Ciidamada Puntland oo soo geba-gebeeyey hawlgalkii ka dhanka ahaa Dadqalatooyinka

Ciidamada Puntland oo soo geba-gebeeyey hawlgalkii ka dhanka ahaa Dadqalatooyinka

War kasoo baxay taliska ciidanka Amniga Puntland ee (PSF) oo ay weheliyaan ciidamada Badda Puntland (PMPF) iyo ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa soo geba-gebeeyey hawlgallo dagaal oo ka dhan ah ururka Daacish oo afartii maalmood ee la soo dhaafay ka socday  Buuraha Cal Miskaat ee Gobolka Bari, gaar ahaan aagga deegaanada Canjeel, Dhaadaar, Dhasaan, Buq, Toox iyo Bohol ee u dhexeeya Balidhidin iyo Qandala.

Hawlgalkan ciidamada Puntland ka fuliyeen deegaano ka tirsan bariga fog ee Puntland ayaa bartilmaameedkoodu ahaa sidii looga sifeyn lahaa kooxda Daacish deegaanada ay kaga dhuumaalaysanayaan buuraha Cal Miskaat ee Gobolka Bari.

Warbixin kasoo baxday xafiiska ciidanka PSF ee Puntland ayaa lagu yiri “Argagixisadu isma qarin karayaan, ciidamada Puntland na way sii wadi doonaan hawlgallada ay dhulka Puntland kaga xoraynayaan cadowga ku soo duulay , waxaana ka go’an ciidamada difaaca Puntland in ay argagixisada u diidaan in aysa helin goobo ay ku badbaadaan”.

Warbixinta ayaa lagu sheegay intii uu socday hawlgalku in maleeshiyaad ka tirsan Ururka Daacish looga saarey goobo ay kaga dhuumaalaysanayeen deegaano hoostaga degmada Qandala,islamarkaana ciidamadu gubeen godad raashin ugu kaydsana, halka ay burburiyeen saldhigyo kooxdaasi ku lahayd Aaga hawlgalku ka socday, sidoo kalena la qabtey qalab ay ku samaysan jireen walxaha qarxa.
Daawo sawirrada
1

2

3

4

5

7

8

9

10

Soomaali sidan ma ku sii wada joogi doonaan?

Maxaa dhici lahaa haddii Ra’isul wasaare ku xigeenka dalka  Spain Mrs. Soraya Sáenz de Santamaría,  inta ay warbaahinta soo hor istaagto ay u hambalyeen lahayd Carles Puigdemont, oo ahaa hogaamiyihii Beesha Catalan ee sida beesha Isaaq ku  dhawaaqday inay  Spain inteeda kale ka go’een. Hal saac xilka ma sii hayseen.  Maanta Ra’isu wasaare ku xigeenkii  Soomaaliya ayaa u hambalyeeyna nin gacmihiisa dhiig ku leh oo doonaya inuu Soomaaliya kala qaybiyo. Ma jiro siyaasi, xildhibaan iyo “wadniyiintii reer Muqdisho”  ee aadka uga xumaaday  dhiibidii Qalbi  dhagax loo dhiibay Itoobiya  oo arintan Soomaali lagu kal qaybinayo ka hadlay

https://youtu.be/cpKduywpK8M

https://youtu.be/ba4TrZ8loKg

ISAQLAND’s plan toward NON-ISAQ Clans

“Akhri Qorshaha Dabargoynta ee SNM ama Isaaqu Dadka aan Isaaqa ahayn u dejiyeen 1991.”

Si’aan usoo bandhigno fidinta halgankii hubaysnaa ee dheeraa,iyo khidadihii kaasi oo aynu ku guulaysaney xoraynta gobolada waqooyiga Soomaaliya, oo aan gacanta ku dhigney guusheenii u danbeysey.waxaa lagama maarmaan ah in aynu sameysano weji cusub kaasi oo ah siyaasadeena cusub.

Sidaa darraadeed si loo dejiyo qorshaha iyo nidaamka siyaasadeena cusub ee leh baaxada sidaasi u balaadhan. Shir aan caadi ahayn ayaa waxaa qabtay gudiga amaanka (SNM) Oo uu gudoominayo gudoomiyaha jabhada C/raxmaan Axmed Cali. Shirkan waxaan kaga hadalnay marxaladihii kala gedisnaa ee uu soomaray halgankeenu, taasi oo ay saldhig u tahay in aynu qaabaysano siyaasad cusub oo aynu udejisano geyigan.

