17kii sano ee Laascaanood xooga ku haysteen beesha Isaaq ayeey wax badan ilaaween. Hadda ayeey soo xasuusteen

17kii sano ee Laascaanood xooga ku haysteen beesha Isaaq ayeey wax badan ilaaween. Hadda ayeey soo xasuusteen
Nabadoon Mursal Maxamuud Cabdi, waayo-joog waxbadan og kana sheekaynaya taariikhda dheer ee Waqooyiga Soomaaliya, waa halkee xadka beelaha Harti iyo Isaaq ee Waqooyiga Soomaaliya? waxbadan ka ogoow waxyaabihii ka dhacay mandaqada Sool 1890 ilaa 2023 | Qaybta Koowaad ee waraysi taxane ah.
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daahfuray Sanduuqa Nabadda iyo Xasilloonida Soomaaliya
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daahfuray Sanduuqa Nabadda iyo Xasilloonida Soomaaliya oo ay hirgelintiisa Dowladda Soomaaliya ka taageereyso Dowladda Talyaaniga.
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo hadal ka jeediyey xafladda daahfurka ayaa sheegay in hirgelinta Sanduuqa TPSS uu marag u yahay ahmiyadda ay Xukuummada #DanQaran siineyso soo-celinta addeegyada dowladnimo ee muddada dheer ka maqnaa dalka, si loo gaaro nabad iyo xasillooni waarta oo ka hanaqaadda Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Sanduuqa TPSS ku tilmaamay hindise togan oo looga golleeyahay in uu qaabeeyo mustaqbalka Qaranka, isaga oo uga mahadceliyey Dowladda Talyaaniga kaalinta ay ka geysatey taabbagelinta Sanduuqa TPSS. Wuxuuna beesha caalamka ku guubaabiyey in ay si weyn uga soo dhalaalaan sidii hindisahani u noqon lahaa mid miro dhala.
Danjiraha Talyaaniga u jooga Soomaaliya, Alberto Vecchi oo munaasibadda hadal ka jeediyey ayaa ku dheeraaday sida ay Talyaaniga uga go’an tahay taageeridda nabadda iyo xasilloonda Soomaaliya, taas oo uu sheegay in ay fure u tahay horumar iyo barwaaqo dalku gaaro.
Danjire Vecchi ayaa sidoo kale ballanqaaday in Talyaanigu sii wadi doono taabbagelinta Sanduuqa TPSS, si loo xaqiijiyo in dowladdu adeeg dhinacyo badan leh u fidiso dadweynaha Soomaaliyeed.
Munaasibadda daahfurka Sanduuqa TPSS oo lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin kala duwan oo ka kala socdey Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga, Diblomaasiyiin, qaar ka mid ah hay’adaha Qaramada Midoobey iyo ururrada ka shaqeeya dhanka horumarinta.
Barnaamijkan ayaa looga golleeyahay in lagu dhiirrigeliyo nabadda iyo xasilloonida dalka, islamarkaana lagu xoojiyo taadeegyada ay bixiyaan hay’adaha dowladda Soomaaliya.
Mucaaradka Jubaland oo Kismaayo ka wada shirar siyaasadeed
Maamlmahan waxaa Kismaayo ku sugnaa qaar kamdi ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Jubbaland kuwaasi oo kamid ahaayeen siyaasiyiin kasoo horjeeday Maamulka balse kulamo ka dhacay dalka Keenya gaar ahaan Magaalada Nairobi ayaa waxaa uu halkasi kulan ku yeeshay qaarkamid ah Siyaasiyiintaasi iyo Madaxweynaha Jubbaland kuwaasi oo ka heshiiyay wixii tabasha ah ee ay qabeen.
Siyaasiyiintaasi waxa ay soo gaareen Kismaayo si ay bulshada ula kulmaan inkastoo Heshiiskaasi iyo nooca uu yahay aan la shacain.
Ninka Soomaaliga ah ee la sheegay in uu guryaha ku xareeyay kumanaan qof oo Jarmal ah
Dadka deggan Tuulada Hardheim ee degmada Neckar-Odenwald-Kreis ayaa qaarkood la sheegay in ay muujiyeen cabasho ka dhanka ah nin Soomaali ah oo tahriib ku galay dalka Jarmalka.
