo igmaday.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Guddoomiyeyaasha Labada Aqal ee BFS sida habsamida leh ee ay u fureen Kulanka 1aad ee Kalfadhiga 1aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isaga oo Alle uga baryey in uu ku garab galo gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday.

Dhankooda, labada Guddoomiye ayaa Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga mahadceliyey kulanka, iyaga oo hoosta ka xarriiqay sida ay uga go’antahay dardar galinta doorashooyinka dalDhankooda, labada Guddoomiye ayaa Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga mahadceliyey kulanka, iyaga oo hoosta ka xarriiqay sida ay uga go’antahay dardar galinta doorashooyinka dalka

Hanjabaadda Qabiileeysan

Mid ka mid ah xildhibaanadda Maamul Goboleedka Hargeeysa ee ka soo jeeda degmada Boorama, ayaa waxa u hanjabay talliyaha booliiska oo isna ka soo jeeda beesha Isaaq. Hadaba, xildhibaanka oo hawl ka lahaa xarunta danbi baaridda ayaa markii uu albaabka ka soo baxay, waxa isna yimid meesha taliyaha booliiska ee maamulka Hargeeysa, waxa uuna ku yiri xildhibaanka, “Maxaa ka soo doontay meeshan ma hooyadaa baa leh”, “Ma adigaa (Soomaaliland) beeshe Isaaq ah”, “Anagaa shaati ku la’eg kuu gellineeyna” iyo hanjabaado kale.

Hadaba, shakhsiyaadka ka soo jeeda beelaha Warsangeli, Gudibiirse iyo Dhulbahante ee jooga Hargeeysa, waa ineey ooggaadaan in meeshu a tahay meel qabiil uu leeyahay. Horeyna Soomaali waxeey u tiri, “Qabiil Qaran Ma Noqdo.”

Marqaatigii goobta joogay muxuu ka yiri hanjabaadda qabiileeysan?

Guddiga Qaban-Qaabada Doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare Oo La Shaaciyay

Gudoomiyaha KMG ah ee aqalka Sare Senator Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) ayaa magacaabay guddiga Doorashada gudoonka aqalka Sare.

Guddigan ayaa waxa ay ka kooban yihiin lix xubnood oo labo ka mid ah ay yihiin dumar waxayna kala yihiin;

1- Sen. Aadan Cabdinaasir Maxamed.”Koofurgalbeed’
2-Sen. Saciid Cabdi Xuseen, “Somaliland”
3-Sen. Farxaan Cali Xuseen, “Puntland”
4-Sen, Zamzam Daahir Maxamuud.”Galmudug”
5-Sen Zamzam Cabdulaahi Axmed.”Hirshabelle”
6-Sen C/Saaq Maxamed Cismaan. “Jubbaland”

Ruushka oo dalkiisa ka mamnuucay Boris Johnson

Moscow ayaa Sabtida maanta ah ku dhawaaqday in ay dalkeeda ka mamnuucday Ra’iisulwasaaraha Britain Boris Johnson iyo saraakiil sarsare oo dalkaasi u dhashay, tani oo timid ka dib markii London ay cunnaqabateyno ku soo rogtay Russia oo ciidankeedu uu ku duulay Ukraine.

Hadal ay faafisay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayay ku sheegtay in tallaabadan ay jawaab u tahay ololaha siyaasadeed ee London ee “ujeedkeedu yahay in Ruushka loo go’doomiyo si caalami ah.”

Wasaaradda ayaa ku eedeysay London in ay qaadday “ficillo colaadeed oo aan horey loo arag” taasi oo ay kala jeeddo cunnaqabateynada ay ku soo rogtay saraakiil sarsare oo Ruush ah.

Xubnaha laga mamnuucay in ay tagi karaan Ruushka waxaa kale oo ka mid ah Ra’iisulwasaare ku-xigeenka Ingiriiska Dominic Raab, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Liz Truss, Xoghayaha Difaaca Ben Wallace, Ra’iisulwasaarihii hore Theresa May iyo wasiirka koowaad ee Scotland Nicola Sturgeon.

Britain ayaa qeyb ka ahayd dadaallada caalamiga ah ee lagu ciqaabayo Ruushka oo ay ka mid tahay xannibaado hantiyeed, xayiraad dhanka socdaalka ah iyo cunaqabatayn dhaqaale oo la saaray Ruushka tan iyo 24-kii bishii February oo ay ciidankiisa ku duuleen Ukraine.