Waxaan dhamaanteen ka warqabna xaqiiqda,in dadka aan ahayn Isaaq ee inala degan gobolada waqooyi,kuwaasoo ka dhego xidhnaa dhiigii daadanayey ee xukunkii Siyaad Barre, halgankan waxaynu ku luminay dad badan kuwaasoo aan la ilaawi karin oo weli baaqi ku ah xasuusteena, ayna xusi doonto taariikhdu.
Si looga hortago oo loo hubiyo mustaqbalka dadka lidiga inagu ah ee aan ahayn isaaqa (Warsangeli,Dhulbahante,Gudabuursi) ). Hada waxaynu haysanaa fursad ah baahi aynu u qabno in aynu ka dhigno waqooyiga Soomaaliya gebi ahaantiis dhul ay ka taliyaan Reer Shiikh Isxaaq oo keliya.

Sidaasi daraadeed si’aynu ugu guulaysano hadafkeena cad iyo ujeedooyinka kuwaasi oo umidho dhali doona jiilasha cusub, waxaanu dejisanay shuruudahan iyo qodoban oo ah kuwo aan la baal mari karin.

(1). Gebi ahaanba in hubka laga dhigo oo laga dheereeyo qabiilada aan ahayn Isaaq ee inala dega waqooyiga Soomaaliya. Kuwaasi oo hadii kale joojinaya,caqabadna ku noqon kara ujeedada iyo doonisteeda ah in aynu guud ahaan xukuno dhulkaasi oo idil.

(2). In aan burburino dhaqaalaha iyo Horumarka dhamaan dadka aan ahayn qabiilka Isaaq ee gobolka degan, si aanay awood ugu yeelan taasi oo ah awood maamul iyo mid ciidan.

(3). In aan yeelano sir qabiil oo inoo gaar ah,iyo ciidan sirdoon ah oo soo ururiya xogta iyo mawqifka cadowgeenu higsanayaan, iyo dhamaan dhaqdhaqaaq iyo xarakaadka ay samaynayaan dadka aan isaaqa aheyn ee inala degan gobolada Waqooyi.

(4). In aynu ugu talo galno cad quudheed aan muuqan,dadka aan aheyn Isaaqa ee xukuumadeena hoos iman doona iyo golaha wasiirada taasi oo si dhaqkhso ah loo dejiyo.
Tani oo ay ujeedadoodu tahay si hoos loogu dhigo dadkaasi, boosaaskooda dastuuriga ahna ay buuxiyaan dadkeenu.

(5). In loo dhiibo xilalka ciidanka xubnaha Firfircoon ee SNM, si maamulku uusan gacanteena udhaafin, sidoo kale in ciidamo dalriix ah la dulgeeyo dhamaan dhulka ay degaan beelaha aan ahayn Reer Shiikh Isxaaq, si waxwalba oo aynu doonayno ay u hirgalaan loolana socdo xarakaadkooda.

(6). In si joogto ah loo argagax geliyo laguna abuuro cabsi, qabiilada aan ahayn Isaaqa, si dhulkooda aan udegno oo u qabsano, aynuna u balaadhino dhulka Reer Shiikh Isxaaq.

(7). In aynu u ololeyno abuuritaanka borobogaandooyin iyo hawlo been abuur, kuwaasi oo ujeedadoo ay tahay in aynu ka hortagno in ay waxfahmaan oo yeeshaan isbaahaysi qabiilada aan ahayn Isaaqa kuwaasi oo ah, Warsangeli,Dhulbahante, oo ah dhinac iyo dhinaca kale, Gudabiirsey iyo Ciise.

(8). In aan ku wacyigalino dunida kuna fidino fikrada dadweynaha in SNM ay hoostimaado nabada iyo amniga waqooyiga Soomaaliya, Micnaha (In aynaan ka guurin SNM e u guurno qaab dawladeed dadkana ka dhaadhicino in aynu nahay Dawlad inagoo ku dhaqmayno nidaam hoosaadkeena SNM).

