MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO WADAHADALLO MIRO DHAL AH LA YEESHAY DHIGGIISA DALKA KENYA

Muqdisho, Luulyo 15. 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Kenya Mudane Uhuru Kenyatta ayaa Madaxtooyada dalkaas ku yeeshay kulan miro dhal ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka labada dal iyo mustaqbalka iskaashiga labada shacab ee dariska ah ee Soomaaliya iyo Kenya.

Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay qodobbo xoojinaya iskaashiga amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee labada dal, iyagoo isla gartay heshiis meesha ka saaraya caqabadaha dhanka socdaalka ee ka dhashay madmadowgii ku jiray xiirirka labada dal, waxaana muwaadiniinta Soomaaliyeed ay fursad gaar ah u heleyaan fududeynta dal ku-galka Kenya, iyadoo la soo celiyey duulimaadyada shirkadda Kenya Airways oo si joogta ah u imaandoonta dalka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Uhuru ayaa isla qaatay xoojinta iskaashiga ganacsi ee labada dal, iyadoo ganacsatada Soomaaliyeed ay fursad u heleyaan in ay dalkaas u dhoofiyaan waxsoosaarka kalluunka dalkeenna, waxaana la furayaa soohdinta Soomaaliya iyo Kenya, taas oo qeyb ka ah fududeynta dhaqdhaqaaqa badeecadaha iyo adeegyada ee labada dal.

Labada Madaxweyne ayaa wada jir u go’aamiyey In Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga (JCC) Soomaaliya iyo Kenya ay ku kulmi doonaan Muqdisho bisha Ogoosto ee sanadkan, si loo qaabeeyo iskaashiga hawlaha amniga, horumarinta beeraha, ganacsiga, caafimaadka, waxbarashada, tababarada iyo xal u helista dhibaatooyinka isbeddelka cimilada.

May be an image of 9 people, people sitting and people standing

Qodobbadii ay Farmaajo iyo Uhuru ku kala tageen ee hor yaalla Xasan Sheekh

Qodobbadii ay Farmaajo iyo Uhuru ku kala tageen ee hor yaalla Xasan Sheekh

Madaxeynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayay maanta booqasho rasmi ah uga billaabatay dalka Kenya, halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono dhiggiisa Kenya, Uhuru Kenyata.

Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayuu sanadihii la soo dhaafay hareeyay khilaaf ka dhashay arrimo kala duwan, iyadoo hadda isha si gaar ah loogu hayo in labada dhinac ay heshiis ka gaaraan arrimo uu ku jiro ganacsiga qaadka.

Dowladdii hore ee Soomaaliya ee uu hoggaaminyay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dolwadda Uhuru Kenyatta waxaa dhex taallay xurguf diblomaasiyeed oo horseedday in labada dal ay u yeertaan danjireyaashooda.

Dowladda haatan ee uu madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filaya inay wax badan ka beddesho xiriirka labada dal.

Markii la doortay Xasan Sheekh ayaa waxaa durbadiiba soo baxday inuu Kenya u oggolaanayo in duullimaadyadii qaadka ee Soomaaliya ee la joojiyay dib loo furi doono, inkastoo Soomaaliya ay iyadana sharuudo ku xirtay in ay taasi dhacdo.

Haddaba Maxay yihiin qodobbada madaxweyne Xasan horyaalla ee Kenya ay dooneyso in dib loo hagaajiyo si xiriirka labada dal uu caadi ugu soo noqdo?

1: Qaadka

Jaadka

Ganacsiga Jaadka waxaa horay loo joojiyay dhowr goor, waxaana ka mid ahayd sanadkii 2016-kii, kaddib xurguf diblomaasiyadeed oo soo kala dhexgashay labada dal.

Arrintaas ayaa saameyn ku yeelatay ganacsatada jaadka ee Kenya oo sheegay in ay khasaareen lacag aad u badan.

