26th July 2024  admin  Category :

Dadqalatooyinkii shalay Soo weeraray gobolka Bari,  oo gaadmada ku dilay Asakartii suuxaranaysay ee reer Puntland , oo halkaa u joogay in   nabad loogu seexdo Boosaaso iyo Badhan.  waxay ka soo wada jeedeen dhamaan beelaha walaalaha ah   ee reer Puntland.

Iyada oo sidaas tahay,  ayaa hadana  dhimashada iyo dhaawaca loo kala badnaa. Beesha Warsangeli ayeey ka soo jeedeen Askartii ,  Dumar iyo caruurtii  ugu badnaa oo halkaa lagu dilay . Sidoo kale dhaawaca manta yaala Cisbitaalada isla beeshaas  ayeey ugu  badan yihiin. Intooda badana waxa la tacaalaya  qaraabaddii iyo maamulka Puntland oo la ogyahay inaanu  dhaqaale badan lahayn .

Hadaba Asakarta naftooda u hurtay difaaca dadkooda iyo degaankooda oo la dagaalamayey nin  ka yimid Koonfurta Soomaaliya oo xiisaynaya inuu dhiig daadiyo isaga oo qoslaya, uma uuna dhiman, naftiisana uma hurin  inuu magac helo  ee wuxuu ilaalinayey oo difaacayey  dhulkii uu  awoowayaashii uu  ka dhaxlay oo Pakistan la doonayo in maanta  loo gacan geliyo.

Askarta  maanta ku soo dhaawacantay  dagaalkaas oo sariiraha Cisbitaalada Pumtland   saaran oo u baahan daryeelka waxay  sugayaan  maaha qoysaskoodii  ee waa gurmad deg deg ah oo loo fidiyo oo lagu badbaadiyo naftooda .

Ugu danbayntii Qurba joogta reer Maakhir oo aanu  ognahay dad iyo dal jecaylkoodu, waxaan ugu  baaqaynaa in sida ugu dhakhsiyaha  badan loogu gurmado Askarta reer Puntland ee dhaawaca ah ee yaala sariiraha cisbitaalada Puntland

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*