Madaxweyne Culusoow oo saxiixay sideed sharci oo saamayn xooggan leh

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasibad ka dhacday xarunta madaxtooyada ee Soomaaliya wuxuu ku saxeexay illaa sideed sharci oo muhiima oo taabaya dhinaca ammaanka, arrimaha bulshada, khayraadka, dhaqaalaha, iwm.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada, sharciyada madaxweynuhu saxeexay oo ay hore u soo meel mariyeen labada gole baarlamaan ayaa kala ahaa:

1 .Sharciga La-dagaallanka Argagixisada

2. Sharciga Dhismaha Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed,

3 .Sharciga Socdaalka,

4. Sharciga Dhowrista Xogta Dadweynaha

5. Sharciga Nidaamka Lagu Hagayo Kheyraadka Dhulka Hoostiis,

6. Sharciga Dhowrista Maalgashiga iyo Maalgashadayaasha,

7. Sharciga Aqoonsiga Iyo Diiwaangelinta Dadweynaha.

8. Sharciga Horumarinta iyo Maareynta Kalluumeysiga Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey guddoonka iyo mudaneyaasha Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida ay u dardar-geliyeen ansixinta shuruucdan oo aas-aas u ah dowladnimada Soomaaliyeed iyo hirgelinta nidaam ku saleysan sharci iyo dowladnimo casri ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku ammaanay Golaha Xukuumadda iyo khubarada Soomaaliyeed soo diyaarinta shuruucdan, waxa uuna tilmaamay in ay taariikh cusub u tahay dowladnimada Soomaaliyeed, maadaama ay yihiin sharciyadii ugu badnaa ee muddo kooban lagu ansixiyo, taas oo muujinaysa muhiimadda wadashaqeynta Hay’adaha dowladda.

Xildhibaanada faderaalka ee tagay Laascaanood iyo ujeedkooda

Xildhibaanada faderaalka ee tagay Laascaanood iyo ujeedkooda

Wefdi xildhibaanno ah oo ka tirsan baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya, kana soo jeeda gobolka Sool ayaa shalay gaaray magaalada Laasacaanood oo tan iyo 6-dii bishii hore uu ka socday dagaal u dhexeeya dadka deegaanka iyo ciidamada jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Somaliland.

Xildhibaannadan oo uu kamid yahay guddoomiye kuxigeenka labaad ee Aqalka Sare Cabdullahi Cali Timacade ayaa sheegay inay Laasacaanood u tageen u kuurgalidda xaaladda ka taagan halkaas.

Waxa ay xalay kulamo la qaateen isimada gacanta ku haya magalaadaas.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Aqalka Sare Cabdullahi Cali Timacade ayaa sheegay in ujeeddada ay u tageen Laascaanood ay tahay in deegaannadaas ay ku matalaan baarlmaanka Soomaaliya isla markaana loo baahanyahay xilliyada uu goluhu fasaxa ku jira in mas’uul kasta oo ka tirsan baarlamaanka uu booqdo deegaannadiisa.

“Hadda maadaama magaalada dadkii lahaa ay ka talinayaan oo “maamulka Somaliland ay ciidamadiisu bannaanka ka joogaan” dee in aan meeshii tagno maadaama goob-colaadeed ay noqtay oo hantidii iyo dhaqaalihii oo dhan la burburiyay, marka waa in aan soo ogaanno xogta si hadhow loogu celiyo warbixinta golayaasha,” ayuuyiri Senator Timacade. Wuxuu sheegay in magaalada Laascaanood ay ku dagaallameen ciidamada Somaliland iyo dadka deegaanka isla markaana laga saaray ciidamada Somaliland kuwaas oo sida uu sheegay hadda bannaanka kaga soo rido maalin walba madaafiic.

Xildhibaannada iyo Senatarada deegaannadaas ku matala baarlamanaka federaalka Soomaaliya ayuu sheegay in muddo 15 sano ka hor ay ugu dambeysay halkaa. Senator Timacade ayaa tagitaankiisa Laascaanood ku tilmaamay mid uu aad ugu faraxsanyahay muddo dheer kadib.

Wefdigan ayaa tagay Laascaanood xilli ay halkaa colaad ka taagantahay

Mar BBC-du waydiisay guddoomiye kuxigeenka labaad ee Aqalka Sare Cabdullahi Cali Timacade in safarka isaga iyo xubnaha kale ay ku tageen Laasacaanood ay wax ka ogyihiin madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa waxaaa uu ku jawaabay in aaney qasab ahayn in ay la socdaan iyo in kale. Wuxuuna yiri:”Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo madaxweynaha midna inuu la socdo qasab maaha nina fasax ugama qaadanayo deegaankeyga,”.

