Hadal jeedintii musharixiinta guddoonka labada Gole oo ka socota Muqdisho

Hadal jeedintii musharixiinta guddoonka labada Gole oo ka socota Muqdisho
Danjire Affey: Kibaki wuxuu ahaa madaxweyne Soomaaliya u hiilliyay xilli ay taageero u baahneyd
Safiirkii hore ee Kenya u fahiyay Soomaaliya Maxamed Cabdi Affey ayaa sheegay in madaxweynihii hore ee Kenya Mwai Kibaki oo shalay ku geeriyooday magaalada Nairobi inuu ahaa nin Soomaaliya u hiilliyay xilli ay taageero u baahneyd.
Waxa uu sheeegay in shirkii Kenya uu muddo laba sanado iyo bar ah Kibaki wakhti ku bixiyay sidii Soomaaliya u heli laheyd dowlad shaqeysa.
Kibaki ayaa bishii June ee 2006 Danjire Affey u magacaabay safiirka Kenya ee Soomaaliya. Wariyaha VOA ee Washington Falastin Axmed Iman ayuu uga warraamay doorkii Kibaki ee Soomaaliya.
Taliska booliska oo faahfaahin ka bixiyay qaraxii caawa ka dhacay Liido
Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxii ka dhacay Liido uu ahaa dhagarqabe isa soo miidaamiyay oo ku qarxay afaafka hore waddada dheer ee Liido, ayna ku dhinteen saddex ruux oo ay ku jiraan ciidamada ammaanka iyo dad rayid ah oo goobta ku ganacsanayay.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Cabdifataax Aadan Xasan ayaa sheegay in qarax uu dhacay xilliga cishaha oo uu ka dambeeyay dhagarqabe isku soo rakibay Jaakadda qaraxa, kaasi oo sababay dhimashada saddex ruux iyo dhaawaca sideed kale.
“Qaraxaas waxaa ku dhintay ilaa seddax qof, waxaana ku dhaawacmay ilaa sided kale oo ay ku jiraan ciidamada ammaanka, waxaan bulshada u xaqiijineynaa in goobtii ay hadda tahay mid ammaanka ah,” ayuu yiri Cabdifitaax Aadan.
Afhayeenka ayaa xusay in ciidamada ammaanka ay goobta la wareegeen oo aysan jirin qasaare intaa ka badan, haatana ay goobtu tahay mid caadi ah oo ay degantahay xaaladda, Nabadgelyada ay gacanta ku hayaan ciidamada amaanka
Xildhibaan Cabdi Qowdhan oo ka hadlay sida uu u dhacay qaraxa lala eegtey xildhibaannada #Puntland ee #Lido ku sugnaa. #Somalia pic.twitter.com/pHbg7a9Duh
— Mohamed Salh (@MohamedSelh) April 22, 2022
Degaanka horumar iyo in la ilaaliyo labadaba waa u baahan yahay.
MADAXWEYNE FARMAAJO OO WAREEGTO KASOO SAARAY DOORASHOOYINKA ISBARBAR SOCA EE GARBAHAAREEY IYO CEELWAAQ
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in doorashooyinka isbarbar socda ee Garbahaareey iyo Ceelwaaq ay yihiin kuwa sharci darro ah oo baal marsan Sharciga Jihaynta Doorashooyinka Dadban ee ay ansixiyeen Labada Aqal ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Wareegtadan oo lagu socodsiiyay Madasha Wadatashiga Qaran iyo Guddoomiyaha Kumeel Gaarka ah ee Golaha Shacabka ayaa lagu faray in la xushmeeyo heshiiskii 17kii Sebteembar 2020 iyo habraacyadii ku lifaaqnaa ee ay xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran kala saxiixeen 1dii Oktoobar 2020 iyo 27kii May 2021.
“Qof lagu soo doortay hannaan khilaafsan heshiisyada doorashooyinka iyo Xeerka Lam. 30 ma yeelan karo xuquuq lamid ah xildhibaannada lagu soo doortay hab waafaqsan heshiiskii 17ka Sebteembar 2020.”