Dadka tuulada oo lagu qiyaaso in ay agaarayaan ilaa 7,500 ayaa sheegay in ay ka baqayaan ninkan oo la shaaciyay in uu maskaxda ka xanuunsanayo, waxa la sheegay in ay dhowr mar ka gudbiyeen dacwo dadka ku nool tuulada balse aan wax laga qabanin.
Xeer ilaalinta gobolka ayaa si joogta ah u diidda eedeymaha la xiriira ninkan Soomaaliga ah, marka loo eego xaaladaha caafimaad ee uu ninkan ku suganyahay iyo ra’yiga caafimaadkiisa la xirira, ninka 25-jirka ah ayaa qaba xanuun maskaxiyan ah taasoo la micno ah in aan wax dambi ah loo qori Karin.
Dacwad oogaha guud ee magaalada Mosbach ayaa wargeyska Bild u sheegay in tan iyo bishii May dadka deegaanka ay soo gudbiyeen dacwado badan oo ka dhan ah ninka dhalinyarada ah ee la sheegay in uu ku dhashay magaalada Muqdisho, kuwaas oo isugu jira xatooyo iyo cabsi gelin.
Haddab si aan arrinta ninkaasi dhallinyarada ah wax badan uga ogaanno waxa aan qadka taleefanka kula xiriirnay Axmed Kadiye oo kamida Soomaalida Jarmalka kunool kana mid ah xubnaha ugu firfircoon ee jaaliyadda waxa uuna ka warbxiyay arrintan ka taagan wiilkan Soomaaliga ah ee tahriibka ku galay dalkaasi.
Kadiye ayaa yiri, “ waa uu jiraa wiilkan dhallinyarada ah oo saacdihii lasoo dhaafay waxaa wax ka qorayay warbaahinta maxalliga ah, dadku waxa ay ka cabanayaan waxyeello iyo cabsi gelin ay sheegeen in ay kala kulmayaan, balse Stefan Grimm oo ah duqa tuulada ay dadkeedu dacwoodeen ee Harheim ayaa sheegay ninka laga cabanayo ee Soomaaliga inuusan tuulada degneyn isla markaana uusan ka diiwan gashaneyn, arrinka qaabka loo dhigayana uusan ahayn”.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “arrintan waxa ay u muuqan kartaa buun buunin xagga warbaahinta ah iyadoo dhacdooyin badan oo horay loo buun buuniyay ay jireen”.
Tirada codsiyada dadka magangalyo doonka ah ee Jarmalka ayaa dhaaftay 200,000.
Weriyeyaasha warbaahin Bild ee dalka jarmalka ayaa la hadlay dadka tuulada, kuwaas oo si uun isugu dhacay ninka qaxootiga ah ee 25-jirka ah. “Ma jiro qof la kulma ninkan oo ka nabad galay.
“Qaxootigu wuu na aflagaadeeyaa wuuna noo hanjabayaa,” ayay tiri Iris Aschenbrenner oo 43 jir ah.
Beate Hahn oo 56 jir howlgaba ah ayaa tiri “wuxuu inta badan istaagaa gurigayaga bannaankiisa wuxuuna ku hanjabay inuu guriga dab qabadsiin doono, si uu u dilo dhammaan qoyskayaga.”
Haweeneyda ayaa u sheegtay wargayska in ay door bidayso in wiilka ay ayeeyada u tahay u kaxayso tuulada dariska ah si uu ugu ciyaaro, waayo ninku waxa kale oo uu caayaa carruurta ayey tiri.
Si kastaba ha ahaatee, kadib caro ay muujiyeen dadka deegaanka, ayaa booliisku waxay dhawaan weydiiyeen khabiir ku takhasusay baarista si loo ogaado in ninku uu dhab ahaantii khatar ku yahay bulshada.
Haddii la caddeeyo in 25-jirkan Soomaaliga ah uu khatar ku yahay shacabka, waxaa lagu xiri karaa xarumaha dhimirka ee dowladda muddo dheer
Maamulka Puntland ayaa si buuxda u taageeray maamulka Khatumo. Hoos ka akhrio
Nuxurka War-murtiyeedka Shirka musharaxiinta iyo siyaasiyiinta Koofurgalbeed ee Nairobi.
