28th March 2024  admin  Category :

Beesha Hawiye Federaalkii ay doonayeen maanta ayeey  heleen. Mar haddii gobolka Banaadir uu maamul goboleed noqday oo uu meel la fadhiyo madaxdii maamul goboleedyada, Adaan Yabaal iyo Cadalena WAY  ay soo socdaaN

Madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu ku dhawaaqay muddo aan fogayn inay wada tashi isugu yimaadaan Dawlad Dhexe iyo Dawlad Goboleedyadu 28/10/2017 si looga wada hadlo arrimo loo arko inay xasaasi yihiin oo wada tashi u baahan.

3

Sida la ogsoon yahay Dawlada Dhexe raali kama ahayn qabsoomida shirkii wada-tashiga ee Dawlad Goboleedyada ee ka dhacay Kismaayo, Magaalo madaxda KMG ah ee Jubbaland, in kasta oo uu wadatashigoodu ahaa mid distuurka Soomaaliyeed u ogol yahay. Shirkaas ayaana sida la sheegay sabab u ahaa in madaxweynuhu codsado wadatashiga.

 

Sida soo baxday madaxweynuhu wuxuu ku amray labada gole ee Baarlamaanka in aanay ka qaybgelin shirkaas. Amarkaasi wuxuu  meel ka dhac ku ahaa jiritaanka iyo awooda labada Aqal, wadankuna waxaad moodaa inuu usii xuubsiibanayo nadaam keligii talis ah (Dictatorial System) halkii uu ka noqon lahaa Nadaam Baarlamaani ah (Parliamentarian System) kaas oo Baarlamaanku awooda sarre leeyahay.

Waxaabase arrintu ka sii dartay markii shirkii la isugu yimid 29kii bisha uu madaxweynuhu soo fariisiyey shirkii lagu casumay Madaxweynayaasha Dawlad Goboleedyada Gudoomiyaha Gobolka Benadir oo ah shakhsi magacaabidiisa uu lahaa madaxweynuhu halka madaxweynayaasha Gobolada ay soo doorteen Baarlamaan matalaya Gobola isugu tegey si distuuri ah.

 

Mar labaad taasi waxay meel ka dhac ku ahayd awooda iyo jiritaanka madaxweynayaasha, Baarlamaankooda iyo shacabka oo soo doorta Baarlamaankaas. Waxaana muuqata in madaxweynaha Somalia aad loo cabsiiyey sheekadii Xamar ka socotay oo ahayd Madaxweynayaasha la sheegayaa kama duwana guddoomiyaha Gobolka Banadir. Waxaana muuqata in aanu Madaxweynuhu qadarin dastuurka dalka, awooda baarlamaanada ka dhisan Dawlad Goboleedyada (Dawlad Goboleedyadu waxay ka kooban yihiin gobollo isu tagey kama koobna xaafada isu tegey) iyo isaga madaxweyne ahaan cida uu casumay sida lagu sheegay baaqii madaxweynuhu soo jeediyey ee casumaadu ku soo baxday.

 

Dhinaca Madaxweynayaasha dawlad Goboleedyada dalka masraxa fadhiya waxaad moodaa inay meel isaga tureen nadaamka iyo sharciyada ay shirka ku fadhiyaan.

Gobolka Benadir waa magaalada Muqdisho oo ah Caasimada dalka Soomaaliya, lagu sheegay Dastuurka dalka in xeer gooni ah oo la isku raacsan yahay loo samayn doono, mana ahan Dawlad goboleed saxna ma ahan in laga dhigo dawlad Goboleed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*