Adeer Cawad Casharo kuma ilaawi doono

Magaalada Taariikhiga ee Laasqoray ayuu ku dhashay 73 sano ka hor waxaana maanta lagu aasay  qabuuraha Mavis ee Brampton, Ontario, Canada

Allah ha u naxariistee Cawad Axmed Casharo oo habeenkii Xalay ku geeriyooday Dalka Canada ayaa sanadkii 1944 ku dhashay degmada Laasqoray,  oo markaas hoos tagaysay Saldanadii Warsangeli oo waqtigaas ka talin jirtay degaanadaas.

Sheekh Cawad Casharo, labadiisa waalid Allah ha u naxariistee waxay ka soo kala jeedeen qoysas aad looga yaqaanay Saldanadaas. Aabihii waxa la oran jiray Axmed Casharo, hooyadiisna Xaawo Xusee Saalax  oo la dhalatay Ibraahim Xaaji saalax oo ka mid ahaa Daraawiishta. Ingiriiskuna  uu  aad u raadin jireen inay  nolol ku qabtaan.

Cawad Casharo waxbarashada Quraanka iyo Dugsiga hoose wuxuu ka bilaabay degmada laasqoray. Dugsiga dhexe wuxuu uga baxay Dayaxa, halka uu dugsiga sare uu ku dhamaystay degmada Sheekh. waxbarashada sare wuxuu ku qaatay liibiya iyo Ciraaq.

Cawad Caharo  shaqdiisii ugu  horaysay wuxuu  ka  bilaabay dalka  Soomaaliya sanadkii 1965, waxayna  ahayd  arimaha bulshada iyo diiwaangelinta.

Sanadkii 1968 wuxuu noqday maareeyaha guud ee warshadda Kaluunka Laasqoray. Arimo siyaasadeed oo jiray  ayaa loo xiray waqtigaas. gaar ahaan dhowrkii casho oo ay doorasho socotay wuu xirnaa.

1971 – 74 wuxuu noqday iskuduwaha Xijiga iyo beeyada ee gobolka Bari.

1975 dilkii Culimada ayuu goostay inuu Soomaaliya isaga baxsado, Wafti Carwo ku soo bandhigaysay dalka Masar oo madaxweynuhu hogaaminayey ayuu sii raacay dibna uma soo laaban.

Wuxuu tegay Liibiya iyo Ciraaq. Dalka Ciraaq ayuu kaga mudaharaaday Kacaankii waxaana xabsiga dhigay Saadaam Xuseen.

Sideetameeyadii ayaa dawladda CANADA u soo qaaday dalkeeda. la soco qaybta labaad

 

 

 

Masaajidka Khaalid bini Walid صلاة الجنازة

Allah ha u naxariistee  Adeer Cawad Casharo waxa  Salaadda Janaasada lagu tukanayaa maanta oo bishu tahay ‎Monday, ‎October ‎30, ‎2017 Salaada Duhur  iyo Masjidka  khalid bini Walid oo ku yaal  16 Bethridge Rd, Etobicoke, ON

(اللهم اغفر له وارحمه عا فه واعف عنه وأكرم نزله ووسع مدجله واغسله بالماء والتلج والبرد ونقه من الحطا يا كما ينقى الثوب الأبيض ا من الدنس وأبدله دارا خيرا من داره أهلأ جيرا من اهله زوجا خيرا من زوجه وادجله الجنة وأعذه من عذاب القبر ومن عذاب النار)

Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyey geeridii Marxuum Xildhibaan Axmed Cashara

Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyey geeridii Marxuum Xildhibaan Axmed Cashara

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyska, ehelada iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Allah ha u naxariistee, Marxuum Cawad Axmed Cashara oo xalay ku geeriyooday magaalada Toronto.

“Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa aan idinla wadaagayaa tacsidan tiiraanyada leh. Marxuum Xildhibaan Cawad Axmed Cashara waxaa lagu xusuusan doonaa doowrkii wanaagsanaa iyo sida hufanaanta leh ee uu ugu adeegay shacabkiisa.”

Madaxwyne Farmaajo ayaa sheegay in Marxuumka oo ka mid ahaa Barlamaankii dowladdii kumeel gaarka ahayd, uu u soo shaqeeyey dalkiisa xilli adag isaga oo kaalin muhiim ah kulahaa sidii ay Soomaaliya dib ugu soo kaban lahayd.

“Alle ha u naxariisto Xildhibaanka, waxa uu inta ugu badan nolashiisa ku bixiyey ururinta taariikhda Soomaalida, isaga oo ka mid ah dadka sida gaarka ah isugu xilqaamay baarista iyo qorista taariikhdeenna soo jireenka ah.”

