14th May 2024  admin  Category :

Khasaare ka dhashay hoobiye ku soo dhacay barxadda dhismaha Barlamaanka

Ugu yaraan todobo qof oo isugu jira shaqaalaha Barlamaanka iyo askar ayaa ku dhaawacmay hoobiya ku soo dhacay barxadda dhismaha Barlamaanka, xilli ay socotay dooda baarlamaanka.

Wararka ayaa sheegaya in ay istaagay doodii Barlamanka, xildhibaannada ayaana bilaabay inay dhismaha isaga baxaan.

Duqaynta ka hor ayaa Xildhibaanada labada aqal isku raaceen lacagaha laga qaadayo musharaxa madaxweyne, midka gudoonka labada aqal iyo kuxigeenadiisa, Lacagta laga qaadayo musharaxiinta madaxweynaha waa 40.000 (Afartan kun oo doolar), lacagta laga qaadayo musharaxiinta guddoomiyaha labada aqal waa 20.000 (labaatan kun oo doolar), halka lacagta laga qaadayo gudoomiye kuxigeenada labada aqal ay tahay 15.000 (Shan iyo toban kun oo doolar).

Kulanka mudanayaasha oo maanta ah mid aad xasaasi u ah ayaa sii socda, iyagoo sidoo kale ka arinsanaya habraacyada doorashada gudoonka labada aqal iyo tan madaxweynaha, maadaama waqtiga yar ee harsan la doonayo in laga faa’ideysto.

Doorashada gudoonka aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sidoo kale la isku raacay in la qabto 26-ka bishan, iyadoo arrimahan oo idil looga gol leeyahay sidii loo yareyn lahaa cadaadiska ka imanaya wakiilada beesha caalamka ee fadhigooda yahay xerada Xalane.

Xildhibaanada labada aqal ayaa sidoo kale isku raacay lacagaha laga qaadayo musharaxa madaxweyne, midka gudoonka labada aqal iyo kuxigeenadiisa, Lacagta laga qaadayo musharaxiinta madaxweynaha waa 40.000 (Afartan kun oo doolar), lacagta laga qaadayo musharaxiinta guddoomiyaha labada aqal waa 20.000 (labaatan kun oo doolar), halka lacagta laga qaadayo gudoomiye kuxigeenada labada aqal ay tahay 15.000 (Shan iyo toban kun oo doolar).

Kulanka mudanayaasha oo maanta ah mid aad xasaasi u ah ayaa sii socda, iyagoo sidoo kale ka arinsanaya habraacyada doorashada gudoonka labada aqal iyo tan madaxweynaha, maadaama waqtiga yar ee harsan la doonayo in laga faa’ideysto.

No photo description available.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*