Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanada Soomaaliya iyo Sacuudiga

Sucuudigu goormuu doorasho galay oo Baarlamaan yeeshay. Mooshinkii ay lacagta ku qaaan jireen tan ayaa ka daran

Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanada Soomaaliya iyo Sacuudiga oo dhawaan la dhisay ayaa Maanta Doortay Guddoonkooda.

Xildhibaan Cabdulqaadir Sh.Cali Ibraahim #Baqdaadi ayaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga,Guddoomiye kuxigeenka waxaa loo doortay Xil.Raabaca Sh. Nuur iyo Xoghayaha Guddiga oo loo doortay Drs.Xil.Maryan Maxamed Xuseen.

Guddigaan ayaa ka shaqayn doona xoojinta xiriirka ka dhaxeeya Baarlamaanada Soomaaliya iyo Sacuudiga.

https://www.facebook.com/photo.php?fbid=125576864787061&set=pcb.125577448120336&type=3

Ma jiraa Siyaasi Soomaaliyeed oo Masaajid buuxa iyo imaamkooda ay hal mar u wada ilmayn lahaayeen

Ma jiraa Siyaasi Soomaaliyeed oo Masaajid  buuxa iyo imaamkooda ay  hal mar u wada ilmayn lahaayeen

Shalay oo bishu ahayd  Monday , ‎October ‎31, ‎2017, salaadaa Duhur ka dib, markii Imaamka Masaajidka Khaalid Bin waleed ee magaalada Toronto, uu bilabaabay in Bulshada Muslimiinta ah ee salaadda Duhur ku tukatay Masaajidka   uu u  sheego in Maydka Cawad Casharo Masaajidka yaalo oo aynu ku tukanayno. Sheikh Abukar Sh. Hussein, Imaamka Masjidka Khaalid Bin Walid ee Toronto,  markii uu bilaabay magaca Cawad Casharo wuxuu bilaabay oohin kaga wada ilmaysiisay dhamaan Muslimiintii masaajidka ku sugnayd. Sheekha oo  qiiro iyo jacayl uu u qabay Cawad Casharo ka muuqatay,  ayaa cabaar ka dib  Muslimiintii Masaajidka joogtay u sheegay in 30 sano ka hor isaga iyo  dhalinyaro kale oo ku cusubaa dalka canada  inay Allah ha u naxariiste  Cawad Casharo kula kulmeen Masaajidka Jaamac ee magaalada Toronto, uuna  Cawad Casharo siiyey talo ahayd in  Soomaalidii dalka uga soo horaysay oo kharibnayd  iska ilaaliyaan inay la saaxiibaan, oo la saaxiibaan kuwooda fiican isaga oo u sheegay.

Arinta kale oo aad ku ogaan kartaa qofka uu ahaa  Allah u naxariistee Cawad Casharo  . Maalmihii ugu danbaysay noloshiisa ayaa nin oday ah oo jaaliyadda Toronto ka mid ah ayaa waydiiyey su’aal ka mid ahayd dardaarankii oo hayd  .  ” ADIGU CID LACAG MA KU LEEDAHAY” Jawaabtii Marxuumka ayaa waxay noqotay “Dawladihii aan u shaqayn jiray”. Taasina waxay kuu cadaynaysaa in Cawad Casharo Qarankiisa uu Iskaa u qabsio ugu shaqaynayey, isaga oo xitaa Sariir saaran

Wacyi gelinta ururka SSB oo meel fiican maraysa

Ururka Sanaag, sool iyo Bari,  oo marka la soo gaabiyo loo qoro SSB,   ayaa  wacyi gelin ka bilaabay  dhowaan gobolka sanaag,   sida hadda  muuqatana  fariintoodii waxay gaartay dhamaan qaybaha bulahada kala duwan ee  reer Maakhir Fariintaas oo ahayd ” Warsangeli iyo argagixiso kuma wada noolaan karaan gobolka Sanaag”. Taageer SSB Haddi aad doonayso in argagixisada iyo taageerayaashooda laga saaro guud ahaan Soomaaliya

 

Adeer Cawad Casharo kuma ilaawi doono

Magaalada Taariikhiga ee Laasqoray ayuu ku dhashay 73 sano ka hor waxaana maanta lagu aasay  qabuuraha Mavis ee Brampton, Ontario, Canada

Allah ha u naxariistee Cawad Axmed Casharo oo habeenkii Xalay ku geeriyooday Dalka Canada ayaa sanadkii 1944 ku dhashay degmada Laasqoray,  oo markaas hoos tagaysay Saldanadii Warsangeli oo waqtigaas ka talin jirtay degaanadaas.

