Allaha u naxariiistee Abwaan Badal Jaamac oo lagu dilay Kaxda

Allaha u naxariistee waxaa caawa degmada Kaxda lagu dilay Abwaan Bedel Jaamac Xirsi kadib markii dhagarqabayaal bistoolado ku hubeysan ay Abwaanka toogteen xilli uu ka soo baxay Majsaajid ku yaalla degmada Kaxda oo salaadii Makhrib uu ku soo dukaday.

Cidamada ammaanka oo gaaray goobta uu falka dilka ah ka dhacay ayaa wada baaritaanno dheeraad ah oo ku saabsan kooxihii falka geystay.

Maleeshiyada argagixisada Al-Shabaab ayaa inta badan waxa ay caado ka dhigteen beegsiga dadka shacabka ah, waxaana Allaha u naxariistee uu abwaanka ka soo baxay Masjid uu salaadda maqrib ku soo tukaday.

Dhismaha xarunta cusub Golaha Wakiillada Dowladda Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta dhaggax dhigay dhismaha xarunta cusub Golaha Wakiillada Dowladda Puntland. Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash,

May be an image of 9 people, people standing and outdoors

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame iyo marti sharaf kale.

May be an image of 10 people, people standing and outdoors
May be an image of 8 people, people standing and outdoors
May be an image of 9 people, people standing, suit and outdoors
May be an image of 1 person, car and road

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Cambaareeyey Falalka Argagixiso ee lagu carqaladaynayo howlaha Baarlamaanka

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Cambaareeyey Falalka Argagixiso ee lagu carqaladaynayo howlaha Baarlamaanka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa uu cambaaraynayaa falalka argagixisada ee la doonayo in lagu carqaladeeyo shaqada Baarlamaanka Federaalka ah.

Isku dayga Maanta waxa uu ahaa fal fulaynimo ah oo la doonayay in lagu cabsigaliyo Baarlamaanka oo ku guda jira waajib gudashadiisa dastuuriga ah si loo cuuryaamiyo in doorashadu dhaqso u dhammaato.

Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu bogaadinayaa dadaalka Baarlamaanka ee dhammaystirka iyo dardargalinta doorashada.

Ra’iisul Wasaaruha oo bogaadinaya shaqada naf hurnimada ah ee Ciidamada Qaranka ayaa faray Taliyeyaasha Ciidammadu in ay labalaabaan dadaalkooda ku aaddan suggidda amniga iyo ka hortagista isku day kasta oo lagu carqaladaynayo amniga dalka, gaar ahaan xilligaan lagu guda jiro arrimaha doorashooyinka.

La Wadaag

Khasaare ka dhashay hoobiye ku soo dhacay barxadda dhismaha Barlamaanka

Khasaare ka dhashay hoobiye ku soo dhacay barxadda dhismaha Barlamaanka

Ugu yaraan todobo qof oo isugu jira shaqaalaha Barlamaanka iyo askar ayaa ku dhaawacmay hoobiya ku soo dhacay barxadda dhismaha Barlamaanka, xilli ay socotay dooda baarlamaanka.

Wararka ayaa sheegaya in ay istaagay doodii Barlamanka, xildhibaannada ayaana bilaabay inay dhismaha isaga baxaan.

Duqaynta ka hor ayaa Xildhibaanada labada aqal isku raaceen lacagaha laga qaadayo musharaxa madaxweyne, midka gudoonka labada aqal iyo kuxigeenadiisa, Lacagta laga qaadayo musharaxiinta madaxweynaha waa 40.000 (Afartan kun oo doolar), lacagta laga qaadayo musharaxiinta guddoomiyaha labada aqal waa 20.000 (labaatan kun oo doolar), halka lacagta laga qaadayo gudoomiye kuxigeenada labada aqal ay tahay 15.000 (Shan iyo toban kun oo doolar).

Kulanka mudanayaasha oo maanta ah mid aad xasaasi u ah ayaa sii socda, iyagoo sidoo kale ka arinsanaya habraacyada doorashada gudoonka labada aqal iyo tan madaxweynaha, maadaama waqtiga yar ee harsan la doonayo in laga faa’ideysto.

Doorashada gudoonka aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sidoo kale la isku raacay in la qabto 26-ka bishan, iyadoo arrimahan oo idil looga gol leeyahay sidii loo yareyn lahaa cadaadiska ka imanaya wakiilada beesha caalamka ee fadhigooda yahay xerada Xalane.

Xildhibaanada labada aqal ayaa sidoo kale isku raacay lacagaha laga qaadayo musharaxa madaxweyne, midka gudoonka labada aqal iyo kuxigeenadiisa, Lacagta laga qaadayo musharaxiinta madaxweynaha waa 40.000 (Afartan kun oo doolar), lacagta laga qaadayo musharaxiinta guddoomiyaha labada aqal waa 20.000 (labaatan kun oo doolar), halka lacagta laga qaadayo gudoomiye kuxigeenada labada aqal ay tahay 15.000 (Shan iyo toban kun oo doolar).

Kulanka mudanayaasha oo maanta ah mid aad xasaasi u ah ayaa sii socda, iyagoo sidoo kale ka arinsanaya habraacyada doorashada gudoonka labada aqal iyo tan madaxweynaha, maadaama waqtiga yar ee harsan la doonayo in laga faa’ideysto.

No photo description available.

Gudoomiyihii Hore Ee Gobolka Gedo Oo Xalay Ka Badbaaday Isku Day Dil 

Gudoomiyihii Hore Ee Gobolka Gedo Oo Xalay Ka Badbaaday Isku Day Dil 

Gudoomiyihii hore ee gobolka Gedo Cismaan Nuur XaajiCismaan Nuur Xaaji Macalimow oo goordhow suxufiyiinta kula hadlay hoygiisa ayaa u sheegay inuu ka badbaaday isku day la doonayo in lagu khaarajiyo xiligii suxuurta, wuxuuna carabka ku adkeeyay in weerarka ay ku soo qaadeen ciidan ku beel ah madaxweynaha mudo xileedkiisa sharciga ah uu dhamaaday Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo.

Xildhibaannada labada Aqal oo kulan wadajir ah yeelanayo Maanta

Xildhibaanada labada Aqal  Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah lagu wadaa in Magaalada Muqdisho ku yeeshaan kulan wadajir ah oo ay kaga hadlayaan ajandayaal dhowr ah.

Kulanka Maanata ayaa waxaa shir guddoomin doono Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya,waxa una Ajandaha ay ka doodi doonaan ay kala yihiin.

  1. Ansaxinta wax ka badelka Habraaca ku-meel-gaark ah ee u gaarka ah Doorashooyinka Guddoonka labada Gole iyo Madaxweynaha
  2. Warbixin ku saabsan hawlaha u qabsoomay iyo kuwa soo socda ee Guddiga Qabanqaabada Golaha Shacabka

TACSI: Cabdirashiid Muuse Boqor

Bahda ALLSANAAG, Waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa Qoyskii, Qaraabaddii iyo ehelkii uu ka geeriyooday Allah ha u naxariistee Cabdirashiid Muuse Boqor oo ku geeriyooday magaalada Edmonton, Canada.

Samir iyo iimaan Allah haka siiyo Dhamaan ehelkii iyo asxaabtiisii , gaar ahaan Qoyska Reer Xaaji Muuse Boqor, Marxuumkana Janatul Fardowsa Eebe ha ugu Deeqo. Marxuumka ayaa in badan ka mid aha odayaasha magaalada Toronto ee dalka Canada, aadna looga jeclaa magaaladaas

ALLSANAAG.COM