27th July 2024  admin  Category :

Xasuus-qorkii Xaaji Dameer waxaa ku xardhanaa xikmaddan soo socota.

Xasuus-qorkii Xaaji Dameer waxaa ku xardhanaa xikmaddan soo socota.“Ma xasuustu xilligga uu naga baxay marxuumkii Boqor Libaax, balse, hadda oo aan gaboobay ayaan garawsaday kaalinta uu Boqorkii nagu banneeyay.

Waxaa aan hubsaday kelitaliskii libaaxu in uu kun jeer ka wanaagsanaa madaxbanaanida, maanta, ay ku naaloonayaan eyda, doofaarada iyo daanyeerada.

Geeridii Boqorka ka dib, durba, shisheeye ayaa loo gacan geliyay Kaynta Habar Dugaag.´´ Indheergarad Dameer isagoo aad uga xun rogganka dhacay waxaa uu sii tibaaxay, “Dhulkii, Rabbi, ku abuuray Habar Dugaag intiisii badnayd daayeerro ayaa ku iibiyay markab Moos ah oo laga soo waariday Saancadka. Ogow, keynta ayuu ka bixi jiray Mooska ugu macaan.

Haddase, waxaa loo dhalan rogay bustaanno ay mulkiyeen caddaanka tirada yar. Sidoo kale, doofaaradii ayaa webiga jiinkiisa dhaafsaday markab gocondho ah oo Gaalo-madow ufirdhisay.

Badweyntii Hindiya iyo Kayntii waxii ka soo hadhay iyadana lafo ay ruugaan waxaa eydii kaga iibsadeen Dhegcasta hullaaban.´´Waxgarad Dameerkii xusuusqorkiisa waxaa uu ku soo gunnaanaday murtida, ahayd, {ma xidhigle waa´ baa, ma xamille waa´ baa, ma hambo xalaal ah waa´ baa?}´´ Xigasho Eng. Qawaacid.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*