“Sidaas darteed, kama qeyb qaadan karo doorashooyinka Guddoonka iyo tan Madaxweynaha ayadoo aan la helin heshiis ay wadar-ogol u gaareen Madasha Wadatashiga Qaranka si waafaqsan heshiiskii 17ka Sebteembar ama uusan soo saarin Barlamaanka 11aad sharci wax ka baddalaya xeerkii Barlamaanka labadaiisa aqal ay hore u ansixiyeen.” Ayaa lagu yiri Wareegtada Madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in wax ka baddalka Heshiiskii 17kii Sebteembar iyo habraacyadii ku lifaaqnaa ay u baahan yihiin heshiis siyaasadeed oo ay dib uga wada xaajoodaan xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran, isagoo faray inay degdeg isugu yimaadaan si xal dhammeystiran loogu helo kuraasta 16ka ah ee ku astaysan Garbahaareey.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyay in lasii dardargeliyo doorashooyinka loo madlan yahay ee Guddoonka Labada Aqal iyo doorashada Madaxweynaha sida ugu dhakhsiyaha badan. DHAMMAAD
Wasiirka Waxbarashada oo noqday xildhibaankii ugu horreeyay ee lagu doorto Ceelwaaq
Wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Abukar Xaaji ayaa noqday xildhibaankii ugu horreeyay ee lagu doorto degmada Ceelwaaq, wuxuuna kusoo baxay kursiga Hop119, kadib markii musharraxii la tarmayay oo ahaa Cabdicasiis Cabdullahi Ibraahim uu u tanaasulay.
Doorashadan oo laga soo wareejiyay degmada Garbahaarey ayaa waxaa natiijadeeda ku dhawaaqay guddiga hirgelinta doorashada ee heer dowlada goboleed ee Jubaland.
15 kursi oo kale ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay doorashadoodu ka dhacdo Ceelwaaq, iyada oo dhinaca kale maamulka Garbahaarey ay ka horyimaadeen in laga wareejiyo doorashada.
Guddiga doorashada Heer Federaal ee FEIT oo saaka gaaray maaalada Ceelwaaq ayaa toddbaadkii hore ku dhawaaqay in sababo amni dartood aysan Garbahaarey u noqon karin goob ay doorasho ka dhici karto, iyada dhinca kale maamul Jubaland uu soo dhaweeyeen deegaan doorashada Ceelwaaq.
Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Kuraasta Garbahaaray waxa ay shaacinayaan 9-kursi oo kamida kuraasta Gollaha Shacabka ee taala Deegaan Doorashada labaad Jubaland ee Garbahaaray.HOP#065, HOP#078, HOP#119, HOP#100, HOP#090, HOP#122, HOP#117, HOP#116, HOP#125
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Qaranka ayaa uyeeray Wasiirka wasaarada Betroolka XFS Cabdirashiid Maxamed Axmed, Si wax looga Weydiiyo Heshiis Wasiirku La galay Shirkada Shidaalka Coastiline
Nin ka soo jeeda gobolka Kentucky ee dalka Maraykanka ayaa maxkamaddi magdhow u siisay $450,000.
Nin ka soo jeeda gobolka Kentucky ee dalka Maraykanka ayaa maxkamaddi magdhow u siisay $450,000, Ninkan oo u shaqaynayey Shirkad la yiraahdo Gravity Diagnostics, ayaa madaxda shirkaddu waxay u sheegeen inay u qabanayaan xafladda dhalashadiisa. Markii ay arintan xafladdisa ah u sheegeen u sheegeen, ayuu isaguna u sheegay inaanu doonayn in loo dhigo xafladda dhalashadiisa sababtoo ah waxaan qabaa qabaa xanunka anxiety disorder, oo marka farxaddu iga badato waa xanuunsadaa.Qofkii uu arintan u sheegay waa ilaaway oo siddii ayaa xafladdii loogu sameyey.
Siddii uu sheegayey ayeey noqotay xanuunkii ayaa ku dhacay waa cararay oo gaarigiisa ayuu aaday si u soo neefsado. Subaxdii danbe ayaa xafiiska loogu yeedhay oo lagu yidhi ” ma ogtahay inaad shaqaalihii kale aad shalay baashaalka goonayey inaad kaga ciyaartay baashaalkii . Mar danbe ayu sidii u xanuun saday, aakhirkiina shaqada ayaa laga eryey .Hadda ayaa maxkamaddi u xukuntay in dhibanahan magdhow gaaraysa $450,000