9th May 2024  admin  Category :

Guddoomiyaha Hay’adda SODMA oo Garoowe ka dhagax dhigey dhismaha xarun gurmadka deg degga ah

Guddoomiyaha Hay’adda  Maareynta  Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle oo ay wehliyaan Wasiir ka Gar-gaarka Puntland Cabdullaahi Cabdi Xirsi iyo Wasiirka Duulista  hawada iyo Garoomada  Puntland  Ilyaas Cusmaan Lugatoor ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay Xarunta Gurmadka deg degga ee Dowlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa sheegay in ay dhawaan dhisi doonaan Xarunta Gurmadka deg degga, taas oo baahi wayn looga qabo deegaannada Puntland,, Iyadoo Guddoomiyuhu uu dhawaan Magaalooyinka Dhuusamareeb, Jowhar, Kismaayo iyo  Baydhaba ka soo dhagax dhigay Xurunta Gurmadka deg degga ah.

Sidoo kale Wasiirada ka socday Dowlad Goboleedka Puntland oo ka hadlay munaasabadda dhagax dhigga xarunta ayaa sheegay in baahi wayn loo qabay dhismaha xarunta, taas oo ay uga mahadceliyeen Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka.

Ugu danbayn Guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa u mahadceliyay Wasiirka Wasaaradda Gar-gaarka iyo Wasiirka Duulista  Hawda iyo Garoomada sida wanaagsan oo ay hay’adda u soo dhaweeyeen, uguna deeqeen dhul laga dhiso Xarun loogu adeegayo shacabka Soomaaliyeed ee Puntalnd daggan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*