Sheekh Cawad Casharo, labadiisa waalid Allah ha u naxariistee waxay ka soo kala jeedeen qoysas aad looga yaqaanay Saldanadaas. Aabihii waxa la oran jiray Axmed Casharo, hooyadiisna Xaawo Xusee Saalax  oo la dhalatay Ibraahim Xaaji saalax oo ka mid ahaa Daraawiishta. Ingiriiskuna  uu  aad u raadin jireen inay  nolol ku qabtaan.

Cawad Casharo waxbarashada Quraanka iyo Dugsiga hoose wuxuu ka bilaabay degmada laasqoray. Dugsiga dhexe wuxuu uga baxay Dayaxa, halka uu dugsiga sare uu ku dhamaystay degmada Sheekh. waxbarashada sare wuxuu ku qaatay liibiya iyo Ciraaq.

Cawad Caharo  shaqdiisii ugu  horaysay wuxuu  ka  bilaabay dalka  Soomaaliya sanadkii 1965, waxayna  ahayd  arimaha bulshada iyo diiwaangelinta.

Sanadkii 1968 wuxuu noqday maareeyaha guud ee warshadda Kaluunka Laasqoray. Arimo siyaasadeed oo jiray  ayaa loo xiray waqtigaas. gaar ahaan dhowrkii casho oo ay doorasho socotay wuu xirnaa.

1971 – 74 wuxuu noqday iskuduwaha Xijiga iyo beeyada ee gobolka Bari.

1975 dilkii Culimada ayuu goostay inuu Soomaaliya isaga baxsado, Wafti Carwo ku soo bandhigaysay dalka Masar oo madaxweynuhu hogaaminayey ayuu sii raacay dibna uma soo laaban.

Wuxuu tegay Liibiya iyo Ciraaq. Dalka Ciraaq ayuu kaga mudaharaaday Kacaankii waxaana xabsiga dhigay Saadaam Xuseen.

Sideetameeyadii ayaa dawladda CANADA u soo qaaday dalkeeda. la soco qaybta labaad

 

 

 

Masaajidka Khaalid bini Walid صلاة الجنازة

Allah ha u naxariistee  Adeer Cawad Casharo waxa  Salaadda Janaasada lagu tukanayaa maanta oo bishu tahay ‎Monday, ‎October ‎30, ‎2017 Salaada Duhur  iyo Masjidka  khalid bini Walid oo ku yaal  16 Bethridge Rd, Etobicoke, ON

(اللهم اغفر له وارحمه عا فه واعف عنه وأكرم نزله ووسع مدجله واغسله بالماء والتلج والبرد ونقه من الحطا يا كما ينقى الثوب الأبيض ا من الدنس وأبدله دارا خيرا من داره أهلأ جيرا من اهله زوجا خيرا من زوجه وادجله الجنة وأعذه من عذاب القبر ومن عذاب النار)

Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyey geeridii Marxuum Xildhibaan Axmed Cashara

Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyey geeridii Marxuum Xildhibaan Axmed Cashara

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyska, ehelada iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Allah ha u naxariistee, Marxuum Cawad Axmed Cashara oo xalay ku geeriyooday magaalada Toronto.

“Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa aan idinla wadaagayaa tacsidan tiiraanyada leh. Marxuum Xildhibaan Cawad Axmed Cashara waxaa lagu xusuusan doonaa doowrkii wanaagsanaa iyo sida hufanaanta leh ee uu ugu adeegay shacabkiisa.”

Madaxwyne Farmaajo ayaa sheegay in Marxuumka oo ka mid ahaa Barlamaankii dowladdii kumeel gaarka ahayd, uu u soo shaqeeyey dalkiisa xilli adag isaga oo kaalin muhiim ah kulahaa sidii ay Soomaaliya dib ugu soo kaban lahayd.

“Alle ha u naxariisto Xildhibaanka, waxa uu inta ugu badan nolashiisa ku bixiyey ururinta taariikhda Soomaalida, isaga oo ka mid ah dadka sida gaarka ah isugu xilqaamay baarista iyo qorista taariikhdeenna soo jireenka ah.”