26th July 2024  admin  Category :

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA TACSIYEEYEY SARAAKIISHA WALAALAHA IMAARAATKA EE KU GEERIYOODAY WEERARKA MUQDISHO

Muqdisho, Feberaayo 10, 2024; Madaxweynaha Janhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Hosbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho ku booqday dhaawacyada Saraakiisha Imaaratka ee galabta ku dhawaacmay falka argagaxa leh ee ka dhacay Xerada Janaraal Gorod ee magaalada Muqdisho ayaa tacsi u diray dowladda iyo shacabka Isutaga Imaaraatka Carabta.

“Innaa lilaahi wa innaa ileeyhi raajicuun.
Dawladda iyo Shacabka aan walalaha nahay ee Imaaraadka Carabta waxaan uga tacsiyeynaynaa saraakiisha ku naf waayey weerarka argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Muqdisho, Saraakiishaas oo u yimid dalkeenna in ay ka qeyb-qaataan dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha ayaa si adag u cambaareeyey falkan galaaftay nolasha Saraakiishan wakhtigooda u hibeeyey dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeed, isagoo faraya Laamaha Amniga in ay baaritaan mug weyn oo degdeg ah ay ka soo sameeyaan gaabka amni iyo duruufaha ku xeeran dhacdadan.

“Dawladda iyo Shacabka walalaha ah ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta waxaan uga mahadcelinaynaa garab istaagga joogtada ah ee dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya, annagoo xasuusnaa doonnaa doorka ay ku garab taagnaayeen dalkeena xiligan adag.”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*