Maxaa laga yeeli doonaa heshiiskii uu Farmaajo galay ee baarlamaanka la horgeyn?.

Maxaa laga yeeli doonaa heshiiskii uu Farmaajo galay ee baarlamaanka la horgeyn?.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya waxaa horyaalla siyaasado wajiya badan leh oo Soomaaliya kala dhaxeeyo waddamada Deriska la ah sida Kenya, Itoobiya, Jabuuti iyo Eritrea oo Geeska Afrika ku taala.

Dalka Soomaaliya 15-ki Bishan May wuxuu yeeshay madaxweyne cusub kaasoo noqday madaxweynihi 10-aad ee dalka Soomaaliya.

Xasan Sheekh intii uu ololaha doorashada uu ku jiray iyo markii la doortay kaddibba hal ku dhiggiisu wuxuu ahaa inuu doonayo inuu abuuro ‘Soomaali iyadu heshiisay, dunidana la heshiisay.’ taasoo dad badan ay u fasirteen in uu siyaasad qaboow oo wada-xaajood iyo wadahal ah kula dhaqmi doono dalalka adduunka, gaar ahaan kuwa dariska oo xurguf ay qaarkood kala dhaxaysay madaxweynihii isaga ka horeeyay.

Dowladdi ka horreysay Xasan Sheekh Maxamuud uu hoggaanka u hayey Madaxweynihi hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waddamada deriska la ah Soomaaliya waddamada caalamkaba wuxuu ahaa mid wajiyo badan lahaa.

Xiriika Soomaaliya iyo Itoobiya ka dhaxeeya wuxuu ahaa mid wanaagsan oo gaaray halkii ugu saraysay, halka xiriirka Kenya iyo Soomaaliya ka dhaxeeyana uu ahaa mid marba marka ka sii dambeysay sii xumaanayey, illaa heer labada dal ay safaaradaha kala qaataan.

Dadka abla-ableeya siyaasadda Arrimaha Dibadda waxay sheegaan siyaasadda Arrimaha Dibaddu ujeeddadeedu iney tahay in dal u kasbado saaxibnimo dunida oo dhan oo cadow aad dunida ku lahaanin, siyaasadda arrimaha dibaddana ay sawir ka bixiso siyaasaddaada arrimaha gudaha sida ay tahay.

Xiriirka dal uu dibadda la leeyahayna uu ka billaawdo waddamada ay deriska yihiin oo ku yaalla gobolka uu dalkaasi dunida kaga yaallo, kuwa deriska ahna xiriirka ugu horreya uu ka billaabanayo kaddibna caalamka uu ku sii fidayo.

“Saaxibnimadaadu waxay ka billaabataa dalalka aad deriska tihiin, innaga xaaladdeenna dalalka aan deriska ah waxaa weeye Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya. Haddii marka dalkeenna uusan xiriir fiican la laheen dalalkaasi horumar ma gaari kareyno lugtaan is-haysaneynaa waa isla dageynaa,” ayuu yiri Axmed Ciise Cawad, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo u waramay BBC Somali.

Risalwasaare Abiy, Madaxweyne Isaayaas iyo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo
Qoraalka sawirka,Risalwasaare Abiy, Madaxweyne Isaayaas iyo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo

Waddamada Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea waxay galeen heshiis seddex geesood ah oo seddexda dal iskaashi dhinacyo siman ay ku yeelanayaan.

Madaxweynihi hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi oo ku guul darraystay doorashadii 15-ka May ka dhacday magaalada Muqdisho waxay guul darradiisa saameyn Taban ku yeelan kartaa isbahaysiga seddex geesoodka ahaa ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea.

Waxay seddexda hoggaamiye kulamo dhowr ah ku yeesheen Magaalooyinka Asmara iyo Addis Ababa si ay u qiimeeyaan waxa ka hirgalay heshiiska seddex geesoodka ee ay galeen iyo dardar gelinta heshiisyadaasi.

