Xildhibaanno reer Jubaland ah oo sheegay in socdaalkii laga hor istaagay

Xildhibaanno reer Jubaland ah oo sheegay in socdaalkii laga hor istaagay

Wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa ka jawaabay eed xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka ay usoo jeediyeen madaxda ugu sarreysa dawladda oo ku aaddan in safar ay ugu ambabaxayeen magaalada Kismayo ay ka hor istaageen.

Mudanayaasha qaarkood ayaa kulankii ay lahaayeen kusoo jeediyay in Ajanadayaasha golaha shacabka lagu daro mooshin ka dhan ah is hortaag ay sheegeen in lagu sameeyeey socdaalkooda, kaasoo lagula xisaabtamaayo hay’adaha ay quseyso.

Warbixin ku saabsan waxaa noo haaya Cabdulqaadir Maxamed Mursal.

Sida musqushan dahabka ka sameyysan ee qiimaheedu yahay lix malyan oo doolar loogu xaday shan daqiiqo

Sida musqushan dahabka ka sameyysan ee qiimaheedu yahay lix malyan oo doolar loogu xaday shan daqiiqo

Tuugo ayaa ka xaday qeybta lagu fariisto ee musqul dahab ah oo ku kacaysa lacag ka badan lix milyan oo doolar.

Waxaa la qaday qasriga Ingiriiska ku yaal ee Blenheim Palace kadib markii ay soo qaadeen ‘weerar halis ah oo qorsheysnaa’ kaasi oo qaatay shan daqiiqo oo qura.

Sidaasi waxaa la maqlay waqti lagu jiray dacwad maxkamadeed. Musqushaas ayaa si dhammaystiran loogu rakibay, waxayna si buuxda u shaqaynaysay iyadoo qayb ka ahayd bandhig farshaxan oo ka dhacay guriga taariikhiga ah ee ku yaal Oxfordshire bishii Sebtember 2019. Waxa ay ka sameysneyd dahab saafi ah.

Michael Jones, oo 39 jir ah, oo ka soo jeeda Divinity Road, Oxford, ayaa beeniyay eedeyn loo soo jeediyay oo ah in uu guri jabsaday.

Fred Doe, oo horay loogu yaqaanay magaca Frederick Sines, ahna 36, kana soo jeeda Windsor, iyo Bora Guccuk oo ah 41 jir kasoo jeeda galbeedka caasimada London, ayaa sheegay in aysan lahayn wax dembi ah oo ah inay hanti si dambiilenimo ah ula soo wareegeen.

Sida suuliga dahabka ah lagu xaday

Musqusha dahabka ah waxaa laga xaday bandhig lagu qabtay qasrigan oo la yiraa Blenheim Palace
Qoraalka sawirka,Musqusha dahabka ah waxaa laga xaday bandhig lagu qabtay qasrigan oo la yiraa Blenheim Palace

Maxkamadda Oxford Crown Court ayaa sheegtay in musqusha laga yaabo in la burburiyay oo aan la soo celin innaba.

Haweeneyda Dacwad-oogaha ah ee lagu magacaabo Julian Christopher KC ayaa u sheegtay maxkamadda in koox shan qof ah oo ku safrayay laba gaari ay soo dhaafeen albaabada xiran ee qasriga Blenheim Palace aroortii hore ee subaxnimo ee 14-kii Sebtember 2019. Waxay jiireen oo ay burburiyeen waxkasta oo ku hor gudbanaa iyaga oo adeegsanaya buris oo sidaasi dhismahaasi ku galeen ayagoo waliba istcmaalayay dubbeyaal waaweyn.

Maxkamada ayaa dhageysatay in dubbeyaashaasi loogaga tagay goobtii, iyada oo lasoo bandhigay sawir ay dhismaha ka qaadeen kooxd aburcadda ah17 saacadood ka hor intaan musqusha la xadin, sida uu maxkamada u sheegay Christopher.

Waxaa maxkamada la horkeenay qofkii qaaday sawirka oo magaciisa lagu sheegay Jones islamarkaasna ka mid ahaa ragga burcadda ah ee weerarka xatooyada musqusha dahabka ah lagu eedeeyay.

Dacwad-oogaha ayaa sheegay in Jones uu qaaday sawirkaasi asagoo ‘halkaasi u joogay xog uruurinta dhacdada guri jebinta’ kahor weerarka. Christopher ayaa u sheegay maxkamada in weerarku qaatay shan daqiiqo oo keliya. ‘Agabkaasi farshaxanka ah ayaanan waligii dib loo soo helin’ wixii ka dambeeyay markii la xaday.

Sidaasi ayuu sii raaciyay hadalkiisa. “Waxay u muuqatay in la kala falfalliiray oo laga dhigay jabab yaryar oo dahab ah aana waligeed dib loo soo helin”.

Nin afaraad oo lagu magacaabo Jamis Sheen oo 40 jir ah kana soo jeeda Wellingborough oo dhacda Northamptonshire ayaa qirtay inuu guriga jabsaday, sida loo sheegay xeerbeegti.