Gebagebadii, si aynu ugu guulaysano hirgelinta iyo dhameystirka ujeedooyinkeena aynu soo xusnay ee gundhiga u ah halgankeena. Waxaa lagama maar maan ah in aynu ka dhaadhicino oo ku hirgelino siyaasad qabow oo ay weheliso khayaano iyo dhagrid ku wajahan dadka aan aheyn Isaaqa ee inala degan waqooyiga.inagoo ku dibaaqeyna maahmaahda Soomaaliyeed ee ah : “Dhib iyo Rafaad geli dabadeedna Dil”.

14. March. 1991

Sawirka maanta

Waa wada iyaga. waa wada Isaaq. Hadana waxaad  dhowaan arki doontaa   “Suldaankaaga” oo boorsooyinka xir xirtay oo leh waxaan ka qayb gelayaa Caleemo saarka Gacan ku dhiiglaha ay Beelaha Isaaq u  doorteen in uu “iyaga hogaamiyo”. Khudbadiisii u horaysana  ku sheegay in beesha Isaaq ay hal codow leeyihiin. Codowgaasuna uuna ahayn   Irir iyo Itoobiyaan

Gaas oo Kulan La Yeeshay Qaar kamid Ah Wasiirada Dalka Ethiopia

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed iyo weftigii uu hogaaminayey ee hawlaha shaqo u joogey dalka Ethiopia ayaa maanta gelinkii danbe 22 Nov 2017 kulan kula yeeshay magaalada Addis Ababa qaar kamid ah Wasiirada Wasaaraddaha dalka Ethiopia, kuwaas oo kala ahaa Wasiirka Ganacsiga Mr. Bekele Bulado,Wasiirka  Customka iyo Xuduudaha iyo Wasiirka Canshuuraha iyo Ganacsiga Mr. Molges Balga G/Medhin.

Kulanka Madaxweynaha iyo Wasiirada dalka Ethiopia ay  wada qaateen ayaa waxa ay kaga wada hadleen arrimo la xidhiidha furitaanka Custom-ka xuduudda Puntland iyo Ethiopia ee Tuur-dibi, kaas oo dhowaan la dhamaystiray dhismihiisa, Custom-kaas oo ka kooban xafiisyada Laamaha Socdaalka, xafiisyada Boolis ka ,iyo xadiisyada cashuuraadka.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa cadeeyey in dawladda Puntland diyaar u tahay furitaanka custom ka Tuur-dibi iyo dardargelinta shaqadiisaba, kaas oo laga hirgeliyey xuduudda u dhexaysa Puntland iyo Ethiopia, waxaana uu Madaxweynuhu tilmaamay in Customku halbeeg u noqon doono wada shaqaynta wanaagsan ee ka dhexaysa labada dhinac taas oo ku salaysan ganacsiga, amaan iyo siyaasadda xuduudaha Soomaaliya iyo Ethiopia gaar ahaan xuduudaha Puntland laleedahay Ethiopia.

Dhinaca kale Wasiirada dalka Ethiopia ee uu Madaxweynuhu layeeshay kulanka ayaa waxa ay sheegeen inay diyaar u yihiin dhankooda inay fuliyaan soo jeedinta Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia Mr. Haile-Mariam Desaglen taas oo ku aadan furitaanka Customka tuurdibi maadaama la dhamaystiray, Wasiirada ayaa cadeeyey in dhowaan u soo diridoonaan wefti furitaanka custom kaasi,  Waftigaasi oo ka socda dhammaan laamaha ku shaqada leh dardargelinta hawlaha shaqo ee custom-ka.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigiisa ku sugan magaalada Addis-Ababa ee caasimada dalkaasi Ethiopia ayaa waxaa weli u socda kulamo ay la leeyihiin madaxda ugu saraysa dalkaasi Ethiopia.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.     

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Dawladda Puntland oo Si Diiran loo lagu soo Dhoweeyey Degmada Badhan.

Agaasimaha Warfafinta, Wacyigelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Abdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta 22 Nov 2017 safar shaqo ku gaadhey degmada Badhan ee gobolka Sanaag, halkaasi si diiran loogu soo dhoweeyey Agaasimaha iyo weftigiisaba.

