Africa iyo Russia oo ka wada hadlay saameynta dagaalka Ukraine
Masuulka ugu sarreeya ururuka Midowga Africa ayaa la kulmay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin Jimcihii shalay iyagoo ka wada hadlay colaadda Ukraine iyo saameynta ay Africa ku yeelatay.
Kala go’ ku yimid raashinkii ay Africa ka soo dhoofsan jirtay Ruushka iyo Ukraine, ayaa sii xoojiyay cunta xumida ka jirtay wadamo badan oo Afrikaan ah, taasoo gelisay malaayiin qof oo Afrikaan ah xaalad gaajo ah.
Mareykanka oo weerar cirka ah ku dilay maleeshiyo ka tirsan Al-shabaab
Ugu yaraan shan ka mid ah maleeshiyada Al-shahaab ayaa lagu dilay weerar cirka ah oo ciidamada Mareykanku ku qaadeen maleeshiyada Al-shabaab meel u dhow Beer Xaani, sida ay shaacisay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.
Weerarkan ayaa yimid kadib marki maleeshiyada Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen ciidamada dowladda Soomaaliya oo taageero ka helaya kuwa Mareykanka.
Ma jirto wax khasaare ah oo howlgalkan kasoo gaaray dadka rayidka ah, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka dowladda Soomaaliya.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa 16-kii bishii hore ee May saxiixay amar boqolaal askari oo Mareykan ah dib ugu celinaya Soomaaliya, si ay uga hortagaan kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.
Saraakiisha militariga Mareykanka ayaa horey u sheegay in la-dagaalankii Al-Shabaab ay wiiqday go’aankii madaxweynihii hore Donald Trump uu ciidamada Mareykanka uga soo saaray Soomaaliya.
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna soo dhoweeyey go’aanka madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ku go’aamiyey inuu dib ugu celiyo Soomaaliya dhowr boqol oo ka tirsan ciidamada khaaska ah ee tababarka iyo taageerada siiya ciidanka Soomaaliya.
DF Soomaaliya oo shaacisay xiliga loo fariisanayo imtixaanka dugsiyada sare
Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya ayaa shaacisay in 18-ka bishaan Juun loo fariisa doonaa imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare.
Agaasimaha waaxda tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada Ismaaciil Yuusuf ayaa sheegay in dhaqaalaha lagu qaadayo imtixaanka uu balan qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo waqti kooban u qabtay maamulka iskuullada aysan ardaydoodu qaadan Roll Numberka imtixaanka dowladda.
Wuxuu sheegay in wasaaraddu ay si weyn uga mahad celinayso Madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud oo dadaalka uu ku bixiyay in sanadkaan uusan baaqan imtixaanka fasalka 12-aad ee dugsiyada sare oo bil ka hor ay wasaaradu shaacisay in dhaqaale la’aan ay heysato.
“Wasaaradda Waxbarashada waxay u mahadcelinaysaa boqolaalka iskuul ee Gobolka Banaadir iyo Gobolada dalka ee qaatay kaar aqoonsiga ah ee imtixaanka fasalka 12-aad ee (Roll Number) waxayna ku wargelinaysaa iskuulada aan weli qaadan kaarka aqoonsiga imtixaanka inay qaataan kama danbeys 04/06/2022,” ayuu yiri Agaasime Ismaaciil.
Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh ayaa dadaal badan ku bixiyey in sanadkaan uusan baaqan imtixaanka ay qaado dowladdu ee dugsiyada sare, wuxuuna wasaaradda maaliyadda ka dalbay inay bixiso kharashka imtixaanka lagu qaadayo, sida uu shirkiisa jaraa’id ku shaaciyey Agaasimaha waaxda taciliinta saree e wasaaradda waxbarashada Ismaaciil Yuusuf Cusmaan.
Maalintan oo loogu magacdaray ( Italian Festa della Repubblica) waxay calaamad u tahay aftidii 1946, loo qaaday dhismihii Jamhuuriyadda Talyaaniga, taas oo laga guuray nidaamka Boqortooyadda xiligaasi uu lahaa dalkaasi, munaasabada ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay, guddoomiye ku xigeenka 1aad ee aqalka sare Cali Shacbaan Ibraahim, taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, wasiiro ka tirsan XFS, diblomaasiyiin sare iyo qeybaha kala duwan ee dowladda.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ku hadlaayey magaciisa iyo kan madaxweynaha JFS ayaa dhambaal hambalyo ku aaddan maalintan la wadaagay dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Taliyaaniga, asaga oo u rajeeyey in sanadkan kiisa kale uu noqdo mid wanagsan, iskuna xira midnimada iyo wada-jirka labada dal.
