17th July 2026  admin  Category :

Nin Somali ah oo Walaalkiis u Ceejiyey Sabab La Xiriirta Rooti (Sandwich) – Minneapolis

Nin 19 jir ah oo lagu magacaabo Ayub Said Abdirahman ayaa wajahaya dacwad culus (felony) kadib markii booliisku sheegeen inuu ceejiyey walaalkiis intii ay isku qabsadeen cunto, sida ku cad dacwad lagu gudbiyey Maxkamadda Degmada Hennepin.

Sida lagu sheegay dacwadda, booliiska ayaa 25-kii Juun loogu yeeray guri ku yaalla Pleasant Avenue South ee Minneapolis, halkaas oo laba nin ay isku dhacayeen. Markii ay yimaadeen, dhibbanaha ayaa albaabka u furay isagoo qufacaya, mataguna ka muuqdo, isla markaana codsaday gargaar caafimaad.

Dhibbanuhu wuxuu sheegay in muranku bilaabmay markii walaalkiis uu ka codsaday cunto isagoo salaad ku jiray. Markii uu diiday, ayaa la sheegay in eedeysanuhu gadaal kaga yimid oo uu ku qabtay ceejin adag (rear naked choke) muddo ku dhow 30 ilbiriqsi, taas oo dhibbanuhu sheegay inay ku dhowaatay inuu miyir beelo.

Booliisku waxay sidoo kale sheegeen in eedeysanuhu dhowr jeer ka dhuftay dhabarka, gaar ahaan meel uu dhawaan qalliin kaga dhacay, ka hor inta uusan mar kale isku dayin inuu ceejiyo. Dhibbanaha ayaa ugu dambayn ka baxsaday oo wacay 911.

Markii booliisku baareen eedeysanaha si ay u xaqiijiyaan sheegashadiisii ahayd in isagana la ceejiyey, wax dhaawac ah lagama helin. Sidaas darteed, booliisku waxay go’aamiyeen inuu ahaa qofkii weerarka bilaabay, waxaana lagu xiray goobta.

Maalintii xigtay, dhibbanaha ayaa wareysi rasmi ah bixiyey. Baaritaanka CT scan wuxuu muujiyey inuusan jirin dhaawac gudaha ah, balse wuxuu sheegay inuu weli dareemayo xanuun qoorta iyo dhabarka ah.

Ayub Said Abdirahman waxaa lagu soo oogay dacwad culus oo ah weerar qoys oo ceejin ah (felony domestic assault by strangulation). Wuxuu weli ku xiran yahay dammaanad dhan $40,000, waxaana la filayaa inuu maxkamadda kasoo muuqdo 29-ka Juun magaalada Minneapolis.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*