26th July 2024  admin  Category :

Maxay SNM ka tiri inay Hargeysa joogaan Saraakiil Itoobiyaan ah oo diyaarinaya dhaqan galka heshiiska MoU

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo suxufiyiin kula hadlayey Addis Ababa ayaa sheegay in Itoobiya ay qiil u samaynayso heshiiskii ay la saxiixatay Somaliland isagoo ku eedeeyey Itoobiya “ inay doonayso inay qaadato dhul Soomaaliyeed”

Wuxuu intaa ku daray madaxweynaha Soomaaliya “in wakhtigan ay saraakiil sare ku sugan yihiin Somaliland kuwaas oo wada diyaar garów ay halkaa ka wadaan” si heshiiska loo dhaqan galiyo, wuxuuna sheegay in Itoobiya ay sii murjinayso xiisadda.

Wasiirka warfaafinta ee Somaliland ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu arrimaha heshiiskaas is afgaradka ahaa ee ay la galeen Itoobiya u saaray guddi ka kooban siddeed xubnood oo isgu jira waxgarad iyo aqoonyahanno, kuwaas oo hadda gacanta ku haya qorshaha dhamaystirka arintaasi.

Mar BBC-du waydiisay in xubnahaas kuwo ka mid ah ay hadda joogaan Itoobiya iyo in kale ayuu yiri “ Maya ma joogaan, waxay hadda joogaan Hargeysa”.

Isagoo ka hadlayey xiliga ay Somaliland rajaynayso in heshiiskii is afgaradka ahaa laga dhigo mid rasmi ah ayuu sheegay “ si fiican ayuu u socdaa, si dhaqso leh ayaa loo gaba gabayn doonaa dhawaan waxaana la hor gayn doonaa barlamaanka labada gole ee Somalland, sidaas ayuuna dhaqan gal ku noqon doonaa” ayuu intaas raaciyey wasiir Cali.

Wuxuu sheegay inay Soomaaliya galaan heshiisyo sanad walba laakin ay hadda ku foogan yihiin kaliya heshiis kiro ah oo Somaliland la gashay Itoobiya, “waana dagaal qaawan oo ay dowlada Xasan Sheekh la galeen Somaliland” ayuu BBC-da u sheegay Wasiirka Cali Maxamed.

Somaliland iyo Itoobiya

SOMALILAND IYO ITOOBIYA

Wasiirka Warfaafinta ee Jamhuuriyada Iskeed Madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland Cali Maxamed Xasan ayaa xusay inay jiraan dano dhaqaale kuwo amni iyo iskaashi oo ay la leeyihiin Itoobiya.

“Magaalada Wajaale iyo Jigjiga waxay isku jiraan wax aan badnayn, ganacsiga ayaan la leenahay Itoobiya, amaanka xaduudaha ayaan ka wada leenahay wada shaqayn marka waa wax soo socday waana xoojinaynaa” ayuu yiri wasiirku.

Bishii janaayo kowdeedii ayey Jamhuuriyada Iskeed Madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland iyo Itoobiya magaalada Addis Ababa ku wada gaareen heshiis is afgarad ah kaas oo saxiixiisa ka dib ay si weyn ugu carooratay dowlada Soomaaliya.

Heshiiska is-afgaradka ee labada dhinac ay hadda doonayaan in loo beddelo heshiis sharci ah, ayaa waxaa muuqata in Somaliland ay diyaar u tahay inay Itoobiya u ogolaato in ay badda ka dhisato dekad ganacsi.

Somaliland waxaa kale oo ay sheegtay in dhul dhan 20 Km oo xeebaha ah ay ka kireyn doonto ciidamada badda ee Itoobiya, arrintaas oo ay Addis Ababa xaqiijisay.

Taa beddelkeeda waxay Somaliland doonaysaa in aqoonsi ay ka hesho Itoobiya.

Heshiiskaas ayaa heerkii ugu xumaa gaarsiiyey xiriirka Soomaaliya iyo Itooobiya iyadoo Soomaaliya fagaarayaal caalami ah gaysay waxay ugu yeertay in “Itoobiya ay ku xad gudubtay qaranimada iyo madaxbananida dhuleed ee Soomaaliya”.

Muddo bil iyo dheeraad ah oo ka soo wareegtay heshiiski is afgaradka ee Somaliland iyo Itoobiya wada galeen, wali si rasmi ah looguma baddalin heshiis toos ah, laakiin Somaliland ayaa sheegtay in ay arrintaasi dhawaan qabsoomi doonto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*