26th April 2024  admin  Category :

Dalka daynta ugu yar lagu leeyahay dunidan

Masiibooyin, qaraxyo iyo xitaa dagaalka Ukraine midna ma sababin deynta sare u kacday ee lagu leeyahay dalka yar ee Brunei sida ku dhacday dalal badan.

Inkasta oo adduunka intiisa kale ay qasab ku noqotay in la dhimo kharashaadka ku baxa dadweynaha si wax looga qabto saamaynta Covid-19 ama sicir-bararka dhawaan dunida ku dhuftay, haddana Brunei ayaa weli ah dalka deynta ugu yar lagu leeyahay markii loo barbardhigo dakhliga ka soo gala wax-soo-saarka gudaha ee gaaraya 1.9%.

Hasayeeshee walow dayntiisa dalkaasi ay hoosayso markii loo eego dakhligiisa was-soo-saarka gudaha haddana taasi macnaheedu ma aha in dhaqaalaha dalkaas uu caafimaad qabo.

Dalka yar ayaa leh mid kamid ah heerarka ugu sarreeya ee nolosha adduunka taas oo ay ugu wacan tahay kaydka saliidda iyo gaaska ee uu dalkaas leeyahay.

Markii dhankaas laga fiiriyana waa dalka afaraad ee ugu qanisan adduunka.

.

“Brunei waa waddan batrool leh. Soo saarista saliidda qayriin iyo gaaska dabiiciga ah ayaa ka dhigan in ku dhawaad 90% dakhliga ka soo gala wax-soo-saarka gudaha ee qaranka,” ayuu yiri Ulrich Volz, Agaasimaha Xaruunta Dhaqaalaha lajoogtayn karo, sidoo kalana ah Barfasoor cilmiga dhaqaalaha ka dhigga Jaamacadda School of Oriental and African Studies SOAS ee Brunei.

2017 waxaa la qiyaasay in Brunei ay haysato kayd dhan 1,100 milyan oo foosto oo saliid ah, taas oo 0.1% ka ah kaydka shidaalka aduunka ee gaaraya 2.6 trillion cubic meter.

Dalkan Brunei ayaa ku yaal xeebaha waqooyi ee Jasiiradda Borneo, ee Koonfur-bari Aasiya, waxaana uu xad la leeyahay dalalka Malaysia iyo Indonesia.

Xubno ka tirsan qoyska boqortooyada ee uu hoggaamiyo madaxa dowladda Sultan Xasan al-Bolkiah, ayaa leh hanti badan oo ay gaar u leeyihiin.

Caafimaad qabkiisa

Shacabka dalkaas canshuur kama bixiyaan dakhliga soo gala, dawladuna waxay bixisaa adeegyo bilaash ah oo isugu jira caafimaad iyo waxbarasho illaa heer jaamacadeed.

Caasimadda dalkaasi ee Bandar Seri Bagawan, waa meel ammaan ah, nadiif ah oo aad u deggan, sida ay sheegeen dadkii halkaas booqday.

Waxaa intaasi dheer in suldaanka oo sumcad weyn ku dhex leh dadka uu masuulka ka yahay, ayaa si joogto ah u qoondeeya dhulal iyo guryo la siiyo dadka xaqa u leh kuwaas oo ay dowladdu qorshayso.

.

“Waa waddan yar marka la eego tirada dadkiisa, oo maba gaarayaan nus milyan qof dadka dalkaas deggan, kuwaas oo sidoo kale qayb ahaan ku nool aag dhan 5,700 oo km oo keliya,” ayey BBC Mundo u sharraxday wasaaradda ganacsiga ee Spain.

Sababta Brunei daynta aadka u yar loogu leeyahay waa dakhliga ka soo gala kaarboonka ay iibiso.

“Taasi waxay u oggolaatay in dalkaas uu samaysato kayd lacageed oo badan oo uu ku moodi karo sannado badan iyo in dadweynaha laga maalgeliyay kaydkaas, iyada oo aan loo baahnayn in wax amaah ah uu dalkaasi raadsado,” ayaa la sii raaciyay.

“Dhabta markaan ka hadalno, Brunei waa dal dhaqaalihiisu uu aad u yaryahay saamayn culusna aan ku lahayn gobolka. Waxa kaliya oo muhiimka uu ku yahay waa saliidda iyo gaaska uu siiyo qaaradda Aasiya.”

.

Lacagtooda way wareegtaa

“Iibka shidaalka ayey ka heshaa lacag badan oo koontooyinkeeda soo gala, taas oo macnaheedu yahay in waddanku yahay deyn bixiye caalami ah oo aan u baahnayn in uu lacag soo amaahdo,” ayuu xusay Prof Volz.

Brunei waa mid kamid ah wadammada dhifka ah ee aan dibadda dayn looga lahayn maadaama lacag fara badan ay taal bangiyadeeda.

Haddaba, iyadoo dunida inteeda kale ay tahay inay ku tiirsanaato maalgelin dibadeed ha badnaato ama ha yaraatee, ayaa dowladaha iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee dowladaha yaryar waxa ay dhaqaalahooda ku maalgelin karaan deymo ay ka helaan baanankooda.

.

Mid kamid ah faa’iidooyinka dhaqaalaha Brunei ayaa ah in aanay u baahnayn inay soo iibsato lacag qalaad si ay u bixiso deynta lagu leeyahay.

Midda kalena waa in dawladda iyo dhaqaalaheedaba ay ilaaliyaan faa’iidada iyo cashuuraha laga qaado ganacsiyada.

“Maaraynta maaliyadeed ee wanaagsan ayaa noqotay siyaasad adag oo mudnaan gaar ah u leh dawladda, iyadoo hoos u dhigaysa cadaadiska maaliyadeed ee ku iman karta muwaadiniinteeda iyo ganacsigeeda,” ayuu yiri Eric Chiang, oo ah dhaqaaleyahan ka tirsan Moody’s Analytics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*