Dowladda Soomaaliya ayaa horraaantii sanadkii hore ee 2021 amartay in la hakiyo duulimaadyada rakaabka ee Kenya ka imaan jiray iyo qaadka, taasoo qeyb ka ahayd tallaabooyinka lagu xakameynayay faafitaanka fayraska Koroona. Tan iyo markaas dowladda ayaa dib u fasaxday duullimaadyada maxaliga iyo kuwa caalamiga ah, balse xayiraadda qaadka ayaa wali taagan.

Ganacsiga jaadka ayaa u dhigma malaayiin doollar, iyadoo ganacsatada jaadka ee Kenya ay sheegeen in khasaare badan uu ka soo gaaray xayiraadda.

Qaadka Soomaaliya loo dhoofiyo wuxuu xilligan ka yimaadaa Itoobiya.

2: Diblomaasiyadda

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii hore ku dhawaaqday in ay xiriirka u jartay Kenya. War qoraal ahaa oo 29-kii bishii November 2021 ka soo baxay xafiiska wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in safiirkii u fadhiyay Nairobi looga yeeray Muqdisho, halka midkii Kenya ee Soomaaliyana lagu amray in uu dalkiisa dib ugu noqdo si uu wadatashi ula soo yeesho dowladdiisa.

“Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa go’aankan qaadatay iyadoo ilaalinaysa madax-bannaanideeda, kaddib markii ay u muuqatay in Kenya ay si bareer ah ay u faragalinayso arrimaha gudaha Soomaaliya, gaar ahaan Jubbaland,” ayaa lagu sheegay qoraalkaas.

Kenya ayaa beenisay in faragelin ay ku haysay arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Dhanka kale, Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Kenya, Macharia Kamau, oo arrintaas ka hadlayay xilligaas ayaa wargeyska Nation ee ka soo baxa Nairobi u sheegay in xukuumadda Kenya ay ka xun tahay go’aanka Soomaaliya ay ugu yeeratay safiirkeeda. Wuxuu ballan-qaaday in labada dal ay arrintan si diblomaasiyad ku saleysan uga wada xaajoon doonaan.

3: Qadiyadda Somaliland 

Uhuru iyo Biixi

Bishii Juun 14-keedii waxaa dhacday in Danjiraha Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) uu isaga baxay shir ay madaxtooyada Kenya isugu yeertay danjieyaasha uu fadhigooda yahay dalka Kenya, kaddib markii uu kulankaas ku arkay masuuliyiin matalayay Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland.

War ay markaas kaddib soo saartay safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa lagu sheegay in dowladda Kenya ay si ula-kac ah u martiqaadday qof ka socday Somaliland oo qoraal ka soo baxay safaaradda uu ku tilmaamay gobol ka tirsan Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka dalbatay dowladda Kenya in ay sharraxaad ka bixiso xagudub ay sheegtay in loo geysatay madaxbannaanida Soomaaliya, kaas oo ka yimid Jamhuuriyadda Kenya sida uu qoraalkaasi xusay. 

Dhinaca kale, war ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa markaas lagu sheegay inay aqoonsan tahay madaxbannaanida iyo jiritaanka Soomaaliya, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya.

Waxay sheegtay inay ka ‘qoomamaneyso calanka Somaliland ee sida qaldan uga soo muuqaday shirkii diblumaasiyadda’ ee ka dhacay Kenya.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya waxay sidoo kale xustay inay ka xun tahay dhibaatada ka dhalatay arrintaas.

War-saxaafadeed ay soo saartay dowladda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Soomaliland ayaa dhankeeda waxay ku sheegtay in ay ka carootay ficillada uu sameeyay danjiraha Soomaaliya u fadhiya Nairobi, kaas oo ka baxay shirka shalay.

4: Murankii Badda

Xiriirka labada dal ayaa heerkii ugu xumaa gaaray sanadkii la soo dhaafay, kaddib markii uu soo cusboonaaday muranka la xiriira lahaanshaha qeybo ka mid ah xadka dhinaca badda, halkaas oo la sheegay inuu ku jiro kheyraad dabiici ah oo qiimo badan leh.