Agaasime Abwaan Abdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl iyo weftigiisa ayaa waxaa degmada Badhan ee gobolka Sanaag kusoo dhoweeyey Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Ismaaciil Jaamac Ciyoon, Duqa degmada Badhan Cabdirisaaq Axmed Ciise, Isu-duwayaasha gobolka ee Wasaaraddaha Waxbarashada, Caafimaadka, Degaanka, Haaweenka, Xanaanada Xoolaha iyo caddaaladda, taliyaha Booslika gobolka Sanaag iyo qaar kamid ah shacabka magaaladaasi.

kahor inta aanay soo gaadhin weftiga uu hormuudka u ahaa Agaasimaha Warfafinta, Wacyigelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Abdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa waxa ay soo kormeereen dhismaha wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo taas oo dhismeheedu u jiro wax ka yar 20Km magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag.

Agaasime Abwaan Abdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa ugu horayn shacabka magaalada  Badhan iyo masuuliyiinta gobolka iyo degmada uga mahadnaqay soo dhoweynta diiran ee ay ku qaabileen isaga iyo weftigiisa , waxaana uu tilmaamay Agaasimuhu in todobaad kahor uu gobolka u yimid hawlo shaqo xiligaas oo ay isku day faragelin la damacsanaayeen gobolka  maamulka Soomaaliland .

Sidoo kale Abwaan Abdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl oo ka hadlay muhiimadda safarkiisa ayaa sheegay in dhowaan xukuumadda dawladda Puntland ee uu hogaaminayo Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas gobolka ka hirgelindoonaan todoba saldhig kuwaas oo dhismohooda laga dhagax dhigidoono todoba magaalo oo kamida gobolka, isla markaana Afartii ugu horeeyey maalinimada berrito uu dhagax dhigi doono Agaasimuhu iyo sidoo kale sadax magaalo oo iyana kamida gobolka ayaa laga hirgelindoonaa ‘MCH’ goob Hooyada iyo Dhalaanka ah.

“Maanta waxaan idiinku bushaaraynayaa inaan idiin wadno oo xafiiska Madaxweynuhu ka fulin doono gobolka todoba saldhig, kuwaas oo laga fulindoono todoba magaalo oo kamidda gobolka oo afartii ugu horeeyey berrito aan dhagax dhigidoono dhismohooda, sidoo kale sadex goobood oo Hooyada iyo Dhalaanka lagu xanaanayndoono iyana laga samayn doono sadex magaalo oo kamid ah gobolka” ayuu yiri Agaasime Abwaan Abdirashiid Yuusug Jibriil Cawl.

“Laba weji baan ka dhigi doonaa shaqada, midi berri buu bilaabmayaa wuuna dhamaystiran yahay qorshihiisu, muddo kooban oo kayar 45 cisho ayaanu rabnaa inaanu kusoo gebagebayno madaama ay ka dawlad ahaan dhankayaga aan waxba nagu qabyo ahayn, magaalooyinkaas waxaa ugu horeeya Magaalada Hadaaftimo, Yube, Damala-Xagare iyo Xingalool Afartaas qorshaha dhagax dhiggooda waxaanu kusoo afmeeri doonaa muddo afar cisho ah”  ayuu yiri Agaasime Abwaan Abdirashiid Yuusug Jibriil Cawl.

Dhinaca kale Agaasimaha ayaa xusay in magalooyinka wejiga labaad laga hirgelindoono Saldhigyada Booliska ay kala yihiin Carmale, Dawaco iyo Ceelbuh, waxaana iyana qorshaha labaad ku jirta hirgelinta sadex goobood oo ‘MCH’ ah kuwaas oo laga hirgelindoono magaalooyinka Yubbe, Hadaaftimo iyo Dama-laxagare.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Ismaaciil Jaamac Ciyoon iyo duqa degmada Badhan Cabdirisaaq Axmed Ciise ayaa iyana dhankooda xusay in xukuumadda dawladda Puntland ay gobolka kawado kana hirgelisey mashriic  horumarineed kuwaas oo waxtar u leh shacabka gobolka Sanaag iyo guud ahaanba dawladda Puntland, waxaana ay hoosta ka xariiqeen in masriicdaa ay kamid yihiin Waddada Ceel-daahir-Caarigoobo, ceel biyoodyo tiro badan iyo dayactirka garoonka diyaaradaha Magaalada Badhan, isla markaana waxaa ay Madaxweynaha Puntland iyo guud ahaan dawladda Puntlandba  uga mahad-celinayaan hirgelinta siyaasaddooda ku aadan kaabida gobolada ka fog laamiga.

