Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay baareyso kiiska geerida Cabdinaasir Dahable

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay baareyso kiiska geerida Cabdinaasir Dahable

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay baareyso kiiska xubin ka tirsan shaqaalaha hay’adda duulista Soomaaliya oo maydkiisa laga helay guri ku yaalla degmada Wadajir, shalay.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed ayaa tacsi u diray qoyska marxuumka oo booliisku sheegeen in lagu magacaabo Cabdinaasir Muuse Cabdiraxmaan, waxaana uu dalbaday baaritaan buuxa.

Wiilka Soomaaliga ah ee jabiyey rikoorka maaratoonka Sweden

Wiilka Soomaaliga ah ee jabiyey rikoorka maaratoonka Sweden

Wuxuu ahaa rikoor ay gaartay Sweden kaas oo la xiriira orodka maratoo-ka ee ka dhacay magaalada Seville ee dalka Spain.

Suldaan Xasan oo ah wiil asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, isla markaana heysta dhalashada dalka Sweden ayaa 2.07.35 ku dhameystay kaalinta 10-aad ee orodka markii ugu horreysay ee uu garoonka ka soo muuqday taasoo kor u qaadday rikoorkii hore ee u yaallay Sweden in hal daqiiqo ka badan.

Suldaan ayaa hadda galay kaalinta afaraad ee abid Sweden.

Waxay ahayd billow aad loogu riyaaqay marka ay noqoto Suldaan, waxaana lagu ammaanay tababar dheer oo uu waqti badan ku soo bixiyay.XAYEYSIINhttps://17b6f1167780d7f1cf46b601db53fc90.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-40/html/container.html

Suldaan ayaa dhowr kilomitir ka dib gaabiyay orodkiisa isaga oo ay ka hormareen qaar ka mid ah orodyahannada kale, waxa uuna sameeyay soo laba kacleyn u sahashay in kaalin hore uu ugu dambeyn galo.

“Waxa aan yara dedejiyay orodkaygii dhawrkii kiiloomitir ee ugu dambeeyay, taasna waxa ay qayb ka tahay xirfadaha tartanka, ma aanan sameynin qiyaasta tababarka labadii bilood ee lasoo dhaafay, sababtoo ah waxa aan dhaqaaleyneynay tamar badan, in laakiin xaqiiqada ayaa ah in aan marnaba niyad jabin oo aan daalin”, ayuu yiri Suldaan Xasan.

Suldaan Xasan
Qoraalka sawirka,Suldaan Xasan

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay u ahayd billow fiican maadaama uu tartamayay markiisii ugu horreysay.

“Waxa ay ii ahayd billow fiican, waan rajeynayay natiijada in ay noqon doonto mid aad u wanaagsan- Waxaan rajeynayaa in natiijadani ay hormuud u noqoto wacdaraha aan dhigi doono ee kale, ma ahan ugu yaraan tixgelinta in tani ay tahay tartankayga ugu horreeya sidoo kale, sidoo kale waxa ay xiiso iigu yeeleysaa in aan arko waxa aan ka qaban karo tartamada kale xagaagan”, ayuu sii raaciyay Suldaan Xasan, iyadoo uu ka qayb geli doono tartan kale oo ka dhacaya magaalada Rome billowga Juun, kaas oo sidoo kale laga filayo xiiso gaar ah

Bashiir Cabdi ayaa 2022-dii kaalinta 3-aad ka galay tartanka Marathon-ka Adduunka ee ka dhacay dalka Mareykanka, isagoo dalka Belgium u keenay billad maar ah.

Cabdi Nageeye oo u ordayay dalka Netherlands ayaa galay kaalinta labaad waxaa uuna sidaasi ku qaatay billadda Qalinka, halka Bashiir Cabdi oo u ordayay dalka Belgium uu galay kaalinta saddexaad sidaasi oo uu ku qaatay billaddii harsaneyd ee Maarta.

