26th July 2024  admin  Category :

Xildhibaanka Beesha Leelkase oo sheegay in Somaliland ay Soomaali inteeda kale ka duwan tahay

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshada ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Sadiiq Xirsi warfaa oo ah Xildhibaan laga soo doorto Galdogob, ahna Gacan yaraha madaxweyne Farmaajo , oo maanta marti ku ahaa Barnaamijka Kulanka Todabaadka ee waraahinta Muqdisho ayaa sheegay in barnaamijka Baxnaano uu bilaawday lixdii bishaan islamarkaana uu gaaray 17,666 qoys oo Soomaaliyeed ee Guud ahaan dalka oo lacagtooda loogu shubay teleefonadooda gacanta.

Marshuucaan waxaa ilaa iyo haatan laga fuliyay deegaano ka tirsan Maamulada Jubbaland,Koofur-galbeed iyo Galmudug.

Halka Maamulada Hirshabeelle iyo Puntland ay dhawaan gaari doonaan maadaama ay socdaan qorshahii lagu gaarsiin lahaa ama loo xulan lahaa in dadkii loogu talagalay la gaarssiyo .

Sadiiq Xirsi Warfaa Wasiirka shaqada iyo Arrimaha bulshada ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliland ay ka mid tahay goobaha la geyn doono hase ahaatee ay ka duwan tahay maamulada kala oo si gaar loo qiimeyn doono.

“Soomaaliland waa ka  mid tahay qorshaha in la gaarsiiyo Mashruuca Baxnaano hase ahaatee waa ka duwan tahay Maamul-goboleedyada kale ee dalka waxaana u qiimeyn doono si gaar ah “Sidaas ayuu yiri wasiirka Sadiiq Xirisi warfaa.

Dhowaan ayeey ahayd markii uu wasiir Warfaa uu sheegay in degmooyinka Taleex iyo Xudun ee Gobolka Sool oo ay degto beesha Dhulbahante ay yihiin dhul lagu muran san yahay, halka uu maanta sheegay in Burco iyo Hargaysa ay Soomaali inteeda ka duwan yihiin.

Nidaamka xaaraanta ah 4.5 ayaa sahlan in siyaasiyiinta la midka ah Saadiq Warfaa iyo Farmaajo ay magaca Bulshada gobolada Sool iyo Sanaag ay maanta ku fadhiyaan Dawladda federaalka Soomaaliya. Siyaasi aamisan in laga soo dooran doono Badhan iyo Xudun ma yiraahdeen degaanka uu doorashada ka rabo waa lagu muran san yahay. Laakiinse haddii aad ku joogto magaca Beesha Daarood oo cidina kula xisaabtamayn waxaad doonto ayaad sheegaysaa. Doorashada soo socota ayaa wax badan oo khaldan bedeli doonta ama sixi doonta

Allsanaag.com, news@allsanaag.co

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*