Guddoonka BF oo guddi u saaray baaritaanka miisaaniyadda dowladdii hore

Guddoonka BF oo guddi u saaray baaritaanka miisaaniyadda dowladdii hore

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta u saaray Guddi baaritaan ku sameeya xisaab xirkii Miisaaniyadda afartii sano ee la soo dhaafay oo aan la horkeenin Labada Gole ee Baarlamaanka.

Guddiga cusub ayaa sidoo kale waxay ka shaqeyn doonaan si loo ogaado cida leh mas’uuliyadda arrintaas sida Wasaaradda Maaliyadda iyo Guddoonkii hore ee Golaha Shacabka, inkasta oo uu ku adkaystay Wasiirka Maaliyadda inuu soo gudbiyay xisaab-xirka afartii sano ee dowladdii hore.

Guddigaan oo ka kooban 7 xubnood, oo shan kamid ah yihiin Xildhibaano iyo Labo Senator, kuwaasi oo kala ah;

1. Xildhibaan Saciid Maxamed Cali
2. Xildhiban Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene
3. Xildhiban Cabdiraxmaan Cadde Cabdow
4. Xildhibaan Enjineer Saadaq
5. Xildhibaan Cabdiqafaar Xaange
6. Senator Saciid Cawke
7. Sentor Cabdixakiin Maalin

Magacaabista guddigaan ayaa imaneysa ayada oo maanta Labada Aqal ee Baarlamaanka ay meel-mariyeen Miisaaniyadda sanadka 2022-ka, kaddib saddex maalmood oo dood adag ka socotay, waxaana warbixinta ay soo gudbiyeen Guddiga KMG Maaliyadda ee loo saaray Miisaaniyadda ku jirtay talo soo jeedin ku saabsan in dib u eegis lagu sameyn karo.

Xildhibaanada ayaa waxay 3-dii maalmood ee lasoo dhaafay dood adag ka yeesheen arrimaha la xiriira miisaaniyadda dowladda ee sanadkaan 2022-ka, taasi oo ay maanta Haa ugu codeeyen 204 Xildhibaan.

Wasiir Bayle ayaa wajahay su’aalo adag oo ku saabsan hanaanka maaliyadeed ee dalka, kuwaas oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay uga imaanayey xubnaha labada Aqal ee baarlamaanka.

Arrinta ugu weyn ee lagu heysto wasiirka maaliyadda waa xisaab xir la’aan jirtay tan iyo sanadkii 2018-kii iyo in wasiirku uu kala cadey la’yahay in deeqaha uu caalamku siiyo Soomaaliya ay deyn yihiin iyo in kale.

Wasiirka Xanaannada Xoolaha Puntland oo ku baaqay in gurmad deg deg ah lala gaaro dadka ay abaartu saameysay

Wasiirka Xanaannada Xoolaha Puntland oo ku baaqay in gurmad deg deg ah lala gaaro dadka ay abaartu saameysay

Wasiirka Xanaannada Xoolaha ee dowlad Goboleedka Puntland ahna xubin ka mid ah guddiga gurmadka abaaraha Maxamed Cabdullaahi Axmed ayaa sheegay in shirkii golaha Wasiirada Puntland diiradda lagu saaray xaaladaha abaarta ee ka jirta deegaannada Maamulkaasi.

Wasiir Maxamed Cabdullaahi oo wareysi gaar ah siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland uu guddi heer Wasiiro ah u saaray abaarta si ay uga talo bixiyaan, iyado shalay la soo saaray warbixintii ugu horeysay ee guddiga

“Guddiga warbixinta ay soo saareen waxaa ku jirtay in abaartu ay saameyay guud ahaan bulshada  ku nool deegaannada Puntland, haddi aan wax laga qaban bilaha soo socdana ay abaartu ka sii dari doonto, waxaana ilaa iyo hadda ay saameysay saddex boqol, afartan iyo shan kun oo qoys, isla markaana dad ku dhow sideetan iyo todobo kun ay soo xaroodeen oo ay ku soo hayaameen magaalooyinka Puntland” ayuu yiri Wasiir Maxamed Cabdullaahi.

Wasiirka Xanaannada Xoolaha ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegay in guddigooda uu diyaariyay qorshihii lagu hagi lahaa hay’adaha gargaarka ee ka howlgalla deegaannada Maamulka Puntland, isla markaana gurmad deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka ay abaartu saameysay.

Mudane Maxamed Cabdullaahi ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay dhexdooda isu gurmadaan oo ay is gacan qabtaan, ayna is taageeraan shacab iyo dowladba, isagoo intaa ku daray inay sameyn doonaan sanduuq u gaar ah abaaraha, kaasi oo loogu talagalay inta ay abaartu socoto iyo abaarta kadib.