Tuugada ayaa u dhacay qasriga Blenheim Palace kadibna xaday fadhiga musqusha ka sameysan dahabka
Qoraalka sawirka,Tuugada ayaa u dhacay qasriga Blenheim Palace kadibna xaday fadhiga musqusha ka sameysan dahabka

Dahabkaasi ayaa dhammaa 18 carat qeybna ka ahaa bandhig uu soo bandhigay farshaxamiistaha Talyaaniga ah ee lagu magacaabo Maurizio Cattelan.

Waxaa miisaankiisu dhammaa 98kg waxaana lagu caymiyay aduun lacageed oo dhan oo ka badan $6m oo doolar.

Qiimeyaasha dahabka ayaa waqtigaas ahaa qiyaastii £2.8m gaar ahaan Sibtembar 2019, sida maxkamada loo sheegay.

Dacwad soo oogaha ayaa sheegay in farriimo, codad iyo sawirro shaashadaha laga sawiray oo badan oo laga helay taleefanada eedeysaneyaasha kala ah Sheen, Mr Doe iyo Mr Guccuk. Farriimahaas waxay muujiyeen saddexdooda oo ku gorgortamaya qiime dhan £25,632 kiiladiiba ilaa qiyaastii 20kg oo ah dahabka lasoo xaday.

Waxaa la sheegay in Mr Guccuk, oo asagu ka shaqeeya dukaamada dahabka ee Pacha of London oo ku yaala dhanka Hatton Garden, uu faaiidi lahaa faaiido dhan qiyaastii £3,000 kiilo kasta oo lasii gado.

Qasriga ayaa ku yaala Goobta UNESCO u aqoonsan tahay inay tahay goob dhaqameed caalami ah ahna goobtii uu ku dhashay Sir Winston Churchill. Dhageysiga dacwadu waa socdaa.

Dawladda Soomaaliyeed oo qiratay Tuugnimo

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Abdirahman Yusuf Al-Cadaala, oo ah gacanta labaad ee madaxweynaha Soomaaliya ayaa warbaahinta ka hor qirtay in dhul ay dawladdu leedahay kooxdoodu iibsadeen

Sida ay Ilhaan Cumar uga falcelisay in laga masaafuriyo Mareykanka iyo buuqa horta leh ee ka dhalatay

Sida ay Ilhaan Cumar uga falcelisay in laga masaafuriyo Mareykanka iyo buuqa horta leh ee ka dhalatay

lhaan Cumar ayaa markii ugu horreysay ka falcelisay baaqa ka yimid xildhibaan ka tirsan Congress Mareykanka oo dalbanayay in iyada laga masaafuriyo Mareynkanka, oo dib loogu celiyo Soomaaliya.

Hadalka Brandon Gill oo kasoo jeeda gobolka Texas islamarkaasna xubin ka ah xubnaha Kongareeska ee Jamhuuriga ayaa yimid xilli uu Trump ku howlan yahay dhaqangelinta barnaamijkiisa masaafurinta ee xooggan.

Socdaalka iyo masaafurino badan ayaa aad ugu muhiimsanaa waxyaabaha ku jiray ololihii doorashada ee xisbiga Jamhuuriga ee kal hore, 2024.

Laakiin jawabta iyo sida ay Ilhaan Cumar uga falcelisay hadalka Kongareeska ninka kujira ee Gill ayaa dhaliyay dood kale, taas ka careysiiyay xubnaha aqalka Kongareeska Mareykanka iyo taageereyaasha madaxweyne Donald Trump.

Waa maxay jawaabta ay bixisay Ilhaan Cumar ee qeylada dhalisay

Xildhibaanka ku cusub Kongareeska Mareykanka Brandon Gill ayaa sheegay in Mareykanku noqon lahaa meel sida uu hadda yahay ka fiicnaan lahayd haddii Ilhaan loo masaafurin lahaa Soomaaliya oo halkaasi lagu celin lahaa. Gill ayaa sii kordhiyay baaqa masaafurinta Xildhibaan Ilhaan Cumar kadib wareysi ay Ilhaan ugu jawaabtay hadalka uu horey u yiri, isaga oo ku eedeynaya in aysan daacad u ahayn Mareykanka.

Wuxuu ka falcelinaayay muuqaal fiidiyow ah oo X lasoo dhigay oo uu kujiro wareysi ay bixisay Ilhaan oo katirsan xisbiga Demoqraadiga lagana soo doorto Minnesota. Qoraal uu halkaas soo dhigay ayuu ku yiri: “Waligeed maahayn inaan u ogolaano Ilhaan Cumar inay timaado dalkeena.”

Ilhaan oo wareysiga uga jawaabeysay hadal uu xildhibaan Gill horey ugu yiri CNN oo ahaa in la masaafuriyo, ayaa tiri: “Dadkani waa doqonno. Waxaan joogaa heer aan dareemayo in ay adag tahay in la la yeesho dood maangal ah sababtuna waa heerka nacasnimadooda. Waxay soo bandhigayaan maalin kasta waa wax laga xishoodo, maaha kaliya Kongareeska dhexdiisa laakiin Maraykan ahaan.”

