28th March 2024  admin  Category :

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka jawaabay go’aankii ciidamada ee Joe Biden

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyey go’aanka madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ku ogolaaday inuu dib ugu soo celiyo Soomaaliya dhowr boqol oo ka tirsan ciidamada khaaska ah ee tababarka iyo taageerada siiya ciidanka Soomaaliya.

Fariin lagu qoray barta twitterka madaxtooyada JFS ayaa lagu sheegay in dawladda Soomaaliya ay Maraykanka u aragto waddan iskaashi la isku hallayn karo la leh Soomaaliya, marka ay noqoto baadi-goobka Soomaaliya ugu jirto xasillooni iyo dhinaca la-dagaalanka argagixisada.Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa shalay saxiixay amar boqolaal askari oo Mareykan ah dib loogu soo celinayo Soomaaliya, si ay ciidamada xoogga Soomaaliya uga gacan siiyaan ciribtirka kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Ciidamada Mareykanka ayaa laga soo qaadi doonaa qeybo kale oo ka mid ah Afrika, si ay tababaro iyo taageero u siiyaan ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira dhagarqabayaasha Al-Shabaab.Go’aankan ayaa looga dan leeyahay “in lagu kordhiyo badqabka iyo wax ku oolnimada ciidamadeena, loona suurta-geliyo inay taageero wax ku ool ah siiyaan saaxibadeena,” waxaa sidaas tiri afhayeenka Golaha Amniga Mareykanka Adrienne Watson oo ku dhowaaqday go’aankan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*