Waxyaabihii inta badan kulammadooda ay uga hadlayeenna waxaa ka mid ahayd arrinta la xiriirta suuragalnimada inay midoobaan dalalkan mustaqbalka dhanka dhaqaalaha, sameeyaan isdhexgal dhaqan-dhaqaale

“Waxaan rajeynayaa saddexdan madaxweyne ee halkan taagaan carruurtoodu inay arki doonaan saddexdan waddan ee aan ka kala nimid oo hal madaxweyne leh, oo aanan saddex madaxweyne lahayn,” ayuu yiri Abiy Axmed oo ay goobta kula sugnaayeen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.

Maxaa laga filan karaa Xasan Sheekh?

Ma cadda siyaasadda arrimaha dibedda ee madaxweynaha cusub marka laga reebo saansaanta guud ee uu muujiyay, hase yeeshee dowladdii Itoobiya markiiba waa ay soo hambalyeysay, waxaana madaxweynaha cusub u hambalyeeyay Ra’isulwasaaraha dalkaasi Dr Abiy Axmed.

Hase yeeshee kooxda TPLF ee dirirta kala dhaxayso dowladda Dr Abiy ayaa iyaduna dhankeeda hambalyo u dirtay madaxweyne Xasan, waxayna sheegtay kooxda in ay ka wada shaqayn doonaan ‘amniga gobolka’ sida hadalka loo dhigay.

Ra'isal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed

Hambalyada guusha ee labada dhinac ayaa ku soo beegmeysa xilli ay dowladda Itoobiya ciidamadeeda heegan gelisay kaddib markii ay fallaagada TPLF sheegtay iney dagaal kale u diyaar garoobeen dhawaanna ay soo qaadayaan.

Abiy Axmed oo bartiisa Twitter-ka farriin hambalyo ah u soo mariyey Madaxweyne Xasan Shekh Maxamuud ayaa sheegay in uu si dhaw ula shaqeyn doono madaxweynaha cusub, ayna iska kaashan doonaan arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal iyo danaha gobolka.

Hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael

Farriinta hambalyada uu soo diray hoggaamiayaha TPLF Debresion Gebre-Miichael oo lagu baahiyey barta Twitterka ee xafiiska arrimaha dibadda fallaagada waxaa lagu sheegay inay kalsooni ku qabaan hoggaanka cusub isla markaana ay diyaar u yihiin in iskaashi dhanka amniga gobolka ah ay la yeelan doonaan madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda fedraalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

“Soo laabashada taariikhiga ah ee Madaxweyne Xasan ee ka dhalatay codka aqlabiyadda aadka u badan waxay caddeyn u tahay rabitaanka shacabka Soomaaliyeed ee ah iney isbeddel doonayan si loo helo mustaqbal waara oo loo dhan yahay,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay hoggaanka TPLF.”

Madaxweyne Xasan Sheekh in madaxweynanimo loo doorto waddama dhowr ayaa u soo hambalyeeyey balse khubarada arrimaha dibadda ku xeel dheer waxay sheegayeen inuusan madaxweynaha isagu xukumin cidda u soo hambalyeyneyso oo ay isagu la gudboon tahay oo keli ah inuu u jawaabo.

“Horta madaxweynuhu isagu ma xukumo qofka u soo tahniyadeynaya, madaxweynuhu isagu qofka u soo tahniyadeeya tahniyaddana wuu ka aqbalayaa wuuna uga jawaabayaa, laakiin sida madaxweynaha ka muuqata halku dhiggiisa innagu dalalka dibadda ah arrimahooda u gaarka ah oo gudahooda ah shuqul kuma lihin hadii kale innagana sida oo kale ayaa noola dhaqmayaa, marka annagu waddamada deriska ah saaxiib iyo walaalnimaan kula noolaaneynaa.” ayuu yiri Axmed Ciise Cawad.

Axmed Ciise Cawad waxa uu qabaa in dowladda Soomaaliya waxa ugu yar ee ay samayn karto ay tahay in aysan dhexgalin arrimaha gudaha ee dalalka dariska ah.

