11th December 2024 admin Category :
ldhibaan Ovie Omo-Agege waa ka mooryaansan yahay Mahad Salad iyo Fiqi Mooryaanimada ay Ka sameeyaan Baarlamaanka Soomaaliya
Aqalka sare ee baarlamaanka dalka Negeriya ayaa hadda waxa uu ku jiraa heegankii ugu sareeyey , ka dib markii koox Mooryaan ahi ay soo weerareen Baatlamaanka oo ku jira kalfadhigisii.
Mooryaantan ayaa waxa hogaaminayey Senetor horay shaqada looga joojiyey oo lagu magcaabo Ovie Omo-Agege wuxuuna qaatay Calaamaddii ama dubbihii gaarka u ahaa xildhibaanada aqalka sare ee fadhigoodu yahay Caasimadda Nigeriya ee Abuja.
Dhaqankan waa “khiyaano qaran” oo lagu mutaysan karo dal dalaad sidaa waxa yiri Aliyu Abdullahi, oo ah afhayeenka aqalka sare , wuxuuna ku daray Xildhibaanu wuxuu isku dayey inuu inqilaabo mid ka mid ah laamaha dawladda Federaalka ee Nigeriya