16th April 2024  admin  Category :

Madaxweynaha JFS oo sidiiran loogu soodhaweeyay madaxtooyada Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo dhaweyn maamuus sare leh loogu sameeyay qasriga madaxtooyada Turkiga ee Ankara, halkaas oo uu salaan sharaf uga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Turkiga , waxaana loo riday 21 madfac oo lagu soo dhaweenayay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu hadda ka qeyb galayaa kulan isaga iyo dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdoğan uga socda qasriga xarunta madaxtooyada ee dalka Turkiga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*