27th April 2024  admin  Category :

Xildhibaanada faderaalka ee tagay Laascaanood iyo ujeedkooda

Wefdi xildhibaanno ah oo ka tirsan baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya, kana soo jeeda gobolka Sool ayaa shalay gaaray magaalada Laasacaanood oo tan iyo 6-dii bishii hore uu ka socday dagaal u dhexeeya dadka deegaanka iyo ciidamada jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Somaliland.

Xildhibaannadan oo uu kamid yahay guddoomiye kuxigeenka labaad ee Aqalka Sare Cabdullahi Cali Timacade ayaa sheegay inay Laasacaanood u tageen u kuurgalidda xaaladda ka taagan halkaas.

Waxa ay xalay kulamo la qaateen isimada gacanta ku haya magalaadaas.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Aqalka Sare Cabdullahi Cali Timacade ayaa sheegay in ujeeddada ay u tageen Laascaanood ay tahay in deegaannadaas ay ku matalaan baarlmaanka Soomaaliya isla markaana loo baahanyahay xilliyada uu goluhu fasaxa ku jira in mas’uul kasta oo ka tirsan baarlamaanka uu booqdo deegaannadiisa.

“Hadda maadaama magaalada dadkii lahaa ay ka talinayaan oo “maamulka Somaliland ay ciidamadiisu bannaanka ka joogaan” dee in aan meeshii tagno maadaama goob-colaadeed ay noqtay oo hantidii iyo dhaqaalihii oo dhan la burburiyay, marka waa in aan soo ogaanno xogta si hadhow loogu celiyo warbixinta golayaasha,” ayuuyiri Senator Timacade. Wuxuu sheegay in magaalada Laascaanood ay ku dagaallameen ciidamada Somaliland iyo dadka deegaanka isla markaana laga saaray ciidamada Somaliland kuwaas oo sida uu sheegay hadda bannaanka kaga soo rido maalin walba madaafiic.

Xildhibaannada iyo Senatarada deegaannadaas ku matala baarlamanaka federaalka Soomaaliya ayuu sheegay in muddo 15 sano ka hor ay ugu dambeysay halkaa. Senator Timacade ayaa tagitaankiisa Laascaanood ku tilmaamay mid uu aad ugu faraxsanyahay muddo dheer kadib.

Wefdigan ayaa tagay Laascaanood xilli ay halkaa colaad ka taagantahay

Mar BBC-du waydiisay guddoomiye kuxigeenka labaad ee Aqalka Sare Cabdullahi Cali Timacade in safarka isaga iyo xubnaha kale ay ku tageen Laasacaanood ay wax ka ogyihiin madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa waxaaa uu ku jawaabay in aaney qasab ahayn in ay la socdaan iyo in kale. Wuxuuna yiri:”Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo madaxweynaha midna inuu la socdo qasab maaha nina fasax ugama qaadanayo deegaankeyga,”.

Wuxuu intaa raaciyay, “haddii talo la iga waydiin lahaa xaaladda Laascaanood Somaliland ciidankeeda ha la baxdo kadibna wadahadal ha yimaado,”.

Xildhibaannada iyo Isimida dhaqanka gobolka

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Aqalka Sare Cabdullahi Cali Timacade ayaa sheegay in magaalada Laascaanodo dadka ku nool ay aaminsanyihiin in Soomaaliya ay ka tirsanyihiin isla markaana ay hoostagaan dowladda federaalka Soomaaliya isaga qudhiisuna uu sida aamainsanyahay.

Magaalada Laasacaanood waxaa ka taagan colaad socota muddo bil ka badan waxaana ku dhintay tiro badan oo dad ah kuwa kalana way ku dhaawacmeen halka kumannaan kalana ay ku barakaceen.

Sidoo kale waxaa burbur weyn soo gaaray dhimayaasha magaalada iyadoo uu yaraaday dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee magaalada.

Dadaallo nabadeed oo ay horuumad u ahayd dowladda Itoobiya isla markaana xabad joojin lagu dhex dhigayay dhinacayada halkaa ku dagaallamaya ayaa u muuqda ilaa iyo hadda kuwa aan hir galin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*