Soomaaliya waddamada deriska la ah uu khilaafka xooggan kala dhaxeeyey waxaa ka mid ah dalka Kenya. Khilaafkoodaasi oo salka ku hayey Muranka badda, Arrinka qaadka iyo Arrimo kale. Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud howlaha horyaalla waxaa ka mid ah sida uu ka yeelayo calaaqaadka sii xumaanayey ee labada dal.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xasan Sheekh Maxamuud

“Anigu hadda afka madaxweynaha kuma hadli karo oo waxa la yeeli doono ma aqaanno madaxweynaha haddaa la doortayba laakiin halku dhiggiisu sida uu tilmamayo iyo sida ay tahay inaan adduunka ula dhaqanno aniga oo ka duulaya waaya aragnimada aan u leeyahay waxaa weeyey ineynu dalalka adduunka heshiis la ahaanno kuwa deriska nala ahna ay ka mudan yihiin.” ayuu sheegay wasiirkii hore ee arrimaha dibedda.

“Taa macnaheedu ma aha in ay dalalku kala lahayn masaaliix ama dano, danahaasi marka waxaa la isku dayaa ineysan dhibaato ka weyn dantii guud ku lumineyso ineysan keenin laakiin aad ilaashatid taana madaxweynuhu waa mid uu yaqaanno oo madaxweynaha maamulkii uu isagu madaxa ka ahaa ayaa kiiska badda geeyey maxkamadda caddaaladda adduunka. Haddana waxyaaba kale o badan ayaa innaga iyo Kenya, innaga iyo Itoobiya naga dhaxeeya, Innaga iyo Jabutina naga dhaxeeya,” ayuu yiri Axmed Ciise Cawad, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo BBC u warramay.

Dhinaca kale Ururka ONLF ayaa u hambalyeeyey madaxweynaha cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shekh Maxamuud.

Doorashada Madaxweynaha lagu doortayna waxay ku tilmaameen iney tahay mid muujineyso dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin dhaqan asal oo ku astaysan xorriyad, sinnaan, iyo dimuqraadiyad iyaga oo ahaa dimquraadiyadeyntii ugu horreysay ee Afrika Soomaaliyana ay ahayd dalki ugu horreeyey ee Afrika oo xilka madaxweynaha si nabad lagula kala wareegay

“Soomaaliya waxay ka mid tahay saamileyda ugu muhiimsan ee saameeya Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe. JWXO waxay rajeyneysaa in madaxweynaha cusub uu suurtogaliyo siday Soomaaliya kaalin togan uga ciyaari lahayd Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe si ay u noqdaan si ay u noqdaan goobo ay ka hirgasho nabadgalyo iyo horumar,” ayaa lagu yiri farriinta hambalyada ee ka soo baxday ONLF.

Doorashada Soomaaliya oo wakhtigeedi uu dib uga dhacay in ka badan sanad ayaa la soo gabgabeeyey 15-ka Bishan May 2022-ka iyada Xasan Sheekh Maxamuud loo doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Lama oga go’aanka uu madaxweynaha cusub ka qaadan doono heshiiskii isdhexgalka ee ay galeen seddexda dal, kaas oo aysan warbaahinta helin faahfaahintiisa, islamarkaasna aanan la horgeynin baarlamaanka.

Jubaland oo sheegtay inay qorsheyneyso inay dib ula wareegto Gedo

Jubaland oo sheegtay inay qorsheyneyso inay dib ula wareegto Gedo

Maamul Goboleedka Jubaland ayaa ka hadlay qaabka maamulku u doonayo in dib u heshiisiin looga sameeyo gobolka Gedo si degmooyinka gobolkaas dhammaantood ay mar kale dib ugu soo laabtaan gacanta maamulka.

