18th April 2024  admin  Category :

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliso Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa ka qeyb galay munaasabad loogu dabaal dagaayey maalinta Qaran ee dalka Taliyaaniga oo ku beegan 2-da Juun.

Maalintan oo loogu magacdaray ( Italian Festa della Repubblica) waxay calaamad u tahay aftidii 1946, loo qaaday dhismihii Jamhuuriyadda Talyaaniga, taas oo laga guuray nidaamka Boqortooyadda xiligaasi uu lahaa dalkaasi, munaasabada ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay, guddoomiye ku xigeenka 1aad ee aqalka sare Cali Shacbaan Ibraahim, taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, wasiiro ka tirsan XFS, diblomaasiyiin sare iyo qeybaha kala duwan ee dowladda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ku hadlaayey magaciisa iyo kan madaxweynaha JFS ayaa dhambaal hambalyo ku aaddan maalintan la wadaagay dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Taliyaaniga, asaga oo u rajeeyey in sanadkan kiisa kale uu noqdo mid wanagsan, iskuna xira midnimada iyo wada-jirka labada dal.

May be an image of 6 people, people sitting and text that says 'ESERVED'
May be an image of 8 people, people standing and outdoors
May be an image of 7 people, people sitting, people standing and indoor
May be an image of 9 people, people standing and outdoors

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*