Muranka dhanka badda ee u dhaxeeya dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa in muddo ah soo jiitamayay, waxaana sanadkii 2014 ay dowladda Soomaaliya u gudbisay Maxkamadda Caddaalada ee Adduunka (ICJ), dacwad ka dhan ah Kenya.

Ugu dambeyn Maxkamadda caalamiga ee cadaaladda ee fadhigeedu uu yahay magaalada Hague ee Netherlands ayaa bishii Octobar 2021 soo saartay go’aan ku aaddan dacwaddii ay Soomaaliya u gudbisay maxkamadda, kana dhan ahayd sheegashadii Kenya ee dhul badeedka Soomaaliya.

Maxkamadda ayaa dhul badeedka inta badan u xukuntay Soomaaliya. Kenya ayaase ku gacan-seyrtay go’aanka maxkamadda.

Madaxweynaha JFS oo lagu soo dhaweeyay dalka Kenya

Madaxweynaha JFS oo lagu soo dhaweeyay dalka Kenya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow lagu soo dhaweeyay dalka aan deriska nahay ee Kenya.

Socdaalka madaxweynaha ayaa ku saleysan xoojinta xiriirka dalkeennu la leeyahay dalalka deriska iyo xaqiijinta Soomaali heshiis la ah dariskeeda ayaa waxaa uu casuumaad ka helay Madaxwayne Uhuru Kenyata.

Madaxweynaha ayaa dhiggiisa dalka Kenya Mudane Uhuro Kenyata la yeelan doona wadahadallo ku saleysan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, iyadoo ay ka wada xaajoonayaan xal u helidda caqabadaha isbeddelka cimilada, abaaraha, amniga iyo dhaqaalaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ahmiyad gaar ah siinaya in danta shacabka Soomaaliyeed lagu raadiyo iskaashi iyo wax wada qabsi, taas oo horseedaysa horumarinta hannaanka iskaashi ee labada dowladood iyo danaha isku dhafan ee ka dhaxeeya labada shacab ee dariska ah, adkeynaysana xasilloonida, horumarka iyo wada-noolaanshaha shucuubta Gobolka.

https://www.bing.com/ck/a?!&&p=271272d47783e416e825b98c6ad937340d1911bda3f8a71daa1f0f809483becfJmltdHM9MTY1Nzg5OTc4NiZpZ3VpZD1kN2RmZWM2ZS1mNDRhLTRjYTYtYjViNy02NWJkNjk1MjZlNmImaW5zaWQ9NTUyOA&ptn=3&fclid=d1d1a559-0454-11ed-a04b-4e65673ed085&u=a1L3ZpZGVvcy9zZWFyY2g_cT1zYXVkaSthcmViaWErb3BlbnMrYWxqYXplcmEmZG9jaWQ9NjA3OTkzMTMxMjgwMTMzMTIzJm1pZD1GRjFFNjM3MkIyRkEyMzFBQUI2M0ZGMUU2MzcyQjJGQTIzMUFBQjYzJnZpZXc9ZGV0YWlsJkZPUk09VklSRQ&ntb=1

Gaas oo mas’uuliyadda dagaalkii Boosaaso dusha ka saaray xildhibaan Sacdiya

Gaas oo mas’uuliyadda dagaalkii Boosaaso dusha ka saaray xildhibaan Sacdiya

Madaxweynihii hore ee Dawlad-goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay shaqaaqadii dhawaan ka dhacday magaalada Boosaaso, halkaas oo ay ku dhinteen dad gaaraya ilaa 20 qof.

Madaxweynaha hore ee Puntland ayaa mas’uuliyadda dadkii shaqaaqadaas ku dhintay wuxuu dusha ka saaray Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya Xildhibaan Sacdiya Yaasiin Samatar.

