Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo laga soo doortay Jubbaland ayaa ku dhawaaqay in u sharraxan yahay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo laga soo doortay Jubbaland ayaa ku dhawaaqay in u sharraxan yahay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya.
AXMED MADOOBE OO SOO DHAWEEYAY GO’OONKA GUDDIGA DOORASHOOYINKA EE DEEGAAN DOORASHADA LABAAD EE JUBALAND
Kismaayo, 14, April, 2022-Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa soo dhaweeyay go’aanka guddiga doorashooyinka heer Federaalka ee lagu dardar galinayo doorashooyinka deegaan doorashada labaad ee Jubaland.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in uu mar kale ku celinayo inaan kuraasta taala gobolka Gedo laga reebaynin doorashooyinka guud ee dalka isla markana ay lagama maarmaan tahay qabashada kuraasta gobolkaas taala si dadka deegaanka ay u helaan matalaad dhab ah.
Waxaa kale oo Madaxweynahu sheegay in mar walba ay muhiim tahay in gobolkaas ay kasoo baxaan Xildhibaano ku yimid rabitaanka bulshada deegaanka isla markana aan meel kale oo gobolka ahayn aan loo rari Karin doorashada taasna ay qasabtay in laga wareejiyo Garbahaareey maadama ayna jirin kalsooni iyo xasilooni halkaas doorasho lagaga qaban karo iyo hay’ado amni oo damaanad qaadi kara Nabadgalyada dadweynaha iyo ergooyinka halkaas tagi lahaa.
Madaxweynaha ayaa ku booriyay guddiyada doorashooyinka ee kala duwan inay sida ugu dhakhsiyaha badan kusoo gaba gabeeyaan doorashooyinka xildhibaanada ee deegaan doorashada labaad ee Jubaland si looga faa’iidaysto wakhtiga oo dib u dhac kale aanu u iman.
Gaba gabadii Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dadweynaha ku nool Magaalada Ceelwaaq inay kala shaqeeyaan Hay’adaha amniga Nabadgalyada deegaanka iyo soo dhawaynta martida iyo ergooyinka ka qeyb qaadanaya doorashooyinkan.
Guddoomiyaha ku meel gaarka ah ee golaha shacabka Soomaliya oo iclaamiyay wakhtiga uu furmayo Fadhiga ugu horeeya ee Golaha
Guddoomiyaha Kumeel-gaadhka ah ee Golaha Shacabka JFS waxaa loo doortay Xil.Cabdisalaan Xaaji Dhabancad oo laga soo doortay koonfurta Gaalkacayo. Guddoomiyaha Kumeel-gaadhka ah ee Aqalka-sarena waxaa loo doortay Sen.Maxamed Cali Gaagaab oo laga soo doortay woqooyiga Gaalkacayo.
Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa goordhow ku dhowaaqay in doorashadii 16-ka kursi ee magaalada Garbahaarey loo wareejiyey magaalada Ceelwaaq ee isla gobolka Gedo.
Munaasabadda Dhaarinta Xildhibaanada barlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 2022
Madaxda Hey’adaha Duulista Rayidka ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya shir muhiim ah yeeshay
Wasiirka Gaadiidka iyo Dulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta shir gusdoomiyay Shir ay Muqdisho ku yeesheen Maareeyayaasha Hay’adaha Duulista Rayidka ah ee Itoobiya iyo Soomaaliya.
Shirkaan waxaa ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Cali Gacal Gaabow, Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Soomaaliya Axmed Macalin Xasan, Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Itoobiya Getachow Mengiste iyo saraakiil kale oo ka socday labada dawladood
Shirkaan ayaa intii uu socday lagu lafa guray Iskaashi iyo khibrad is dhaafsi dhexmara labada Hey’adood, iyadoo lagu balamay in la yeesho shirar kale oo arrimahaan lagu xoojinayo.
Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Soomaaliya Axmed Macalin ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin xariirka Hay’adda Duulista Rayidka ah ay la yeelanayso dalalka Gobolka.
Dhankiisa Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Itoobiya Getachow ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay shirkaan, waxanaa uu intaas raaciyay in Iskaashiga labada Hey’adood uu wax badan ka bedalayo khibradahooda shaqo iyo adeegyada ay siiyaan labada shacab.
Ugu Dambayn Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa soo dhaweeyay Iskaashiga Hey’adaha Duulista Rayidka ah, waxaana uu sheegay in heshiisyo sidii loo gaari lahaa uu shirkaan gogol xaar u yahay.
Xildhibaannada dhawaan la doortay ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya ayaa ku qul-qulaya teendhada Afisyooni, halkaas oo saacadaha soo socda lagu dhaarin doono, waxaana la adkeeyay ammaanka xarunta Afisyooni, iyadoo la xiray waddooyinka ka agdhow agagaarka Garoonka Aadan Cadde.
Waxaa la filayaa in maanta la dhaariyo inka badan 200 oo mudane oo ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka, kuwaas oo maalimihii lasoo dhaafay qaatay shahadada xildhibaannimada.
Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sidoo kale filayaa inuu goob-joog ka noqdo xafladda dhaarta.
Gudiga Doorashooyinka(FIET) ayaa Fasaxay Kuraasta kala ah # HOP 103 iyo HOP 204 ee Deegaan doorashadooda ay tahay Koonfur galbeed. Waxaa sido kale guddiga ay sheegeen in lagu celinayo doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP # 154
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maanta sagootiyey Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, ayaa maanta ka sagootiyey Airporka Gen. Maxamed Abshir Muuse Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ee ku matela Puntland kuna suganaa Garoowe.
Guddoomiyaha ayaa waxaa ku weheliyay Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada Puntland, iyo Saraakiil ka tirsan Baarlamaanka Puntland.