Ururka SSB oo khal kahal ku riday SNM IYO Marabidooda

Daawo sida Marabbidii iyo SNM ay   uga qayliyeen ururka xaq u dirirka ah SSB ee ka shaqeeya midnimada Soomaaliya. Muuqaalka hoose waxaad ku ogaan doontaa in maamulka beelaha Isaaq ku midaysan yihiin  ee SNM IYO alshabaab ay wada shaqeeyaan. Cadowgooda kowaadna uu yahay  ururka reer Maakhir ku midaysan yihiin ee SSB ee loo sameeyey midnimada Soomaaliya iyo la dagaalanka argagixisada ku dhuumaalaysanaysa Buurha Calmadow

Gobolka Banaadir ma maamul goboleedbaa?

Beesha Hawiye Federaalkii ay doonayeen maanta ayeey  heleen. Mar haddii gobolka Banaadir uu maamul goboleed noqday oo uu meel la fadhiyo madaxdii maamul goboleedyada, Adaan Yabaal iyo Cadalena WAY  ay soo socdaaN

Madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu ku dhawaaqay muddo aan fogayn inay wada tashi isugu yimaadaan Dawlad Dhexe iyo Dawlad Goboleedyadu 28/10/2017 si looga wada hadlo arrimo loo arko inay xasaasi yihiin oo wada tashi u baahan.

3

Sida la ogsoon yahay Dawlada Dhexe raali kama ahayn qabsoomida shirkii wada-tashiga ee Dawlad Goboleedyada ee ka dhacay Kismaayo, Magaalo madaxda KMG ah ee Jubbaland, in kasta oo uu wadatashigoodu ahaa mid distuurka Soomaaliyeed u ogol yahay. Shirkaas ayaana sida la sheegay sabab u ahaa in madaxweynuhu codsado wadatashiga.

 

Sida soo baxday madaxweynuhu wuxuu ku amray labada gole ee Baarlamaanka in aanay ka qaybgelin shirkaas. Amarkaasi wuxuu  meel ka dhac ku ahaa jiritaanka iyo awooda labada Aqal, wadankuna waxaad moodaa inuu usii xuubsiibanayo nadaam keligii talis ah (Dictatorial System) halkii uu ka noqon lahaa Nadaam Baarlamaani ah (Parliamentarian System) kaas oo Baarlamaanku awooda sarre leeyahay.

Waxaabase arrintu ka sii dartay markii shirkii la isugu yimid 29kii bisha uu madaxweynuhu soo fariisiyey shirkii lagu casumay Madaxweynayaasha Dawlad Goboleedyada Gudoomiyaha Gobolka Benadir oo ah shakhsi magacaabidiisa uu lahaa madaxweynuhu halka madaxweynayaasha Gobolada ay soo doorteen Baarlamaan matalaya Gobola isugu tegey si distuuri ah.

 

Mar labaad taasi waxay meel ka dhac ku ahayd awooda iyo jiritaanka madaxweynayaasha, Baarlamaankooda iyo shacabka oo soo doorta Baarlamaankaas. Waxaana muuqata in madaxweynaha Somalia aad loo cabsiiyey sheekadii Xamar ka socotay oo ahayd Madaxweynayaasha la sheegayaa kama duwana guddoomiyaha Gobolka Banadir. Waxaana muuqata in aanu Madaxweynuhu qadarin dastuurka dalka, awooda baarlamaanada ka dhisan Dawlad Goboleedyada (Dawlad Goboleedyadu waxay ka kooban yihiin gobollo isu tagey kama koobna xaafada isu tegey) iyo isaga madaxweyne ahaan cida uu casumay sida lagu sheegay baaqii madaxweynuhu soo jeediyey ee casumaadu ku soo baxday.

 

Dhinaca Madaxweynayaasha dawlad Goboleedyada dalka masraxa fadhiya waxaad moodaa inay meel isaga tureen nadaamka iyo sharciyada ay shirka ku fadhiyaan.

Gobolka Benadir waa magaalada Muqdisho oo ah Caasimada dalka Soomaaliya, lagu sheegay Dastuurka dalka in xeer gooni ah oo la isku raacsan yahay loo samayn doono, mana ahan Dawlad goboleed saxna ma ahan in laga dhigo dawlad Goboleed.

Shirkii Wada Tashiga Madaxda Qaranka Soomaliyeed oo Ka Furmay Muqdisho

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 29 October 2017 ka qayb galay furitaanka shirka Muqdisho uga furmay DFS iyo dawladdaha xubnaha ka ah DFS.

Shirkani oo ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay Madaxweynaha DFS Mudane. Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, iyo Madaxweynaha Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Fadaraalka iyo Dib u heshiisiinta Cabdi Faasax Saciid Juxa ayaa ka warbixiyey ajandaha lagaga arrinsan doono shirkani wada tashi ee Muqdisho uga furmay DFS iyo dawladdaha xubnaha ka ah DFS, waxaana uu sheegay Wasiirku in shirka lagaga arrinsan doono guud ahaan amniga guud ee dalka iyo aarimaha kale ee ubaahan in laga yeesho wada tashiga.