Gobolka Gedo ayaa muddo waxaa ka jiray xiisad siyaasadeed, ayada oo gacan ku hayntiisa ay isku hayeen dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedka Jubaland.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka jawaabay go’aankii ciidamada ee Joe Biden

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka jawaabay go’aankii ciidamada ee Joe Biden

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyey go’aanka madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ku ogolaaday inuu dib ugu soo celiyo Soomaaliya dhowr boqol oo ka tirsan ciidamada khaaska ah ee tababarka iyo taageerada siiya ciidanka Soomaaliya.

Fariin lagu qoray barta twitterka madaxtooyada JFS ayaa lagu sheegay in dawladda Soomaaliya ay Maraykanka u aragto waddan iskaashi la isku hallayn karo la leh Soomaaliya, marka ay noqoto baadi-goobka Soomaaliya ugu jirto xasillooni iyo dhinaca la-dagaalanka argagixisada.Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa shalay saxiixay amar boqolaal askari oo Mareykan ah dib loogu soo celinayo Soomaaliya, si ay ciidamada xoogga Soomaaliya uga gacan siiyaan ciribtirka kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Ciidamada Mareykanka ayaa laga soo qaadi doonaa qeybo kale oo ka mid ah Afrika, si ay tababaro iyo taageero u siiyaan ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira dhagarqabayaasha Al-Shabaab.Go’aankan ayaa looga dan leeyahay “in lagu kordhiyo badqabka iyo wax ku oolnimada ciidamadeena, loona suurta-geliyo inay taageero wax ku ool ah siiyaan saaxibadeena,” waxaa sidaas tiri afhayeenka Golaha Amniga Mareykanka Adrienne Watson oo ku dhowaaqday go’aankan.

Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa hoyga uu magaalada Muqdisho ka dagan yahay ku qaabilay Safiirka Dowlada Maraykanka ee Soomaaliya Larry Edward André, Jr.

Madaxweynaha Jubbaland iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay tageerada Maraykanka ee Soomaaliya, dagaalka Argagixisada iyo xaalada Gobolka Geeska Afrika.

Dhinaa kale Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan la qaatay Safiirka Dowlada Kenya ee Soomaaliya Danjire Lucas Tumbo oo ay ka wada hadleen tageerada Dowlada Kenya ee Soomaaliya oo ay ciidamadeedu ka mid yihiin howlgalka ATMIS ee tageerada Soomaaliya iyo iskaashiga labada bulsho.

M. Xasan iyo Rooble oo kulmay

Ra’iisul Waaaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa booqasho hambalyo iyo salaan ah ugu tagay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo u rajeeyay in uu Eebbe ku guuleeyo xilka Qaran ee loo doortay.

Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo ah ugu horeyso xaaladda Guud ee dalka.

Xoghayaha Guud ee QM oo hambaly u diray madaxweynaha cusub ee Somalia

Xoghayaha Guud ee QM oo hambaly u diray madaxweynaha cusub ee Somalia

 Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa soo dhoweeyay doorashadii ka dhacday caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho halkaas oo lagu doortay madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud. Xoghayaha Guud ayaa hambalyo u diray madaxweynaha la doortay, isaga oo ku bogaadiyey madaxweynaha xilka ka degaya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu si degdeg ah u aqbalay natiijada doorashada.

Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa rajo ka muujiyay in Madaxweynaha cusub uu si deg deg ah ugu dhaqaaqi doono soo dhisidda Gole Wasiiro oo loo wada dhan yahay, isla markaana ay Dowladda cusub ee uu soo dhiso iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalku ay si dhow uga wada shaqeyn doonaan sidii loo horumarin lahaa arrimaha muhiimka ah ee Qaranka iyo caqabadaha horyaala.

Warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Stephane Dujarric, ayaa lagu sheegay “Xoghayaha Guud waxa uu ku celinayaa taageerada joogtada ah ee ay Qaramada Midoobay siiso dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waxana uu rajaynayaa in uu sii wado wada shaqayn dhaw oo uu la yeesho maamulka cusub si loo horumariyo qorshaha dawlad-dhisidda Soomaaliya iyo wax ka qabashada xaaladaha bini’aadantinimo ee ba’an ee dalka ka jira” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay xarunta guud ee Qaramada Midoobay

Facebook Forum

Xasan Sheekh oo mar kale loo doortay madaxweynaha Soomaaliya

Xasan Sheekh oo mar kale loo doortay madaxweynaha Soomaaliya

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale loo doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, muddada afarta sano ah ee soo socota kadib doorasho qaadatay in ka badan 10 saac oo ka dhacday Muqdisho.

Xasan Sheekh ayaa wareeggii saddexaad ee doorashada kaga adkaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ah madaxweynihii kursiga ku fadhiyey.

Tirada guud ee codeysay ayaa aheyd 327 cod. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa helay 214 cod, halka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu helay 110 cod. Waxaa hallaabay saddex cod.

Xasan Sheekh ayaa horey madaxweyne ugu soo noqday Soomaaliya 2012 illaa 2017, markaasi oo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu kaga adkaaday doorasho dhacday 7-dii Febraayo 2017.

Doorashadii ka dhacday Teendhada Afisyoone 15-kii May 2022, ayaa waxaa ku tartamay 34 musharax oo ka mid ah 39 musharaxa oo markii hore isku diiwaan-geliyey doorashada, balse ay shan ka hareen.

Wareegga labaad ee doorashada ayaa waxaa u gudbay Saciid Cabdullaahi Deni oo helay 65 cod, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo helay 59 cod, Xasan Sheekh Maxamuud oo helay 52 cod, iyo Xasan Cali Kheyre uu helay 47 cod.

Waxaa kadib wareegga labaad ugu cod batay Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayada oo ay hareen Saciid Cabdullaahi Deni iyo Xasan Cali Kheyre.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa helay 110 cod, halka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kusoo xigay uu helay 83 cod. Saciid Cabdullaahi Deni iyo Xasan Cali Kheyre ayaa kala helay 68 cod iyo 63 cod, sida ay u kala horreeyaan, waxaana sidaas wareegga ugu dambeeya ku gaaray Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Codeyntan oo dib u dhacday muddo ka badan sanad sababo la xiriira khilaafaad siyaasadeed, ayay qasab ahayd in la qabto bishan si ay u sii soocto lacag dhan 400 milyan oo dollaar oo sanduuqa lacagta adduunka ee IMF uu siiyo dowladda Soomaaliya.

Natiijada wareegga labaad ee doorashada madaxweynaha

Waxaa soo idlaatay tirinta codadka wareeggii labaad ee doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo ka socota Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho, oo ay ku tartameen afar musharax.

Natiijada horudhaca ah ayaa muujineysa in Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay galeen kaalinta koowaad iyo labaad, ayna u gudbeen wareegga saddexaad.

Waxaa haray Saciid Cabdullaahi Deni oo galay kaalinta saddexaad iyo Xasan Cali Kheyre oo galay kaalinta afaraad, kuwaas oo aan u gudbi doonin wareegga xiga.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa helay 110 cod, halka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kusoo xigay uu helkay 83 cod. Saciid Cabdullaahi Deni iyo Xasan Cali Kheyre ayaa kala helay 68 cod iyo 63 cod, sida ay u kala horreeyaan.

Waxaa hallaabay shan cod.

Maadaama uusan jirin musharax helay saddex meelood laba meel codadka guud ee doorashada, waxaa billaabanaya wareegga ugu dambeeya oo ay ku kala baxayaan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa sheegay inay codeeyeen 329 xildhibaan oo isugu jiray xubnaha Golaha Shacabka iyo kuwa Aqalka Sare.

Wareegga ugu dambeeya ayaa waxaa lagu kala baxayaa cod dheeri, waxaana xilka madaxweynaha ku guuleysanaya musharaxa ugu codka badan.

