26th July 2024  admin  Category :

Waxa dilay Gang ama budhcad ay Xaaskiisu soo kiraystay

Nin Somali Kenyaati Taksiile ah oo lagu magcaabo Xasan Cabdi Maxamed ayaa maalintii Isniinta waxa dilay Budhcad ay soo kiraysatay Xaaskiisii.

Shan eedaysane ayaa hadda xiran, ka dib markii dilka Xasan oo 33 jir ahaa uu iyaga lugaha la galay

Muuqaal ay Booliisku ka duubeen Budhcadkan waxay ku qirteen inay Tooreeyeen Xasan.

Waxay kaloo qirteen in xaaska Taksiilaha oo ay maxkamad iyada ninkeedu u socotay si ay isu furaan ay iyadu soo kiraysatay

Shantan qof ayaa kala ah Ahmed Hussein,  Ikaran Mohamed Ahmed, Mohamed Abdi, Ahmed Hussein and Mara Bisar.

Xasan iyo Xaaskiisa Muna Aden Yussuf ayaa dacwadda Furniinkoodu waxa uu ka socday Maxkamadda Kadhi ee Nairobi.

Waxay isu hayeen labo Caruur .

Budhcadka ninkan dishay oo shanta ah ayaa ka mid ah budcadka lagu magcaabo SuperPower , oo ah G ang ka howl gala xaafadda ay Soomaalidu degto Nairobi ee Eastleigh.

http://horn24news.com/index.php/post-formats-joomla/standard/item/91-eastleigh-man-killed-by-gang-hired-by-jilted-wife?fbclid=IwAR3WBjp0n29oon78p0qW2XKPWDEoNpg1ilM_fAwTkC7mFadnsP42Ep4Fkk0

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*