Alshabaab ayaa ka soo barakiciyey degaanadoodii buuraha Cal madow, degaanadii kale oo ay u soo barakaceen ayeey hadda waxay la tacaalayaan, cunto yaraan iyo Biyo la’aan baahsan oo maalinba maalinta ka danbaysa ka sii daraysa,
Madaxweynihii hore ee Puntland, horayna usoo noqday Ra’iisul Wasaarihii Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa ka sheekeeyay sida uu xaalkiisu noqday markii uu labo jeer ku guul darraystay xil uu u tartamayay.
Gaas, oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu caansan Soomaaliya ayaa isaga oo u warramay Banaamijka Muusigga iyo Salaamaha ee BBC-da sheegay in xilliga lagu jiro loollanka siyaasadeed ay adag tahay inaad qaadato talooyinka qaarkood ee wax ku oolka kuu ah, ee laguu soo jeediyo.
Siyaasiinta ayaa marka ay raadinayaan jagooyinka waxay galaan tartan siyaasadeed oo adag, kaasi oo ay rabaan inay ku hantaan guusha.
Haddaba maxay uga dhigan tahay markii ay la kulmaan guul darrada siyaasadeed?
Arrintaasi ayaanu wax ka weydiinay Ra’iisul wasaarihii hore, Cabdiweli Cali Gaas, isagoo ka sheekeeyay xili uu isu sharaxay labo kursi, kuwaasi oo kala ahaa madaxweynaha Soomaaliya iyo kan Puntland, oo labadaba uu ku guul darraystay.
“Horta been kuu sheegi maayo, runtii waa iga dhab labada xilba markaan waayey ayuu miyirku ii soo laabtay, horta fiiri qofka marka uu tartan ku jiro miyir ma leh sow ma ogid,” ayuu yidhi Gaas.
Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxa uu soo noqday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya intii u dhaxeysay bishii June ee sanadkii 2011 ilaa bishii October ee sanadkii 2012, wax yar kaddibna waxa uu noqday Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ee xiligaasi la dhisay.
8-dii January ee sanadkii 2014-kii ayaa loo doortay Madaxweynihii 5-aad ee dowlad goboleedka Puntland.
Cabdiweli Gaas ayaa mar uu ka hadlayey xilliyada xilka la doonayo in ay adag tahay go’aan qaadashadu, qofkana uusan aqbali karin talooyin badan oo ku aaddan kursiga uu u hanqal taagayo.
“Nasteexada ugu fiican haddii lagu siiyo xitaa ma qaadanaysid, taadaa ayaa kuu cad, dadku iyaga oo u jeeda inaysan guulaysanayn, xitaa mararka qaarkood adiga oo markaad xisaabtanto ujeeda in aad guul daraysanayso, ayaad kusii adkaysaneynaa, marka siyaasaddu waa khamaar,” ayuu yiri.
Cabdiweli ayaa inta uusan noqonin Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya soo noqday wasiirka qorsheynta iyo ku xigeenka Ra’iisul Wasaarihii hore, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, oo xiligaas khilaaf siyaasad uu soo kala dhex galay isaga iyo madaxwenihii waqtigaas, Shariif Sheekh Axmed.
Cabdiwali Cali Gaas, oo horey u soo qabtay labo xil oo sare, ayaan wax ka weeydiinay sida ay u kala fududaayeen labadaasi jago, wuxuuna sheegay inay u fududeyd shaqada Ra’iisal wasaarenimo, marka la barbar dhigo shanti sano ee uu madaxweynaha ka ahaa Puntland, waa sida uu hadalka u dhigaye.
“Waxaan ahaa nin reerkiisa ku dhex jira, anigu waxaan idhaahadaa horta siyaasadda Soomaalidu waa dabdamis, mar kasta waxaad ku dhex jirtaa xaalad dab damis ah, labaduba sidaas ayey ahaayeen, balse aniga tii Ra’iisul wasaaraha ayaa ii shaqo fududeyd.”
Laba wasiir oo muslin ah oo markii ugu horraysay ka mid noqday golaha wasiirada Australia
Xisbiga Shaqaalaha ee dalka Australia oo dhowaan ku guulaystay doorasho ka dhacday dalkaas ayaa golihiisa wasiirada wuxuu ku soo daray laba xubnood oo muslimiin ah, waana taariikhda markii ugu horraysay ee golaha wasiirada ee dalkaas ay soo galaan laba qof oo muslin ahi