Nageeye iyo Bashiir

Bashiir Cabdi, waxa uu dhashay sannadkii 1989 bishii bishii Feebraayo, isaga oo ku dhashay magaalada Ceel Afweyn, ee gobolka sanaag, Somaliland.

Waxa uu u ordaa dalka Biljam, waxaana uu caan ku yahay orodka dheer. Wuxuu ka qayb galay 10,000 ee mitir orodka ah oo dhacayey sannadkii 2014 horyaalada ciyaaraha fudud ee Yurub, Ciyaarihii Olombikada ee Rio de Janeiro ee 2016kii Bashiir wuxuu ku tartamay labada orod ee 5000m iyo 10000m.

Wuxuu ku dhameystay kaalinta 20 -aad ee finalka 10000m, tartankaas oo uu ku guuleystay Mo Farah, orodyahan Soomaali ah oo metela dalka Britain.

Sannadkii 2017-kii Bashiir wuxuu ka qayb -galay tartankii London 2017 ee Ciyaaraha Fudud ee orodka 5000m ee ragga, isagoo kaalinta 6 -aad ka galay tartankaas. Waxaana uu ka qayb galay tartamo kale oo caalami ah, sannadkii 2019 waxa uu kaalinta labaad galay tartankii Vitality Big Half Marathon, oo kaalinta koobaadna uu galay Mo Farah

Hambalyo meher

Bahda ALLSANAAG, waxay halkan hambalyo Meher uga dirayaan Carafaat Mukhtaar Uurcad IYO marwadisa layla Cabdi casis oo maalintiiSabtida we bishu ahatdv, February 17, 2024 meherkoodyu ka dhacay caasinadda dalka Ingiriiska ee London

Waxaanu leenahay noqdal kuwii dhisma, dhaqma Oo isku waara

May Allah bless you and send blessings upon you, and bring goodness between you.”

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐫𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐞𝐲𝐚𝐚𝐥 𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐰𝐞𝐲𝐭

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐫𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐞𝐲𝐚𝐚𝐥 𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐰𝐞𝐲𝐭

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji Abdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ganacsato iyo Maalgashadeyaal waweyn oo u dhashay wadanka Kuweyt kuwaas oo dalka u yimid sidii ay Maalgashiyo uga sameyn lahaayeen dalka.

Kulanka oo ay qeyb ka ahaayeen Xildhibbaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaliya, ayaa Wasiirka oo halkaas ka hadlay, wuxu sheegay in ay ka dawlad ahaan ku faraxsan yihiin inay qaabilaan Maalgashadeyaal u dhashay wadanka Kuweyt oo danaynaya sidii ay Maalgashiyo waaweyn uga sameeyn lahaayeen wadanka, isaga oo carabka ku dhuftay in wadamada Soomaaliya iyo Kuweyt uu hore uga dhaxeeyey xiriir walaaltinimo oo soo jireen ah isla mar ahaantaana ay soo dhaweynayaan inay arkaan in la gaaray xiligii labada dhinac iska kaashan lahaayeen dhinacyada ganacsiga iyo maalgashiga.

Wasiir Jibril Abdirashid Haji Abdi, wuxu halkaas kula wadaagay warbixin guud oo ku saabsan horumarada ay ku tallaabsatay dawladda Soomaaliya oo horseeday in maanta Maalgashadeyaasha caalamku ay aad u danaynayaan Maalgashiga wadanka, iyada oo halkaas lagu soo bandhigay warbixino taabanaya fursadaha Ganacsi iyo kuwa Maalgashi ee ka jira dalka gaar ahaan qeybaha muhiimka ah ee ay Soomaaliya danaynayso Maalgashigooda sida qeybaha xoolaha, beeraha, kalluumaysiga, tamarta, iyo kaabeyaasha kale ee dhaqaalaha.

