26th July 2024  admin  Category :

Ninka ku dhashay Jarriiban ee loo doortay maayarka magaalo ka tirsan Mareykanka

Golaha Deegaanka ee SeaTac ayaa u doortay Maxamed Cigaal Maayarka magaalada, iyadoo Iris Guzman loo doortay Maayar ku xigeen.

Maxamed Cali Cigaal waxa uu ku dhashay degmada Jarriiban ee gobolka Mudug, horraantii 70-meeyadii, waxbarashadiisa qaybtii hore waxa uu ku qaatay isla Jarriiban isaga oo markii dambe u soo gudbay Xamar, ilaa heer uu jaamacadda Lafoole ka qalin jabiyay.

Shahaadada jaamacadda ee 1aad wuxuu ku qaatay Biology/Agriculture oo uu ka qaatay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, shahaadada Hoggaaminta Sare ee Machadka Hoggaaminta ee Washington, ayuu sidoo kale ka qaatay Tacoma, Washington.

Magaalada SeaTac ee haatan Maxamed loo toortay in uu mayor ka noqdo, waxay leedahay toddoba xubnood oo golaha deegaanka ah oo ay soo doorteen dadka deegaanka, duqa magaalada waxaa loo aqoonsan yahay in uu yahay madaxa magaalada.

Xubnaha golaha deegaanka waa hoggaamiyayaasha iyo siyaasad dejiyeyaasha loo doortay inay matalaan bulshada iyo inay xoogga saaraan arrimaha siyaasadda ee ka jawaabaya baahiyaha iyo rabitaanka dadka deegaanka iyo ganacsatada.

Maayar Cigaal isaga, carruurtiisa iyo kuwa uu awoowaha u yahayba waxa ay ku wada nool yihiin magaalada haatan loo doortay ee SeaTac. Cigaal waxaa uu horay uga shaqeeyay magaalada isaga oo ahaa turjumaan Maxkamadeed oo degmada ah.

Cigaal iyo Iris Guzman
Qoraalka sawirka,Cigaal iyo Iris Guzman

Waxa uu leeyahay in ka badan labaatan sano oo waayo aragnimada maaraynta ah.

Cigaal waa guddoomiyaha guddiga qorshaynta iyo horumarinta dhaqaalaha, xubinna ka ah guddiga seerayaasha iyo madadaalada iyo xubin ka tirsan guddiga la-talinta bulshada ee Xafiiska Sheriff-ka ee degmada King. Sidoo kale waa xubin sharaf leh oo ka tirsan Rotary SeaTac-Tukwila.

Maxamed Cigaal oo BBC-da la hadlay ayaa yiri, “Aniga magaalada La ii doortay ee aan maayorka ka noqday waa magaalada SeaTac Washington, iyadoo goor hore oo kale la’iga guuleystay haddana waan ku guuleystay ugu dambeyn”.

“Magaaladan waa magaalo dadka ku nool boqolkiiba 48% ay yihiin soo galooti ama dad aan ku dhalanin Mareykanka, Waxaa ugu badan dad ka yimid, Ciraaq, Suuriya, Soomaaliya, Itoobiya, Ukraine, iyo dalal kale waana dad inta badan halkan ka shaqeysta, waxaana u sameeyay ballan qaad inta aan la i dooran ayuu yiri”, Cigaal.

Maxamed ayaa sheegay in uu dadka u ballan qaaday in marka ugu horreyso ay u kordhin doonaan xirfadaha ay ku shaqeystaan, sidoo kalana wixii ay ku noolaan lahaayeen muddadaas ay ka bixin doonaan.

Waxaa jirta in Soomaali badan ay ku nool yihiin magaalada loo doortay Maxamed, waxa uu sheegay in dhallinyarada ay ka mid yihiin Soomaalida in ay baraan sida looga faa’iideysto shaqooyinka kale ee dalka laga heli karo sida ku biirista booliska iyo hay’adaha caawiya dadka soo galootiga ah.

“Mustaqbalka waxa aan ku taamayaa in aan helo dhallinyaro Soomaaliyeed oo jaamacadda magaaladan ka soo baxay oo siyaasadda ka shaqeyn kara oo dowladda geli kara, sababtoo ah dhallinyarada badankood hadda kuma baraarugsana, hammigeygu hadda waa in aysan marin dhibaatadii aan soo maray ee aan u fududeeyo”.

Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in Soomaalidu ay aaminaan inay wax badan qabsan karaan haddii ay soo muuqdaan, sidoo kale waxa uu sheegay in ay iska saaraan fikradda ah in la cusuriyeynayo oo ay dadka kale wax la qaybsadaan.

Iris Guzmán
Qoraalka sawirka,Iris Guzmán

Maayar ku xigeenka

Ku xigeenka duqa magaalada ee lagu magacaabo Iris Guzman waa gabar leh hammi sare, waxaana dhalay soo galooti Mexican ah, waxana ay ku dhalatay kuna barbaartay Los angeles.

Waxay kamid ahayd dadka muddada deganaa magaalada SeaTac tan iyo 2007-dii, waxayna waqti badan ku bixisay u adeegida bulshada iyada oo ah Shaqaale bulsho oo ka tirsan dugsiga sare ee Tyee iyo dugsiga dhexe ee Chinook.

Waxay ka shaqeyneysay in ay u hormariso tayada nolosha ee SeaTac, iyada oo diiradda saareysay kuwa aadka u nugul iyo kuwa ay awooddoodu yar tahay. Guzman waxay ahayd guddoomiyaha guddiga madadaalada & Beeraha, waana xubin ka tirsan Guddiga Maamulka & Maaliyadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*