Pre

Goormay shaqo fiican noqotay Gobolkaaga oo la cunaqabateeyo

Xildhibbaan ka soo jeeda gobolka Sool oo difaacay dawladdii hore ee Farmaajo oo lagu haysto musuqmasaq iyo xisaab xir dhowr sano ah oo ay samayn waayeen

Kulankii labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ay Su’aalaha ku waydiinayeen Wasiirkii maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Bayle, oo aan dhowr sano xisaab xir samayn, ayaa Xildhibaanaddii Su’aalaha waydiinayey waxa ka mid ahaa Xildhibaan Alimahdi Mohamed Elmi Qalato, oo ka soo jeeda degmada Dhahar ee gobolka Sanaag, lana soo shaqeeyey Hayadaha samafalka, wuxuuna waydiiyey wasiirka “sababta keenta in labada gobol ee Sanaag iyo Sool ay mashaariicda Soomaaliya loogu deeqo ayna uga shaqayn.

Xildhibaanaddii Soomaaliyeed iyo Gudoonkooduba intooda badan waxay ka hadleen markaa ka dib sababta keentay inaan la samayn Xisaab xirka aan ka ahayn Sen. Cabdilaahi Cali Xirsi Timacade, kana mid ah gudoonka Baarlmaanka aqalka sare, lagana soo doorto gobolka Sool, isla markaana ka mid ahaan jiray golaha wasiirada Puntland. Xildhibaan Timo Cade wuxuu sheegay ‘in Wasiirku shaqo fiican qabtay, oo aan la xaq xaqan” . Garan maayo Cuna qabataynta gobolka Sool inay shaqo fiican oo la qabtay tahay ee sababt waa Xildhibaanka waxa ka tan weynaatay carada uu qabo madaxweynaha Puntland,

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGA WARBIXIYEY XAALADDIISA CAAFIMAAD

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGA WARBIXIYEY XAALADDIISA CAAFIMAAD

Muqdisho, Juun 29, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa u jeediyey shacabka Soomaaliyeed farriin ku saabsan xaaladdiisa caafimaad, waxa uun uga mahad-celiyey ducada iyo dareenka ay u muujiyeen muddadii uu u hoggaansanaa habraaca iyo talooyinka bahda caafimaadka ee COVID-19.

May be an image of 2 people, people standing and outdoors

Madaxweynaha ayaa sheegay in baaritaannada caafimaad ee la xiriira COVID-19 ee laga qaaday ay muujinayaan in laga waayey, sidaas awgeedna uu dib u fariisan doono xafiiska, si uu u dardar geliyo shaqada qaranka. “Muddo 5 maalmood ah oo aan u hoggaansanaa habraacyada iyo talooyinka bahda caafimaadka ee la xiriira COVID-19, waxaan shalay iyo maantaba maray baaritaankii ugu danbeeyey, kaas oo natiijadiisu ay noqotay in la iga waayey COVID-19, sidaas awgeedna, waxaan dib ugu howlgalayaa xafiiska, si aan u sii dardar geliyo shaqadii qaran ee aad ii wakiilateyn.

”Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadaha todobaadka xorriyadda dalkeenna, waxa uuna ku boorriyey in ay dhexda u xirtaan sidii ay u samata-bixin lahaayeen dadkeenna dhibaateysan ee ay abaaruhu sameeyeen.

“Waxaan mar kale ugu hambalyeynayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed todobaadka xorriyadda oo aynu ku guda jirno, anigoo ka codsanaya in ay is caawiyaan, si gaar ahna u xoojiyaan gacansiinta iyo taakuleynta dadkeenna ku dhibaateysan abaaraha.”Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre kalsoonida uu ka helay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo in uu la wareegay xilka Ra’iisul wasaarennimo, waxa ayna wadajir u kormeereyn Madaxtooyada qaranka, gaar ahaan qeybaha jimicsiga iyo beeraha.

Deni oo ka qayb kulan looga hadlay xaaladda Abaaraha

adaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shir looga hadlay xaaladda Abaaraha oo ay ka qeybgaleen madaxda Hay’adaha Caalamiga ah ee ka howlgala Puntland.

Shirka oo uu Madaxweynaha ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, sidoo kale waxaa ka qeybgalay Guddiga Abaaraha ee heer Wasiir iyo Hay’adaha Dowliga ah ee Puntland.

Kulankan ayaa ujeedkiisu yahay sidii dhakhso looga jawaabi lahaa xaaladda ka dhalatay abaarta, waxaa lagu soo bandhigay Warbixin ku saabsan xaaladda Abaaraha iyo saameynta ay geysteen iyo qorsheyaasha arrintaasi lagu wajahayo oo ay ugu horeyso sidii dhakhso loogu gurman lahaa dadka abaartu saameysay.

May be an image of 5 people and indoor
May be an image of 5 people and people sitting

Maxaad kala hadashaa Ina Kaahin?

Todobaad ka hor ayeey ahayd markii Cabdi weli Gaas iyo Cumar Cabdirashiid ay Nairobi kula kulmeen wafdi SNM ah uu hogaaminayey Faysal Dhurwaa.Maantana Xildhibaan ka soo jeeda gobolka Cayn ayaa waydiiyey Wasiirka ariimaha Gudaha Puntland Dhaban cad oo ka soo jeeda gobolka Mudug Su’ashan. “Adiga iyo Madaxda SNM ma wada hadashaan, maxaase ka wada hadashaan mar haddii jabhaddaasi dhib ku hayso gobolada Sanaag iyo Sool.