Dawladda Soomaaliyeed aaa xoog ku muquunisay Dan yar Soomaaliyeed oo ay hoy u ahayd Casa d’Italia, halka weli kuwii Xoogga badnaa ee ka taajiray bililiqada ay weli degan yihiin Guryo ay xoog ku haystaaan ama hanti la wada leeyahay. Goomaa dawladda Soomaaliyeed ay xoog u isticmaali doontaa kuwa ku dul nool guryaha Maydku ku aasan yahay ee Muqdishi ku yaaa oo bililiqada lagu haysto ilaa 1991
Safiirka jamhuuriyadda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mr. Alberto Vecchi oo warbaahinta kula hadlay dhismaha Casa Italia ee Degmada Xamar Weyne ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uga mahadceliyay sida uu uga jawaabay codsigoodii ahaa in loo baneeyo dhulkaas.
Hoggaamiyaha Maamulka KhaatumAbdiqadir Ahmed Aw-Ali ayaa magacaabay Golihiisii wasiirro oo u horreeyey oo ka kooban sagaal xoghaye
Nolosha gudaha tareenka raaxada ee aanay xabbadu karin ee uu ku safrayo Kim Jon Un
Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa la soo werinayaa in uu ku sii jeedo magaalada dekadda ah ee Vladivostok ee dalka Ruushka xilli uu ku safrayo tareen ah nooca aan xabbadu karin, si uu ula kulmo madaxweyne Vladimir Putin.
Marka la eego sidii ahaan jirtey dhaqanka soo jireenka ah ee hoggaamiyayaasha Waqooyiga Kuuriya, Mr Kim waxay u badan tahay in ay ku qaadan doonto in ka badan 20 saacadood inuu ku safro 1,180km (733 mayl) ee tareenkaas aayarka soconaya ah – oo la sheegay inay ugu dhex taallo makhaayad lagu iibiyo khamriga Faransiiska iyo cuntooyin diyaarsan oo uu ka mid yahay kalluunka loo yaqaan lobster ama aargoosatada.
Tareenku wuxuu ku socdaa qiyaastii xawaare gaadhaya 50km/h (31mph) sababtoo ah ilaalintiisa gaashaaman ee culus.
Marka la barbardhigo, tareenka xawaaraha sare ee London wuxuu ku socon karaa dhulkaas qiyaastii 200km/h halka tareenada Shinkansen ee Japan ay gaadhi karaan 320 km/hXAYEYSIINhttps://d267e366dd35ed5711b0960d4bf34b8b.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-40/html/container.html
Safarkan dheer waxa kale oo uu u gogol xaadhaya waddada isku xidhka tareenada ee waqooyiga oo lagu magacaabo Taeyangho, oo ah erey Kuuriyaaan oo la macno ah qorraxda iyo tilmaan calaamad u ah aasaasihii Kuuriyada Waqooyi Kim Il Sung.
Dhaqanka safarka dheer ee tareennada waxaa bilaabay Kim Il Sung – Kim Jong Un awoowgii – oo ugu safray tareen dalalka Vietnam iyo Bariga Yurub.
Tareennadan oo ah kuwo raaxa ah ayaa la sheegay in ay si weyn u ilaalinayaan ciidammada ammaanka kuwaas oo baadhaya waddooyinka iyo istaannada ama boostoojeeyinka ay sii marayaan si ay u ogaadaan qaraxyada iyo khataraha kale macquulka ah.
Kim Jong Un aabbihii Kim Jong-il, oo Waqooyiga Kuuriya xukumayay 1994 ilaa dhimashadiisa 2011, ayaa isna la sheegay inuu ku safri jirey tareen, sababo la xidhiidha in uu ka biqi jirey duullimaadka.
Kim Jong Il ayaa isna la xasuustaa safarkiisii caanka ahaa oo uu 10 maalmood ku tegay Moscow 2001 si uu kulan ula yeesho wakhtigaas Mr Putin.
Taliyaha milatariga Ruushka Konstantin Pulikovsky, oo hogaamiyihii hore ee Kuuriyada Waqooyi ku wehelinayey safarkiisii 2001-dii, ayaa kaga hadlay waayihii safarkaas xusuus qorkiisa uu u bixiyey Orient Express.