Idaacadda VOA ayaa la xiriirtay Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee golaha shacabka Soomaaliya xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Samatar si ay wax uga waydiiso eedaha loo jeediyey balse nooma suuro gelin inaanu helno.

Hase ahaatee xildhibaan Sacdiya ayaa toddobaadkan VOA u sheegtay inay la xiriirtay guddoomiyaha gobolka Bari Cabdirisaaq Cali Siciid (Shaahdoon) ka hor intii aanay diyaaraddu u duulin magaalada Boosaaso, isla markaana ay ku wargelisay mucaawimada ay keenayaan. Guddoomiyaha gobolka Bari ayaa isagu beeniyey inuu ogaa mucaawinada iyo inuu la hadlay Xildhibaan Sacdiya.

Waxaa kale oo Xildhibaan Sacdiya ay u sheegtay VOA in kadib markii ay diyaaraddu ka degtay magaalada Boosaaso inuu lasoo hadlay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Karaaash uuna ku wargeliyey in mucaawinada laga dejiyo diyaaradda. VOA waxay la xirirtay madaxweyne ku xigeenka oo ilaa haatan aan ka jawaabin telefoonkiisa.

Xildhibaan Sacdiya ayaa sheegtay inay sidoo kale horey ula xiriirtay odayaasha dhaqanka si ay mucaawanada ugala wareegaan. Waxay sheegtay in mucaawinadan loo waday magaalada Boosaaso ay ahayd toddoba tan oo isugu jira bur, bariis, saliid iyo weliba cuntooyinka nafaqada.

Biyo dhaamin loo sameeyey dadka abaaruhu saameeyeen ee Badhan

Biyo dhaamin loo sameeyey dadka abaaruhu saameeyeen ee Badhan

Ururka Daryeel Foundation ayaa magaalada Badhan ee gobalka Sanaag ka billaabay biyo dhaamin ay u samenayaan dadka ay sameeysay abaaraha iyo biyo la’aanta ka jirta degaankaas.

Mustafe Axmed Maxamed oo kamid ah dhallinyarada sameeyay biyo dhaamiskaas ayaa sheegay in sidoo kale ay biyo dhaamin ka sameyn doonaan gobalka Bari.

Daawo M.Culusow iyo Waalidiinka oo kulmay

M.Xasan Culusoow oo kulan la qaatay Waalidiintii reer Muqdisho ee dhalay Askarta Eritrea ku maqan

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa caawa kulan la qaatay qaar ka mid ah waalidiinta dhalay askarta Ereteriya ku maqan.

May be an image of 4 people and people standing

“Waxaan la soo qaatay farxadda ciidda, aniga oo si dhow ugu kuur-galay noloshooda. Si ay waalidnimo ku dheehan tahay ayaan ula soo dardaarmay, waxaana ka shaqeeyey in ay idinla soo xiriiraan. Sidoo kale waxaan la xalliyey caqabado ku aaddan arrintaas aniga oo rajaynaya dhawaan in ay idin soo wacaan.”

May be an image of 3 people and people sitting
May be an image of 4 people, people sitting and people standing

Sayid Axmed Madoobe ayaa qaabilay Safiirka dawladda Maraykanka

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Kismaayo ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Safiirka dawladda Maraykanka ee Soomaaliya Larry Andre oo ay kamid ahayeen la taliye Sare ee arimaha bini’adantinimada Kathrin Lauer oo kasocotay USAID Soomaaliya iyo sarakiil ka socotay howlgalka Maraykanka ee Africom.

May be an image of 2 people, people standing and indoor

iyo Masuuliyiintan kasocotay Dowlada Maraykanka ayaa ka wada hadlay arimaha amaanka, dagaalka Argagixisada iyo tageerada maraykanka ee dhinacyada hormarka iyo dib u dhiska iyo arimaha gobolka geeska afrika.