Madaxweynaha dawladda Puntland ahna Guddoomiyaha Madasha Wada tashiga dawladdaha xubnaha ka ah DFS ayaa uga tacsiyey shacabka Soomaaliyeed dadkii ku waxyeeloobey qaraxii shalay 28 October 2017 ka dhacay hotel Naasa Hablood ee magaalada Muqdishio , isagoona Madaxweynuhu Alle uga baryey intii ku nafweydey qaraxaasi inuu samir iyo iimaan ka siiyo Eheladii, Qarabadii iyo Asxaabtii ay ka baxeen, waxaana uu Madaxweynuhu Eebbe weyne u waydiinayaa inuu denbigooda dhaafo kuna abaal mariyo Janatul fardawsa.

Sidoo kale Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Alle uga baryey intii ku dhaawacantay qaraxaasi  inuu u boogadhayo, Allena  caafimaad taama shiiyo, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu shacabka Soomaliyeed ku booriyey inay meel uga soo wada jeestaan cadawgooda gumaadaya ee Al-shabaab.

Ugu danbayn, Shirkani wada tashi ee Muqdisho uga furmay madaxda qaranka Soomaliyeed ayaa lafilayaa in lasoo gebagebeeyo maalmahan soosocda, isla markaana laga soo saaro go’aamo dhaxal gal ah.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Mock elections held in Somaliland as presidential election preparations continue; Pro-Union protests held in Badhan, Sanaag

Mock elections held in Somaliland as presidential election preparations continue; Pro-Union protests held in Badhan, Sanaag

On Oct 12, Somaliland National Electoral Commission (NEC) held a mock election ahead of the Nov 13 presidential election.1 On Oct 19, the three presidential candidates engaged in a live television debate. Candidates shared similar concerns on economic issues, inflation, high unemployment and the security sector, and all agreed on improving the administration’s relations with Djibouti and Ethiopia. On the issue of talks with Somalia, ruling party Kulmiye’s presidential candidate, Muse Bihi, expressed opposition, UCID’s Feisal Ali Waraabe said he would call for a reconciliation conference and continue to seek Somaliland’s recognition, and Waddani’s Abdirahman Mohamed ‘Irro’ said he would establish a policy to resume negotiations.2 On Oct 13, UCID Waraabe threatened to support a united Somalia after two clans, the Habar Jeclo and Habar Awal clans held a meeting in Burao, Togdheer, which Waraabe stated was backed by the current administration.3 Leaders from both clans reportedly agreed to support the Kulmiye presidential candidate. On Oct 10-11, the presidential candidates for Kulmiye and Waddani parties met with Ethiopia’s Prime Minister Hailemariam Desalegn to discuss the elections and bilateral ties.

On Oct 26, in Badhan, Sanaag region, a demonstration was held by pro-Union supporters who called on residents to oppose Somaliland’s activities in the area. Somaliland forces attempted to disperse the protestors, resulting in at least eight persons injured. In addition, localised politically related disturbances and clashes between Waddani and Kulmiye party supporters have been reported since Oct 13, particularly in areas of Burao, Togdheer region and Las Anod, Sool. On Oct 19, Waddani party supporters assaulted members of the Kulmiye party as they were opening a new office in Go’daweyne, Togdheer. Also on Oct 22, supporters of Waddani and Kulmiye armed with crude weapons engaged each other at Hass fuel station in Hargeisa.

Assessment Final preparations are ongoing for the Somaliland presidential elections to proceed on Nov 13. The leaders of the three political parties are from three Isaaq sub-clans who have dominated Somaliland political leadership. President Silanyo (Habar Jeclo sub-clan) has served for more than seven and a half years, and the Habar Yonis clan of Waddani’s Irro is keen on securing the presidency. Silanyo’s successor, Muse Bihi, and UCID’s Waraabe hail from the Habar Awal. Smaller clans from Sool, Sanaag and Awdal continue to hold other political positions such as vice presidency and parliamentary speaker. All indications suggest that Kulmiye will retain the presidency with Muse Bihi assessed as the likely winner of election with his Habar Awal sub-clan voting as a block together with Silanyo’s Habar Jeclo. Overall, the election campaign has been peaceful, although there have been localised reports of political related clashes.5 Clashes between rival groups of political party supporters are thought to be clan-related. Puntland, a faction of Khatumo, and an emerging political movement known as SSB, that are all pro-Union, have warned against Somaliland political activities in Sool and Sanaag regions, over which they also lay claim due to clan ties. The protests in Badhan were mobilised by the SSB movement. 6 There is evidence of ongoing al-Shabaab