“Waxaa suurtagal ahayd in la dalbado saxan kasta oo cunto ah hadday tahay Ruush, Shiineys, Kuuriyaan, Jabbaan iyo xataa cuntooyinka Faransiiska.”
Marka laga soo tago tareenada, Mr Kim ayaa sidoo kale la arkay isaga oo ku safraya noocyada kale ee gaadiidka raaxada kuwaas oo si weyn uga duwan qaab nololeedka saboolka ah ee dadka Kuuriyada Waqooyi.
Kim Jong Un waxa uu ka soo baxay oo wax ku soo bartay dugsi hoy ah oo ku yaal Switzerland, taas oo ka dhigan in aanu ku cusbayn safarrada hawada ee diyaaradaha.
Bishii March 2018, wuxuu sameeyay duulimaadkiisii ugu horreeyay ee caalami ah tan iyo markii uu la wareegay awoodda, isagoo aaday magaalada Dalian ee Shiinaha si uu ula kulmo madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping.
Halka diyaaradd Midawgii Soofiyeeti lahaayeen oo ah nooca waaweyn uu ku tegay wakhtigaas Shiinaaha, taas lagu magacaabo “Chammae-1”
Warar ay heshay warbaahintu ayaa sida oo kale tilmaamay in uu diyaaradiisa gaarka ah marar kala duwan ugu dhex safray gudaha Kuuriyada Waqooyi.
Isla sida oo kale diyaaradda “Chammae-1” ayaa mar kale warbaahinta qabsatay, markii ay qaaday wafdigii heerka sare ahaa ee Pyongyang ee ciyaaraha Olombikada, oo ay ku jirtay Kim walaashii Kim Yo Jong, oo tagtay markaas Kuuriyada Koonfureed 2018.
Bishii March 2018, Mr Kim waxa uu tareen ku aaday caasimadda Shiinaha ee Beijing, laakiin waxa uu u adeegsaday gaadhigiisa gaarka ah ee Mercedes-Benz S-Class si uu ugu safro gudaha magaaladaas.
Sida uu qoray wargeyska maalinlaha ah ee Kuuriyada Koonfureed JoongAng Ilbo, baabuurka ayaa si gaar ah loogu raray tareenka waagaas.
Baabuurka, oo la sameeyay 2010, ayaa ku kacay ku dhawaad 2 bilyan oo Kuuriyaan Won-ka una dhiganta ($1.8m), sida uu wargeysku sheegay.
Kolonyadii uu la socday ee ku sugnaa shir madaxeedka ayaa sidoo kale la sheegay in uu ku jiray gaadhi musqul ah oo gaar ah, kaas oo uu hoggaamiyaha adeegsanayey intii uu halkaas joogay.
Arrintan ayaa sidoo kale lagu sheegay warbixin 2015 uu qoray website-ka fadhigiisu yahay magaalada Seoul ee DailyNK, kaasoo lagu sheegay in musqul la habeeyey lagu dhex dhisay mid ka mid ah baabuurta kolonyada Mr Kim, kaas oo ka mid ah baabuurta gaashaaman ee la socota.
Warbaahinta dowladda ee kuuriyada waqooyi ayaa soo bandhigtay sida oo kale xilli hogaamiyahani uu saarnaa doomo, markabka quusa, iyo xataa noocyada kale ee gaadiidka badda ee casiga ah.
Sidoo kale waxaa lagu xamanayaa in uu adeegsado gaadiid kale, balse kuwan ayaan weli lagu arki karin safarada uu dibadda ku aadayo.
Markii warbaahinta dawladdu ay daabacday sawirrada booqashadiisa xarun kalluumaysi oo ay ciidamadu maamulaan bishii March 2013, NK News ayaa sheegtay in gadaal ay ka aragtay Markab qaali ah u taagnaa.
Ma jirin caddeymo cad oo muujinaya in markabkan oo lagu qiyaasay qiimihiisa 7 milyan oo doolar uu lahaa Mr Kim, ama xitaa sida loo soo dejiyay inkasta oo cunaqabatayn caalami ah lagu soo rogay badeecadaha raaxada.
Marka lo eego qiimaha, si kastaba ha ahaatee, warbaahinno badan oo caalami ah ayaa si gaar ah ugu tilmaamay in cidda keliya markabkaa yeelan kartaa ay tahay hoggaamiyaha qaranka.