Wuxuu intaa raaciyay, “haddii talo la iga waydiin lahaa xaaladda Laascaanood Somaliland ciidankeeda ha la baxdo kadibna wadahadal ha yimaado,”.

Xildhibaannada iyo Isimida dhaqanka gobolka

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Aqalka Sare Cabdullahi Cali Timacade ayaa sheegay in magaalada Laascaanodo dadka ku nool ay aaminsanyihiin in Soomaaliya ay ka tirsanyihiin isla markaana ay hoostagaan dowladda federaalka Soomaaliya isaga qudhiisuna uu sida aamainsanyahay.

Magaalada Laasacaanood waxaa ka taagan colaad socota muddo bil ka badan waxaana ku dhintay tiro badan oo dad ah kuwa kalana way ku dhaawacmeen halka kumannaan kalana ay ku barakaceen.

Sidoo kale waxaa burbur weyn soo gaaray dhimayaasha magaalada iyadoo uu yaraaday dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee magaalada.

Dadaallo nabadeed oo ay horuumad u ahayd dowladda Itoobiya isla markaana xabad joojin lagu dhex dhigayay dhinacayada halkaa ku dagaallamaya ayaa u muuqda ilaa iyo hadda kuwa aan hir galin.

Guddoomiyaha Hay’adda SODMA oo Garoowe ka dhagax dhigey dhismaha xarun gurmadka deg degga ah

Guddoomiyaha Hay’adda SODMA oo Garoowe ka dhagax dhigey dhismaha xarun gurmadka deg degga ah

Guddoomiyaha Hay’adda  Maareynta  Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle oo ay wehliyaan Wasiir ka Gar-gaarka Puntland Cabdullaahi Cabdi Xirsi iyo Wasiirka Duulista  hawada iyo Garoomada  Puntland  Ilyaas Cusmaan Lugatoor ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay Xarunta Gurmadka deg degga ee Dowlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa sheegay in ay dhawaan dhisi doonaan Xarunta Gurmadka deg degga, taas oo baahi wayn looga qabo deegaannada Puntland,, Iyadoo Guddoomiyuhu uu dhawaan Magaalooyinka Dhuusamareeb, Jowhar, Kismaayo iyo  Baydhaba ka soo dhagax dhigay Xurunta Gurmadka deg degga ah.

Sidoo kale Wasiirada ka socday Dowlad Goboleedka Puntland oo ka hadlay munaasabadda dhagax dhigga xarunta ayaa sheegay in baahi wayn loo qabay dhismaha xarunta, taas oo ay uga mahadceliyeen Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka.

Ugu danbayn Guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa u mahadceliyay Wasiirka Wasaaradda Gar-gaarka iyo Wasiirka Duulista  Hawda iyo Garoomada sida wanaagsan oo ay hay’adda u soo dhaweeyeen, uguna deeqeen dhul laga dhiso Xarun loogu adeegayo shacabka Soomaaliyeed ee Puntalnd daggan.

Hey’adda IMF oo shaacisay in Soomaaliya ay ka gudubtay hannaanka dib u eegista 5-aad ee barnaamijka Deyn Cafinta

Hey’adda IMF oo shaacisay in Soomaaliya ay ka gudubtay hannaanka dib u eegista 5-aad ee barnaamijka Deyn Cafinta

Hey’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa soo saartay warbixinta qiimaynta dib u eegista 5-aad ee Barnaamijka ECF ee hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo deyn cafinta Soomaaliya.

Hey’adda IMF ayaa warbixintaan ay soo saartay waxay ku sheegtay in iyadoo ay jiraan caqabado amni, dhaqaale iyo cunno-yari – haddana Dowladda Federaalka Soomaaliya ay horumar wayn ka samaysay sharuudaha barnaamijka deyn cafinta ee loo soo gaabiyo ECF oo hadda  dowladdu ay ka gudubtay hannaanka dib-u-eegista 5-aad.

IMF ayaa warbixinteeda qiimeynta ku sheegtay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in ay yareeyso isticmaalka kharashaadka laga maarmi karo, iyadoo xoogga saaraysa arrimaha mudnaanta leh oo ay ugu horreyso xoojinta sare u qaadidda dakhliga gudaha.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu bogaadiyay in ay ka go’an tahay sii wadidda arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda, xoojinta xeerarka maamulka canshuuraha iyo iibka Qaranka oo muhiim ah sare u qaadidda dakhliga dalka.

Sidoo kale IMF ayaa bogaadisay Baarlamaanka Soomaaliya oo meel mariyay xeerar muhiim ah horumarka Maaliyadda Soomaaliya iyo hufnaanta dhaqaalaha.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa soo dhaweeyay warbixinta IMF ay ka soo saartay qiimaynta hannaanka dib-u-eegista 5-aad ee ku saabsan shuruudaha Barnaamijka ECF ee deyn cafinta Soomaaliya.