Dhinaca kale, Maalgashadeyaasha oo iyagu na halkaas ka hadlay, ayaa Wasiir Jibril uga mahadceliyey soo dhaweynta iyo faahfaahinta uu ka siiyey fursadaha Maalgashi ee ka jira dalka, waxaana ay sheegeen inay dalka u yimaadeen siddii ay qiimeyn ugu samayn lahaayeen sidoo kale na waxa uga oggaan lahaayeen xaaladda wadanka iyo fursadaha Maalgashi ee ka jira iyaga oo carabka ku dhuftay inay dalka ku arkeen horumaro aad u waaweyn oo dhinac walba leh.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji Abdi, ayaa ugu dambayn, wuxu Maalgashadeyaasha halkaas ku guddoonsiiyey buugga Hagaha Maalgashiga oo ah buug ay diyaarisay Wasaaraddu kaas oo Maalgashadeyaasha ku hagaaga fursadaha Maalgashi ee ka jira wadanka.

Villa Somalia oo digniin culus u dirtay Itoobiya

Villa Somalia oo digniin culus u dirtay Itoobiya

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in laamaha ammaanka ee Ethiopia ay isku dayeen in shirka Midowga Afrika laga hor-istaago madaxweyne Xasan Sheekh oo ka mid ahaa wafuudda shirka ka qayb-galaysay.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa digniin u dirtay dawladda Ethiopia, iyaga oo sheegay in heshiiska ay la galeen Somaliland ee dhinaca badda uu horseedi doono xasilooni darro dhinaca gobolka ah.

Maxay SNM ka tiri inay Hargeysa joogaan Saraakiil Itoobiyaan ah oo diyaarinaya dhaqan galka heshiiska MoU

Maxay SNM ka tiri inay Hargeysa joogaan Saraakiil Itoobiyaan ah oo diyaarinaya dhaqan galka heshiiska MoU

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo suxufiyiin kula hadlayey Addis Ababa ayaa sheegay in Itoobiya ay qiil u samaynayso heshiiskii ay la saxiixatay Somaliland isagoo ku eedeeyey Itoobiya “ inay doonayso inay qaadato dhul Soomaaliyeed”

Wuxuu intaa ku daray madaxweynaha Soomaaliya “in wakhtigan ay saraakiil sare ku sugan yihiin Somaliland kuwaas oo wada diyaar garów ay halkaa ka wadaan” si heshiiska loo dhaqan galiyo, wuxuuna sheegay in Itoobiya ay sii murjinayso xiisadda.

Wasiirka warfaafinta ee Somaliland ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu arrimaha heshiiskaas is afgaradka ahaa ee ay la galeen Itoobiya u saaray guddi ka kooban siddeed xubnood oo isgu jira waxgarad iyo aqoonyahanno, kuwaas oo hadda gacanta ku haya qorshaha dhamaystirka arintaasi.

Mar BBC-du waydiisay in xubnahaas kuwo ka mid ah ay hadda joogaan Itoobiya iyo in kale ayuu yiri “ Maya ma joogaan, waxay hadda joogaan Hargeysa”.

Isagoo ka hadlayey xiliga ay Somaliland rajaynayso in heshiiskii is afgaradka ahaa laga dhigo mid rasmi ah ayuu sheegay “ si fiican ayuu u socdaa, si dhaqso leh ayaa loo gaba gabayn doonaa dhawaan waxaana la hor gayn doonaa barlamaanka labada gole ee Somalland, sidaas ayuuna dhaqan gal ku noqon doonaa” ayuu intaas raaciyey wasiir Cali.

Wuxuu sheegay inay Soomaaliya galaan heshiisyo sanad walba laakin ay hadda ku foogan yihiin kaliya heshiis kiro ah oo Somaliland la gashay Itoobiya, “waana dagaal qaawan oo ay dowlada Xasan Sheekh la galeen Somaliland” ayuu BBC-da u sheegay Wasiirka Cali Maxamed.

Somaliland iyo Itoobiya

SOMALILAND IYO ITOOBIYA

Wasiirka Warfaafinta ee Jamhuuriyada Iskeed Madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland Cali Maxamed Xasan ayaa xusay inay jiraan dano dhaqaale kuwo amni iyo iskaashi oo ay la leeyihiin Itoobiya.