“Xaqiiqda ah in dadkan loo oggolaaday inay ku hadaaqaan waxyaabo laga yaqyaqsado waxay kuu sheegaysaa nacasnimada Mareykanka timid. Sidee kale ayaan mar labaad ku heli lahayn madaxweynenimada Trump”.

Laakiin xubno ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ayaa ka carooday wareysiga iyaga oo ku eedeeyay Ilhaan Cumar inay u gaftay dadka Mareykanka, si gaar ah taageereyaasha u codeeyay Trump, oo waxay ku eedeeyeen inay ku tilmaamtay inay yihiin nacasyo.

Dadka eedan jeediyay waxaa ka mid ah xildhibaan Greg Steube oo xisbiga Jamhuuriga ku metela kursi Kongarees oo laga soo doorto gobolka Florida. “Aqlabiyada dadka Maraykanku waa dad hawlkar ah oo caqli badan, laakiin dadka adiga oo kale ah oo ku dhaca been kasta waxay u ekeysiiyaan dadka Maraykanka kuwo doqono iyo nacasyo ah. Sidoo kale, waan necbahay inaan kuu sheego, laakiin Jamhuuriga ama dadka u codeeyay dambiilaha Aqalka Cad fadhiya ma ahan aqlabiyadda dalkeenna,” ayay tiri Ilhaan oo barta X ugu jawaabaysay XIldhibaan Greg.

Sida Ilhaan iyo xubnaha la midka ah looga eryi karo baarlamaanka Mareykanka

Ma ahan markii ugu horreysay ee xubnaha Jamhuuriga ay bartilmaameedsadaan Ilhaan Cumar, laakiin horey waxay badanaa u dalban jireen in laga eryo aqalka Kongareeska. Taas oo marwalba ah tan ka horreysa doonis walba oo la xiriirta musaafurinta Ilhaan Cumar, taas oo u eg wax aan marnaba dhici karin.

Haddaba, weydiintu waxaa weeye maxay qaadanaysaa in Ilhaan iyo xubnaha kale ee baarlamaanka Mareykanka laga ergo Congresska?

“Ma ahan wax fudud in xildhibaan la soo doortay laga eryo baarlamaanka. Way ka adag tahay doorashada,” ayuu yiri qareen Amiin Haruun oo ka howlgala Minnesota. “Waxay ka mid tahay arrimaha dhif iyo naadirka ah ee horey u dhacay.”

Saddex mudane oo lasoo doortay oo keliya ayaa laga eryay baarlamaanka Mareykanka boqol iyo lixdankii sano ee ugu dambeeyay. Xildhibaan George Santos – Jamhuurigii laga soo doortay New York oo looga maaro waayay beenlownimada islamarkaas ay ku socoto dacwada dowladda dhexe ee la xiriirta musuqmaasuqa, lacagta la dhaqay, xatooyada iyo xatooyadda aqoonsiga deeq-bixiyayaasha – ayaa noqday xildhibaankii ugu dambeeyay ee laga eryo golaha Congresska.

Labadii ka horreysay oo ka wada tirsanaa xisbiga Dimoqraadiga, James Traficant iyo Michael Myers, oo lagu helay dembiyo dhowr ah oo ay ku jiraan laaluush-qaadasho, islamarkaasna diiday inay iscasilaan ayaa laga eryay baarlamaanka Mareykanka sanadkii 2002 iyo 1980kii.

Waxay dhacdaa xaaladdo dhif iyo naadir ah. Waxay u baahan tahay isbiirsiga dhaqan xumo iyo u-adkeysi waayida ficilada xishood la’aanta ah.

Sidaas oo ay tahay, Dastuurka Mareykanka ayaa siinaya aqalka Congress awood weyn oo ay shaqada uga eryaan saraakiisha dowladda dhexe oo ay ku jiraan madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa, laakiin ma leh awood taas u dhiganta oo ay xilka uga eryi karaan, si fudud xubnaha la mid ah ee loo soo doorto sharcidejinta.

Sababtu ma ahan wax kale, ee waa nidaamka sharciga dalkaas ayaa waxaa loo dhisay in lagu ixtiraamo rabitaanka cod-bixiyayaasha iyo xubnaha ay u doortaan baarlamaanka.

Xubno iskood waa isu casili karaan, laakiin in la eryo waxay u baahan tahay inay u codeeyaan aqlabiyadda aqalka Congress, tiro u dhiganta labo meel saddex meelood xubnaha Congress. Waa shaqo aan si fudud lagu qaban karin.

Sidaas oo ay tahay, xubinta laga eryayo Congress uma baahna inay gasho dembi, ama ay jabisho sharciga. Laakiin waa in la helaa saddex meelood, labo meel cododka aqalka si loo eryo.

Jidkaas oo la maro ayaa Ilhaan Cumar looga eryi karaa aqalka Congress, waase howl u eg in aysan marna dhici doonin sababtoo ah xubnaha xisbiga Republican ma heli karaan codad ku filan oo ay Ilhaan uga eryaan Congress, si la mid ah siddii ay uga eryeen guddiga awoodda badan ee arrimaha dibeda.