Wasiirka qorsheynta XFS oo hortegay Aqalka sare

Wasirika Qorsheynta Magaalgahsiga iyo Horumarinta dhaqaalaha
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa manata hortagay Golaha Aqalka sare ee dalka,Waxaana kulanka golaha aqalka sare shir guddoominayay Guddoomiye ku_xigenka 1 aad abshir maxamed (Abshir buqaari).

Ugu horeen Wasiirka Jamaal Maxamed Xasan, ayaaa munayaasha ugu warbaxiyay qaabk dhismeeka Wasaarada iyo horumarada ay sameysay Wasaarada, sidoo kale waxuuu sharxaad ka siiyay mashaariicda hada ka
socda gobolada dalka,iyo ahmiyada uu u leeyahay qorshaha dalkeena.

Dhanka kale Agaasimaha guud ee Agaasinka Qorsheynta C/qaadir Maxmaed Aadan ayaa Golaha Aqalka Sare sharxaad ka siiyay tiirarka uu ka kooban yahay qorshaha Horumarinta Qaranka,isla markaana dul istaagay  tiir walbo ahmiyada uu u leeyahy Dalka.

Sharaxaadda ka dib ayaa qaar ka mid ah Sanatorada  Aqalka Sare, ayaa su’aalo la xariria shaqada Wasaaradda iyo mashaariicada ka socdadalka, deeqaha lacagaha beesha caalamka ugu talagashay sida loo maamulo,si siman  dalka malooga hirgaliyaa mahsaariicda, dowlad gobaleedyada  muhiiimada gaarka ah ee ugu jira qorshaha Horumarinta qaranka maxay ku saleysan tahay,ayee  waydiiyeen wasiirka Qorsheynta maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha XFS,Mudane jaamal Maxamed Xasan.

Wasiirka Jamaal Maxamed Xasan wax uu soo dhaweyay su’aalaha ay waydiiyeen munayaasha,waxuuna aragti wanaagsan ka siiyay waydiimahooda ku aadan shaqooyinka socda iyo muhiimada Qaranka uu u leeyahay
Qorshaha Horumarinta Qaranka,sidoo kale Wasiirku wuxuu Mudanayaasha ka
codsaday  in ay u wada istaagan  sidii dalka  khayraadkiisa looga faa’iideysan lahaa.

Guddoomiye ku_xigeenka 1-aad ee Golaha Aqalka Sare  Abshir Maxamed(Abshir Buqaari)ayaa bogaadiyay howlaha  dalka u hayaan Wasaaradda Qorsheynta qaranka, isagoo u mahadceliyay sida wanaagsan ay xubnaha Aqalka sare ay ugu sharaxeen  howlaha kala duwan ee dalka ka socda.

 

Sawir ay iska qaadayeen iyo dhimashada saaxiibkood

127 qof oo ay dhimashadoodu sababtay sawir ay iskaga  qaadayeen telofonada  baaritaan la sameeyey intii u dhaxaysay March 2014 iyo September 2016, 76 qof oo ka mid ah waxay ka soo jeedeen dalka Indiya.

Todobaadkan  arday ku dabaal dagaysay   magaalada Hanuman ee u jirta 30km magaalada Bangalore ee goblka Karnataka , India, ayaa dhalinyaradii waxay bilaabeen inay sawiro iska qaadaan telefoonada  iyaga oo dabaal degaya oo ku dabaalanaya webbi magaaladaas mara

Sawiraada ay iska qaadayeen , mid ka mid waxa ka muuqda oo aad sii arkaysaa  saaxiibkood Vishwas G, oo madaxa qura  muuqdo, isaga  oo sii degaya. Sadex saac ka dib ayaa  laga soo saaray maydkiisa  webiga  webbigii ay ku dabaalanayeen

The photo shows a student drowning in the pond during a selfie

Qalbi dhagax oo la dhiibay ma masiibo qaran ayeey noqotay?

Qalbi dhagax oo la dhiibay, Siyaasiyiinta Hawiye waxay Soomaali uga dhigeen masiibo Qaran oo Soomaali ku habsatay . Kuwii Soomaali kala goynayey ee SNM  waxay ugu hambalyeeyeen sida ay wax u wadaan, hoostana waa kala jiraan . Ninkii Duhurka cad Muqdisho ku toogtay wasiirka Waxay leeyihiin yaan sharciga la marsiin. Jeesoow, Yariisoow, Yalaxoow, Odowaa, Cariif iyo Caaraaye, haddii Soomaali iyo beesha uu k soo jeedo Qalbi dhagax ay jecel yihiin webiga Shabeele ee mara  degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan  isuma bedelaan guduud markii Maydka qaxootiga Ogaadeen lagu gurayey 1991. Kuwa maanta Qalbi dhagax u doodaya waa kuwii shalay lahaa Soomaaliya iyo Jubbaland  waa lagu soo duulay, waa kuwii diidanaa dhalashada Soomaalinimada. Waa kuwa mar labaad samayn lahaa wixii ay sameeyeen markii ay ahaayeen USC, Maxaakliimta, Muqaawimada, alshbaabka, Alu Shiikha iyo Damul jadiin

Go’aamadii Shirkii 1992 ee Hadaaftimo ee Warsangeli.