“Magaalada Wajaale iyo Jigjiga waxay isku jiraan wax aan badnayn, ganacsiga ayaan la leenahay Itoobiya, amaanka xaduudaha ayaan ka wada leenahay wada shaqayn marka waa wax soo socday waana xoojinaynaa” ayuu yiri wasiirku.

Bishii janaayo kowdeedii ayey Jamhuuriyada Iskeed Madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland iyo Itoobiya magaalada Addis Ababa ku wada gaareen heshiis is afgarad ah kaas oo saxiixiisa ka dib ay si weyn ugu carooratay dowlada Soomaaliya.

Heshiiska is-afgaradka ee labada dhinac ay hadda doonayaan in loo beddelo heshiis sharci ah, ayaa waxaa muuqata in Somaliland ay diyaar u tahay inay Itoobiya u ogolaato in ay badda ka dhisato dekad ganacsi.

Somaliland waxaa kale oo ay sheegtay in dhul dhan 20 Km oo xeebaha ah ay ka kireyn doonto ciidamada badda ee Itoobiya, arrintaas oo ay Addis Ababa xaqiijisay.

Taa beddelkeeda waxay Somaliland doonaysaa in aqoonsi ay ka hesho Itoobiya.

Heshiiskaas ayaa heerkii ugu xumaa gaarsiiyey xiriirka Soomaaliya iyo Itooobiya iyadoo Soomaaliya fagaarayaal caalami ah gaysay waxay ugu yeertay in “Itoobiya ay ku xad gudubtay qaranimada iyo madaxbananida dhuleed ee Soomaaliya”.

Muddo bil iyo dheeraad ah oo ka soo wareegtay heshiiski is afgaradka ee Somaliland iyo Itoobiya wada galeen, wali si rasmi ah looguma baddalin heshiis toos ah, laakiin Somaliland ayaa sheegtay in ay arrintaasi dhawaan qabsoomi doonto.

Erdogan says Turkey ready to cooperate with Egypt on Gaza

CAIRO/ANKARA, Feb 14 (Reuters) – Turkish President Tayyip Erdogan said on Wednesday that Turkey was ready for cooperation with Egypt to rebuild Gaza as he made his first visit to the country since 2012.

Erdogan and his Egyptian counterpart Abdel Fattah al-Sisi held a joint news conference on Wednesday in Cairo after bilateral talks, taking a big step toward rebuilding relations between the regional powers.

Erdogan said the humanitarian tragedy in Gaza topped the agenda of their talks. “We will continue to cooperate and stand in solidarity with our Egyptian brothers to put an end to the bloodshed in Gaza,” he said, adding Turkey was determined to step up talks with Egypt at all levels in order to establish peace and stability in the region.

President Erdogan also vowed to boost trade with Egypt to $15 billion in the short term, adding that the two countries were evaluating energy and defence cooperation.

“I’d like to emphasize the continued connection between our peoples, over the past ten years, while our trade and investment relationship saw steady growth,” Sisi said.

Relations between Ankara and Cairo broke down in 2013 after Egypt’s then-army chief Sisi led the ouster of the Brotherhood’s Mohamed Mursi, an ally of Turkey who had become Egypt’s first democratically elected president the year before.

The countries mutually appointed ambassadors last year. This month Turkey said it would provide Egypt with armed drones.

Sisi greeted Erdogan as he emerged from his plane in Cairo with his wife and they conversed as they walked along a red carpet amid a fanfare, live television footage showed.

Erdogan has sought to ease tensions with Egypt, the United Arab Emirates, Saudi Arabia and Israel since 2021 – though since October he has publicly sniped with Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu over Israel’s devastating war against Palestinian militant group Hamas in Gaza.

Egypt, Israel, Qatar and the United States held inconclusive talks on Tuesday in search of a Gaza truce agreement. Cairo has made clear it will not allow an exodus of Gaza refugees over its border with the shattered Palestinian territory.