Natiijada Wareega Kowaad

Natiijada wareegga koowaad ee doorashada madaxweynaha

Waxaa goordhow soo idlaaday tirinta codadka doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee ka socota Teendhahda Afisyoone ee magaalada Muqdisho, ayada oo loo gudbayo wareegga labaad.

Waxaa doorashada ka qeyb-galay 34 musharax, waxaana ka mid ah madaxweynaha xilka haya Maxamed Cabdullaahe Farmaajo iyo madaxweynayaal hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, madaxweynaha Puntland Saciid Deni iyo ra’iisul wasaare hore Xasan Cali Kheyre.

Natiijada ay shaaciyeen guddiga doorashada ayaa lagu sheegay in wareegga koowaad ay ugu cod badan yihiin Saciid Cabdullaahi Deni, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xasan Cali Kheyre.

Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu helay 65 cod, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu helay 59 cod, Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu helay 52 cod, halka Xasan Cali Kheyre uu helay 47 cod.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo kaalinta shanaad galay ayaa helay 39 cod, balse uma gudbayo wareegga labaad. Waxaa jira codad badan oo gaaraya illaa 13 oo hallaabay.

Doorashadan ayaa aheyd tii ugu adkeyd, waxaana afarta musharaxa ee ugu koreeya u dhaxeysay kaliya 18 cod, taasi oo muujineysa inuu dhacay tartan adag.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa sheegay inay joogaan 329 xildhibaan oo isugu jiray xubnaha Golaha Shacabka iyo kuwa Aqalka Sare, balse waxaa codeeyey

Musharaxa hela laba meelood saddex meel codadka wareegga labaad ayaa ku guuleysanaya tartanka doorashada madaxweynaha. Haddii aanay sidaas dhicin, waxaa wareegga ugu dambeeya u gudbaya labada musharax ee ugu codadka badan.

Wareegga ugu dambeeya ayaa waxaa lagu kala baxayaa cod dheeri, waxaana xilka madaxweynaha ku guuleysanaya musharaxa ugu codka badan.

May be an image of 5 people and text

Xasuus-qorkii Xaaji Dameer waxaa ku xardhanaa xikmaddan soo socota.

Xasuus-qorkii Xaaji Dameer waxaa ku xardhanaa xikmaddan soo socota.

Xasuus-qorkii Xaaji Dameer waxaa ku xardhanaa xikmaddan soo socota.“Ma xasuustu xilligga uu naga baxay marxuumkii Boqor Libaax, balse, hadda oo aan gaboobay ayaan garawsaday kaalinta uu Boqorkii nagu banneeyay.

Waxaa aan hubsaday kelitaliskii libaaxu in uu kun jeer ka wanaagsanaa madaxbanaanida, maanta, ay ku naaloonayaan eyda, doofaarada iyo daanyeerada.

Geeridii Boqorka ka dib, durba, shisheeye ayaa loo gacan geliyay Kaynta Habar Dugaag.´´ Indheergarad Dameer isagoo aad uga xun rogganka dhacay waxaa uu sii tibaaxay, “Dhulkii, Rabbi, ku abuuray Habar Dugaag intiisii badnayd daayeerro ayaa ku iibiyay markab Moos ah oo laga soo waariday Saancadka. Ogow, keynta ayuu ka bixi jiray Mooska ugu macaan.

Haddase, waxaa loo dhalan rogay bustaanno ay mulkiyeen caddaanka tirada yar. Sidoo kale, doofaaradii ayaa webiga jiinkiisa dhaafsaday markab gocondho ah oo Gaalo-madow ufirdhisay.

Badweyntii Hindiya iyo Kayntii waxii ka soo hadhay iyadana lafo ay ruugaan waxaa eydii kaga iibsadeen Dhegcasta hullaaban.´´Waxgarad Dameerkii xusuusqorkiisa waxaa uu ku soo gunnaanaday murtida, ahayd, {ma xidhigle waa´ baa, ma xamille waa´ baa, ma hambo xalaal ah waa´ baa?}´´ Xigasho Eng. Qawaacid.