26th July 2024  admin  Category :

Imisaa dhiiga umadda Soomaaliyeed Xil iyo lacag lagu raadinayaa

Dawladda Maraykanku ma qaabili doontaa danbiile Dagaal oo xasuuq Isir nacayb ah   ka gaystay gobolada waqooyiga Soomaaliya. Sidoo kale Qurba joogta ka soo jeeda Bulshada dhibkan loo gaystay  ma noqon doonaan kuwo war geliya dawlada Maraykanka in Siilaanyo yahay  hogaamiye gaystay denbiyada ka dhanka ah b’aniaadanimada  kuwooda uga waaweyn sida Xasuuq, Dil, kufsi, barakicin, Ceelasha biyaha oo la dumiyo, xoolaha uu sun la siiyo, dad cibaadaysanaya oo aan dagaalamayn oo la xasuuqo.

Maleeshiyaadka SNM ayaa xasuuq Isir sooc ah u gaystay Shacabka reer Buuhoodle oo ay ku jiraan dumar iyo caruur.

xasuuq

Dawladda Puntland ayaa Saxaafadda u soo bandhigtay Sawirro naxdin leh oo muujinaya dad la laayey oo ay Xasuuq u geysteen Ciidanka Somaliland(SNM) deegaanka Cayn xiligaas oo ay dagaal ku soo qaadeen dadka deegaanka.

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland Eng. Maxamed Faarax Aadan oo Saxaafadda Shir Jaraa’id u qabtay ayaa sheegay in Ciidanka Somaliland(SNM) ay Xasuuq geysteen 26-ka bishii Janaayo ee 2012 uuna ka dhacay Inta u dhaxeysa magaalooyinka Buuhoodle iyo Maygaagle xiligaas oo ay ahayd mar Ciidanku uu dagaal kusoo qaaday Buuhoodle dad Shacab ahna la dagaalameen.

En. Maxamed Faarax Aadan ayaa tilmaamay in Sawirradan ay haleen nin macalin ah oo deegaanka Buuhoodle ah isla mar ahaanta dadka ka muuqda Sawirradda ay yihiin ilaa 19-qof kuwaas oo si naxariis darro ah xabado loogu harqiyey.

Waxaan idin ku yeeray in aan u bandhigo aduunyada iyo inta kale khuseyso tuso xasuuqi 26-kii January 2012-ka ka dhacay inta u dhexeysa magaalada Buuhoodle iyo Maygaagle,xasuuqaas oo ay geysteen maamulka Somaliland Ciidamadooda oo taariikhda dhacay oo aan helnay isagoo dukumiinti muuqaal ah dadkii oo inta tikniko hareeraha laga mariyey la isku keenay deetana baabuurta lagu dejiyey markii ay silceen meel aad u dhow madaxa xabad lagaga jiidayay ilaa 19-qof’…””ayuu yiri.

Dhamaan sawirada hoos aad ku arkaysan  waa dad loo dilay Isirka ay ka soo jeedaan

Waxa uu tibaaxay in ay Jiraan qoys laga helay tuulada Shangalle oo 4-qof ka koobnaa sida Hooyo iyo 4-teeda Carruur ah sida Sawirradda ka muuqata rasaas lala dhacay ama madfac uu ku agdhacay kuwaas oo hadda dhamaantood ay yihiin dhaawac.

Wasiirka ayaa xusay in Caalamka ay usoo bandhigayaan Xasuuqa naxariisa darrada ah ee ay geysteen Ciidanka Somaliland isla markaana dadka ka badbaaday Shaqaaqadaas weli lagaga mamnuucayo in ka Cabaan Ceelashaha biyaha taaoo ah mid bini’aadamnimada ka fog.

Arrintan ayaa noqoneysa markii ugu horeysay oo Dawladda Puntland ayaa Safaaxadda usoo bandhigto dad sidan loo Xasuuqay ilaa haddana ma aysan sheegin talaabada ay ka qaadan doonto iyo sida ay ku qancin kari lahayd dadka dakoodii maalin cad dhibaatada lagula kacay.

Ciidanka Somaliland oo dagaal la galay dadka deegaanka Kalshaale ayaa sida la sheegayo Xasuuqan ka geystay deegaanka,waxana dadka ka hadlay arrimaha gobolada SSC ay ku sheegaan in ficil sameyn la’aanta Puntland ay ugu wacantahay dadka iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda goboladaas oo aan ahayn dad midaysan iyo iyagoo qaarkood ay taageersan yihiin Somalinad.

xasdedr

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*