Ra’iisul Waraaraha oo kulan la qaatay safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Waraaraha oo kulan la qaatay safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Cabdullaahi Xasan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo safiirka Itoobiya ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Previous Post

Madaxweynaha JFS oo dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo casuumaad rasmi ah ku joogay dalka Turkiga, ayaa galabta ka soo degay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed munaasabadda barakeysan ee Ciidda Carafo, waxa uuna xusuusiyey xaaladda nololeed ee ay la tacaalayaan kumannaan qoys oo Soomaali ah, ayna mudan yihiin farxadda ciidda in ay la qeybsadaan dadkooda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha oo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee gudanaya waajibaadka xajka Alle uga baryey in uu ka aqbalo acmaashooda suubban, ayaa ku borriyey dhammaan shacabkeenna in ay maalmahan badiyaan ducada iyo Alle bariga, istaakuleynta iyo ka warqabka dadkeenna danyarta ah, taas oo ka mid ah acmaasha ugu khayr badan.

Dhanka kale, Safarka Madaxweynaha ee dalka Turkiga ayaa ku qotomay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, ganacsiga, tababarrada Ciidamada, iyadoo Madaxweynuhu uu u kuur galay xaaladda ee ardayda, ganacsatada iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga ku dhaqan.

Yaa Mas’uul ka ah Amni Xumida Muqdisho ku soo Badatay?

Muqdisho waxaa maalmahaan ku soo batay amni xumo baahsan, waxaana amni xumidda ay isugu jiraan dilal, kufsi, isbaaro iyo dhac loo geeysto dadka degan guryahooda iyo kuwa magaalada dhexmaraya.

Shalay waxaa magaaladda Muqdisho lagu dilay macalin iskuul,

Waxaa maalin dhaweeyd la galay maqaayad taasoo dadkii fadhiyey oo dhan laga wadda qaatay talleefanadii iyo lacagtii,

Waxaa jiray guryo la weeraray oo hantidii tiil laga qaatay,

Waxaa la qarxiyey maanta shakhsi dalka Talyaaniga ku xirnaa waqti dheer oo dhawaan la soo daayey,

Waxaa number 4 lagu dilay habeen dhaweeyd labba qof, meesha mid kallena la dhaawacay,

Waxaa shalay la weeraray saldhiga Xamarweeyne, waxaana weerarkaas ku dhintay dhawr qof, waxaana ku dhaawacmay dhawr qof oo kale,

Waxaa magaaladda ka soo buuxsamay rag wata macwiiso iyo qoryo oo u soo shaqo tagay ineey wax billilaqeeystaan,

Hadaba, magaalada Muqdisho waxaa adkaatay in lagu qaato talleefanka gacanta iyo in qofka habeenkii uu magaaladda ku soo caweeyo. Sidoo kale, waxaa adkaatay in gabdhaha ay banaanka u baxaan xilliyada habeenkii si ay dukaan xaafadeedka wax uga soo gataan.

Hadii hay’addii dhammeed ee Nabad Sugidda loo dhiibay Mahad Salaad si dadkii maaamulkii hore uga tirsanaa looga aargoosto, iyadoo lagu mashquulay in Facebookyadooda la xiro iyo in baasabooradooda la soo dhigo baraha bulshada, maxaa diidaya in uu amniga Muqdisho faraha ka baxayo?

Dadku weey fillayeen in Xasan Shiikh iyo kooxdiisa aysan waxba soo kordhineeyn, balse waxaa hubaal ah in maamulka hadda jira laga dhaxli doono amni xumo iyo musuqmaasuq. Amni xumida soo korartayna waqtigan waxaa mas’uul ka ah Xasan Shiikh maamulkiisa.

Madaxweynaha JFS oo sidiiran loogu soodhaweeyay madaxtooyada Turkiga

Madaxweynaha JFS oo sidiiran loogu soodhaweeyay madaxtooyada Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo dhaweyn maamuus sare leh loogu sameeyay qasriga madaxtooyada Turkiga ee Ankara, halkaas oo uu salaan sharaf uga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Turkiga , waxaana loo riday 21 madfac oo lagu soo dhaweenayay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu hadda ka qeyb galayaa kulan isaga iyo dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdoğan uga socda qasriga xarunta madaxtooyada ee dalka Turkiga.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo la kulmay danjiraha Sacuudi u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse  oo la kulmay danjiraha Sacuudi u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Bin Axmed Almuwallad oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iskaashi iyo wax wada qabsi ee labada dal ee walalaalaha ah.

Danjire Muwallad ayaa Ra’iisul Wasaaraha ugu hambalyeeyay xilkiisa, isagoo u rajeeyay in uu ku guuleysto howlaha hor yaalla, isagoo muujiyay sida dowladda Sacuudigu u garab taagan tahay Soomaaliya.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyay Dowladda Sacuudiga taageeradeeda dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

$350,000 ayaa loo qaaraamay

27 sano ayuu u shaqaynayey, nac nac iyo qalmaan ayeey siiyeen, halka hadda qaaraankii loo ururinyey uu marayo $350,000

Kevin Ford, waa 60 jir aan weligiis hal maalin shaqadiisa ka maqnaan. Wuxuu ka shaqaynayey Burger King ku yaal garoonka diyaaradaha McCarren ee magaalada Las Vegas ee dalka Maraykanka.

Shirkaddii u soo shaqaynayey 27 sano ayaa iyaga oo u mahad celinaya waxay hadyad ahaan u siiyeen nac nac qalmaan ticket Filimada lagu galo, koob shaah lagu cabo (movie ticket, a Starbucks coffee cup, a lanyard, some pens and candy and a string backpack).