Mursi died in prison in Egypt in 2019. Other senior members of the Muslim Brotherhood are jailed in Egypt or have fled abroad, including to Turkey. The Brotherhood remains outlawed in Egypt.

Reuters February 14, 202410:55 AM EST

Maxaa ka jira in diyaarado isticmaalayay hawada Soomaaliya xog qaldan la siiyay oo ay qalqal galeen?

Ilo ka tirsan ha’yadda duulista rayidka Soomaaliya ayaa BBC-da u sheegay in Soomaaliland ay qaaday dhawr tallaabo oo ay ka mid yihiin in ay shiday qalabka VHF oo ah mid loo isticmaalo in lagula xariiro diyaaradaha maraya hawada Soomaaliya kaas oo horey u yaallay magaalada Hargaysa.

Inkasta oo qalabkaasi muddo yaallay garoonka magaalada Hargaysa, balse ma ahyan mid la isticmaalo waxaana diyaaradaha laga xariir jiray midka yaalla garoonka Aadan Cabdulle ee Muqdisho.

Qalabka VHF ayaa waxaa Soomaaliland uu suurtagaliyay in ay xariir la sameeysay diyaarado marayay hawada Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin diyaarada Qatar Airweys iyo kuwa kale.

Dhanka Hargeysa ayaa warar aan ka helayno waxa ay sheegayaan in xogo aan rasmi ahayn lala wadaagay diyaaradahaas.

Balse xiriiro aan la sameynay maamulka garoonka Hargeysa si aan wax uga weydiino ayaan noo suuragalin.

Duulimaad ay sameyneysay diyaarada Qatar Airweys oo ka timid dalka Jabuuti una socotay magaalada Muqdisho “ayaa laga hadlay taawarka garoonka Hargaysa waxaan loo sheegay in uu xiran yahay garoonka Muqdisho”, ayay sheegeysaa xogta aan ka helnay hay’adda Duulista ee Soomaaliya. Arrintaas ay khalkhal ku aburtay diyaarada sida ay BBC-d u xaqiiyiyeen saraakiil ka tirsan ha’yadda duulista rayidka Soomaaliya.

Qatar Airweys ayaa markii danbe laga hadlay taawarka garoonka Muqdisho iyada oo si nabada ku gaartay halkaas, wallow arrintaas ay walaac xoogan diyaarad ka muujisay, sida aan xogta ku helnay.

Sidoo kale laba diyaaradood oo isticmaalayay hawada Soomaaliya ayaa xariir lagala sameeyay taawarka Hargaysa, iyada oo labada diyaaradood la mariyay laba khad oo aad isku dhaw, taas oo khatar ku ahyed amniga labada diyaaradood.

Khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Soomaliland ee ku saabsan maamulka hawada ayaa sii xoogaysanaya, kadib markii Jamuuriyada iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa ka digtay in cawaaqibka ka dhallan kara arrimaha muranka hawada ay masuuliyadeeda iyadu yeelan doonin.

Warkaas ayaa dad badani u arken in uu yahay hanjabaad ay dirayso Somaliland.

Kadib bayaankaas ay soo saartyay Somaaliland, waxaa dad badan ay is waydiinayen tallabada ay Soomaaliland qaadi doonto.

Dhanka kale xog aan ka helnay xubno ka tirsan ha’yadda duulista rayidka Soomaliya ayaa sheegay in mas’uulliyiinta Hay’adda duullimaadyada Soomaaliya iyo Hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan Hawada ee ICAO, ayaa maanta yeeshay kulan dhinaca fogaan arag ah (Zoom) ayga oo ka wad hadlay aririnta kusoo korortay Hawada.

Shirka ayaa la sheegayin uu daba socodo dhacdooyinkii diyaaraduhu soo gudbiyeen oo ah cabashooyin la xiriira amarro kala duwan oo laga kala siiyay Muqdisho iyo Hargeysa.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa war qoraal ah oo ay horey u soo saartay waxaa lagu sheegay in aysan waxba iska beddelin mid ahaanta iyo maamulka hawada Soomaaliya, ayna masuul ka tahay Dawladda Federaalka Soomaaliya.