.Jawaabta Wasiirku ayaa noqotay jees jees, wuxuuna Tusaale uu u oo qaatay Nabadoon ka yimid Laascaanood , ujeedadiisuna waxay ahayd inuu Xildhibaanka iyo Beesha Dhulbahanteba jees jees ugu sheego in Isaaq Laascaanood haystaan. Arintan ayaa gef ah mana mudna in wasiirku sii ahaado Wasiirka ka mas’uulka ah ilaalinta xuduudaha Puntland

Boocame iyo Buraan miyaanay Soomaaliya ka mid ahayn

XIldhibaan ka hadlay Cunqabatayntii Farmaajo ku hayey gobolka Sanaag iyo beesha Warsangeli.

Xildhibaan Alimahdi Mohamed Elmi Qalato, oo laga soo doortay degmada Dhahar ee gobolka Sanaag, kana mid ah Xildhibaanada Cusub ayaa maanta Baarlamaanka Soomaaliya ka dhex waydiiyey markii ugu horaysay Sababtii Farmaajo iyo kooxdiisu ay uga cuna qabateeyeen gobolka Sanaag mashaariicda ay bixiyaan bulshada caalamka

May be an image of 1 person and sitting
May be an image of 1 person and sitting
May be an image of 2 people, people sitting and indoor
May be an image of 5 people, people sitting, people standing and indoor
May be an image of 1 person and sitting
May be an image of 1 person, sitting and indoor
May be an image of 2 people, people sitting and people standing

Maxay Sweden iyo Finland ku qanciyeen Turkiga si ay ugu biiraan Nato?

Maxay Sweden iyo Finland ku qanciyeen Turkiga si ay ugu biiraan Nato?

Turkiga oo xubin ka ah Nato ayaa oggolaaday in uu Sweden iyo Finland ka taageero in ay ka mid noqdaan Gaashaanbuurta Nato.

Wuxuu markii hore ka soo horjeeday dalabka dalalka waqooyiga Yurub ee ah inay ku biiraan Nato.

Turkigu wuxuu ka carooday in ay martigeliyaan oo ay garab siiyaan dagaalyahannada Kurdiyiinta. balse Sweden iyo Finland kuma biiri karaan Nato iyagoo aan taageero ka helin Turkiga.

Ruushka ayaa si adag uga soo horjeeda in labadaas dal ay ku biiraan Nato, waxa ayna Moscow u aragtaa in barraalinta Nato ay halis ku tahay amnigooda.

Dagaalka uu Ruushku ku qadaay Ukraine ayaa daba socday isku dayga ay Kyiv ku raadinaysay in ay uga mid noqto isbahaysiga Reer Galbeedka.

Balse duullaanka Moscow ayaa saameyn liddi ku ah yeeshay, waxayna waddo cad u xaartay in labadan dal ay ku biiraan Nato.

Wasiir arrimo dibadeedyo ka kala socda saddex waddan ayaa soo saaray saameynta amni ee uu Turkigu ka walaacsan yahay.

Madaxa Gaashaanbuurta Nato Jens Stoltenberg ayaa sheegay in Sweden ay aqbashay in ay Turkiga kala shaqeyso dalabaadkeeda ku aaddan dagaalyahannada xagjirka ah.

Labada dal ayaa meesha ka saari doona xayiraadaha ku aaddan in ay hub ka iibiyaan Turkiga, sida uu sheegay.

Madaxweynaha Finland, Sauli Niinistö, ayaa sheegay in saddexda dal ay saxiixeen heshiiskooda ku aaddan in la kordhiyo in ay iska taageeraan wax kasta oo halis ku ah amniga dalalkaas.

Raysul wasaaraha Sweden Magdalena Andersson ayaa sheegay in ay tahay tallaabo muhiim u ah Nato.

Waddamada Nato

Xafiiska Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in ay ka heleen wixii ay ka doonayeen Sweden iyo Finland.

Labada dal oo Yurubta waqooyi ah ayaa shaaciyay rabitaankooda ku aaddan in ay Nato ku biiraan bishii May, iyagoo uga jawaabaya duullaanka Ruushka uu ku qaaday Ukraine.

Mr Stoltenberg ayaa soo jeediyay in howsha la dadajiyo, iyagoo durba shaaciyay saaxiibka ay ku leeyihiin Gaashaanbuurta Nato.

Balse, ma ahayn kiis iyadoo Turkiga oo ah xubin Nato ka mid ah uu labada dal ku eedeeyay in ay garabsiiyaan dagaalyahannada Kurdiyiinta, waxayna sheegeen in aysan dib u celinayn xubinnimadooda.

Laakiin, xubinnimada Nato waa in ay saxiixaan oo ay ogolaadaan dhamaan 30-ka xubnood.

BBC