“Waxa aan soo dhaweynayaa warbixinta ay soo saartay hey’adda lacagta adduunka ee IMF, taas oo muujinaysa in dowladda Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka gaartay hannaanka dib u eegista 5-aad ee barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya, warbixintaan ayaa soo baxday kadib shirar fool ka fool ah iyo kuwo foggaan arag ah oo aan yeelanay Hey’adda IMF iyo Bangiga Adduunka,” ayuu yiri wasiir Cilmi.

Wasiir ayaa intaas ku sii daray, “Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an ka miro-dhalinta hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo dhaqaalaha dalkeenna tan iyo inta laga gaarayo Barta_Kama_Dambeysta ah ee Deyn-Cafinta oo aan dhawaan rajo wanaagsan ka qabno in aan gaarno.”

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan filaysa in ay gaarto barta loogu magac daray “kama dambeysta” oo ah halka lagu gaari doono deyn cafis dhammaystiran.

Dalka daynta ugu yar lagu leeyahay dunidan

Dalka daynta ugu yar lagu leeyahay dunidan

Masiibooyin, qaraxyo iyo xitaa dagaalka Ukraine midna ma sababin deynta sare u kacday ee lagu leeyahay dalka yar ee Brunei sida ku dhacday dalal badan.

Inkasta oo adduunka intiisa kale ay qasab ku noqotay in la dhimo kharashaadka ku baxa dadweynaha si wax looga qabto saamaynta Covid-19 ama sicir-bararka dhawaan dunida ku dhuftay, haddana Brunei ayaa weli ah dalka deynta ugu yar lagu leeyahay markii loo barbardhigo dakhliga ka soo gala wax-soo-saarka gudaha ee gaaraya 1.9%.

Hasayeeshee walow dayntiisa dalkaasi ay hoosayso markii loo eego dakhligiisa was-soo-saarka gudaha haddana taasi macnaheedu ma aha in dhaqaalaha dalkaas uu caafimaad qabo.

Dalka yar ayaa leh mid kamid ah heerarka ugu sarreeya ee nolosha adduunka taas oo ay ugu wacan tahay kaydka saliidda iyo gaaska ee uu dalkaas leeyahay.

Markii dhankaas laga fiiriyana waa dalka afaraad ee ugu qanisan adduunka.

.

“Brunei waa waddan batrool leh. Soo saarista saliidda qayriin iyo gaaska dabiiciga ah ayaa ka dhigan in ku dhawaad 90% dakhliga ka soo gala wax-soo-saarka gudaha ee qaranka,” ayuu yiri Ulrich Volz, Agaasimaha Xaruunta Dhaqaalaha lajoogtayn karo, sidoo kalana ah Barfasoor cilmiga dhaqaalaha ka dhigga Jaamacadda School of Oriental and African Studies SOAS ee Brunei.

2017 waxaa la qiyaasay in Brunei ay haysato kayd dhan 1,100 milyan oo foosto oo saliid ah, taas oo 0.1% ka ah kaydka shidaalka aduunka ee gaaraya 2.6 trillion cubic meter.

Dalkan Brunei ayaa ku yaal xeebaha waqooyi ee Jasiiradda Borneo, ee Koonfur-bari Aasiya, waxaana uu xad la leeyahay dalalka Malaysia iyo Indonesia.

Xubno ka tirsan qoyska boqortooyada ee uu hoggaamiyo madaxa dowladda Sultan Xasan al-Bolkiah, ayaa leh hanti badan oo ay gaar u leeyihiin.

Caafimaad qabkiisa

Shacabka dalkaas canshuur kama bixiyaan dakhliga soo gala, dawladuna waxay bixisaa adeegyo bilaash ah oo isugu jira caafimaad iyo waxbarasho illaa heer jaamacadeed.

Caasimadda dalkaasi ee Bandar Seri Bagawan, waa meel ammaan ah, nadiif ah oo aad u deggan, sida ay sheegeen dadkii halkaas booqday.

Waxaa intaasi dheer in suldaanka oo sumcad weyn ku dhex leh dadka uu masuulka ka yahay, ayaa si joogto ah u qoondeeya dhulal iyo guryo la siiyo dadka xaqa u leh kuwaas oo ay dowladdu qorshayso.

.

“Waa waddan yar marka la eego tirada dadkiisa, oo maba gaarayaan nus milyan qof dadka dalkaas deggan, kuwaas oo sidoo kale qayb ahaan ku nool aag dhan 5,700 oo km oo keliya,” ayey BBC Mundo u sharraxday wasaaradda ganacsiga ee Spain.