Ugu danbayn, Agaasimaha Warfafinta, Wacyigelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Abdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa waxa uu kubooriyey guud ahaan shacabka gobolka Sanaag inay gacmaha is qabsaadaan si ay uga gungaadhan wax kasta oo ay ku horumarin karayaan gobolkooda.

Qalabkii Jidka Barakaysan Laamiga lagu dhig lahaa oo la soo gaday

Qalabkii Daamurka lagu dhigi lahaa jidka barakaysa ee Ceel Daahir iyo Ceerigabo ayaa la soo gaday oo jidka ku soo jira

Qalabkii iyo  mashiinadii waaweynaa ee  Wejiga labaad ee jidka barakaysan ee Ceel daahirr ilaa Ceerigaabo   ee  Jayga iyo daamurka isku qasi lahaa oo Jidka kusoo jira.

Sheekh Cali Maxmuud Xasan (Cali  Ceelaayo).  oo kamid ah ma daalayaasha u heellan habeen iyo dharaar hirgelidda iyo taabba galka dhismaha waddada ayaa qalabka ayaa qalabkan soo wada

Sawirka Seid Black.

Sawirka Jama Farah.

Dhowaan ayuu qalabkaani soo gaadhaya Dekedda Bosaso si loo bilaabo wejiga labaad ee waddada isla markaana looga dhigo jid laami ah tayo leh.

Hal-ku-dhiggii Madaxweynaha Puntland ee ahaa “Puntland haysku tashato” wuu taabbo galay

Gaas oo Kulan La yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Ethiopia.

Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hawlo shaqo u jooga dalka Ehiopia ayaa waxa uu maanta gelinkii danbe 21 Nov 2017 kulan kula yeeshay magaalada Addis Ababa Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi Mr. Haile-Mariam Desaglen.

Kulanka uu Madaxweynaha Puntland la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia ayaa waxaa ku wehelinayey Madaxweynaha masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland kuwaas oo qayb ka ahaa weftiga Madaxweyha.

Sawirka Shacabka News.

Madaxweyne dawladda Puntland iyo Ra’iisul Wasaare Haile-Mariam Desaglen ayaa waxa ay kawada hadleen xoojinta xidhiidhka qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya  iyo dalka Ethiopia gaar ahaan Puntland, iskaashiga Ganacsi ee labada dhinac, Amaanka iyo la dagaalanka kooxaha argagixisada ah ee Al-shabaab iyo Daacish.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia ayaa waxa ay kawada hadleen arrimo la xidhiidha xuduudda Puntland iyo dalka Ethiopia gaar ahaan Costume ka Tuur-dibi kaas oo in Muddo ah ay kawada Shaqaynayeen Wasaaradda  Ganacsiga dawladda Puntland Iyo dalka Ethiopia.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xaqiijiyey in Soomaaliya iyo Ethiopia gaar ahaan Puntland ay leeyihiin xidhiidh wanaagsan kaas oo ku qotoma  Ganacsiga, Amaanka iyo Siyaasadda Gobolka, waxaa uu hoosta ka xariiqay Madaxweynuhu in dawladda Puntland guud ahaan iyo gaar ahaanba diyaar u tahay xoojinta xidhiidh kaasi taariikhiga ah ee labada dhinac.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia Mr. Haile-Mariam Desaglen ayaa dhankiisa cadeeyey in ay diyaar u yihiin xoojinta xidhiidhka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Ethiopia gaar ahaan Puntland, waxa uu xusay Ra’iisul Wasaare Haile-Mariam in ay dawladda Puntland mar-walba dhinac taaganyihiin oo ay ka gacan siinayaan soo afjaridda argagixisada Al-shabaab Iyo Daacish.

Ugu danbayn, Madaxweynaha ayaa tusmeeyey in shacabka Soomaaliyeed ka daaleen dhibaatada ay ku hayaan kooxaha argagixisada ah, isagoona Madaxweynuhu sheegay in dawladda Puntland iyo shacabkeeduba had iyo jeer ku foogan yihiin dabar goynta kooxaha tamarta yar ee Al-shabaab iyo Daacish ee ku dhuumaalaysanaya buuraha Bari, Galgala iyo Calmadaw.