16th April 2024  admin  Category :

Taliska booliska oo faahfaahin ka bixiyay qaraxii caawa ka dhacay Liido

Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxii ka dhacay Liido uu ahaa dhagarqabe isa soo miidaamiyay oo ku qarxay afaafka hore waddada dheer ee Liido, ayna ku dhinteen saddex ruux oo ay ku jiraan ciidamada ammaanka iyo dad rayid ah oo goobta ku ganacsanayay.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Cabdifataax Aadan Xasan ayaa sheegay in qarax uu dhacay xilliga cishaha oo uu ka dambeeyay dhagarqabe isku soo rakibay Jaakadda qaraxa, kaasi oo sababay dhimashada saddex ruux iyo dhaawaca sideed kale.

“Qaraxaas waxaa ku dhintay ilaa seddax qof, waxaana ku dhaawacmay ilaa sided kale oo ay ku jiraan ciidamada ammaanka, waxaan bulshada u xaqiijineynaa in goobtii ay hadda tahay mid ammaanka ah,” ayuu yiri Cabdifitaax Aadan.

Afhayeenka ayaa xusay in ciidamada ammaanka ay goobta la wareegeen oo aysan jirin qasaare intaa ka badan, haatana ay goobtu tahay mid caadi ah oo ay degantahay xaaladda, Nabadgelyada ay gacanta ku hayaan ciidamada amaanka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*