Sababta Brunei daynta aadka u yar loogu leeyahay waa dakhliga ka soo gala kaarboonka ay iibiso.

“Taasi waxay u oggolaatay in dalkaas uu samaysato kayd lacageed oo badan oo uu ku moodi karo sannado badan iyo in dadweynaha laga maalgeliyay kaydkaas, iyada oo aan loo baahnayn in wax amaah ah uu dalkaasi raadsado,” ayaa la sii raaciyay.

“Dhabta markaan ka hadalno, Brunei waa dal dhaqaalihiisu uu aad u yaryahay saamayn culusna aan ku lahayn gobolka. Waxa kaliya oo muhiimka uu ku yahay waa saliidda iyo gaaska uu siiyo qaaradda Aasiya.”

.

Lacagtooda way wareegtaa

“Iibka shidaalka ayey ka heshaa lacag badan oo koontooyinkeeda soo gala, taas oo macnaheedu yahay in waddanku yahay deyn bixiye caalami ah oo aan u baahnayn in uu lacag soo amaahdo,” ayuu xusay Prof Volz.

Brunei waa mid kamid ah wadammada dhifka ah ee aan dibadda dayn looga lahayn maadaama lacag fara badan ay taal bangiyadeeda.

Haddaba, iyadoo dunida inteeda kale ay tahay inay ku tiirsanaato maalgelin dibadeed ha badnaato ama ha yaraatee, ayaa dowladaha iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee dowladaha yaryar waxa ay dhaqaalahooda ku maalgelin karaan deymo ay ka helaan baanankooda.

.

Mid kamid ah faa’iidooyinka dhaqaalaha Brunei ayaa ah in aanay u baahnayn inay soo iibsato lacag qalaad si ay u bixiso deynta lagu leeyahay.

Midda kalena waa in dawladda iyo dhaqaalaheedaba ay ilaaliyaan faa’iidada iyo cashuuraha laga qaado ganacsiyada.

“Maaraynta maaliyadeed ee wanaagsan ayaa noqotay siyaasad adag oo mudnaan gaar ah u leh dawladda, iyadoo hoos u dhigaysa cadaadiska maaliyadeed ee ku iman karta muwaadiniinteeda iyo ganacsigeeda,” ayuu yiri Eric Chiang, oo ah dhaqaaleyahan ka tirsan Moody’s Analytics.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo kulan la qaatay Guddoomiyaha SoDMA

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo kulan la qaatay Guddoomiyaha SoDMA

Wafdi uu horkacayo GGuddomiyaha ey’adda Mareynta Masiibooyinka Qaranka SoDMA Mahamoud Moallim Abdulle oo booqasho kujooga Caasimadda Dowlada #Puntland ee #Garowe ayaa kulan laqaatay madaxweyne ku xigeenka ahna ku simaha Madaxwaynaha puntiland Mudane Axmed cilmi Cismaan Karaash

Kulankaas ayaa looga wadahadalay xaaladaha Bani’aadannimo ee kajira deeganada #Puntland gaar ahaan xaladaha nolaleed ee kusugan yihiin dadkii kasoo barakacay colaadaha Magaalada laascanood ee Gobolka Sool.

Sidoo kale waxay labada dhinac isla garteen in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhagaxdhigo xarunta Howlagalada Gurmadaka deg deg ah taasoo shaqadeedu tahay lataaclida xaaladaha deg deg ah ee dalkeena.

Kulankan waxaa goob joog ka ahaa wasiirka Wasaaradda Gargaarka Dowlad Goboleedyadka puntiland .

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dalka Uganda tababar ugu soo xiraya cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dalka Uganda tababar ugu soo xiraya cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray caawa magaalada Kambaala ee dalkan Uganda, halkaas oo uu tababar ugu soo xirayo cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo si diirran loogu soo dhaweeyey garoonka caalimaga ah ee Entebbe International Airport ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Uganda doorka ay ka qaadanayaan dib u dhiska Ciidamada Soomaaliyeed oo si naf hurnimo leh u wajahaya dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, dhiiggoodana u huraya xoreynta dalkooda iyo xasilloonida gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dul istaagi doona tayada tababarrada ay qaateen guutooyinkan ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka, isagoo la wadaagaya guulaha la taaban karo ee Ciidamadeennu ay ka soo hooyeen howlgallada dalka looga xoreynayo argagixisada Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay dib u habaynta Ciidanka Qalabka Sida oo aas-aas u ah dowladnimada dalkeenna iyo in guul deg-deg ah laga gaaro dagaalka dalka lagaga sifaynayo argagixisada.

Previous Post