{Allsanaag} Reer Maakhir Shirkoodii ka dhacay magaalada Hadaaftimo intii u dhaxaysay 27/09/1992 ilaa 30/09/92, ee uu gudoominayey Alla ha u naxiirstee Suldaan Cabdisalaan, waxay ka soo saareen go’aamo cad oo ay maamul ku sameysteen iyagoo ka hortagayey sheegashadii Isaqland. Si taa loo adkeeyo waxa Gudoonka Suldaanka iyo Ardaaga Odayaasha Warsangeli isla gaareen xilligaa in deegaanka Maakhir lagu soo rogo xaalad degdega.

Wuxuu ahaa shir lagu caddeeyey in Reer Maakhir aaney marna ka mid ahayn “Isaqland” oo inta dawlad Soomaaliyeed dhalaneyso ay ku sii hoos jirayaan maamulkooda. Iyagoo Reer Maakhir sidaa adag u diidan in Isaqland in dhulkooda sheegtaan ayey markii dambe waxay wax ka aasaaseen Maamulka Puntland oo ka mid noqdeen. Hadda Reer Maakhir waa Reer Puntland. Siday 1990s, iyadoo Puntland aaney jirin, ay Reer Maakhir mar kasta uga mideysnaayeen ka hortaga Isaqland ayey haddana, iyagoo garab adag oo Puntland ah ka mida oo ku tiirsan, uga mideysan yihiin ka hortaga Isaqland. Reer Maakhir kuma dhici doonaan oo waa og yihiin siyaasada munaafaqadeysan iyo debinka maleegan oo Isaqland dhigayaan oo ah iney dab, is-nacayb , kala-fogeyn iyo isku-dir ka dhex abuuraan Reer Maakhir dhexdooda ama Reer Maakhir iyo Puntland inteeda kale si ay Reer Maakhir iyagoo dhexdooda is-haya ama cidla taagan oo Puntland ka baxay ay markaa weerar ugu soo qaadaan.

Qodobadii “Shir Guuleed” ee 1992 waa kuwa halka hoos ku qoran. Suldaanka Guud, Alla ha u naxiriistee Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Suldaan Cali-Shire iyo dhamaan Cuqaasha Warsangeli ayaa saxiixday.

Kuwa fara ku tiriska ah ee u dhashay Warsangeli ee Isaqland dantooda u tagay waxay ka hor imanayaan go’aamadan Warsangeli. Kuwaasi waxay kaloo ka horimanayeen go’aamadii Warsangeli  kaga mid noqdeen Puntland. Shakhsiyaadkaas Hargeisa tegay iyagaa dantooda u shaqa tagay. Haddii ay maamulka Hargeysa ku daneystaan oo beenta Maakhir baanu metelaa wax kaga cunaan waa mid tilmaameysa fiira yarida maamulka Isaqland. Laakiin adduunka iyo Soomaalidu waa iney ogaadaan dhawrkaa shakhsi inaaney marna metelin REER MAAKHIR. Warsangeli midnimada Soomaaliyeed bay u taagan yihiin iyagoo ka mida xilligan Puntland.

Nacabkaygaan aragnay

Is ilaaliyaan baranay

Aayaha dhulkaan fahamnay

Dad is aaminaan noqonay

Isku uursan baan noqonay

Isku  aaba aan noqonay

Allahayow ….

Dhulkayaga Maakhir

ee Puntland amaankiisa

Nin uu eedo ka ilaali

Islaami soocan baan nahay

Eebooy Allahayow

Adiguna na taageer

Ilaahoow

Awoodayadaan garanay

Imtixaan haddaan ka baxnay

Ikhtiyaarkayagaaan soconay

(Adoonsiga qabiileysiga ee “Isaqland” iyo gardaradooda Reer Maakhir mar kasta waa ka dagaalami doonaan. Ikhtiyaarkooda iyo xornimadooda qabiil “Somaliland” ugu soo gabanaya ma ogolaan doonaan inuu soo fara geliyo. Qof kasta oo miyir qaba oo fekeraya oo Reer Maakhira ama Dhulbahante ah marna ma aha in ay “Puntland” iyo Isaqland is barbardhigaan iyadoo xitaa aynu ognahay iney jirto tabasho iyo saluug Maamulka Puntland laga tirsanayo. Maamulku waa yimaadaa oo waa tagaa. Wixii dadka Puntland soo dhex gala iyagaa wada dhashay oo tola oo ay u taalaa iney xal u raadsadaan laakiin waa gunnimo iyo cawaaqib xumo oo marna ma aha in ay dhacdo in taa darteed “Somaliland=Isaqland” lala simo.  SOOMAALIYA ha noolaato!!! Gooni u goosashada qabiilka, qabyaalada iyo naceybka ku saleysani ha dhacdo!!!)