“ Hawada dalkeennu waxay leedahay magac soo jireen ah kaas oo la isticmaali jiray laga soo billaabi 1960; “MOGADISHU FLIGHT INFORMATION REGION (FIR).” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka.

Khubarada ku taqaqusay duulimaadyada rayidka ah ayaa ka dagiya cidda ay ku dul dhici doonto masuuliyadda xogaha khakdan ee lala wadagaayo duulimaadyada.

Maxamed Abukar ayaa BBC da u sheegay in nidaamka hawada ee dawladahu uusan ahayn mid maamulkiisu isqabqabsi iyo fawdo qabali kara, maadaama uu yahay adeeg caalami ah oo ay ku tiirsan yihiin duulimaadyo isaga kala goosha daafaha dunida, kuwaas oo ay saaran yihiin kumanaan dad ah iyo badeecooyin markiiba.

“Hawada wax lugu goolaaftamo oo ay dowladda Sooomaaliya iyo Somaliland ku goolaaftamaan way ka wayn tahay…la socodkeedana aduunyada waxay u xilsaaratay hay’ad caalami ah oo Qaramada Midoobey hoos timaado,” ayuu yiri Mr Maxamed.

Tan iyo markii dowladda federaalka ee Soomaaliya ay si rasmi ah ula wareegtay maamulka hawada dalka dhamaadka sanadkii 2017-kii waxaa markii horeysay ee wallac noocaan ah laga muujisyo hawada Soomaaliya.

Somaliland ayaa ku eedaysay dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya in aysan daacad ka ahayn fulinta heshiiskii maamulista hawada ee lagu saxiixay dalka Turkiga sanadkii 2014-kii .

Wufuud labada dhinac ka socota iyo hay’adda caalamiga ah ee duulista hawada ayaa sanadkii 2015-kii kulan ku yeeshay Nairobi Balse wufuudii Somaliland ayaa isaga baxay shirka kaddib markii ay sheegeen in shirkaasi lagu soo bandhigay qabya qoraal aan waafaqsanayn heshiiskii Turkiga.

Dowladda Soomaaliya oo in muddo ah ku howlaneyd sidii ay ula soo wareegi laheyd maamulka hawada taas oo ugu danbeeyn hergashay sanadkii 2017-kii.

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA TACSIYEEYEY SARAAKIISHA IMAARAATKA EE KU GEERIYOODAY WEERARKA MUQDISHO

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA TACSIYEEYEY SARAAKIISHA WALAALAHA IMAARAATKA EE KU GEERIYOODAY WEERARKA MUQDISHO

Muqdisho, Feberaayo 10, 2024; Madaxweynaha Janhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Hosbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho ku booqday dhaawacyada Saraakiisha Imaaratka ee galabta ku dhawaacmay falka argagaxa leh ee ka dhacay Xerada Janaraal Gorod ee magaalada Muqdisho ayaa tacsi u diray dowladda iyo shacabka Isutaga Imaaraatka Carabta.

“Innaa lilaahi wa innaa ileeyhi raajicuun.
Dawladda iyo Shacabka aan walalaha nahay ee Imaaraadka Carabta waxaan uga tacsiyeynaynaa saraakiisha ku naf waayey weerarka argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Muqdisho, Saraakiishaas oo u yimid dalkeenna in ay ka qeyb-qaataan dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha ayaa si adag u cambaareeyey falkan galaaftay nolasha Saraakiishan wakhtigooda u hibeeyey dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeed, isagoo faraya Laamaha Amniga in ay baaritaan mug weyn oo degdeg ah ay ka soo sameeyaan gaabka amni iyo duruufaha ku xeeran dhacdadan.

“Dawladda iyo Shacabka walalaha ah ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta waxaan uga mahadcelinaynaa garab istaagga joogtada ah ee dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya, annagoo xasuusnaa doonnaa doorka ay ku garab taagnaayeen dalkeena xiligan adag.”.