Gabdh uu dhalay ayaa baraha Bulshada soo dhigtay muuqaalkiisa iyo inay doonayso $ 200 uu caruurta uu awoowaha u yahay ugu yimaado. Lacagtii loo qaaraamay waxay maraysaaa Sadex boqol iyo konton kun oo doolar $350,000

‘Uhuru Kenyatta intaan madaxtooyada ugu tagay ayaan dharbaaxi rabay’

‘Uhuru Kenyatta intaan madaxtooyada ugu tagay ayaan dharbaaxi rabay’

Codka la faafiyay ayaa laga maqlayaa Ruto oo sida la sheegay qiranaya in uu ku sigtay inuu dharbaaxo Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Maalmihii lasoo dhaafay ayuu mowduucan Kenya ka dhaliyay hadal-hayn ballaaran.

Isusoobax siyaasadeed oo uu maanta ku qabtay magaalada Meru ayuu Ruto uga hadlay codka la isla dhex marayo, isagoo u muuqday in uu qirayo inuu codkiisa yahay, hadalladaasna uu yiri.XAYEYSIINhttps://a221cc998163770e35b7392ca16265d7.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-38/html/container.html

“Xitaa codkaas aad kasii daynaysaan raadiyeyaasha, oo aad leedihiin William Ruto siduu gadaal uga riixay Uhuru?, oo ma waxaad rabteen in Uhuru Kenyatta uu iska dhaafo kursiga oo aan annagu usoo kacnay kow iyo toban saac si aan ugu codayno oo uu madaxweyne u noqdo, ma idinka ayaannu idiin dhaafi lahayn?,” ayuu yiri Ruto.

William Ruto

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ku saabsan mowduucan oo kasoo baxay dhinaca Madaxweyne Kenyatta.

Labo jeer oo uu xilka qabtay midkiiba shan sano, Mr Kenyatta ayaysan suurtagal u ahayn inuu mar saddexaad isasoo sharraxo, sida uu dhigayo dastuurka.

William Ruto oo lasoo galay labadii jeer ee uu xilka raadinayay ayay hadda isaga soo hor jeedaan siyaasad ahaan.

‘Inaan dharbaaxo ayaan damcay’

Warbaahinta maxalliga ah iyo baraha bulshada ayaa isla dhex maraya in xilliga uu Ruto u gacan qaadi rabay Ruto ay ahayd markii uu madaxweyne Kenyatta “soo jeediyay in uu iska dhaafo xilka kaddib markii ay maxkamadda ugu sarraysa Kenya waxba kama jiraan kasoo qaadday natiijadii doorashadii 2017-kii”.

Ruto ayaa ka carooday arrintaas, maadaama isaga qudhiisa uu xilka Madaxweyne ku xigeenka waayi lahaa haddii uu raaco talada Uhuru Kenyatta.

Codka la faafiyay ayaa la sheegay in uu qayb ka ahaa hadalladii la isku watdaarsaday shir qarsoodi ah oo uu William Ruto ku martiqaaday hoggaamiyeyaasha beesha Kikuyu ee uu kasoo jeedo madaxweyne Kenyatta, kuwaasoo uu la kulmay maalintii Jimcada ee 1-dii bishan July, 2022.

William Ruto

Inta uu codka sirta ah socdo ayaa la maqlayaa Ruto oo dhahaya: “Doorashadii 2017 kaddib, waxaan rabaa inaan idiin sheego, waxaan galnay doorasho waan ku guulaysannay, qofkan wuu baxay wax buu qasqasay kaddib waxaa la yiri aan ku noqonno doorashada, sooma aha?.

“Halkan ayaan ka baxay waxaan tagay madaxtooyada, markii aan madaxtooyada gaaray waxaan kula kulmay saaxiibkeey oo meesha jooga, ma rabo inaan sheego wixii uu samaynayay markaas, sababtoo ah annagu waxaan nahay odayaal…(qosol).

“Markaas ayuu yiri, ‘arrintaan ma aqaanno aniga… ma rabo ayadoo dhanba… aniga waxaan rabaa inaan iska aado Ichaweri, adigana ma aqaan, aan iska dhaafno waxaan…’.

“Aniga waan fiiriyay, waan dhagaystay, xushmad ayaan u hayay mooyee waxaan damcay inaan dharbaaxo. Aan iska dhaafno aa? Aan ka tagno meesha aa? maya maya maya.”

Madaxweynaha Kenya iyo ku xigeenkiisa ayaa in muddo ahba waxaa ka dhaxeeya khilaaf siyaasadeed oo sababay in ay kala go’aan.

Ruto ayaa hadda u taagan tartanka doorashada xilka madaxweynaha, isagoo ku guda jira ololaha uu ku xoojinayo taageeradiisa

Madaxweyne ku xigeenka hadda xilka haya ee dalka Kenya, William Ruto, ayaa ka jawaabay cod sir ah oo lasoo dusiyay, kaasoo ku saabsan mar ay labada mas’uul si wayn isu khilaafeen.

Codka la faafiyay ayaa laga maqlayaa Ruto oo sida la sheegay qiranaya in uu ku sigtay inuu dharbaaxo Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Maalmihii lasoo dhaafay ayuu mowduucan Kenya ka dhaliyay hadal-hayn ballaaran.

Isusoobax siyaasadeed oo uu maanta ku qabtay magaalada Meru ayuu Ruto uga hadlay codka la isla dhex marayo, isagoo u muuqday in uu qirayo inuu codkiisa yahay, hadalladaasna uu yiri.