28th March 2024  admin  Category :

Weerarkii  Galgala oo ay fulliyeen Argagixisada ayaa ah in laga bixiyo jawaabta ku haboon, jawaabta ku haboona waa ineeysan noqon mid ku eg hanjabaad afka ah. Waxaa xaqiiqa ah, in ay jirtay habacsanaan taas oo u suurta gellisay ineey nimankan gaadmadooda u suurta gasho.

Maanta dadka Puntland umma baahna in farta la isku fiiq-fiiqo, laakiin waxaa shacabka iyo dawladda labadaba hortaal hawl adag oo ah sidii ay Shayaadiintan dadka iyo dalka ku soo duushay looga sifeen lahaa deeggaanada Puntland.

Waa inaan loo arxamin nimankaan ha noqdeen kuwo ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya, ama kuwo Hargeeysa ka yimid iyo welliba kuwa deeggaanada u dhasashay intaba, waana in shariciyo cad cad oo ku wajahan nimankaas la abuuraa.

Teeda kalle, nimankan shayaadiinta ah waxeey ku dhuumaaleesanayaan laba dhinac ee kalla ah dhanka Qandala iyo dhinaca Galgala; in nimankaas hadba meesheey doonaan ay u gooshaan waxaa mas’uuliyadeeda koowaad iska leh qabiilada deggan dhulkaas. Maantana haddii aysan u istaagin qabiiladaas sidii looga saarihi lahaa shayaadiintaas meesha, waxaa iman doonta xilli laga shalaayo. Mas’uuliyada labaad waxaa iska leh eeda dawladda Puntland oo aan la iman dariiqii lagu soo afjari lahaa argagixisada.

Hadaba, dawladda Puntland waa ineey la timaadaa hab ka duggan kii horay loogula dagaalamayey nimankaas arxan laawayaasha ah oo ay ka mid tahay:

In qabiilada deegaanka deggan iyo shacabkooda la baraarujiyo;

In buuraha ay ku dhuumaaleesanayaan loogu gallaa;

In dadka la shaqeeya la ugaarsado;

In la billaabo in taleefanada dadka laga shakiyo la dhageesto;

In la soo iibsado darooniska wax basaasa oo ku kacaya qiimo aad u yar;

In ciidanka kuwooda looga shakiyo ineey nimankaa la shaqeeya talaabo laga qaado, waana in la iska hubiyaa kuwa cusub ee la qorayo;

Hadaba, balanteenu waa sidii dhulka looga xoreen lahaa nimankaa burcad diimeedka, shayaadiinta, argagixisada, dad qalatooyinka ah.

Gabayadii abwaan Shaakir Daahir Ducaale iyo Guure

Allsanaag.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*