16th April 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hawlo shaqo u jooga dalka Ehiopia ayaa waxa uu maanta gelinkii danbe 21 Nov 2017 kulan kula yeeshay magaalada Addis Ababa Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi Mr. Haile-Mariam Desaglen.

Kulanka uu Madaxweynaha Puntland la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia ayaa waxaa ku wehelinayey Madaxweynaha masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland kuwaas oo qayb ka ahaa weftiga Madaxweyha.

Sawirka Shacabka News.

Madaxweyne dawladda Puntland iyo Ra’iisul Wasaare Haile-Mariam Desaglen ayaa waxa ay kawada hadleen xoojinta xidhiidhka qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya  iyo dalka Ethiopia gaar ahaan Puntland, iskaashiga Ganacsi ee labada dhinac, Amaanka iyo la dagaalanka kooxaha argagixisada ah ee Al-shabaab iyo Daacish.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia ayaa waxa ay kawada hadleen arrimo la xidhiidha xuduudda Puntland iyo dalka Ethiopia gaar ahaan Costume ka Tuur-dibi kaas oo in Muddo ah ay kawada Shaqaynayeen Wasaaradda  Ganacsiga dawladda Puntland Iyo dalka Ethiopia.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xaqiijiyey in Soomaaliya iyo Ethiopia gaar ahaan Puntland ay leeyihiin xidhiidh wanaagsan kaas oo ku qotoma  Ganacsiga, Amaanka iyo Siyaasadda Gobolka, waxaa uu hoosta ka xariiqay Madaxweynuhu in dawladda Puntland guud ahaan iyo gaar ahaanba diyaar u tahay xoojinta xidhiidh kaasi taariikhiga ah ee labada dhinac.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia Mr. Haile-Mariam Desaglen ayaa dhankiisa cadeeyey in ay diyaar u yihiin xoojinta xidhiidhka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Ethiopia gaar ahaan Puntland, waxa uu xusay Ra’iisul Wasaare Haile-Mariam in ay dawladda Puntland mar-walba dhinac taaganyihiin oo ay ka gacan siinayaan soo afjaridda argagixisada Al-shabaab Iyo Daacish.

Ugu danbayn, Madaxweynaha ayaa tusmeeyey in shacabka Soomaaliyeed ka daaleen dhibaatada ay ku hayaan kooxaha argagixisada ah, isagoona Madaxweynuhu sheegay in dawladda Puntland iyo shacabkeeduba had iyo jeer ku foogan yihiin dabar goynta kooxaha tamarta yar ee Al-shabaab iyo Daacish ee ku dhuumaalaysanaya buuraha Bari, Galgala iyo Calmadaw.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*