26th July 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Puntland Oo Xariga Ka Jaray Wadadda 30-ka ah Ee Magaalada Garoowe

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xariga ka jaray Wadada 30-ka ee magaalada Garoowe taasi oo dib loogu dhisay hab casri ah.

Wadadaan, ayaa lagu dhisay Cashuurtii Shacabka Garoowe oo ay dib ugu celisay Caasimadda, Madaxweynaha ayaa boggaadiyey shaqada la qabtay wuxuuna muujiyey muhiimada Wadadan u leedahay isugu socodka magaalada.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Wasiirka Howlaha Guud Mudane Axmed Bashiir, Xildhibaan Aweys Axmed Sardheeye oo ah Guddoomiyaha Guddiga Howlaha Guud ee Golaha Wakiillada DPL, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Mudane Cawil Mataan, Guddoomiyaha Degmada Garoowe Mudane Cabdiqaadir Maxamed Maxamuud Geeddi, La-taliyeyaal Madaxweyne, Guddiga Horumarinta Degmada iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada Garoowe.

Guud ahaan Puntland ayaa laga darreemayaa hormar aad u ballaaran oo dhaw walbaba leh.Waxaana isku howlay Dowladda Puntland iyo shacabkeeda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*