Sidoo kale waxaa kulanka lagaga hadlay shaqo abuurka dhalinyarada kasoo noqonaysa xeryaha qoxootiga iyo kuwa gudaha ku barakacay.

May be an image of 4 people, people standing and military uniform
May be an image of 6 people and indoor

Xog faahfaahsan oo laga helay ‘safar qarsoodi ah oo uu Farmaajo ku tagay Israa’iil’

Xog faahfaahsan oo laga helay ‘safar qarsoodi ah oo uu Farmaajo ku tagay Israa’iil’

Wargayska “Times of Israel” ayaa daabacay warbixin uu ka qoray xogta ku saabsan kulan qarsoodi ah oo uu sheegay in uu dhex maray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Israa’iil, Benjamin Netanyahu.

Kulanka labada hoggaamiye oo markaas xilalka waddamooda hayay ayaa dhacay horaantii sanadkii 2020-kii, sida uu wargayskan Israa’iil laga leeyahay kasoo xigtay diblomaasi hore oo arrintaas ka warhayay.

Sida lagu xisay warbixintan, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bishii February ee sanadkii 2020-kii u duulay magaalada Qudus, isagoo uu wehlinayay Balal Cismaan, oo ahaa wakiilkiisa arrimaha Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Farmaajo iyo Netanyahu ayay suuragal tahay in ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan abuuriska xiriir u dhaxeeya labada waddan, sida uu Wargaysku xusay.

Hase ahaatee, dowladda Soomaaliya iyo dhiggeeda Israa’iil waligood ma shaacin kulan madaxdooda dhex maray iyo in ay xiriirkooda dhisayaan.

Israel

“Balse dadaalladaas ma aysan taageereynin dowladdii Mareykanka ee xilligaas uu madaxweynaha ka ahaa Donald Trump, oo aan rabin in uu Soomaaliya kusoo daro arrimaha gobolka,” ayuu yiri diblomaasiga uu soo xigtay wargayska.

Waxa uu sheegay in Trump uu Soomaaliya ku diiddanaa sababo la xiriira Xildhibaannadda Xisbiga Dimiqraaddiga ee sida wayn u dhaliili jirtay, Ilhaan Cumar, oo qaxootinnimo uga timid Soomaaliya.

Diblomaasiga xogtan faafiyay, oo la wareystay maalintii Isniinta, ayaa sidoo kale sheegay in kulan kaas ka horreeyay uu Farmaajo iyo Netanyahu dhexmaray 28-kii bishii November ee sanadkii 2017-kii.

Xilligaas ayay isku arkeen shir ay Nairobi ku yeesheen Netanyahu iyo madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, sida uu sharraxay diblomaasiga oo magaciisa la qariyay.

Netanyahu iyo Uhuru Kenyatta

Kulanka 2017-kii ayaa ku yimid codsiga Benjamin Netanyahu.

Balse ma jiro war kasoo baxay dowladda Kenya oo lagu xaqiijinayo in Netanyahu uu la kulmay Farmaajo.

Afhayeenka xukuumadda Israa’iil ayaan kasoo jawaabin codsi uu wargaysku u diray oo ku saabsanaa in uu ka hadlo mowduucan.

Afhayeenkii hore ee madaxtooyada Soomaaliya ee xilligii Farmaajo oo aan xiriir la sameynay si aan arrintan wax uga waydiinno ayaan weli noo so jawaabin.

Warkan ayaa yimid xilli bishii lasoo dhaafay ay soo baxeen warar kale oo sheegayay in madaxweynaha Soomaaliya ee hadda xilka haya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu safar qarsoodi ah ku tagay Israa’iil, sanadkii 2016-kii.

Hase yeeshee, Villa Soomaaliya kama hadlin arrintaas wali.

BBC NEWS

RW Xamse oo la kulmay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa kulan la qaatay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa ahaa mid is xog wareesiya Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa wuxuu agaasimeyaasha kula dar daarmay der der gelinta howlaha Qaranka.