Go’aamadii Hadaaftimo iyagoo pdf ah halka ka akhriso

Reer Maakhir Sameynta Puntland Ka Hor Kama Mid ahayn Somaliland-Akhrista Shirkii Hadaaftimo ee 1992

Shirkii Hadaaftimo Warsangeli Maakhir 1992

Shirkii Warsangeli 1992 ee Hadaaftimo

3-1992

 

4-1992

 

5-1992

 

1992 Last

 

 

 

Daawo xasuuqii Kalshaale

Imisaa dhiiga umadda Soomaaliyeed Xil iyo lacag lagu raadinayaa

Dawladda Maraykanku ma qaabili doontaa danbiile Dagaal oo xasuuq Isir nacayb ah   ka gaystay gobolada waqooyiga Soomaaliya. Sidoo kale Qurba joogta ka soo jeeda Bulshada dhibkan loo gaystay  ma noqon doonaan kuwo war geliya dawlada Maraykanka in Siilaanyo yahay  hogaamiye gaystay denbiyada ka dhanka ah b’aniaadanimada  kuwooda uga waaweyn sida Xasuuq, Dil, kufsi, barakicin, Ceelasha biyaha oo la dumiyo, xoolaha uu sun la siiyo, dad cibaadaysanaya oo aan dagaalamayn oo la xasuuqo.

Maleeshiyaadka SNM ayaa xasuuq Isir sooc ah u gaystay Shacabka reer Buuhoodle oo ay ku jiraan dumar iyo caruur.

xasuuq

Dawladda Puntland ayaa Saxaafadda u soo bandhigtay Sawirro naxdin leh oo muujinaya dad la laayey oo ay Xasuuq u geysteen Ciidanka Somaliland(SNM) deegaanka Cayn xiligaas oo ay dagaal ku soo qaadeen dadka deegaanka.

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland Eng. Maxamed Faarax Aadan oo Saxaafadda Shir Jaraa’id u qabtay ayaa sheegay in Ciidanka Somaliland(SNM) ay Xasuuq geysteen 26-ka bishii Janaayo ee 2012 uuna ka dhacay Inta u dhaxeysa magaalooyinka Buuhoodle iyo Maygaagle xiligaas oo ay ahayd mar Ciidanku uu dagaal kusoo qaaday Buuhoodle dad Shacab ahna la dagaalameen.

En. Maxamed Faarax Aadan ayaa tilmaamay in Sawirradan ay haleen nin macalin ah oo deegaanka Buuhoodle ah isla mar ahaanta dadka ka muuqda Sawirradda ay yihiin ilaa 19-qof kuwaas oo si naxariis darro ah xabado loogu harqiyey.

Waxaan idin ku yeeray in aan u bandhigo aduunyada iyo inta kale khuseyso tuso xasuuqi 26-kii January 2012-ka ka dhacay inta u dhexeysa magaalada Buuhoodle iyo Maygaagle,xasuuqaas oo ay geysteen maamulka Somaliland Ciidamadooda oo taariikhda dhacay oo aan helnay isagoo dukumiinti muuqaal ah dadkii oo inta tikniko hareeraha laga mariyey la isku keenay deetana baabuurta lagu dejiyey markii ay silceen meel aad u dhow madaxa xabad lagaga jiidayay ilaa 19-qof’…””ayuu yiri.

Dhamaan sawirada hoos aad ku arkaysan  waa dad loo dilay Isirka ay ka soo jeedaan

Waxa uu tibaaxay in ay Jiraan qoys laga helay tuulada Shangalle oo 4-qof ka koobnaa sida Hooyo iyo 4-teeda Carruur ah sida Sawirradda ka muuqata rasaas lala dhacay ama madfac uu ku agdhacay kuwaas oo hadda dhamaantood ay yihiin dhaawac.

Wasiirka ayaa xusay in Caalamka ay usoo bandhigayaan Xasuuqa naxariisa darrada ah ee ay geysteen Ciidanka Somaliland isla markaana dadka ka badbaaday Shaqaaqadaas weli lagaga mamnuucayo in ka Cabaan Ceelashaha biyaha taaoo ah mid bini’aadamnimada ka fog.

Arrintan ayaa noqoneysa markii ugu horeysay oo Dawladda Puntland ayaa Safaaxadda usoo bandhigto dad sidan loo Xasuuqay ilaa haddana ma aysan sheegin talaabada ay ka qaadan doonto iyo sida ay ku qancin kari lahayd dadka dakoodii maalin cad dhibaatada lagula kacay.

Ciidanka Somaliland oo dagaal la galay dadka deegaanka Kalshaale ayaa sida la sheegayo Xasuuqan ka geystay deegaanka,waxana dadka ka hadlay arrimaha gobolada SSC ay ku sheegaan in ficil sameyn la’aanta Puntland ay ugu wacantahay dadka iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda goboladaas oo aan ahayn dad midaysan iyo iyagoo qaarkood ay taageersan yihiin Somalinad.

xasdedr