Madaxweynaha Puntland Oo Xariga Ka Jaray Wadadda 30-ka ah Ee Magaalada Garoowe

Madaxweynaha Puntland Oo Xariga Ka Jaray Wadadda 30-ka ah Ee Magaalada Garoowe

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xariga ka jaray Wadada 30-ka ee magaalada Garoowe taasi oo dib loogu dhisay hab casri ah.

Wadadaan, ayaa lagu dhisay Cashuurtii Shacabka Garoowe oo ay dib ugu celisay Caasimadda, Madaxweynaha ayaa boggaadiyey shaqada la qabtay wuxuuna muujiyey muhiimada Wadadan u leedahay isugu socodka magaalada.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Wasiirka Howlaha Guud Mudane Axmed Bashiir, Xildhibaan Aweys Axmed Sardheeye oo ah Guddoomiyaha Guddiga Howlaha Guud ee Golaha Wakiillada DPL, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Mudane Cawil Mataan, Guddoomiyaha Degmada Garoowe Mudane Cabdiqaadir Maxamed Maxamuud Geeddi, La-taliyeyaal Madaxweyne, Guddiga Horumarinta Degmada iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada Garoowe.

Guud ahaan Puntland ayaa laga darreemayaa hormar aad u ballaaran oo dhaw walbaba leh.Waxaana isku howlay Dowladda Puntland iyo shacabkeeda.

RW Xamse oo daahfuray Kacdoonka Haweenka Muqdisho 

Ra’iisul Wasaare Xamse oo daahfuray Kacdoonka Haweenka Muqdisho 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa galabta daahfuray Kacdoonka Haweenka Muqdisho, oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, kaasi oo lagu soo afjarayo Khawaarijta ku dhuumaaleysaneysa magaalada caasimadda.

Mudane Xamse ayaa sheegay in doorka haweenka Soomaaliyeed ee sugidda amniga caasimadda uu yahay mid muhiim ah, maadaama dumarku ay lafdhabar u yihiin bulshada. Waxa uu sheegay in gabdhaha iyo haweenka ku dhaqan gobolka Banaadir ay ku filan yihiin soo qabashada Khawaariijta fara ku tiriska ah ee ku dhuumanaya shacabka dhexdiisa.

Soomaaliya ma Muqdisho iyo reerka degan baa?

M. Culusow imisa La taliye oo Hawiye ah ayuu u baahan yahay?

Mid ka mid kooxdii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ku khasbay in inta xilkiisa ka hartay uu dhamaysto Xabsi guri, iyaga oo si gaara u sheeganaya Caasimadda Soomaaliya ayaa maanta lagu abaal mariyey xilka la taliyaha madaxweynaha si kuwa ka horeeyey xilal loogu magcaabay qabyaaladdi ay kula kaceen madaxweynihii hore

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Culusow ayaa u magacaabay Cabdullaahi Maxamed Nuur in uu noqdo La-Taliyaha Sare ee Madaxweynaha ee ka Hortagga iyo La dagaalanka Fikradaha Xagjirka ah ee Rabshadaha Wata.

Cabdulaahi ayaa ka mid ah koox reer Muqdisho ah oo ka taajiray 30kii sano ee Soomaaliya burburku ka jiray. Xilka maanta loo magcaabay Waa dawaddii haddii ay bukooto maxaa lagu dabiibaa

Kevin McCarthy oo ku guuleystay afhayeenka Congress-ka kadib 15 wareeg oo doorasho ah

Kevin McCarthy oo ku guuleystay afhayeenka Congress-ka kadib 15 wareeg oo doorasho ah

Kevin McCarthy oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa wareeggii 15-aad loo doortay afhayeenka Aqalka Congress-ka Maraykanka subaxnimadii hore ee Sabtidii, kadib markii uu tanaasulaad badan u sameeyay koox ka mid ah garabka midig ee mayalka adag oo su’aalo badan ka keenay awoodda hoggaamintiisa.

57-jirkan oo laga soo doorto California ayaa 14 goor waxaa diiday ugu yaraan 20 xubnood oo ka tirsan xisbigiisa. McCarthy ayaa helay 216 cod, isaga oo waayay hal cod oo ka mid ah tirada looga baahnaa guushiisa wareegii 14-aadd, iyadoo koox yar oo garabka midig ah ay taako u dhigteen, inkastoo uu ballanqaaday kharash dhimis iyo tanaasulaad kale, taas oo sababtay inuu ku guuleystay codadka qaar badan oo ka mid ah asxaabta garabka midig oo hore u diiddanaa.

Codka ugu muhiimsanaa ee uu McCarthy raadinayay ayaa ahaa kan xildhibaanka mayalka adag ee Matt Gaetz oo ka aamusay inuu u codeeyo.

Xubno ka tirsan hoggaanka xisbiga Jamhuuriga ayaa dul dhoobtay Gaetz oo laga soo doorto Florida muddo daqiiqado ah, iyagoo isku dayayay inay ku qanciyaan inuu beddelo go’aankiisa kahor inta aanu McCarthy aqbalin guuldaradii 14-aad.

Gacan ka hadal kooban ayaa ka dhacay goobta doorashada, iyadoo Mike Rogers uu handaday Gates, laakiin xubnaha kale ee xisbigiisa ayaa dejiyay Rogers.

Natiijadan ayaa waxay jahawareer ku ridday golaha wakiilada kadib muddo toddobaad ah oo ay codeyn is daba joog ahi socotay, taasoo iftiimisay kala qaybsanaanta xubnaha xisbiga Jamhuuriga.

Waa markii ugu horreysay tan iyo 1859kii ee xarunta Congress-ka Mareykanka wajado doorasho ragaadisa howlaha shaqo ee xubnaha Congress-ka.

Waan ku faraxsanahay inay soo idlaatay doorashadii” ayuu yiri kadib guushiisis.

Madaxweyne Joe Biden ayaa u hambalyeeyay Kevin McCarthy isaga oo sheegay inuu diyaar u yahay in wadashaqeyni ay dhex marto hoggaanka Jamhuuriga.